Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 25 March 2012 08:10

Niman Afka soo duubtay oo Dilal ka wada Caasimada

Muqdisho (Keydmedia) - Rag la sheegay in ay ku hubeysnaayeen Bastoolado oo wajiyada soo duubtay ayaa xalay wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Sarta Catarka ee u dhaxeysa Xaafadaha Labo dhagax iyo Baar ubax ee magaalada Muqdisho halka mid kalana ku dhaawaceen halkaasi.

Teaser Image Niman Afka soo duubtay oo Dilal ka wada Caasimada

Labada wiil oo isla socotay ayaa midka dhaawacmay  waxaa loo qaaday Isbitaal sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah Eheladiisa oo aan la xiriirnay.

Macadda sababta ka dambeysa dilka iyo dhaawaca dhalinyaradaani oo la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah, iyadoo goobta ay ka baxsadeen kooxihii falkaasi gaystay.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in nin kale lagu dilay meel aan sidaasi uga fogeen halka uu dilka ka dhacay ee Xaafadda Baar ubax kaasi oo aan la ogayn waxa uu yahay iyo cida dishay.

Maalmihii u dambeeyay waxaa kusoo badanayey xaafadda Baar ubax iyo xaafadaha u dhow dilal qorsheysan oo aan la ogayn cida ka dambeysa kuwaasi oo dowladda oo halkaasi maamusho aysan wali wax ka qaban.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top