Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 8 December 2012 10:26

Qaraxii ka dhacay Islii // Faahfaahin - Warbixin

Nairobi (KON) - Qaraxii Xalay ka dhacay Magaalada Nairobi gaar aaan Xaafada ee Soomaalidu degto ee Islii ayaa waxaa kasoo baxaya Faahfaahin.

Teaser Image Qaraxii ka dhacay Islii // Faahfaahin - Warbixin

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegeen in Dadka ku dhinteen Qaraxaan ey marayaan 3 Qof mesha 15-kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay Albaabka Masjidka Al Hidaaya, markii Salaada Cishaha laha soo baxay, waxaana Dadka Masaajidka ku jiray kamid ahaa Xilibaan Yusuf Xasan Cabdi “Indho-gammuun” oo ahaa Xildhibaan laga soo doorto degmaga Kamakunji ee Magaalda Nairobi.

Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi ayaa Labada Lugood iyo Gacanta Bidixda ah wax kasoo gaaren, waxaana bamka lagu tuuray xildhibaanka isagoo Masaajidka hortiisa dadka uga jawaabayey Su’aalo la xiriira doorashada soo socota ee Kenya.

Dadka dhaawacmay ayaa u badan Soomaali maadaama Masjidka oo ku dhex yaalla xaafada Islii, waana Masjid ay Soomaali kusoo tukadaan.

Nin u eg Dadkaan loo yaqaano "Jookarada" ayaa Qaraxa kahor lagu arkay Agagaarka Masjidka, waxaana taasi Xaqiijiyeen 3 Qof oo Masjidka Albaabkiisa taagnaayeen.

"Qaraxa kahor waxaan Dariiqa ku arkay Nin aan ka shakiyay oo dhoor jeer meesha maray" Ayuu Axmed N. u sheegay Wariyaha KEYDMEDIA ONLINE.

Taliyaha booliska Nairobi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney baaritaan wadaan, laakiin wali cadeyn Dadka ka dambeeyay Qaraxa.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray qaraxyo kala duwan, balse midkaan isaga ah waxaad mooda inuu ka duwanyahay kuwii hore, wuxuuna u muuqdaa mid latuuray, oo markaas uun dhacay, oo uma muuqdo mid meel lagu sii aasay oo qof meel kale kahagayo” ayuu yiri Moses Nyakwama.

Labo Habeen kahor ayee aheyd markii Qarax ey ku dhaawacmeen 9 Qof uu ka dhacay Islii, waxaana Magaalada Nairobi kusoo badanaya ayaantaan Qaraxyada.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top