Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 23 February 2013 08:47

R/Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (KON) Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo sidoo kale xubno ka tirsan Dowladda dalkaasi.

Teaser Image R/Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaaray

 

Markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi si qurux badan ugu soo dhaweeyay wafdi wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Ammaanka wadada xiriirisa garoonka Muqdisho iyo xarunta Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo laamiga dheer ee kasoo baxa garoonka Muqdisho ilaa KM4 lagu dhajiyay marooyin waaweyn oo ay ku xardan yihiin calanka dalka Turkiga iyo sidoo kale kan Soomaaliya.

Masuulkaan ayaa waxaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxda dowlada Soomaaliya, ka dibna wuxuu ka qayb gali doonaa sida la sheegay furitaanka Masaajido iyo waliba xarumo dadka liita lagu quudiyo oo ay dhistay dowlada Turkiga.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top