Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 7 December 2012 11:13

Shariif Xasan oo ku Dhawaaqidoona Maamul-Goboleed!?

Moqadisho (KON) - Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Adan ayaa wada qorshe uu ku dhisayo maamul goboleed ka kooban afar gobol oo kala ah Sh. Hoose, Baay, Bakool iyo Gedo.

Teaser Image Shariif Xasan oo ku Dhawaaqidoona Maamul-Goboleed!?

Shariif Xasan oo ku guuldareystay siyaasadda Federalka ayaa hada u tafo-xeytay inuu dhiso Maamul-Goboleed isagoo adeegsanaya xirfadiisa kala Qeybi oo Xukun.

Sh. Xasan ayaa hada ku sugan magaalada Nairobi, wuxuna halkaas kulamo kula leeyahay qaar ka tirsan qabaa'isha degta goboladaas afarta ah.

Waxaase murugo ah in maamul-goboleedyada Soomaaliya dhamaantood laga soo abaabulo wadamada deriska sida Kenya iyo Itoobiya oo la wada ogyahay inaysan raali ka aheyn Soomaali mideysan inay ka hirgasho wadanka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa lagu xasuusan doonaan shirqoolkii uu u dhigay madaxweynihii hore Sh. Shariif Sh. Axmed oo uu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa doorashada gudoomiyaha baarlamaanka ee hada Jawaari, taasoo dhabar jab ku noqotay Shariif Xasan inuu u tartamo madaxtinimada Soomaaliya.

Wuxuuse ku ciil baxay kadib markii uu balan qaad been ah u sameeyay Sh. Shariif isagoo u balan qaaday inuu siin doono codka dhamaan taageerayaashisa baarlamaanka, laakin nasiib daro uusan ka helin hal cod xataa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho - Wadanka

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top