Soomaali-Al Shabaab oo Radarka Booliska Britan ka baxsaday
London (KON) - Soomaali Al Shabaab in u ka tirsanyahay lagu Eedeyey oo mudo dher lagu raad joogay ayaa si dhagar ah uga baxay Hawada Radarka Booliska Britan.
Ninkan Soomaaligaa oo haysta Dhalasho Dalka Britain ayaa Magaciisa lagu sheegay Ibraahim Meeygaag oo 26 jir ah.
Waxaa lagu sheegay in u ka tirsanyahay Kooxda Shabaab waxaayna Poliska Britan muddo dheer ku hayeeen kormeer iyo dabogal isla markaasna la sheegay in waqtigaan la la’yahay oo la garaneeyn meel uu ku suganyahay iyo sida uu iskaga furay Qalabka Qoobka looga xiray oo loogu talo galay in u illaliyo Dhaqdhaqaaqa.
Ninkan Ibraahim Meeygaag ayaa la sheegey in uu ukicitimay Soomaaliya 2007, markii uu ka soo laabtay ayaa lagu xirey Airaporka Dubai, waxuu jeebka ku sitay 3 Teleefoon oo kuwa Gacanta ah, markii la qabtay ayuu waxuu liqey Warqada ay lambaro ugu qornaayeen waana laga soo Mantajiyey.
Booliiska UK ayaa wali ku Raad Jooga Ibraahiim iyo 50 kalo Soomaali ah lakiin haysta Dhalashada Britan waxaana lagu tuhunsanyahay Dhalinyaradaas in ay ka tirsanyahiin Kooxda Shabaabka.
Keydmedia Online - Xafiiska London
Share this page
More News
- Banaanbax looga soo horjeeday mooshinka xukuumada oo ka dhacay Muqdisho
- UN-ka oo Joojineysa Hawlihii ay ka waday Bari iyo Faroole oo Awaamiir soo rogay
- Warbixin: Xildhibaanadii ka soo horjeeday xukuumada oo ka laabtay mooshinkii ay wadeen
- Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya
- Galmudug oo Cambaareysay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada RW Saacid
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.