Soomaalida South Afrika oo ka cabaneysa Qaabka loola dhaqmo
Nairobi (KON) - Wararka naga soo gaaraya Waddanka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Soomaalida halkaas ku dhaqan ay dhibaato ka haysato dhinaca Ganacsigooda ka gadaal markii Kooxo Bur Cad ah ay weeraro joogta ah ku qaadeen Goobaha Ganacsiga Soomaalida.
Qaar ka mid ah Ganacsatadaas oo war baahinta la soo xiriirtay ayaa sheegay in Rag Bur Cad ah oo ka qawleysta Degaanada Soomaalida ay halkaas ka gaystaan dhibaatooyin isugu jira Dhac dil iyo waliba Gubid ay gubaan Goobaha ganacsi ee Soomaalidu ku leeyihiin Dalka Koofur Afrika.
Dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda koofur Afrika ay is hor taagtay Soomaali dooneysey in dalkaas ay isaga baxaan ka gadaal markii ay sharci adag ay ku soo rogtay Soomaalida dooneysa in ay halkaa isaga baxaan iyadoona ku xidhay baasabooro aan ahayn baasaboorada ay haystaan.
Soomaalida oo haatan qadyaan ka taagan dhibaatooyinka ku haysta Dalkaas ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen in ay halkaas si dhuumaalaysi ah uga baxaan iyagoona inta badan hantidii ay halkaa ku lahaayeen badi xaraashtay.
Soomaalidan ka cabanaysa dhibaatada ay ku hayaan kooxaha Bur cadda Koofur afrika ayaa sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay dalkooda dib ugu laabtaan maadaama dhibaato aan kala go’ lahayn ay ku hayaan Ragga Bur cadda Koofur Afrika ah.
Si kasta ha ahaatee marar hore ayaa Dawladdii ku meel gaarka ahayd ay xukuumadda Dalkaas ay kala hadashay sidii loo ilaalin lahaa Dadka Soomaalida ah ee halkaa ku dhaqan qaxootigana ku ah.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi / Wadanka
Share this page
More News
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
- Madaxweyne Qaybdiid oo la dardaarmay dhalinyarada Galmudug
- Madaxweyne Xasan “Wada shaqaynta Xukuumada iyo Baarlamaanka ayaa guul lagu gaari karaa”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.