Taliyaha Ciidamada Jabuuti oo Waraysi siiyay Keydmedia Online
Keydmedia Exclusive (KON) Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan gobalka Hiiraan ayaa Waraysi gaar ah uu siiyay KEYDMEDIA ONLINE (KON)wuxuu kaga hadlay arimobo badan.
Col. Cusmaan Dubad oo aan ugu horayn wax ka waydiinay tirade Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay yihiin oo kaliya ilaa iyo 1000 (Kun) Askari, kuwaasi oo dhamaantood xiligaan ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ay yihiin ciidamada ugu yar markii loo eego ciidamada kale ee ka socda wadamada Soomaaliya ciidamada ay ka joogaan sida Uganda, Burundi iyo Kenya.
“Ciidamadaan aad ayay u yaryihiin mana kaafin karaan gobalka Hiiraan, waxaana loo baahanyahay ciidamo intaan ka badan, laakiin howshaasi waxay u taalaa saraakiisha iga saraysa”sidaasi waxaa yiri taliyaha ugu sareeya ciidamada Jabuuti.
Cusmaan Dubad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ay bilaabeen in ay tababaraan ciidamo Soomaali ah si ay siga kaashadaan amaanka iyo waliba xasilinta magaalada Baladweyne.
“Ciidamada Jabuuti haatan waxay ku koobanyihiin oo kaliya magaalada Baladweyne, deegaanada kale ee gobalkana waxaa jooga Al-Shabaab, hadaba maxaa ka damacsantihiin meelaha ay joogaan Al-Shabaab, ayaan su aalnay taliyaha ciidamada jabuuti, wuxuuna ku jawaabay.

“waa la gaari karaa meelaha ay joogaan Al-Shabaab laakiin waxaa laga fikirayaa markii laga qabsado tusaalo ahaan Buula-barde waxaa loo baahanyahay ciidan halkaasi lagu dhaafo, waayo hadii aanan la heli, waxba ma hagaagayaan”ayuu yiri Col. Cusmaan.
Taliyaha ciidamada jabuuti ayaa sidoo kale wuxuu sheegay markii laga soo tago xaga amaanka in magaalada ay waxyaabo badan oo kale ay ka qabteen, oo ay ka midyihiin in ay heshiis dhex dhigeen beelo wada daga gobalka oo colaad u dhaxaysay, iyo waliba masuuliyiinta maamulka oo qudhooda isqilaafsanaa.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.