Aan Qiimeyn ku sameyno dagaalka Guriceel

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Inkastoo aan laga adkaan xoogagga Ahlu Sunna Wal Jamaca (ASWJ), isla markaana aan la shaacin heshiis rasmi ah ee ku saabsan joojinta dagaalka, waxaa ilaahey mahadiis ah inuu joogsaday dagaalka lagu hoobtay ee afarta maalmood ka socday Guriceel.

Aan Qiimeyn ku sameyno dagaalka Guriceel

Sheikh Maxamed Shaakir, Madaxa ASWJ, waxaa u soo gurmaday shacbi ka dhiidhiyay gardarrada iyo duulanka Ciidammada DF iyo DGG ee sharcidarrada ahaa. Dadweynaha DGG waxay ka dheregsan yihiin hagardaamooyinka ku hareeradeysan dhismaha DF iyo DGG, siyaasadaha gurracan, boobka, musuqmaasuqa, iyo fawdada hadda socota oo ah waqti lagu jiro doorasho mudadeedii dhaaftay.

Waxaa nasiib darro ah, siyaayiin gaadid iyo hub u soo gadatay inay xoog iyo xaqdarro ku qaataan kuraas xildhibaan ama ka baqayaa in laga dhaco kuraas ay rajo fiican ka qabaan ayaa ku eedeynaya ASWJ inay xoog ku dooneyso xil, kuraas, iyo awood dowladeed, taaso ah labo wajinnimo, calaamada munaafaqanimo iyo marin habaabin dadweynaha tabaaleysan. Wasiirro, Xildhibanno, iyo siyaasin aan u hoggaansaneyn sharciga, daahfurnaanta, iyo la xisaabtanka dowladnimo ayaa doonaya inay cabburiyaan, xoog ku muquuniyaan mucaaradka ay matalayaan ee ka soo horjeeda.

Sida uu qoray Cali Maxamed Wardheere (Cali Yare) oo ka mid ah Kalkaaliyayaasha gaarka ah ee Madaxweynaha muddo dhaafka ah (MMDh) Maxamed Cabdullahi Farmajo, isla markaana ah Ku Xigeenka Siyaasadda iyo Amniga ee Maamulka Gobolka Benadir, Xoogagga ASWJ waxay ku noqdeen saldhigooda Bohol oo ah deegaanka Ciidammada DF iyo kuwa DGG ku weerareen Sheikh Maxamed Shaakir, Madaxa ASWJ.

Dagaalka muddada 4 maalmood socday waxaa ka dhashay khasaaro ballaaran oo wejiyo badan leh. Waxaa ku dhintay dad ka badan 120 qofood, ku dhaawacmay 300 qofood, ku barakaceen 100,000 qofood, lagu burburiyay xarumihii adeegga bulshada sida korontada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, iyo hanti dadweyne oo badan. Ma jiro cid soo qiimeysay baaxadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxaase la qiyaasaya in khasaaraha kor u dhaaafayo 5-8 milyan doolar.

Khasaaraha bani'aadam iyo hanti ka sokow, dagaalku wuxuu dumiyay asaaska dowladnimda Soomaaliya ee ah wadajirka iyo isku kalsoonaanta bulshada, ku dhaqanka dastuurka, sharciga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo xuduuda adeegsiga awoodda ciidan ee dowladda.

Wargelin degdeg ah ee ka soo baxday Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Isuduwidda Arrimaha Bani'aadanimo (OCHA) waxaa lagu sheegay in hay'adayaha gargaarka bani-aadannimo ay diiwan geliyeen xadgudubyo Sharciga Caalamiga ee Bani'aadanimo ( Violations of International Humanitarian Law). Xogta hay'adda OCHA waxay tilmaameysa in dagaalka si xun u saameeyay dhinac walba ee noloshada bulshada deegaanka.

War lagu kalsoon yahay wuxuu sheegaya in MMDh ah Farmajo iyo Madaxweynaha DGG Qorqor ay go'aansadeen la dagaalanka Madaxa ASWJ kaddib markii ay dalka dib ugu soo laabteen, kuna dhawaaqeen inay la dagaalamayaan Al Shabab oo Soomali iyo Ajnabi heshiis ku ahaayeen in lagala dagaallamo. MMDh ah Farmajo iyo Madxweyne Qorqor ma tixgelin inaan la weerari karin muwaadin Soomaaliyeed ilaa uu dambi galo. Waxaa kaloo jira hab looga hortago dhicidda dambi ama xallinta dambi dhacaya sida aftuubka ka baxsan adeegsiga iyo weerarka Ciidammada DF iyo kuwa DGG.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta DGG Axmed Shire Falagle, Xooggagga ASWJ waxay ka baxeen Guriceel kaddib markii Madaxweyne Qorqor siiyay oggolansho ergo isugu jirta Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, iyo ganacsato oo hormud ka ah waanwaanta ka dhex socota labada dhinac. Waxay ilaahey ka baryaya in waanwaanta socota ku dhammaato guul iyo heshiis waara.

Nasiib darro, Madaxweyne Qorqor wuxuu qaatay talada iyo tubta nabadda, ergada, iyo wada hadalka kaddib dagaal lagu guuldareystay oo socday 4 maalmood iyo qaylo dhaanta iyo hanjabaada beesha caalamka oo la fajacday khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, gaar ahaan khasaaraha gaaray ciidammadii DF iyo kuwa DGG ee loogu tala galay la dagaalanka Al Shabab iyo xadgudubyada iskaashiga caalamiga ee dib u dhiska ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya. Taladaas iyo tubtaas waxay miiska saarnaayeen muddo dheer.

Mas'uuliyadda bilowga dagaalkaas waxay dusha ka saaran tahay MMDh Farmajo, Fahad Yaasin, La Taliyaha Amniga MMDh, iyo Madaxweyne Axmed Qorqor iyo siyaasiniinta qaybta weyn ka qaatay bilowga dagaalkaas.

Waxaa muhiim ah Siyaasinta DF iyo DGG ee matasha bulshada iyo deeganka uu saameeyay dagaalka ASWJ inay joogiyaan hadallada hurinaya colaadda, is neceybka, iyo iska hor imaadka, lana dhirrigeliyo wada hadal iyo xal raadin ku dhisan is tixgelin, kala gardaasho, iyo tartan loo siman yahay, ayadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta nabadda, heshiiska iyo midnimada, horumarka, iyo maslaxadda guud ee bulshada.

Xooggagga ASWJ waxaa la gudboon inay taageran dhismaha iyo xoojinta dowladnimda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, kana fogaadaan colaad joogta ah, kana feejignaadan heshiisyo aan meelmar noqon karin iyo hagardaamada Madaxda haysa talada dalka. Soomaaliya waxay ku jirta marxalad ay u afduuban tahay koox buracad dhab ah oo uu hoggaminayo Madaxweyne aan haysan sharciyad madaama uu dhaafay muddo xileedkiisii, fidno wade ah, xishood iyo xilkasnimo wadanninimo ka tagay. Xukuumada Xilgaarsiinta ee RW Maxamed Xussein Roble oo dastuur ahaan mas'uul ka ah dowladnimada Soomaaliya waa suuxsan tahay, lamana yaqaan cudurka haya.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 24 November 2021 12:02

Ugu horreyn waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo in sharciyan macnaha hadalka Xeer Ilaaliyaha MCQS uusan aheyn in eedeysanayaasha NISA ee kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay uusan aheyn inaysan aheyn dambiilayaal (not guilty). Go’aanka  dambiga ma gelin (not guilty) waxaa iska leh Maxkamadda.