Damaca Dhul Fidsiga Kenya waxaa ka daran

Dulmiga, Dibin-daabyada, iyo Dayacaadda DF Soomaaliya

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Inta badan Muwaadiniinta dal kasta waxay la saftaan madaxdooda marka khilaaf ka dhex dhaco dalkooda iyo dal ajnabi ah. Haseyeeshe, Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa ku adag tahay inay la saftaan madaxdooda madaama ay tuhunsan yihiin dacadnimadooda, xilkasnimadooda, iyo hadafkooda.

Dulmiga, Dibin-daabyada, iyo Dayacaadda DF Soomaaliya

Dabeecadda Madaxweyne Farmajo waxaa lagu sifeeyay “Makiyavelism=Machiavelliansim” oo ah “dabeecadda qofka adeegsanaya beenta, khiyaanada, sharcidarrada, labo-wajinninimada, dibindaabyada, brobagandada, jaahwareerinta, damiir la’aanta, nasariis darrada, iyo ka faa’ideysiga taagdarrada si uu u gaaro dantiisa.”

Tuhunkaas wuxuu keenay in Shacabka Soomaliyeed shaki weyn ka qabo eedaha Dowladda Federaalka u jeedineyso dowladda Kenya sababo badan ee lala socdo. Xiriirka diblomasi ee dalalka adduunka waa tub lagu xalliyo colaadaha iyo khilaafaadka, laguna dhaliyo nabadda, iyo wadashaqeynta, iyo isbarashada si loo kala faa’ideysto.

Shaki kuma jiro in dowladda Kenya ay aqoonsan tahay madaxbannanida, midnimada, iyo qarannimada Soomaliya ee ku qoran qodobka toddobaad (7) ee dastuurka kmg madaama ay safiir u soo dirsatay Soomaaliya. Lambarka 3aad ee qodob 7aad ayaa tilmaamaya habka lagu xallinayo khilaafka soohdimaha sida kan badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Go’aammada Golaha Ammaanka ee QM waxaa ku xusan Madaxbannida, midnimada, iyo qarannimada Soomaaliya. Muran soohdis waa fog yahay duullan qarannimo iyo madaxbannaani.

29 Nofember 2020, Xoghayaha Joogtada ee WAD Soomaaliya Maxamed Cali Nur wuxuu Idaacadaha dalka ka sheegay in “Dowladda Soomaaliya u yeertay Safirkeeda u joogay Kenya, isla markaana ku amartay Safiirka Kenya ee Soomaaliya inuu dalkiisa ku noqdo, sabab ladatashi," taaso macnaheedu yahay hakinta xiriirka diblomasi ee labada dal. Xoghayuhu wuxuu ku eedeyay dowladda Kenya inay si bareer ah u soo faragelisay arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan in Dowladda Kenya ku cadaadisay Madaxweyne Axmed Madobe inuu fuliyo Ajendaheeda siyaasadeed, taaso carqaladeysay fulinta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaliya.

Wasiirka WAD Maxamed Abdirizaq Maxamed oo wareysi siiyay Idaacadda VOA wuxuu tabashada dowladda federaalka ku soo koobay in dowladda Kenya ay in muddo ah culeys ku haysay siyaasiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya sababo la xiriira faragelinta doorashada 2020/2021. Wasiirka iyo Xoghayaha Joogtada ee WAD waxay isku raaceen in cabashada DF ku kooban tahay faragelinta arrimaha doorashada.

Kaddib, waxaa shir jaraa’id qabtay Wasiirka Warfaafinta Cosman Abukar Dubbe oo dowladda Kenya ku eedeeyay arrimo tiro badan ay ka mid yihiin:

  1. In Kenya dabajoogto damac iyo riyo mala'waal ah ee ay ku dooneyso dhul Soomaaliyeed;
  2. In Ciidammada Kenya ee jooga Jubbaland oo ka mid ah Ciidammada Afrika aysan ka amar qaadan dowladda Federaalka;
  3. In Ciidammada Kenya ka baxeen ogaal la'aan iyo wadatashi la'aan saldhigyo ay ku lahaayeen Faxfaxdhuun iyo Busaar ee ka tirsan gobolka Gedo, ka bixitaankaasoo shacabka ka soo gaartay dhibaato;
  4. In Kenya ku martigeliso dalkeeda siyaasiyiin Soomaaliyeed ee mucaarad ah, aan ka shaqeyneyn danaha Soomaaliya;
  5. In Kenya ku khasabtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madobe inuu ka noqdo fulinta heshiisyo lagu dhisayo dowladnimda Soomaaliya;
  6. In Kenya burburisay hantida ganacsato Soomaaliyeed sida hantida shirkadaha Isgaarsiinta iyo muwaadiniin kale;
  7. In Kenya dhibtay socotada Soomaaliyeed ee u safarta dalka Kenya, laguna baaro Wajeer.

Wasiir Dubbe ma xusin, mana tixgelin:

  1. In Kenya tahay dal dimoqradi ah oo qofka ajnabia ah leeyahay xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta Kenya leedahay marka laga reebo xaqa codbixinta iyo in mucaaradka Kenya ka soo horjeedo joogitaanka ciidammada Kenya ee ay joogaan Soomaaliya.
  2. In Nairobi joogaan siyaasin iyo taagerayaal baraha bulshada ee Madaxweyne Farmajo, DF siiso dhaqaale, kuwaaso dhalliila, caaya mucaaradka DF Soomaaliya.
  3. In Madaxweynaha, RW, Wasiirro, siyaasiin, iyo shaqaale Soomaaliyeed ay booqashooyin rasmi ah ama kuwo gaar ah ku tagaan dalka kenya ilaa maanta.
  4. In Kenya tahay dal loo tago dano dhaqaale, ganacsi, fasax, qoys, caafimaad, waxbarasho, siyaasad, tabaarro, shirar, iyo maritaan dartood;
  5. In DF joojisay Ganacisga qaadka oo dowladda Kenya deyn weyn ugu jirto;
  6. In 8 Nofember , wafdi ka socda WAD Kenya booqasho ku yimid Muqdishu, laguna heshiiyay in socotada Soomaaliyeed loo sahlo Dal Ku Galka Kenya sida dalalka Ethiopia, Uganda, iyo Tanzania;
  7. In Nairobi joogaan diblomaasiyiinta dalalka iyo ururrada caalamiga ee Soomaaliya ku shaqada leh, isla markaana ay deggan yihiin ganacsato iyo culumo kaalin weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya;
  8. In arrimaha uu sheegay intooda badan ay dhaceen waqti hore;
  9. In Soomaaliya tahay dal xor ah, haseyeeshe aysan ka jirin dowlad hanatay mas’uuliyadda nabadgelyo iyo maamul, kana jiraan ururro argagixiso ah oo adduunka la dagaalamayo. Sidaa darted, Soomaaliya tahay dal lagu dhaqo Qodobka VII ee Axdiga QM oo sheegaya in Golaha Ammaanka ee QM faragelinayo, xoog u adeegsanayo dalka halista ku ah nabadgelyada caalamka;
  10. In Ciidammada Midowga Afrika (AMISOM) oo ciidammada Kenya ay ka mid yihiin ay amar ku qabaan inay la shaqeyaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, una hoggansamaan awaamirta Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, sugaan badbaadada Madaxda dowladda federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada, ilaaliyaan xuquuqda bani’aadam ee shacabka Soomaaliyeed. Madaxda Ciidammada AMISOM waxay joogaan Muqdisho;
  11. In dowladda Federaalka diidan tahay Madaxnimada Axmed Madoobe, lana wareegtay Maamulka Gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland, Golaha Ammaanka ee QM labo jeer faray in la joojiyo faragelinta Jubbaland, lagana soo qaado Ciidammada iyo maamulka DF, kaddibna Madaweyne Farmajo ballanqaaday.
  12. In shacabka iyo dowladda Kenya ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya abaal ballaaran kaddib markii ay burburty dowladdii Soomaaliya 1991.

Nuxurka wuxuu yahay in tabashasda dowladda federaalka ku kooban tahay musuqmaasuqa doorashada 2020/2021 iyo xil ka qaadista Madaxweyne Axmed Madobe oo caqabad ku ah. Waa xilkasnimo xumo in danaha ummadda Soomaaliyeed loo baabi’iyo, loo dayaco dano siyaasadeed, ayadoo la adeegsanayo qabiilnimo, waddanninimo dhalanteed ah, iyo marin habaabin shacbiga. Damaca dhul Fidsiga Kenya waxaa ka daran dulmiga, dibindaabyada,iyo dayacaadda DF Soomaaliya.

Sida ku faahfaahsan dastuurka kmg oo ka kooban 143 qodob iyo 4 lifaaq, Soomaaliya waa dal loo dhisayo dowlad federaal ah. Talada “qaab dhismeedka dowladda cusub” waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, haseyeeshe Beesha Caalamku waxay leedahay talo, waxaana laga doonaya taagero wax ku ool ah. Sidaa awged, Beesha Caalamka waxay ku heshiisay in Shacabka soomaaliyeed lagu taagero dhismaha dowlad karti leh, dhammeystiran, hanata mas’uuliyadda hoggaaminta, nabadgelyada, iyo maamulka dalka oo dhan, hadafkaasoo aan weli far ka qodneyn. Difaaca iyo ilaalinta madaxbannanida, midnimada, iyo ilaalinta danta qaranka waxay ku xiran tahay hirgelinta hadafkaas.

Toban iyo sideed sano (18) oo Soomaaliya dowlad la’aan aheyd, Kenya ma damcin dhulka Soomaaliyeed. 2001 waxaa adduunka ka bilowday ololaha la dagaalanka argagixisada, Soomaaliyana waxay ka mid noqotay dalalkii bartilmaameedka ahaa, taaso keentay faragelinta militari ee Soomaaliya. Ciidammada Ethiopia waxay soo galeen Soomaaliya Maarso 2005, halka Ciidammada Uganda soo galeen Maarso 2007, Ciidammada Burundi Disember 2007. Ciidammada Kenya waxay soo galeen Oktoober 2011. Ujeedada guud ee ay wadaagaan ciidammadaas waa mid, haseyeeshe dal kasta wuxuu la yimid dhaqan u gaar ah.

2014 Soomaaliya iyo Kenya waxay isku afgaran waayeen lahaanshaha dhul badeed (soohdin badeed) Soomaaliya leedahay. Sidaa darted, Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheikh waxay Maxkamadda Caalamka ee Cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwo la xiriirta dhul badeedka Soomaaliya leedahay ee dowladda Kenya ku soo xadgudubtay. Xiriirka Diblomasi ee labada dowladood wuxuu ahaa caadi.

Dowladda Kenya waxay cir iyo dhul u martay in dacwada laga soo celiyo Maxkamadda Caalamka, laguna dhammeeyo wada hadal labada dowladood, haseyeeshe Dowladda Soomaaliya waa diiday. Maxkamaddu waxay diiday is hortaaggi dowladda Kenya ku diiday in Maxkamadda Caalamka gasho dacwada, taaso guul weyn u aheyd Soomaaliya. Qarennadii Soomaaliya waxay kasbadeen ammaan iyo kalsooni.

Kaddib, Maxkamaddu waxay bilowday qaadista dacwadii. 2 Febraayo 2017 ayaa dowladda Kenya lagu amray inay soo gudbiso jawaabta dacwada Soomaaliya. 8 Febraayo 2017 waxaa la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo oo saldhigga ololahiisa doorasho ahaa Magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Dhegeysiga dacwada waxaa la mudeeyay 9-13 Setember 2019 haseyeeshe dhegeysiga dacwada waxaa dib loo dhigay saddex (3) goor. Ballanta ugu dambeysa waxay tahay bisha Maarso 2021. Lama yaqaan maalmaha dhegeysiga.

Muddo afar sano ah Barlamaanka Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo shacabka Soomaaliyeed ma helin xog fiican ee ku saabsan dacwadda badda oo ka baxsan wararka kooban ee Maxkamadda ka soo baxay. Waxaa soo ifbaxay in qarennadii Soomaliya qaarkood ka baxeen dacwada, kalsoonida shacabkana hoos u dhacday. Shacabka Soomaaliyeed waa la socdaa dhaqdhaqaaqa dowladda Kenya ku dooneyso in dacwada laga soo celiyo Maxkamadda, laguna dhammeeyo wada hadal labada dhinac. Gulufka Kenya waxaa loo arka “ku qabso qadimeysidi.” Soomaaliya waxay talo saaratay Ilaahey iyo Maxkamadda Caalamka.

Shirkii Golaha Guud ee QM ee Setember 2019, ayaa Madaxweyne Farmajo qasab ku noqotay inuu caddeeyo mowqifkiisa kaddib markii Madaxweyne Uhuro sheegay in Somaliya iyo Kenya ku heshiiyeen inay khilaafka badda ku dhammeystaan wada hadal labada dhinac. Madaxweyne Farmajo wuxuu sheegay in Soomaaliya ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda. Haseyeeshe markasta waxaa soo baxaya warar iyo dhacdooyin shaki weyn geliyay hadalka Madaxweynaha sida mas’uulka gacanta ku haya galka dacwada. Dacwada badda waxay noqotay arrin mugdi lagu maamulayo.

Waa xaqiiqo in dacwada u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ay abuureyso xiisado siyaasaded sida qulqulateynta ololaha Madaxweyne Farmajo iyo Fahad Yaasin ku doonayaan inay xilka uga qaadaan Madaxweyne Axmed Madoobe si ay u meelmarsadaan danahooda gaar ahaaneed. Ma jirto dan qaran ee ka dambeysa xil ka qaadista Axmed Madobe. Xog la rumeysan karo waxay sheegeysa in Madaxweyne Farmajo kula gorgortamay Madaxweyne Uhuru inuu taagero xil ka qaadista Madaxweyne Axmed Madobe iyo ololaha doorashadiisa si dacwadda badda loo xalliyo doorashada kadddib, taaso Madaxweyne Uhuru diiday.

Kenya waa dal dimoqradi ah oo leh warbaahin xor ah iyo mucaarad firfircon, waxayna u og tahay in gudaha iyo dibeddaba laga cambaareynayo haddii ay ku kacdo xadgudubyo waaweyn. Mucaaradka Kenya waa ka soo horjeeda joogitaanka Ciidammada Kenya ee Soomaaliya. Sidaa darted, Jubbaland waa dhul Soomaaliyeed.

Waa dulmi in Kenya keli ah lagu eedeyo faragelin. Dalalka faragelinta tooska ah ku haya Soomaaliya waxaa ka mid ah Ethiopia, Eritrea, Qadar, iyo midowga Imaraadka Carabta. Warbixinnada adduunka ayaa qoraya. Ujeedada eedeynta Kenya waa xil ka qaadista Madaxwyne Axmed Madobe iyo musuqmaasuqa doorashada 2021.

Dhibaatoyinka ka dhalanaya tallaaboyinka danaha siyasadeed ka dambeeyaan waxay dhaawacayaan danaha Soomaaliya, waxayna carqaladeynayaan nolosha iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Farmajo iskadaa inuu siyaasiinta iyo madaxda mucaaradka Soomaaliyeed la xiriiro, ku qanciyo inay ka wada hadlaan danaha Soomaaliya, wuxuu ku dhaqaaqay inuu cabburiyo, u diido xuquuqda iyo xorriyada dastuurka kmg siinayo, qaarkoodna la weeraro, la dilo dad masaakin ah. Natiijada DF ka cabaneyso waxay ka dhalatay xadgudubkeeda iyo gefafkeeda.

Siyasadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo ee ku tiirsan talada, dhaqaalaha, iyo sirdoonka Qadar, taagerada Ethiopia iyo Eritrea, waxay abuurtay colalad dalal kale iyo nidaam iyo dhaqan dowladeed ka soo horjeeda dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiyada ee ku dhisan wada hadalka iyo xormeynta kaalinta mucaaradka, iyo isla xisaabtanka. Kobaca dhaqankaas waxaa qayb ka qaatay ismoogeysiinta ama taagerada dahson ee Safiirrada Mareykanka iyo Ingiriska, Wakiillada Qarammada Midoobay, Midowga Afrika,, iyo Midowga Yurub ee Geeska Afrika.

Soomaaliya waxay maraysa marxalad ay bilaabmeen qalalaase siyasadeed iyo dagaallo sokeeye, lagana cabsi qabso in magaalada Muqdisho ka dhaco kacdoon shacbi oo kala dhantaalla geedisocodkii nabadda, dib u heshiisinta, iyo dib u dhiska qaranka. Madaxweyne Farmajo ma aqoonsana mucaaradka aan hubeysneyn, siyaasinta madaxbannaan, bulshada ra’yidka, iyo waxgaradka khilaafsan siyaasadiisa, mowfiqyadiisa iyo go’ammadiisa. Badbaadada Soomaaliya waxay jirtaa difaaca dastuurka, xaqiiqada, doorasho xalaal ah oo heshiis lagu yahay, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda muwaadiniinta oo dhan. Hadal kooban, waxaa loo baahan yahay isbeddel dhab ah.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 15 June 2021 4:24

Akhriso Qeybta koowaad ee Qormadda | Qormadaan waxaan doonayaa in aan uga hadlo dhacdooyinka soomaalida qaar ka mid ah iyo sida damaaciga qolooyinka qaar u dhibaataayey daganaha guud ee Bulshada ay leedahay oo hadday weydo ay u marayso jidkasta si ay uu ayada u noqoto kuwa kaliya ee jooga meesha ay doonayaan, waa madaxnimada iyo darajada ugu saraysa ee soomaali ka dhaxaysa,