Falanqeyn Heshiiska Dhuusamareb-3 

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Qormadaan waa falanqeynta heshiiska Dhuusamareb-3 oo dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowladd Gobolleedyadda Galmudug, Koofur Galbed, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir. 

Falanqeyn Heshiiska Dhuusamareb-3 

Inta aanan u gudbin falanqeynta heshiiska dhusamareb-3 ee 19ka Agoosto 2020, waxaan jeclahay inaan akhristayaasha qoraalkan xusuusiyo in Shirkii dhusamareb-1 gooni u ahaa DG-yada Galmudug, Puntland, HirShabelle, Koofur Galabed, iyo Jubbaland si ay u mataanoobaan, una mideeyaan aragtidooda ku saabsan doorashada 2020/2021, waxayna isku raaceen inaysan suura gal aheyn qabashada doorashada halka qof iyo halka cod (HQHC) 2020, loona baahan yahay doorasho heshiis lagu yahay oo aan aheyn HQHC, mowqifkaasoo waafaqsanaa go'aankii Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka (DF). Qof kasta oo waxgarad ah waxaa u caddaa in xalka miiska saaran yahay doorasho dadban oo guud ahaan la mid ah tii 2016. 

Shirka xigay ee dhusamareb-2 wuxuu ahaa shir laba geesood ah ee u dhexeyay dowladda Federaalka iyo DG-yada ka qayb galay shirkii dhusamareb-1. Ku talagalka ujeedada Shirka dhusamareb-2 wuxuu ahaa ka wada hadalka hannaanka doorashada dadban 2020. Ahmiyadda kale ee Shirka waxay aheyd soo nooleeynta isu soo dhawaanshaha iyo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo kala xiriir furtay laga soo bilaabo bishii Juun 2018, taaso curyaamisay dadaalkii loogu jiray dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya sannadaha 2017-2020. 

Madaxweyne Farmajo oo aan marna ka welwelin wada shaqeyn la'aanta DF iyo DG-yada wuxuu oggolaaday inuu ka qayb galo shirka dhusamareb-2 asagoo careysan, kana ciil qaba kulanka iyo go'aammada ka soo baxay Shirka dhusamareb-1, kana go'an tahay inuu kala tuuro isbaheysiga iyo wada tashiga ka dhex unkamay DG-yada.

Markuu diiday go'aankii shirkii dhusamareb-1 oo waafaqsanaa go'aankii Golaha Wasiirrada DF, asagana lagu taageeri waayay doorashada HQHC ee ujeedkeeda yahay waqti kororsi, wuxuu u baahday inuu helo waqti uu wax uga beddelo geedisocodka wada hadalka dhusamareb. Sida darted, wuxuu ku adkeystay in warmurtiyeedka shirka dhusamareb-2 lagu qoro magacaabidda Guddi Farsamo oo ka soo baarandegga hannaan doorasho oo ku dhacda waqtigeeda, laguna wada qanacsan yahay, iyo in la isugu yimaado shirka dhusamareb-3 ee loo ballamay 15ka Agosto 2020. 

Labo (2) maalmood kaddib dhammadka shirka dhusamareb-2 oo ku aadaneyd 25 Luulyo 2020 waxaa xilka laga qaaday Ra'iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo ka soo horjeeday mowqifka Madaxweyne Farmajo ee doorashada HQHC oo nuxurkeed yahay muddo kororsi. Kaddib, waxaa degdeg u tagay ama looga yeeray Muqdisho Madaweynayaasha 3da DG ee Galmudug, HirShabelle, iyo Koofur Galbeed waxayna la kulmeen Madaxweyne Farmaajo, Safiirka Qatar, iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin oo ka taliya arrimaha Soomaaliya. Tuhunku wuxuu yahay in isbaheysi cusub lagu heshiiyay.

Waxaa xigay afduubka Guddiga Farsamada loo xilsaaray ka soo baarandegga hannanka doorashada 2020 ee lagu heshiiyay inuu ku shaqeeyo dhusamareb, haseyeeshe lagu amray inuu ku shaqeeyo Muqdisho. Waxaa Shirka dhusamareb-3 lagu martiqaaday Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo ah Sarkaal hoos yimaada, kana amar qaata Madaxweyne Farmaajo. Tallaabooyinkaas iyo khudbaddii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay xiritaankii shirkii dhusamareb-2 waxay kala furfureen isbaheysigii 5ta DG, waxayna soo nooleeyeen khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo DG Puntland iyo Jubbaland, waxayna abuureen koox ka kooban 3 DG iyo Gobolka Benadir oo daacad u ah xukun maroorsiga iyo muddo kordhiska Madaxweyne Farmajo iyo kooxda Puntland iyo Jubbaland oo mucaarad ah, taaso Madaxweyne Farmajo u arkay guul, hase yeeshe mar kale hakisay wada shaqeyntii DG-yada iyo DF, hirgelinta doorasho ku dhacda waqtigeeda iyo ambaqaadka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo waa garan waayay in heshiiska dhusamareb-3 uusan noqon karin taabbagal, isla markaana fadeexo weyn iyo dhaawac ku yahay hoggamintiisa. Dad badan oo isugu jira Madaxda DF, DG, Xildhibannada BF, Warbaahinta, Ciidammada, Garsoorka, siyaasin iyo aqoonyahanno, ayey ku adkaatay fahamka, tixgelinta, iyo qiimeynta isku lammaanaanta iyo kala qaybsanaanta heerarka DF- Dowladda Dhexe, DG, iyo Dowladaha Hoose iyo midnimada iyo kala soocnaanta hay'adaha dastuuriga ee dowladda dhexe ee federaalka- Madaxweynaha JFS, labada Aqal ee BF, Golaha Wasiirrada, Garsoorka, iyo Ciidammada QS- oo dastuurka federaalka kmg ah kala siinayo mas'uliyado iyo awoodo wada shaqeyn iyo kala shaqeyn iyo is ilaalin iyo isi sixid. Mas'uul kasta oo xil go'aan qaadasho qabanaya wuxuu ku dhaarta inuu daacad u yahay, ilaalinayo dastuurka iyo sharciga ee oo uusan daacad u aheyn qof ka sarreeya. Haseyeeshe lama dhawro dhartaas.

Khudbadihii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay xiritaankii shirarkii dhusamareb-2 iyo dhusamareb-3 waxay ifinayaan fikradaha khilaafsan dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga ah, baahida hoggaamineed ee marxaladda dalku marayo, iyo ku dhaqanka nidaamka maamul-wanaagga ee Madaxweyne Farmajo qabo, kuwaaso sabab u ah qalalaasaha siyasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee dalka ka taagan iyo fashilka qabsoomidda doorashada HQHC. 

Nidaamka federaalka dimoqradiga ah ee ku qeexan dastuurka KMG waa ka duwan yahay nidaamyadii dowladeed ee dalka Soomaaliya soo maray. Dhammeystir la'aanta dastuurka kmg iyo jiritaan la’aanta sharciga qaabka shaqo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee la rabay in la dhammeystiro 2016 ka hor waxay Soomaaliya u diideen dowlad karti leh, sharciga hoggaaminayo, dalka u horseeda nabad, xasillooni, dib u heshiisin, iyo horumar. 

Qodobbada DG Puntland soo jeedisay waxaa ka mid ahaa in shirka dhusamareb-3 ka soo qayb galo Ra'iisul Wasaare haysta kalsoonida Barlamaanka Federaalka oo beddela Ra'iisul Wasaarihii xilka laga qaaday iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka oo dhinac ka ah heshiiska Isbaheysiga iyo isla xisaabtanka ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya ( International Partnership Agreement and Mutual Accountability Framework for peace and state building in Somalia) si loo xaqiijiyo in shirka dhusamareb-3 lagu gaaro heshiis doorasho ee dhammeystiran oo deg deg loo fulin karo.

Waxaa xusid mudan in beesha caalamka ay aad u daneyneyso habka doorasho ee 2020/2021. Saaxibada Beesha Caalamka qaarkood waxay si gaar ah u taagerayaan qoondada haweenka iyo nidaamka doorashada HQHC inkastoo ay xog ogaal buuxa u yihiin in 3dii sano iyo barka la soo dhaafay aan wax diyaar garow ah loo sameyn doorasho HQHC. Lama yaqaan ujeedooyinka ka dambeeya mowqifka dalalkaas oo carqalad ku ah doorasho Soomaalida dhexdeeda ku heshiiso.

Tusaale ahaan, Xogwarranka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya taarikhdiisu tahay 13 Agoosto 2020 ma sheegayo in DG-yada ka qayb galay dhusamareb-1 ku heshiiyeen inaysan suura gal aheyn hirgelinta doorashada HQHC 2020. Sababta lama yaqaan. Sidaa darted, ka soo qayb galka Wakiillada beesha caalamka waxay leedahay fa'iidooyin badan oo ay ka mid yihiin xallinta khilaafaadka Somalida dhexdeeda, xallinta khilaafaadka beesha caalamka iyo Somalida u dhexeeya, isla meel dhigidda hab doorasho ee lagu wada qanacsan yahay, jaangoynta iyo helitaanka dhaqaalaha loo baahan yahay iyo ugu dambeyn dammanad-qaadka hirgelinta habka doorasho ee lagu heshiiyo.

Dhalliilaha Guud ee heshiiska doorasho Dhusamareb-3:

1. Asal ahaan, Heshiiska waa sharcidarro sababtoo ah waa xaaran in Madaxwerynaha JFS saxiixo heshiis aan Golaha Wasiirrada soo marin. Ra'iisul Wasaaraha/Wasiirrada ayaa u xilsaaran saxiixa heshiisyada DF dhinac ka tahay. Sida darted, ka maqnaanshaha Ra'iisul Wasaaraha waxay burrineysa heshiiska dhusamareb-3.

2. DG-yada Puntland iyo Jubbaland wax kama saxiixin heshiiska doorashada. Sidoo kale, Bulshada Ra'yidka, Wakiillada Xisbiyada iyo saamileyda siyaasadda kama qayb gelin doodda habka doorasho ee ku qoran heshiiska dhusamareb-3. 

3. Heshiisku wuxuu taageraya siyaasadda xukun mororsiga iyo ololaha muddo kororsiga ah ama kontroolka maamulka doorashada ee Madaxweyne Farmajo waday si mintidnimo ah 3 sano iyo bar si uu xukunka ugu waaro. Sidaa darted, guud ahaan heshiiska dhusamareb-3 waa heshiis loogu tala galay inuu abuuro khilaaf, xiisad siyaasadeed, iyo dib u dhac qabsoomida doorashada 2020 si shacabka soomaaliyeed loogu khasbo inay u dulqaatan hagardaamo iyo xukun sharcidarro ah beddelka nabad, xasillooni, iyo dowladnimo dhalanteed ah.
 
4. Heshiiska wuxuu ka soo horjxeeda mabaadi'ida doorashada daahfuran, sahal ah, hufan, dhaqaale ahaan macquul ah, xoojineysa kalsoonida shacabka ku qabo doorashada iyo sharciyadda dowladnimada. Qodobbada heshiiska waa is diidayaan, fulinta heshiiskana waxay qaadaneysa waqti dheer oo kallifaya kordhin muddo xileedka BF iyo Madaxweynayaha taaso aan la aqbali karin. Hannanka doorasho ee heshiiska dhusamareb-3 dhigayo waa ka xun yahay hannankii doorasho 2016. Wanaagga iyo Xumaanta doorasho kasta waxay ku xiran tahay xeerka doorashada iyo fulinta iyo fulin la’aanta xeerkaas doorasho ee lagu heshiiyay.

5. Heshiisku kama wada jawaabayo su'aalaha kala ah: 1. Muxuu yahay xeerka doorashada (Rules of the game); 2. doorashada ma dhaceysa waqtiga dastuurka federaalka farayo oo ah Nofember 2020? Haddii aysan dheceyn taarikhdee doorashadu dhaceysa? Yaa Maamulaya Doorashada?

Cidda Maamuleysa heshiis ma lagu yahay? Maaliyadda loo baahan yahay ma la hayaa/helaya si doorashadu u dhacdo waqtiga loogu tala galay? Intee qaadaneysa fulinta doorashada? Yaa u xilsaaran ilaalinta u hoggansanaanta ama ku tumashada xeerka doorashada? haddii qalad, khilaaf, ama dambi dhaco yaa u xilsaaran xallinta/garsoorka? Waa intee muddada loo baahan yahay tabaabushaha iyo tababarrada la xiriira hirgelinta heshiiska doorashada? Maxay tahay kaalinta warbaahinta iyo korjoogayaasha?

6. Heshiisku wuxuu ka soo horjeeda mabaadi'ida federaalka, wuxuuna dhirrigelinaya in hay'adaha dowladda federaalka (Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka-GDMQ, Booliska, Mileteriga, Garsoorka, Nabadsugidda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda) garab maraan Maamulka DG-yada.

7. Heshiisku wuxuu isku qaldaya doorashada beel iyo deegan doorasho HQHC iyo doorashada isreebreebka iyo doorashada lagu kala guuleysanayo.

Dhalliilahaas guud kaddib, waxaan halkaan hoose ku falanqeynaya 15ka qodob ee ku saabsan doorashada 2020:

1. Qodobka 1 wuxuu dhigaya in doorashada 2020/2021 noqoto deegan doorasho (electoral constituency Caucus) taaso Soomali ahaan la macna ah doorasho dadban. Doorashada kursi loo qoondeeyay beel deegaankeeda la yaqaan waxaa lagu qabanaya magaalo madaxda DG-yada deegaankeeda. Ma ahan in Xildhibaan la weydiiyo arrintaas. Horey ayaa kuraasta xildhibannada loogu qaybiyay DG-yada. Wareejinta kursi xildhibaan horey loo dhigay DG waa in la raaca nidaam daahfuran oo caddeynaya in la sameeyay khalad loona baahan yahay saxitaan. 

2. Qodobka 2 wuxuu dhigaya in GMDQ uu fududeynayo (ansixinayo) dhismaha guddiga xulista codbixiyayaasha beelaha. Xilkaas waxaa iska leh barlamaannada DG-yada oo laga rabo inay soo saaran xeer la raacayo si loo dhiso guddiyada xulaya codbixiyayaasha. GMDQ wax shaqo ah kuma laha abaabulka iyo fududeynta guddiga xulista codbixiyayaasha beelaha. Qodobada 2 iyo 3 waxay u baahan yihiin faahfaahin siinaya beelaha tilmaamo si doorashada xildhibannada u noqoto mid xalaal ah. 

3. Qodobka 3 wuxuu xadidaya tirada ergada dooraneysa hal kursi beeled oo laga dhigay 301 codbixiye. Hufnaanta habka Xulista codbixiyayaasha waa xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah. 

4. Qodobka 4 wuxuu faraya in DG kasta u asteyso ugu yaraan 4 goob doorasho. Heshiisku wuxuu isku qaldaya goob codbixin (polling place) iyo deegan doorasho (constituency district/area) oo ah deggan dhuleedka ay ku nool yihiin beesha/jufada xildhibaan X matalayo. Wax xigmad ah kuma jirto asteynta deegaan doorasho madaama kursiga xildhibaanka ay dooranayaan 301 cod bixiye ee la soo xulay. Xag maamul, dhaqaale, hoy, waqti, agaasin, nabadgelyo, iyo xallin khilaaf darted, waxaa habboon in doorashada ka dhacdo Magaalo Madaxyada DG-yada muddo laba toddaabd ku siman. Doorashada Magaalo Madaxyada waxay warbaahinta iyo korjoogayaasha doorashada u fududeyneysaa inay xog ogaal u noqdaan hirgelinta doorashada iyo soo bandhigidda musuqmaasuqa. 

5. Qodobka 5 wuxuu tilmaamaya in Xisbiyadu soo sharraxayaan musharrixiinta ku tartameysa kuraasta beelaha, isla markaana wuxuu dhigaya in codbixiyayaasha 3 ilaa 5 kursi oo hal goob doorasho wadayaal la isku dhafo wadajirna u doortaan 3 ilaa 5 kursi. Waa xadgudub iyo maalxumo in beelaha qaar lagu khasbo hab doorasho ka duwan beelaha kale. Taas waxay u horseedeysa doorasho fawdo ah, waxaana ka dhalan kara natiijo doorasho muran hor leh dhalisa. Waxaa habboon in qaska ka taagan dalka aan lagu darin jaahwareer kale. 

6. Qodobka 6 wuxuu dhigaya in doorashada ka dhacdo dalka oo dhan hal maalin. Habka doorashada dadban ee ku dhisan beelaha ayaa diidaya in hal maalin doorashado ka dhaco dalka oo dhan. Fulinta doorashada dadban waxay qaadaneysa ugu yaraan ilaa labo toddabaad.

7. Qodobka 7 wuxuu GMDQ awood u siinaya in deegan kale u wareejiyaan kursi/kuraas loo asteeyay deegaan sabab amni darted. Kuraasta xildhibannnada waxay ku qoran yihiin DG. Doorashada dadban waxay ka dhaceysa magaalo Madaxda DG-yada. Sidaa darted, ma cadda sababaha kallifaya in kursi beel la wareejiyo. Wararka sheegaya in xildhibannada qaarkood rabaan wareejinta kursigooda meel aan reerkooda degganeyn waa arrin u baahan in DG iyo DF iyo Odayaal dhaqameed xaqiijiyaan, lana caddeeyo sababta kursi DG ku qoran loogu wareejinayo DG kale. 

8. Qodobka 8 wuxuu dhigaya in kurasta Somaliland lagu doorto qab doorasho dadban. Doorashada xildhibannada Somaliland waa arrin u baahan qormo gaar ah. 

9. Qodobka 9 wuxuu dhigaya in qorshaha iyo fulinta doorashada looga dambeeyo GMDQ oo kaashanaya Maamulka DG-yada iyo Bulshada Ra'yidka. Sharci ahaan GMDQ shaqo kuma laha qorshaha iyo fulinta doorasho dadban. Guddigu wuxuu u xilsaaran doorashada HQHC ee ku saleysan Xisbiyada badan. Qodobka 7 iyo 9 waxay GMDQ u xilsaarayaan shaqooyin ka baxsan mas'uuliyadiisa sharci.

10. Qodobka 10 wuxuu dhigaya in doorashada lagu galo hannaan xisbi oo macnaheedu yahay in xisbiyadu soo sharraxayaan musharrixiinta ku tartameysa kuraasta beelaha loo qoondeeyay, taaso siyaasad ahaan, sharci ahaan, maamul ahaan, maslaxad guud ahaan aan habbooneyn. Xisbiyo ma dhexgeli karaan musharraxa iyo beeshiisa. Guddiga DG-yada ee maamulka doorashada ayaa u xilsaaran hubinta musharrixiinta kuraasta beelaha iyo shuruudaha dastuurka ee laga rabo musharrax kasta. 

11. Qodobka 11 wuxuu dhigaya in Barlamaannada DG-yada dooranayaan Xildhibannada Aqalka Sare. Qodobkaan wuxuu u baahan yahay faahfaain qaabka musharraxnimada kuraasta Aqalka Sare.

12. Qodobka 12 wuxuu dhigaya in heshiiska Dhusamareb-3 loo gudbinayo Barlamaanka Federaalka, taaso macnaheedu yahay in BF awood u leeyahay inuu diido, wax ka beddelo, ama sidiisa u ansixiyo. Haseyeeshe heshiiska dhusamareb-3 ma joogo heer BF loogu gudbin karo. BF wuxuu galaya khilaaf daneed (Conflict of Interests) haddii heshiiska doorashada loo gudbiyo waayo doorashada waxay khuseysa xildhibannada BF oo 3 bilood ka harsan tahay muddo xileedkooda. Sidaa darted, waxaa habboon in Xildhibannada BF aysan wax shaqo ah ku yeelan heshiiska doorashada dadban 2020. BF wuxuu ku guuldarreystay inuu dalka u dejiyo sharci doorasho 2 sano ka hor. 

13. Qodobka 13 wuxuu dhigaya in GMDQ dardargeliyo hirgelinta doorashada waqtigeeda ku dhacda. Ugu horreyn, GMDQ ma dardargelin karo doorasho uusan sharcigeeda hayn, lana darsin sida loo hirgelin karo, isla markaana loo hayn dhaqaale iyo cudud lagu hirgelin karo. Waxaase mudan tixgelin in GMDQ uusan sharci ahaan mas’uul ka noqon karin doorashada dadban ee heshiiska dhusamareb-3 lagu guddonsaday.

14. Qodobka 14 wuxuu dhigaya in madaxda ka soo qayb gashay shirka dhusamareb-3 ay ka go'an tahay inay sii wadaan dadaalka xal u helidda tabashooyinka DG-yada Puntland iyo Jubbaland. Qodobkaan waa jeesjees waayo wax ka qabashada tabashooyinka waa mas’uuliyad gaar u ah Madaxweyne Farmajo oo dhegaha ka fureystay inuu ka hadlo, ka jawaabo qodobbada  Puntland iyo Jubbaland qoraal ahaan ku bandhigeen, isla markaana wuxuu ku khasbay 3da DG ee Galmudug, HirShabelle, iyo Koofur Galbed iyo Gobolka Benadir inay saxiixaan heshiis aan wax wanaag ah ka dhalaneyn.

15. Qodobka 15 wuxuu dhigaya in la ilaaliyo 30% ka saamiga haweenka, taaso ah shardi ka abuuraya tabashooyin bulshada soomaaliyeed dhexdeeda. Haweenka iyo ragga soomaaliyeed waxaa saaran waajibka ah inay ka wada tashadaan habka doorashada si loo yareeyo khilaafka haweenka iyo raga, loona xaqiijiyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka siyaasadda iyo hoggaaminta dalka. Soomaaliya waxay dhex dabaalaneysa mushkilado badan oo u baahan xikmad, xeelad, iyo hortobyo lagu furdaaminayo ama lagu xalliyo. 

Waxaa lagama maarmaan ah dhammeystirka habraaca doorasho dadban oo tifaftiran, daahfuran, sahlan, habraaceeda la hubin karo, lana hirgelin karo 2020. Ka qaybgalka dhammaan saamileyda siyaasadda waa lagama maarmaan. 

Dr. Maxamud M Culusow




    Falanqeyn 15 September 2020 9:00

    Maalmahan waxaa shacabka Soomaaliyeed lagu jaahwareeriyay in ka maqnaanshaha Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland shirka dhusamare-3 ay aheyd caqabad hakisay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada 2020.