Falanqeynta doodii Musharax Cabdiraxman Cabdishakur Warsame

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha Xisbiga Wadajir wuxuu hadal muddo 3 saacadood qaatay ka jeediyay galabta oo jimce ah, taarikhdu tahay 12.03.2021 barta Clubhouse ay daadihinayeen dhallinyaro soomaaliyeed. Mowduuca musharraxa la siiyay wuxuu ahaa “ ka warbixinta marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya mareyso, tani waa falanqeynta hadaljeedinta musharraxa ee Dr. Maxamud M. Culusow. 

Falanqeynta doodii Musharax Cabdiraxman Cabdishakur Warsame

Waxaa xusid mudan in musharrax Madaxweyne CCW uu xubin ka yahay Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS (MMXM) mucaaradka ah. Waxaa jira musharrixiin Madaxweyne kale oo sheegtay inay yihiin dhexdhexaad, taaso loo qaadan karo inaysan mucaarad ku aheyn dowladda Madaxweyne Farmajo ama ay ka soo horjeedaan mucaaradka Madaxweyne Farmajo ama fikrad gaar ah ka qabaan mucaaradnimada.

3 hadaf ee MMXM ku mideysan yihiin waxay kala yihiin:

1. Inay mucaarad ku yihiin Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo, taaso ah shaqo qaran oo muhiim ah, waajib ah.

2. Inay u halgaamaan nidaam doorasho leh xeer tartan heshiis lagu yahay, loo siman yahay, xor ah, daahfuran, xalaal ah, iyo

3. Inay iska kaashadaan ka wada xaajoodka arrimaha caamka ah iyo wadahadallada lala yeelanayo dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, bulshada Ra’yidka, Beesha Caalamka, iyo dadweynaha soomaaliyeed meel kasta ay joogaan.

Hadalka Musharrax Madaxweyne CCW wuxuu ku koobnaa “xaaladda kala guurka iyo caqabadaha hortaagan qabashada doorasho heshiis lagu yahay.” Inta badan, ka soo qaybgalayaasha kulanta ismaqalka ah, waa ku qanceen hadalka CCW, su’aalaha la weydiiyay kama muuqan kohasho iyo saluug badan, walow dhegeystayaasho qaarkood qabeen in waqtiga ku yaraa oo ay jeclaayeen inay weydiiyaan su’aalo badan oo aan mowduuca xiriirin la laheyn sida heshiiskii badda oo meelo badan looga hadlay, lagana gungaaray taarikh ahaan, barnaamijkiisa siyaasadda, iyo musharraxa ka mid ah MMXM ee CCW heshiis gaar ah la leeyahay haddii laga hormaro. Haddii heshiiska badda war ku dhimman yahay 12 maalmood ee soo socda ayaa laga boganaya.

Hoggaamiyayaasha barnaamijka Clubhouse weli ma helin xeer ay ku maamulaan doodaha madaama ka soo qaybgalayaasha yihiin ujeedo badan aan inta badan xeerin habraaca doodaha iyo hadaljeedinta mowduuc mucayan ku kooban.

Ka soo qayb galayaasha qaarkood uma kala baxsana mas’uuliyadda mucaaradka iyo tan xilhaya dowladda oo ku cad dastuurka kmg. Mas’uuliyadda mucaaradka waxay tahay inuu dowladda ku dhalliilo xilgudasho la’aan ama ka gaabin xilgudasho, siyaasad xumo, maalmulxumo, ku tumasho dastuurka iyo sharciga, iyo ku xadgudubka xuquuqda iyo xorriyadda muwaadiniinta.

Su’aalaha la weydiiyay waxaa ka mid ahaa:

1. Rajada CCW ka qabo inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha, wuxuuna uga jawaabay in hadda aan laheyn garoon ciyaar doorasho ee heshiis lagu yahay ee lagu tartamo. Wuxuu dhawr jeer ku celceliyay in dalka ku jiro xaalad halis ah.

2. Khilaaf ka dhex jira MMXM ee la xiriira wada hadal lala yeesho DF, su’aashoo uga jawaabay inay been tahay oo wax khilaaf ah ee ku saabsan in MMXM la yeesho DF iyo cid kale uusan jirin, MMXM ay diyaar u yihiin wada hadal lala yeesho cid kasta oo daneyneysa masiirka ummadda soomaaliyeed.

3. Caqabadda hortaagan qabashada doorashada mar haddii la isla oggol yahay heshiiskii 17ka Setember, isla markaana baydhabo lagu soo dhammeeyay qodobadii la isku khilaafsanaa. CCW wuxuu sheegay in xadgudubkii dhacay 19kii Febraayo iyo dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmajo wax weyn ka beddeleen heshiisyadii hore, ayna lagama marmaan tahay in heshiis cusub laga gaaro qodobbada kala ah:

A. Doorka Madaxweyne Farmajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday;

B. Nabadgelyada doorashada madaama ciidammada DF ay noqdeen ciidammo aan u hoggaansaneyn dastuurka iyo sharciga, kuna shaqeyaan awaamirta Madaxweyne Farmajo ee khilaafsan shuruucda;

C. Xorriyada saaxadda siyaasadda oo cabbursan oo mucaaradka loo diidan yahay inay sameeyaan bannaanbaxyo ama qabsadaan Shirar;

D. Ka qaybgalka mucaaradka iyo bulshada ra’yidka wada hadallada doorashada.

4. Tirada lacagta Xisbiga Wadajir ka helay dadweynaha codsigii guddoomiye CCW iyo isticmaalkeeda. CCW wuxuu ballan qaaday inuu soo sheegi doono dakhliga soo galay, wuxuuna sheegay in loo isticmaalayo ujeedadii doorashada ee loo codsaday oo aan dagaal loo isticmaali doonin.

5. Fikirka uu CCW iyo (qabiilkiisa Hawiye) ka qabaan nidaamka federaalka, wuxuuna sheegay inuu taagersan yahay ku dhaqanka nidaamka Federaalka. Kama hadlin fikirka qabiilkiisa madaama su’aashu aheyd mid maldahan.

6. Aragtida uu ka qabo soomaaliland, sool, sanaag, wuxuuna caddeeyay inuu ka soo horjeedo cunqabateynta iyo cadaadiska soomaliland, isla markaana loo baahan yahay in DF iyo DG yeeshaan mowqif lagu kasbayo midnimada dhulka iyo dadka soomaaliyeed wada hadal iyo dagaal la’aan.

7. Sababta MMXM u qabanayaan bannaanbax ayadoo Magaalada Muqdisho cudurka COVID-19 faro ba’an ku hayo. CCW wuxuu sheegay in dadka Muqdisho ay meel kasta ku kulansan yihiin, aysan raacin tilmaamaha takhaatirta, DF aysan waxba qaban ka hortagga iyo daryeelka cudurka. MMXM waxay u diyaariyeen barnaamij caafimaad ka soo qayb galayaasha bannaanbaxa looga ilaalinayo cudurka sida kala fogaashaha, daboolka afka, gacmo nadiifiye, biyo, iyo dhallinyaro bannaanbaxayaasha wacyigelineysa. Bannaanbaxo wuxuu waxtar u ahaa baraarujinta dadweynaha iyo la dagaalanka cudurka COVID-19.

8. Sababta CCW ugu baaqay Madaxweyne Qorqor, Guudlaawe, iyo Guddoomiye Cumar Finish, inay caddeeyaan mowfiqka ay qabaan weerarka lagu soo qaaday bannaanbaxayaasha 19 Febraayo. CCW wuxuu sheegay inay caddeeyeen mowqifkooda markii la qabtay shirkii Hotel Decale, sheegeen inay ka xun yihiin dhacdadaas. Ma hubo in CCW xusay in 3da mas’uul ay matalayaan madaxda iyo shacabka bannaanbaxay oo ciidammada dowladda weerareen.

9. Ra’yiga uu ka qabo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. CCW wuxuu sheegay inuu taagersan cunaqabateynta hubka ee habraaca caalamiga loo dejiyay ilaa DF iyo DG xaqiijinayaan in hubka dowladda aan marna loo isticmaaleyn ujeedo khilaafsan dastuurka, sharciga, ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca dadka iyo dalka soomaaliyeed, laguna kalsoonaan karo inaan dano siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneed loo isticmaalin. Cunaqabateynta hubka waxaa ka yaal habraac inta badan la baalmaro.

10. Sababta dadka iyo dalka oo dhibaatooyin haystaan MMXM ugu turi waayeen. CCW wuxuu sheegay sababta MMXM u doonayaan inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah heshiis lagu yahay inay tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka aafeeyay oo sababta ugu weyn tahay hoggaan xumo iyo maamulxumo.

11. Nooca doorashada MMXM jecel yihiin. CCW wuxuu sheegay inay diidan yihiin doorashooyinkii ka dhacay Koofur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle, ayna quuddarreynayaan doorashada ka dhacday Puntland. CCW ma xusin doorashada ka dhacday Jubbaland taaso ku bilaabmatay weerar DF ku

qaaday Axmed Madoobe inuu albaabka ka baxo beddelkiisana xilka la wareego, arrimahaaso horey uga dhacay Baydhabo iyo Jawhar, kuna fashilmay cadaado. Axmed Madoobe wuxuu goostay iska caabin, wuxuuna haystay fursad taagereysay. Wuxuu kaloo dadaal dheer u galay in rag badan oo tartanka la galay inuu heshiis la gaaro, isla markaana waxgaradka dadweynaha Jubbaland kasbado. Iska difaaca burcadda siyaasadda waa xeelad bannaan.

12. Mowqifka MMXM ka qabaan safiiradda cusub boqortooyada ingiriiska oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweyne Farmajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday. CCW wuxuu sheegay in MMXM la hadleen safiiradda, una sheegtay sababta ku kallifay inay dhiibto warqadaheeda aqoonsiga si ay u bilawdo shaqadeeda madaama Soomaaliya ku jirto marxalad halis ah. Inkastoo la isku waafaqay sharcidarrada tallaabada safiiradda, haddana waxaa lagu qancay duruufaha kallifay iyo shaqooyinka curyaansan.

13. Cafinta mas’uuliintii soo weerartay gurigiisa CCW, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuusan cafin karin dambigii laga galay sharciga iyo nidaamka dowladda iyo dambigii laga galay waalidiintii askartii dowladda ee weerarka lagu dilay. Wuxuu sheegay inuu iska cafiyay mas’uuliintii ka codsatay asaga naf ahaantiisa.

14. Sharciyadda musharraxnimo. Waxaa dood laga soo jeediyay in MMXM sheegan karaan musharraxnimo. Waa run in musharraxa ka qaybgeli karo cod bixinta doorashada marka la buuxiyo shuruudaha xeerka doorasha; haseyeeshe musharraxa ku dhawaaqa musharraxnimadiisa dadka hortiisa wuxuu leeyahay xuquuqda ku qoran qodobka 22 ee dastuurka kmg, loomana baahna in arrintaas su’aal laga keeno, waayo musharraxa wuxuu hayaa shaqo dadweynaha soomaaliyeed u baahan yahay oo ah ka qaybgalka siyaasadda iyo la xisaabtanka DF.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 13 April 2021 2:03

Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa qormo dheer uga hadlay go'aanka muranka dhaliyey ee Golaha Shacabka ku meelmariyey qaraarka horseedaya muddo kororsi laba sano ah. KEYDMEDIA ayaa idinla wadaageysa qormadda Jawaari.