Mareexaan wali waa reer Miyi!

Falanqeyn Keydmedia Online

Dhaaxaan murug iyo haraad mudanee, Maantay curatoo maataanaysee, Aan maalno hasheena maandeeqee – Qarshe | Bulshada Soomaaliyeed oo ahayd reer guuraa geel dhaqato u badan, ayaa 1930-meeyadii bilaabay in ay si xoog leh ugu soo guuraan magaalooyinka oo ay u arkayeen in ay ka manfac roonyihiin miyiga. Maadaama waxa ugu weyn ee Soomaalidu lahayd uu ahaa Geel, xoriyaddii iyo israacii Koofur iyo Waqooyi ee dhalatay 1960-kii, waxa ay ku mataaleen hal Maandeeq la yiraahdo oo mataaneysay, ‘Hasha’ waxa ay kasoo qaadeen ‘Xoriyadda’ ‘Mataanahana’ waxa ay ula jeedeen isku imaadka Koofur iyo Waqooyi

Mareexaan wali waa reer Miyi!

Geelu wuxuu ka mid yahay waxa loo yaqaan ‘Shanta Bilane balaayo huris’ ee colaadaha Soomaalidu ka curtaan, waana dhaqan ka jira miyaga in geela la kala dhaco xilliyada burwaaqadu jirto.  Sida ka muuqata ridmooyinka heesta kore, Dowladnida waxaa loogu yeeray ‘HAL’ sidaas daraadeed qof kasta oo Soomaali ah wuxuu aaminay in Dowladdu ay tahay geel uu isagu leeyahay, isla-markaana uusan ogolayn in qof aan isaga ku qabiil ahayn uu majaraha u qabto, isagoo aaminsan haddi sidaas dhacdo in geeliisi laga dhacay.

Sida muuqata fikirkaas inta badan Soomaalidu hadda waa ka gudubtay oo malaha reer magaalnimada ayaa qaan gaartay, waxbarashada ayaa badatay oo heykalka dowladnimada ayaa wax laga fahmay, nasiibdarro-se, waxaa halkii la taagnaa Lixdan sano ka hor wali suran qabiilka MAREEXAAN la yihaaddo ee uu MW Farmaajo ka dhashay, kuwaas oo wali aaminsan figirkii geel dhaqatada ee ahaa “Cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyay”.

Intaadan xanaaqin, Maxaan sidaas u leeyahay?

In Soomaalida kale ka gudubtay dhaqankii reer guuraaga, waxaa tusaale kuugu filan wixii dalka iyo dibadda ka dhacay fiidkii hore ee 8-da Feebaraayo 2017, iyo maalmihii ka danbeeyay oo dhan, markaas oo Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Markaa oo Soomaali meel ay joogtaba baanaanbaxyo waaweyn ay ku taageeratay guushiisa.

Habeenkaas waxaan lug ku maray inta u dhaxeysa Isgooyska Danwadaagta ee Dagmada Wadajir ilaa Xarunta TV Qaranka oo ku yalla Dagmada Warta-nabadda, inti qof aan habeenkaas indha saaray  %2 Farmaajo ku qabiil ma ahayn, waxay ahel iyo qaraabo dhow la wada ahaayeen, MW Xasan Sheekh oo tartanka looga guuleystay, hayeeshee waxa ay u dabbaal dagayeen guusha Farmaajo. Taasi miyaysan daliil cad u ahayn in Soomaalida kale ka gudubtay dhaqankii Geel dhaqtada iyo hashii la kala dhacayay.

Maxaa daliil u ah in Mareexaan halkii taagan yahay?

In Beesha Mareexaan aysan wali dhaqankii geeleyda ka gudbin oo Soomaalida kale aysan waxba u ogolayn waxaa ka marqaati kacaya dhowrkaan dhacdo ee bal ila dhowr.

1-, Xilli Madaxeedkii Xasan Sheekh, Mareexaan waxa ay waqtiga ugu badan ku fadhiyeen Kursiga Ra’iisulwasaaraha Dalka, kaas oo ay qeyb ahaan xilligaas u lahaayeen guud ahaan Qabaa’il-ka Daarood, hayeeshee uu MW Xasan, labo mar u magacaabay iyaga, saas oo ay tahay kama uusan nabad galin oo banaan-baxyo waawayn oo isaga ka dhan ah ayay ka dhigayeen Caabudwaaq. “Nin naagtaada raba gabdhaada kuma qanco” in Xasan Sheekh, geel ay lahaayeen ka dhacay ayay rumaaysnaayeen.

2-, Mareexaan si uusan u meel marin dhismihii Maamulka Galmudug oo ay u cuuryaamiyaan howlihii Xasan Shiikh ee dhisidda muumulada, waxa ay Caabudwaaq ku yabyabeen maamul ay ugu yeereen Galgaduud Sare, taas oo keentay in dhibkii ugu weynaa laga maro aas-aaskii Galmudug.

3-, Maamulka Galmudug, waxay ka mid yihiin qabiilada dhulka ugu yar ka daga hadana waxa ay heystaan Madaxweyne ku xigeyn, 15 Xildhibaan iyo wasiirro aysan xaq u laahayn, sidaas oo ay tahay, markii Qoorqoor loo doorty Madaxweynaha Galmudug, isagoo aan 40 Cisho xaafiiska joogin, Mareexaan waxa ay abaabuleen, kacdoono iyo banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha cusub, wax ka maqan malaha kaliya kursiga MW, ayay hashoodi leexada lahayd u heystaan

4-, Maamulka Jubbalaand, Mareexaan wuxuu ku leeyahay  MW ku xigeyn, ku dhawaad 20 Xubnood oo Baarlamaan ah iyo wasiirada ugu muhiimsan maamulka, hadana nidaamkaas oo dhan waxa ay ku diideeen Axmed Madoobe oo Ogaadeen ah, halka ay u qooqayaan waa ‘kursiga madaxweynaha’ oo ritigoodi feexda lahaa oo xoog looga heysto ay moodayaan.

5-, Waxaan daawaday sanadkii 2018-kii, kulan ka dhacay Garbahaarey, oo lagu soo dhaweynayay wafti uu hoggaaminayay Ugaaska oo afkooda ka sheegaya in ay  marti qaad rasmi ah ka heleen MW Farmaayo, isla markaana ay muddo 25 Cisho ah ku sugnaayeen Muqdisho, waxay si aan ka ganbasho lahayn u sheegeen in kulamadii ay Farmaajo la soo qaateen lagu soo go’aamiyay in beesha Mareexaan ku dhawaaqdo in aysan aqoon-saneyn Madaxda maamulka Jubbaland. Bal madaxweyne Soomaaliyeed oo sidaas u dhaqmaya adigu kawran? 

6-, Dhaqanka iyo wax-garad-ka Mareexaan oo dhan uma kala harin in ay been iyo barabagaando ku difaacaan dowladda Farmaajo, Tusaale; ninka la yiraahdo Ugaas Maxamed Wali, oo sheegta Ugaas Mareexaan, wuxuu tiro ka tobon jeer ka badan fagaaraha lasoo istaagay in dowladda Farmaajo iyo dowladdi Afweyne,  aysan dowlad u dhaxayn, isagoo wax aan jirin kasoo qaaday dowladihii ka horeeyay. 

7-, Banaan-baxyo waa-weyn ayaa Gado laga abaabulay odayaasha Makarafoonka qabsaday waxa ay sheegeen in Soomaali laga waayay cid aan “Mareexaan ahayn oo wadini ah”, qof aan Mareexaan ahaynna uusan Soomaali xukumi karin. Af-lagaaddo aan loo meel dayin ayayna madaxdii hore iyo kuwa haddaba u soo jeediyeen. Taasi waxa ay si toos ah ka marqaati kacaysaa in beeshu aysan dhaqankii geeleyda wali ka gudbin.

8-, Waxaan dhacdooyinkaan kusoo xirayaa, midd ugu muhiimsan oo ah marka uu xilka qabto nin beeshaan ka dhashay. Markii Soomaaliya Xornimada qaadatay 1960-kii ilaa 1969-kii, waxaa si Dimuquraadi ah dalka ka dhacay Afar doorasho Labo doorasho Baarlamaan iyo Labo doorasho Madaxweyne, kuwaas oo si qori isku dhiib la isugu wareejiyay xilalka. Intaas kadib Siyaas Barre iyo Rag la socday ayaa dalka xukunkiisa boobtay taas oo 21 sano kadib sababtay burburka dalka.

Yabyab dheer iyo soo kabid badan kadib 2017, waxaa doorasho aan buuq ka taagneyn hoggaanka dalka loogu dhiibay Farmaajo, kaas oo Afar sano uu dalka majaraha u hayay kala dhacay haadaan dheer oo in laga badbaado adagtahay, kicin qabiil, adeegsi qaaqle, dirid qaatil iyo dumin diblumaasiyadeed, ayuu xilligiisii ku so af-xirmay, iyadoo dalku uu qarka u saran yahay inuu MW la’aan noqdo wax ka yar 15 maalin kadib, marka la gaaro 8-da Feebaraayo 2021 oo xilkiisa sharciga ah ku egyahay.

Sida muuqata wuxuu hunguriyeynayaa inuu sidii adeerkiis  Afweyne, dhowr sano  oo dheeraad ah uu kursiga si aan dastuurka waafaqsaneyn isaga fadhiyo, ugu danbeynna uu fowdo iyo fadqalalo dalka kaga tago, riyo maalmeed runta ka fog ayaysa u muuqataa.

F.G. Markii aan baaritaan dheer sameeyay  waxaa ii soo baxday in Mareexaanka intooda badan ay yihiin dad qaab dhaqankooda laga dheehan karo in Qabyaaladu ku noqotay Maandooriye ka reebay Xadaradda iyo Hiigsiga Demoqaradiyadda ee Bulshadda Soomaaliyeed inteeda kale u hayaantay. Aqriste intaan iyo inta maankaada ku jirta isku dare e Mareexaan miisaan saar.

Bulshada Soomaaliyeed ee arinkaan ku baraarugsan waxaan uga tagayaa qeyb ka mid ah tixdii, AUN Abshir Nuur Bacadle uu kaga hadlay Qabyaladda.

  • Waa sanam qabyaaladi haddaad, ugu qancaysiin e
  • Waa qaaxo iyo kaankar iyo, aydhis qaab daran e
  • Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene
  • Waa waxa qoxootiga ka dhigay, boqol kun oo qoyse
  • Qalbigiinna ka ilaashadoo, wadajir qiimeeya.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Awil

    • 3 February 2021

    Aad baan u qosley marki aan aqriyey maqaalka oo dhinacya badan taabanaya balse qoraaga waxaa uusan xusin waxa uu xukunka Siyaar AUN iyo kan Farmaajo kaga wanaagsanyahey xukunada kale.
    waan soo dhaweynayaa maqaalada maxkax shiilka ah.




Falanqeyn 2 July 2021 2:12

Lixdan iyo kow sano ayaa la joogaa markii halgan ay hoggaaminayeen dhalinyaradii SYL, la isaga dul qaaday saan-cadaalihii ku soo duulay dulka Soomaaliyed, si uu u kala geeyo bulshada isku diinta, isku dalka, isku isirka iyo isku dhaqanka ah, ee Rabbi ku abuuray geeska Africa.