Maxaa iiga baxay wareysiga MW Farmaajo?

Falanqeyn Xasan Mudane

Wareysiga Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku soo aaday xilli adag, dalkuna uu taagan yahay meel isgoys ah. Wareysigiisa waxaa iiga baxay arrimo badan oo ay ugu horreyso in Isaga, Deni iyo Axmed Madoobe aysan mar dambe is hor fadhiisan doonin. Sidoo kale, waxaa meesha ka baxay heshiiskii 17 setembar, dibna looma furi doono.

Maxaa iiga baxay wareysiga MW Farmaajo?

Qaybta hore ee wareysiga wuxuu kaga hadlay waxyaabihii keenay fashilka shirkii Afisyooni, wuxuu eedda dusha ka saaray Puntland iyo Jubbaland, isaga oo ku celceliyey “waan u tanaasulnay.” Laakiin weriyaha waxay ahayd in uu wax ka weyddiiyo dhacdadii 19 february, 2021. Waxaad dareemaysaa in Odayga uu xoqonaayey kaarka dhibbananimada (victim card), isaga oo ku doodaya in Deni iyo Axmed Madoobe aysan daacad ka ahayn in la heshiiyo.

Wuxuu qaybtan ku difaacayaa laanta sharcidejinta (golaha shacabka), wuxuu ku ammaanayaa in waajibkii saarnaa ay ka soo baxeen, dalkana ay u jiheeyeen doorasho qof iyo cod ah. Laakiin waxaa jirtay su’aal la weyddiiyey oo ku saabsanayd in isaga uu ka soo shaqeeyey in barlamaanka ay sameeyaan muddo kordhin laba sano ah iyo in kale? Wuxuu ku jawaabay in barlamaanku uu yahay mid u madaxbannaan shaqadiisa, taladana ay iyaga ka go’do. Arrintaas sax ma ahan waayo barlamaanka si dadban ayaa loo yeeshay, waxaana lagu sameeyey wax afka cilmiga siyaasadda lagu dhaho “co-option strategy.” Fiiri golaha wasiirada. Inta ugu badan waxaa laga keenay barlamaanka, ujeedkuna wuxuu yahay in aysan ka hor imaanin qorshe kasta oo ka yimaada madaxweynaha.

Qaybta dambe wuxuu ku celceliyey laba fikradood. Midda koowaad, waa arrinta ku saabsan doorashada qofka iyo codka ah. Marka la weyddiiyey sidee ku suuragali kartaa? Wuxuu taagan yahay shacabka ayaan ku kicinaa Deni iyo Axmed Madoobe. Aniga waxay ila tahay in Odayga uu riyo ku jiro. Ha iska riyoodo ma xuma laakiin in maalin cad la riyoodo ayaa wax kale ah. Midda labaad, wuxuu ka hadlay mowduucii ugu xiisaha badnaa. Waan ku ammaanayaa Farmaajo in uu cubka ku xiray Kenya iyo inta ay hoosta ku wadato.

Wuxuu yiri “arrinta dacwada badda waxaan ka maray dhib badan. Wax badan ayaa la isoo wacay, waa la ii hanjabay, waxaana cadaadis la igu saaray in aan soo celiyo dacwada.” Marka uu ka hadlaayey arrinta farogelinta shisheeyaha waxaa ii soo baxday in ay jiraan dad Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo qawlaysato ah, oo ka macaashta xasiloonidarrada dalka. Waxaa la weyddiiyey waa kuma cadowga Soomaaliya? Wuxuu dhahay Kenya. Waxaa lagu dhahay ka warran Itoobiya? Wuxuu yiri Itoobiya waxaa ka dhacay isbeddel, sidii hore ma ahan. Hadda waxaa naga dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo aad u wanaagsan. Laakiin halkan waxaad ka ogaanaysa in ay bug (faalso) tahay sheekada dhahaysa waxaan leenahay cadow soo jireen ah. Fikradda ah in la isticmaalo shaabadda “cadow” waxaa sameeya ama abuura qofka madaxda ah ee dantiisa ka dhex arka. Shalay waxaa cadow inoo ahayd Itoobiya maantana Kenya. Berri yaa inoo noqon doona? Ma Turkiga mise Eritrea?

Isku soo wada duub, wareysiga Farmaajo wuxuu ahaa mid ku kooban laba mowduuc oo kala ah: Doorashada iyo farogelinta shisheeyaha. Laakiin waxaa lagamamaarmaan ah in laga qaado wareysi kale oo lagu weyddiinayo arrimo badan oo la xiriira waxyaabihii horay u soo dhacay, fashilka doorashada iyo qorshaha isdhexgelka dhaqaale ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Marka intaas laga soo tego, arrinta aan ka yaabay waxay tahay in Farmaajo uu ku soo celcelinaayey saddex kelmedood: Shacabka, doorasho qof iyo cod ah iyo ajnabi/farogelin shisheeye. Halkaas waxaa kaaga soo baxayso in Odayga uusan faaruq ahayn laakiin uu leeyahay aragti fog ee uu rabo in dalka uu ku qabsado, kursigana uu ku sii joogo. Waana aragtida shacbiyadaysan ee la dhaho “populism.”

Laba aragtiyadood mid dooro!

Sida aad la socotaan dalkeena waxaa ku legdimaya laba aragtiyadood: Mid ku dhisan fikirka ah in talada dalka ay gacanta ku heyso koox yar oo farokutiris ah, shacabkana laga fogeeyo miisaska lagu gaaro go’aanada siyaasadeed (Elitism). Dadka aragtidan ku dhaqma waxay rumaysan yihii in dadka caamada ah (ordinary people) ay yihiin kuwo wax ma garato ah, mudan in loo taliyo. Waxaa jira dad ka soo horjeeda fikirkan oo rumaysan aragtida la dhaho shacbiga (populism), waxayna dadka caadiga ah u arkaan in ay yihiin kuwo mudan in la tixgeliyo taladooda, loo muujiyo ixtiraam iyo sharaf, lana tuso in awoodda ugu sarreysana ay gacantooda ku jirto, fursadna loo siiyo in ay talo ku yeeshaan siyaasadda dalka.

WQ: Xassan Mudane - Bare Jaamacadeed




Falanqeyn 2 July 2021 2:12

Lixdan iyo kow sano ayaa la joogaa markii halgan ay hoggaaminayeen dhalinyaradii SYL, la isaga dul qaaday saan-cadaalihii ku soo duulay dulka Soomaaliyed, si uu u kala geeyo bulshada isku diinta, isku dalka, isku isirka iyo isku dhaqanka ah, ee Rabbi ku abuuray geeska Africa.