Odoroska xalka ismari waagga siyaasadda Soomaaliya waa dagaal

Falanqeyn Keydmedia Online

Ugu horreyn, waxaan ka afeefanaya in aan qoraalkaan loo fasiran inaan taagerayo colaad Soomaaliyeed, waxaana ilaahey ka baryaya in Soomaaliya uu ka dhigo dal nabad iyo barwaaqo ah. Haseyeeshe lix (6) arrimood ayaa abuuray xaalad aan laga bixi karin dagaal la’aan.

Odoroska xalka ismari waagga siyaasadda Soomaaliya waa dagaal

Lixda arrimood waxay kala yihiin:

1. Dowladda Soomaaliya waxay burburtay 1991. Hoggaaminta dalka waxaa gacanta ku dhigay beesha caalamka, Golaha Ammaanka ee QM wuxuu Soomaaliya u aqoonsaday dal ku jira xaaladda nabadgelyo xumo ee ku tilmaaman qodobka VII ee Axdiga QM. Sidaa awgeed, waxaa Soomaaliya loo soo diray ciidammo ka socda dalalka Geeska Afrika.

Waxaa la isku waafaqay in geedisocodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya loo maro dhabbaha dib u heshiisiinta iyo talo wadaagga waafaqsan nidaamka dimoqradiga, lana tijaabiyo habka federaalka ama ismaamul hoosaadka.

Labadaas rukun waxay ku cad yihiin dastuurka kmg ee la isku raacay 1da Agoosto 2012.

Haseyeeshe Madaxweyne Farmajo oo la doortay Febraayo 2017 iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin oo dowladda Qadar gacan saar la leh waxay go’aansadeen inay ka leexdaan dariiqii geedisocodka dib u dhiska dowladnimada soomaaliya loo jeexay si xukunka uga bixin gacantooda, ayna adeegsadaan xeelad kasta sida dhaqanka Ururka argagixisada Al Shabab ee ah ciqaabka iyo cabburinta shacabka, dhaqanka ku tumashada dastuurka iyo sharciga, bixinta laalush dhaqaale, darajo, eex, been, kala qaybinta iyo isku dirka bulshada, iyo ku adeegsiga taagero shisheeye: Ethiopia, Eritrea, Qadar.

2. Faragelinta Dowladaha Ethiopia, Eritrea, iyo Qadar oo Soomaaliya ka abuuray qas siyaasadeed, nabadgelyo xumo, xukun sharcidarro ah, iyo nidaam dowladeed ee ka soo horjeeda dastuurka iyo dimoqradiyada xorta ah.

3. Guusha dhalanteedka ah ee RW Ethiopia Abiy Axmed ka gaaray dagaalka uu ku qaaday is-maamulka dowlad goboleedka Tigray, dagaalkaasoo labadiisa ujeedo ee ugu waaweyn aheyd in (a) Madaxda Tigray oo Ethiopia soo xukumeysay 27 sano laga saaro damaca is-hortaagga rabitaanka RW cusub Abiy oo ah shakhsi dhallin yar doonaya keligi talisnimo uu dalalka geeska Afrika ugu taliyo iyo in (b) nidaamka federaalka Ethiopia ee ku dhisan qawmiyadaha la baabi’iyo oo ah hadaf qawmiyadda Amxaarada dooneyso. Madaxweyne Farmajo wuxuu qaatay afkaaraha RW Abiy Axmed ee uu ku tilmaamo “walaal” iyo Madaxweynaha Eritrea Isaiasi Afwerki oo nidaamkooda dowladnimo ka soo horjeedo nidaamka dimoqradiga ah ee Soomaaliya dooratay. Waxaa jiraa heshiisyo siyaasadeed, dhaqaale, iyo nabadgelyo ee dhexmaray Madaxweyne Farmajo, Madaxweyne Afwerki, iyo RW Abiy Axmed oo aan Barlamaanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed aan lala wadaagin ilaa maanta. Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad hanaqaad ah ayaa lagu daraya Ethiopia iyo Eritrea.

4. Mucaaradka iyo dhibbanayaasha xukunka iyo siyaasadda Madaxweyne Farmajo iyo Fahad Yaasin oo aan haysan dowlad ka jawaabeysa cabashadooda, ra’yigooda, iyo dhalliilahooda ka muwaadiniin soomaaliyeed, taaso keentay inaysan jirin rajo wadaxaajood iyo qaddarinta xaqa ka qayb galka siyaasadda.

5. Dowladda Federaalka oo cagta saartay waddadii kacaanka milateriga 21 Oktoobar oo 1991 xukunka looga tuuray dagaal, waxayna soo nooleysay ciidankii guulwadayaasha oo hadda loo bixiyay “xoogagga wadaniyiinta,” lana siiyo lacag taaso ka soo horjeeda dastuurka kmg; Ciidammada xoogga dalka, Nabadsugidda, booliska, iyo Asluubta iyo cidammo kale ee ka baxsan dastuurka waxay ku milmeen siyaasadda oo dastuurka ka mamnuucayo; Maxkamadihi, shaqaalaha dowladda, guddiyadii madaxa-bannaanna oo lagu khasbay inay daacad u noqdaan Madaxweynaha ee aysan daacad u noqon dastuurka iyo sharciga lagu dhaariyay, taaso ah dhaqankii xukunkii Milateriga ee kacaanka hantiwaagga ama keliga taliska ahaa.

Xukunkaas oo ku jira dowladaha taagersan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo. Waxaa la xaqiijinaya in dalka Eritrea tababar loo geeyay ciidammo aan la ogeyn waqtiga, habka, iyo nidaamka lagu qoray, kana qayb galeen dagaalka ka socda Ethiopia dhexdeeda, lana filayo in la keeno Soomaaliya waqti dhow si ay horseed ugu noqdaan dagaallo dowladda federaalka damacsan tahay inay dhawaan ka bilawdo Benadir, Hirshabelle, Galmudug, iyo Jubbaland, si loo xaqiijiyo boobka doorashada 2020/2021.

6. Madaxweyne Farmajo iyo adeegayaashiisa waxay aaminsan yihiin in maamulka doorashada federaalka mas’uul ka yihiin, mucaaradka iyo muwaadiniinta kalena laga rabo daacadnimo iyo u hoggansanaan awaamirta dowladda federaalka. Madaxweyne Farmajo ma aqoonsana waajibaadka dastuurka federaalka amrayo oo ah in doorashada tahay xil ka dhexeeya mucaarad, muxaafid, iyo dhexdhexaad, waajibkana yahay in doorashada maamulaan dad dhinacyada tartamaya ku kalsoon yihiin, dhexdhexaad ah, doorashada noqoto mid xor iyo xalaal ah, waqtigeeda ku dhacda, daahfuran, loo siman yahay, mucaaradka raalli ka yihiin, korjoogayaal madaxbannaan xaqiijin karaan in doorashada ku dhacday si xaq ah.

Madaxweyne Farmajo wuxuu diiday inuu si joogta ah ula tashado Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka (National consultative council) ee ansixiyay heshiiska siyaasadeed ee hannaanka doorashada dadban, isla markaa wuxuu diiday inuu fuliyo heshiisyo hordhac u ahaa bilowga hirgelinta hannaanka doorashada dadban.

Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxay markhaati ka yihiin musuqmaasuqa iyo boobka doorashooyinkii ka dhacay DG Koofur Galbed, Galmudug, iyo Hirshabelle oo dowladda federaalka, gaar ahaan Taliyaha Nabadsugidda toos u maamulayaan. RWKX Golaha Wasiirrada Mudane Mahdi Guled wuxuu fagaare ka sheegay in doorashada federaalka loo maamuli doono sidii doorashooyinkii ka dhacay DG xusan, natiijadana noqon doonto in Madaxweyne Farmajo guuleysto meerta koowaad ee doorashada oo ah saddex meerto. 5 bilood ka hor ayaa la ogaa natiijada doorashooyinka 3 Dowlad Goboleed.

Musuqmaasuqa, Isla meereysiga, iyo daacad-darrada Madaxweyne Farmajo dartood, waxa aad loogu dhow yahay dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo kala ah 27 Disember 2020 iyo 7 Febraayo 2021. Xukunka Madaxweyne muddo xileedkiisa dhammaaday waa sharcidarro, shacabka Soomaaliyeedna waa diidan yahay, waayo waa dhaqan halis ku ah nidaamka dimoqradiga ee la rabo in Soomaaliya laga hirgeliyo si aysan mar dambe u dhicin keligi talisnimo horseed u noqda burbur dowladeed.

Lixda (6) arrimood ee kor ku xusan waxay abuureen is mariwaa iyo weerar wejiyo badan ee gaar ahaan ku wajahan mucaaradka, taagerayaasha mucaaradka, qof kasta oo samatalis ah, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo cid kasta ee u ololeynsa doorasho xaq ah.

Sidaa darted, madaama Madaxweyne Farmajo aqoonsaneyn, diidan yahay ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed, ku dhaqanka dastuurka, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo, hirgelinta doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, isla markaana beesha caalamka ka gaabsatay inay si degdeg ah u soo dhexgasho ismariwaa iyo colaadda hureysa, waxaa odoroska yahay dagaal khasaaro xun ka dhalan doono. Waxaan ilaahey ka baryaya inuu Madaxweyne Farmajo ku hanuuniyo dariiqa toosan ee ay ku jirto maslaxadda Soomaaliyeed oo ka weyn, kana qiimo badan inuu xukunka ku waaro.

Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya inuu damiirkiisa la tashado, wanaagga la safto oo ah doorasho xalaal oo ku dhacda hab waafaqsan nidaam qoran. Sax iyo qalad, been iyo run, sharci iyo sharcidarro waa kala cad yihiin, waana in la kala saara. Haddiise run iyo been kala caddaan waayan, ha lagu talo mustaqbal mugdi ah.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 22 January 2021 10:07

Bulsho waxay ku wadajoogtaa ku dhaqmidda xeerar qoran ama dareenqaadasho ah, dawladse waxaa haga xeer qoran oo keli ah, labadaa wixii ka soo hara waa xeerar duurjoog iyo dugaag.