03 Oktoobar: Dagaalkii Raanjaris! 

‘RAJOCELINTII’ | Q-10AAD

Falanqeyn Keydmedia Online

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Dagaalkan Soomaali ahaan anagu waxaan u naqaan: ‘Dagaalkii Raanjaris!’ Sidoo kale waxaa loo yaqaan; ‘Battle of Mogadishu’ ama ‘Black Hawk Down’, sidoo kale ‘Battle of Bakaaraha Market’.

‘RAJOCELINTII’ | Q-10AAD

Waxay eheed abbaaro afartii galabnimo, 03/10/1993, markii diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Maraykanku ay ciidamo ku duldaadiyeen guri agagaarka Baar Cariish ku yaalla, ka soo horjeedka Olombic, degmada Hawlwadaag, ee magaalada Muqdisho uuna ku lahaa kana deganaa, ganacsade Cabdikariin Ducaale Geelle, oo la la dhashay Axmad Ducaalle Geelle ‘Xaaf’, madaxweynihii hore ee Galmudug. 

Goobtaa waxaa ka qarxay dagaal dhexmaray ciidamadii degayay iyo ilaalo meesha ka dhawayd. Dagaalkaa wuxuu sii xoogaystay, markii ay soo galeen ciidamo UNISOM ahaa, oo isku dhafan, baabuurta gaashaamanna ku dagaalayey iyo dadweyne diiddanaa doonista Maraykanka iyo damacii uu qarsan waayey.

Ciidamadan loo asteeyey, in ay Gen. Caydiid nolol ama geeri mid ku keenaan, ayaa saldhiggoodii ugu weynaa ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo ruuqaansaday, si ay weerar ugu qaadan guri loogu sheegay, in uu ku jiray Gen. Caydiid. Ciidanku wuxuu ka koobnaa 19 diyaaradood, 12 gaari oo 9 ka mid ay ahaayeen baabuurta dagaalka ee aysan rasaastu karin ee Humvee iyo 160 askari oo anafteri ah aadna loo soo carbiyay. 

Agagaarka gurga Axmad Ducaalle Geelle ‘Xaaf’ waxaa ka dhacay dagaal qaraar, oo dhab ahaantii ahaa dagaalladii dalka ka dhacay kuwii ugu adkaa, uguna xaddi weynaa dhan walba; go’aanka, guddoonka, guusha, geerida, dhaawaca iyo qasaaraha kale, ee Soomaali iyo shisheeyaba soo gaaray, oo labaduba la kulmeen in dhib ugu filan, wuxuuna Maraykanka u ahaa dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ka dib kii Viatnaam.

Qacdii hore ee dagaalkaba waxaa la soo diray saddax diyaaradood oo uu lahaa Maraykanku, waxayna ku kala dheceen; Ceelgaabta, Howlwadaag iyo Xalane. Diyaaradaha waxaa lagu soo diray gantaal laga tuuray qoriga loo yaqaan RPG, sida aan xog ku helayna uu diyaaradda ku dhiftay ganacsade Cabdullaahi Xuseen Colaad oo ‘Takarooni’ ku caan ahaa. 

Wuxuu socday dagaalku ilaa subaxnimadii dambe, waxaana ka dhashay khasaare dhanka Soomalida u badnaa. Qiyaasyo ka la duwan ayaa la sheegaa, marka laga hadlayo qiimeynta dhibka Soomaalida soo gaaray.

Dhanka ciidamada huwanta, geeridu waxay gaaraysay ilaa boqol askari oo inta uu qirtay ay 18 ka mid ahi Maraykan ahaayeen, halka nolol lagu qabtay, duuliyihii duulinayey diyaaradda BLACK HAWK HELICOPTOR Michael Durant iyo tobaneeyo u badnaa Pakistan, Bangaladesh IQk.

Dhanka Soomaalida, Maraykanku waxay qafaasheen ilaa sagaal raga, oo ay ku qabteen gurigii dagaalku ka billowday, waxaana ka mid ahaa: la taliyihii Caydiid ee arrimaha dibadda, Prof. Cawaale, aqoonyahan Axmad Warsae Cali Godane, Cumar Salaad Cilmi, milkiilihii guriga Cabdikariin Ducaale, Col. Cabdi Yuusuf, Cabdiraxmaan Sheekh Ahmad, IQK, oo kan dambe ay diyaaraddu gurigiisa ay ku duldhacday. 

Habeenkaas dagaal aasku u galay, in uu dhacay, waxaa sii dheeraa, in cawadaa aan magaalada laga seexan, oo ciidamadii duullaanka soo qaaday, ay go’doon in ay galeen ka sokow, qaarkood iyagoo baxasad ah u carareen xarumahoodii, taa oo hawlgalkii lagu doonayey, in Gen. Caydiid lagu soo qabto, ka dhigtay, in uu isu baddalay badbaadinta ciidamadii Maraykanka ee ku dhintay, ku go’doomay ama nolosha lagu qabtay.

Waxa la yaabka ah waxay tahay, in ciidan sidaa u tiro badan, u tayo sarreeya, haddana u tabbabar fiican, in dagaal ay la galeen Soomaali aan hubkooda mid u dhaw haysan, haddana, jabka nuucaas ah u gaystay. Dagaalkaa waxaa laga sameeyay filimkii caanka noqday, ee Blawk Hawka Down, wuxuuna Maraykan u noqday cashar dagaal iyo siyaasadeed ay ku hagaan siyaasaddooda ciidan iyo arrimo dibadeed, oo faragelin dal kale aysan dib ugu degdegin.

Anaga, Soomaali ahaan, maalintaa iyo habeenkeedii waxay noo ahaayeen, wakhti uu dhiig badani daatay, dad badanina ay naftoodii ku waayeen kuwana ku dhaawacmeen, saamayntiisa siyaasadeedna raadkeedii uu yaallay ka hor burcadbadeedka iyo Alshabaab.

40 dawladood, oo Maraykan ugu horreeyo, weliba markaa ku soo guulaystay dagaalkii qaboobaa, oo qayb ka mid ah burburkii dawladdeennu ka mid eheed, ayaa malleeyshiyaad, beelo, dadweyne iyo bulsho dhagax iyo waraf ku dagaalaysa u adeegsadeen hub culus iyo duqeyn diyaaradeed.

Waxay eheed dhaqan si walba uga fog Aadanenimada iyo Insaaniyadda, oo keliya la eegay adeegsiga itaal iyo awood, balse, iyaguna caano ka ma cabin, oo waxaa loo geystay qasaare kii ugu xumaa ebid, oo dhakafaar iyo dhabannohays ku noqotay. Ma moodeyn, ayaa ka dhacday!

Maalintii labaad ee 04/10/1993 wixii dhacay, sida Maraykanku u la falgalay dhacdada iyo sida Soomaalida dareenkoodu ahaa qaybta xigta ayaan ku faaqididoonaa.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 1 December 2020 9:23

Ugu horreyn, waxaan ka afeefanaya in aan qoraalkaan loo fasiran inaan taagerayo colaad Soomaaliyeed, waxaana ilaahey ka baryaya in Soomaaliya uu ka dhigo dal nabad iyo barwaaqo ah. Haseyeeshe lix (6) arrimood ayaa abuuray xaalad aan laga bixi karin dagaal la’aan.