03 Oktoobar: Dagaalkii Raanjaris!

‘RAJOCELINTII’ | Q-11AAD

Falanqeyn Keydmedia Online

Bogga RAJOCELINTII ee KON | 03/10/1993 waxay eheed galab magaalo iskeed u qasneed, lana qasayey ay sii qasantay, ka dib, markii Maraykanku weerar uusan xitaa ogeysiin huwanta la socotay, is ka daa, in uu ka talogaliyee, uu ku soo qaaday guriga dagaalku ka billowday, wixii ka dambeeyana ay noqotay col iyo ciidan iska dhicin, habeenkaana uu ahaa cawo gudcur iyo guuro.

‘RAJOCELINTII’ | Q-11AAD

In Mareykanku uusan wergelin ciidamadii qaybta ka ahaa UNISOM2, ee kor u dhaafayey soddomeeyada dal, ee gaashaanbuurta la ahaa, waxay sababtay, in markii xeeladdoodii shaqayn waysay, xooggoodii waxtari waayey, arrinku qaraaraaday, xaalkuna ku xumaaday, ee ay gurmad ka dalbadeen ciidamada dawladahaa qaarkood ay si cad u diideen inay goobtaa soo gaaraan, si gaar ah ciidamadii Baakistaan ee ku sugnaa Stadio Muqdisho, illeyn hore ayey u ajarmeen, loona ka la aamin baxaye, walow ay gacan waxtar leh ka heleen ciidamadii waddanka Maalesiya, oo iyagana uu soo gaaray qasaare weyn oo dhimasho, dhaawac iyo gawaarida gaashaman oo laga gubay isugu jiray.

Dadka aqoonta u leh ciidanka iyo kaartooyinka dagaalka waxay isku raaceen, in adeegsiga diyuuradaha qummaatiga u kaca uu ahaa khamaar iyo shardi qatartiisa lahaa, lagana jibagaaray, maadaama saddax diyaarad dhulka la soo dhigay, oo ku baraysa, in Gen. Caydiid uu u sii diyaargaroobay, taxaddar iyo feejignaanna sameeyey, illeyn diyaaradahaa lix jeer oo hore ayey duqeymo ka gaysteen magaalada Muqdisho, oo qaarkood caloolxumo reebeen, ka dib markii duqeyntaa lagu dilay waxgalkii bulshada iyo indhihii ummadda.

Rajo soo celin waxay isu rogtay Raanjaris celin ka sokow cayrsigood, ka darane, ka darane, cadcad u jarjarkood, ka sii darane, ciidda ku jiidkood, oo carruur iyo dad caraysan ay falkaa ku keceen, oo dhab ahaan ahaa fal gurracan, oo dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaankaba ka fog. Dhanka kale, diyaaradihii la soo riday haraadigoodii ayey sidoo kale ilmihii ku dulboodboodayeen, iyadoo wixii dagaalkaa ka dambeeyey magaalada Muqdisho aan maalin cad la adeegsan diyaaradihii Black Hawk.

Askariaga nolosha lagu qabtay waxaa la sii daayey 11 maalmood ka dib, oo wadahadal Maraykanku uu la galay waxgarad u dhashay beesha Habar Gidir oo ka yimid dalka Mareykanka, waxaana ka mid ahaa; danjirayaasha: Dhaban-cad, Maxamad Warsame Kiimiko iyo Cabdinuur Darmaan, oo kan dambe uu saaxiib dhow lahaa Bushkii weynaa.

Maraykan ma sarriigto, mana yaxyaxee, dhab ahaantii dadaalkaas wuxuu ka la kulmay wajigabax iyo ceeb ay dunida dhan dambaaraysay, waxaana iscasilay oo xilkii wasiirka difaaca iska wareejiyey Les Aspin, sida xun welibana liidata ee uu u maareeyey qorshahaa iyo dagaalkii la socdaba, taa waxay dhalisay, in madaxweynihii Maraykanka Clinton lagu tilmamay qof in uusan aqoon u lahayn arrimaha ciidanka aan haddana kaba warhayn waxa ay sameeyaan.

Dhanka kale, Les Aspin xoghayaha difaaca iyo gen. Colin Powell, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Mareykana ayaa waxay sheegeen, in fikraddii dagaalka lagu galay iyo isku dayga soo qabashadii Gen. Caydiid ee qarsoodida iyo gaadmada ahaa ay eheed tii ugu liidatay, oo dabcan qabweyni iyo marinmarinhabaabin ay sababtooda leheed.

Sidoo kale, Gen. Colin Powell buuggii uu qoray 1995 ee ‘My American Journey’ wuxuu ku tilmaamey ka soo qabashada Gen. Ceydiid ee dabaqyada magaalada Muqdisha dhexdeeda inay la mid eheed: “in halkii askari ee mareykan ihi wajihidoono kun maleeshiyo oo Soomaali ah!" Haddana, sidii uu kuwii hore u hoday, waa kii asoo xogxayaha Arrimaha Dibaddda Markanka ah, uu dharaar cad dunida mar kale been iyo bararbogaando indhosarcaad wehliyo ku hagay; in dalka Ciraaq haysto hubka Nukleerka asoo soo bandhigay sawirro uu yiri waxaa laga qaaday dayaxgacmeedka! Wixii dhacay, wixii ka dhashay iyo waxay dheheen ka dib weli Ciraaq waa la ololayaa!

Markii Maraykankii lagu jabiyay dagaalkii galabtaa iyo habeenkaa dhacay, ayaa jeneraal Wiliam Garrison oo hawlgalka RAANGERIS taliye u ahaa, wuxuu ku calaacalay: “we won the batlle, but we lost the war and target” oo ah: goobtii gulufka waan ku adkaannay, balse, waxaan ku jabnay dagaalkii hadafkiina waan luminnay!

Jabkii iyo jacdii soo gaartay ka dib, 07/10/1993 MW Clinton wuxuu sheegey, in ay isbaddashay guud ahaan siyaasaddii Mareykanka ee ku aaddaneyd Soomaaliya, dhammaan ciidamada Mareykankana laga saarayo Soomaaliya bisha March 1995, walow uu askerigii u dambeeyey ee Mareykanka ah uu dalka ka baxay 03/03/1994.

Marka hadallada catowga ama calaacalka ah meel la iska dhigo, awoodda xad-dhaafka ee ciidamadii Maraykanku adeegsadeen iyo hubkii sunta qatarta ah lahaa, ee dadkeenna iyo dalkeenna loo adeegsaday, ayna hubaal tahay, in dhib degaan uu reebay, halka bulshada dhimirkeedana uu waxyeello ku yeelanayo, ma jirto cid iska waraysaysatay ama xisaabteeda u istaagtay, maxaa yeelay, Maraykan iyo QM labaduba waa qirsan yihiin qasaaraha faraha badan ee ka dhashay dagaalkaa ee naf iyo maalba leh.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 6 October 2021 9:00

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono.