Rooble 'Rogane'

Rogane, waa Riya ku nool

Falanqeyn Keydmedia Online

Danbiyada aan waligood duugoobi doonin ee uu dalkan ka galay Ina Siyaad Barre, oo kumanaan buug laga qori karo, waxa ay dalka ka leexiyeen toobiyaha toosan, dar-xumo iyo daranyo baahsan ayayna sababeen, waxaana dhibaatadaas ka dhiidhiyay rag uu ka mid ahaa AUN Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, oo June 17, 1990-kii magaalada Mustaxiil luugu doortay guddoomiyaha United Somali Congress (USC), kaas oo dagaal dheer kadib, January 26, 1991-kii, dhiigya-cabkii ka saaray magaalada Muqdisho.

Rogane, waa Riya ku nool

U jeedka M. F. Caydiid, wuxuu ahaa inuu meesha ka saaro nadaamka kaligii-talis-ka ah ee kaadida shacabka kalaxa ku shubay, wuxuu doonayay in Soomaalidu sinaato oo sharaf & karaamo ku wada noolaato, wuxuu ka dhag taagay darxumada dadkiisa dilatay iyo dowladda deegaankiisa ku tumanaysa, wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh oo uu ku wajahayo Af-weynihii awoodda badan is bidiay ee Soomaalidu ugu mahmaahday “Afkaada qabso ama Af-weyne raac”, oo macnuhu ahaa xabsiga gal ama Xisbiga  Hanti-wadaagga u sacbi, ugu danbeynna yoolkii halgamaa Caydiid ayaa guuleystay, markaas ayayna Soomaali is baratay oo si la isla ogol yahay wax loo qeysaday.

Damacii Ina Siyaad, 30 sano kadib, waxaa u istaagay taabba-galintiisa wiil uu adeer u yahay oo la yiraahdo M.C. Farmaajo, kaa oo ah siyaasi isku-sheeg saldano-doon ah, hayeeshee aan baaxaa-degga beydad-ka siyaasadda bogna uga bilownwyn, waase yaabka yaabkiis, in aragtidaas arradan uu ayiday wiil uu adeer u yahay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, oo la yiraahdo, M.X. Rooble, ‘Rogane’, kaas oo sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay markii uu Jeneraal-ku Xamar ka saaray dhiiya-cabkii, waliba isla bisha Janaayo oo ah xilligii la raacdeeyay Siyaad, uu ‘Rogane’ ku dhawaaqay in dalka laga qabanayo doorasho aan heshiis lagu ahayn si loo si loo meel mariyo waxa ka guuxaya maanka Farmaajo oo ah maladii Maxamed Siyaad. “ismaandhaafkii maan ‘Caydiid’ iyo maan ‘Rogane’ mahadhadiisii dheh”.

Taariikhdu waa mid dhigan oo dhambaallo dhacay aruurisa, waa waajib in la barto si wixii dhib dhacay looga dhowsado, wixii dheef ahna looga faa’iideysto, Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda ayay Soomaali dhahdaa, Rogane wuxuu noqday Indha low ku yaal, oo shalay, maanta & burri aan waxba kala socon, waa nin aan han Siyaasadeed iyo haybad hoggaamin toona laahyn, waa hayin habacsane ah oo aan iska horeyn karin haadda hal-bolaha jaraysa iyo hanafka haadaanta ka tuuaya.

Tan iyo markii xilka RW, loo magacaabay 17-ki Bishii Sebteembar 2020, waxaan waday baaris hor-dhac ah oo la xariirta waxa laga filan karo Rooble Rogane, caga-jiidkii iyo aamusnaanti uu ku soo galay siyaasadda waxa ay markii horaba ka bixisay filashooyin aan fiicnayn, waxaan la sheekeystay intii aan ku guda jiray xog aroorintaan, dad kala duwan oo ay ugu horreeyaaan Saaxiibadiisa gaarka ah iyo siyaasiyiinta ayaa is yaqaanaan.

Dhinacyada oo dhan waxa ay ii xaqiijiyeen in Rogane uu si buuxda kaga soo horjeeday taliska Farmaajo ka hor inta aan xilkaan loo magacaabin, inkasta oo fikraddiisu Pablic ahayn hadana waxaa la wada xaqiijiyay in ay jireen waxyaabo badan oo uu ku diidanaa Dowladdaan, saaxiibadiis waxa ay layaab, fajac iyo amakaag ku tilmaameen in Rogane uu maanta u rucleynayo wixii uu diidaanaa Afar bil ka hor. Daqankaan dhabana heys-ka leh ee Rooble Rogane u dhaashaday inuu ka dhabeeyo aragtideyda iyo baarista aan sameeyay waxaa ii soo baxday Saddex arin oo sababtay waalida Ra’iisul wasaaraha.

  • Tan Koobad, Rogane waxaan lagu anqariyay danbarkii Kacaankii Lugooyo, axal-kana waxaa looga tiray xeryihii uu kali-talisku ku tababaran jiray dhalaanka, sida uu fagaaraha ka sheegay waxa loogu yeero Ubixii Kacaanka ayuu ahaa, wixii xilligaas la xifdisiiyay ayuu rabaa inuu dib u xuso si aysan u doogoobin.
  • Tan Labaad, inuu yahay Awrkiraale adduunyo doon ah oo aan dan iyo heello ka lahayn waaxa magciisa, maalkiisa iyo muruqiisa ku halaabaya, lagulana heshiiyay in afka loo buuxiyo si uu eed u galo.
  • Tan Saddexaad, “Lax dhukan abaar moog” inuu yahay nin aan tagtadii hore iyo taaganta hadda waxba kala soco, kaliyna uu aaminsan yahy in dalku soo marayo Todobaatameeyadii, marka Farmaajo fiiriyana uu ka dhex arkayo Siyaad Barre.

Waxaan xaqiiqsaday in uusan aaminsaneyn nidaam-ka ‘Four point five, oo inta Soomaali ku heshiisay wax lagu qeybsaday isaguna ku yimid, maadaama uusan wax xariir ah la lahayn bulshada uu matalo, tusaale ahaan; qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Qabiilka SACAD,  HG, ee uu ka dhashay ayaan aragtida ay ka qabaan si weyn ugu kuur galay, dhalinyarada wax baratay, culumada cilmiga leh, haween-ka, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan inta wax garata waxa ay hoosta ka xariiqeen in matalaad siyaasdeeed Rogane ugu uusan maqneyn.

Ilo muhiim ah ka mid ah wax garad-ka iyo Siyaasiyiinta Beesha Sacad waxa ay si aan gambasho lahayn iigu xaqiijiyeen in uu Rogane ku dhex rafanayo reerka isagoo abaabula ragga “dhuunta ii qoy”  looga dhex yaqaan beesha ee aan la xisaabsan si ay barabagaando la dhoodhoobay ugu sameeyaan isaga, eed iyo addiyad aysan beeshu geysanna u galaan si beelaha walaalaha la ah beesha Sacad looga hor keeno.

“Rooble wuxuu miqaayadaha Shaaxa uga sheekeeyaa Farmaajo ayaa igu yiri haddii aad garab igu siisid in aan madaxweyne noqdo adigana RW aan dhicin ayaan kaa dhigayaa” ayuu igu yiri mid kamid ah siyaasiyiinta isaga ku heebta ah oo si weyn looga saaxadda siyaasadda dalka, Runtii taasina amakaag iyo af-qabsi ayay igu noqotay, lama socdo miyaa wixii raggi isaga la midka ahaa oo balanta ceynkaan oo kale ah lala galay wixii ku dhacay?  mana xasuusto miyaa hadaladii caanka ahaa ee Yuusuf garaad Mareykanka ayaa la iiga soo sheegay”, kii Juxaee isna ahaa “baraha bulshada ayaan ka arkay”  iyo kii Sanbalooshe ee ahaa, “anigoo meyd aasaya ayaan maqlay”. Lax kasta halka ay is dhigtaa lagu gowracaa.

Si guud beelaha Habargidir iyo Hawiye oo dhan waxa ay Rooble u bixiyeen ‘Rogane’ oo la macno ah nin madaxa ku socda majahuna u koreeyaan, waxayna taas u sababeeyeen dhowr arimod oo is biirsaday sida; inuu waxba kama jiraan ka soo qaadayo halgan-kii dheeraa ee dalka looga xoreeyey Kaligi-taliskii, inuu rabo in Farmaajo oo aan dadkiisi iyo deegaankiisi heysan oo ay soo diideen ‘Puntaland iyo Juballand’ inuu madaxweyne uga dhigo kaliya dadka iyo deeganada Hawiye iyo wixi soo raaca, Waxayga iyo waxaada aa wadaagno kama walaaceyne, Waxaaga iyo waxeyga aan wada cuno waalli soo maaha. wax ka qabasho la’aanta Amniga deeganada ay beeshu dagto, iyo inuu yahay in aan waxba curin ee kaliya loo calaameeyo waxa laga rabo inuu rumeeyo. Saqiirkii siyaasadda waxaa badalay sawirka siyaadda.

Hawiye maxaa la gudboon?

“Hanqaraarac lug uma dhutiyo” ayey Soomaalidu ku maahmaahaan, Hawiye waa inuu ka tashto Rogane inta ay goori goor tahay oo aan waagu ku caddan, waa in loo yeero oo loo caqli celiyo wadada uu hayana loo sheego in aysan ahayn tii saxda ahayd, Hawiye waa inuu idhaha kala furo oo uusan sugin inta Xabadda Shankaroorta ah “Qumayada” uusan ridin Fahad Yaasiin, “Shankaroor” waxaa loola jeedaa Xabadda ugu horreysa ee goobaha dagaalka la rido, taas oo Soomaalidu dhaqan ahaan u leedahay in ay ridaan beelaha laga tirada badan yahay iyagoo curaafaysi iyo falaanful ula jeeda, hadda sida muuqata Shankaroorta waxaa Ridi doona Fahad Yaasiin marka la eego beelaha ay ku abtirsadaan FFR, Farmaajo, Fahad iyo Rooble.

Hawiye waa inuu si isku mid ah uga hor yimaado dagaal Xamar ka dhaca iyo in wiilasha Hawiye la isku laayo, Aabe kasta iyo hooyo waliba waa in wiilka FFR, la safan ee dhiigga walaalkiis u dhadhamayo ay qorayga ka dhigaan.

Waa in la abaabulo bannaan baxyo waawayn oo aan loo kala harin isla markaana aan joogsi lahayn, ayna hoggaaminayaan Siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, Urur-ka haweenka, Urur-ka dhalinyarada iyo Culmada oo iyadoo aan hantida dadka Hawiye ee Xamar talla la burburin si nabad ah loo soo ban-dhigo tabashada la qabo. “Haddaan maskaxi talin, gacamuhuna wax kuu qaban cadaw kaama maato.

Maadaama dadka ugu badan ee dhibka ku qaba nidaamkaan Kali-taliska ah ay yhiin dadka Muqdisho ku dhaqan waa in waaya aragnimo laga kororsado, la tashto oo laga arinsado xaaladda Xamar loona dhiso maamul  ka taliya dandeeda iyo danta dadka ku nool.

Ugu danbeyn Rooble Rogane waxaan leeyahay, Ninka dhuumanaayee dhabarkiisu muuqdow, waa dharaar lagu dhawrayaaye dadkaaga dhinac ka raac, yaadan dhumine dhinac ka raac. Waxaan ugu sii darayaa, Meel aad madaxeedi tahay majaheed la is kama dhigee, haddaadan miidaami karin masuul waa laga tagaa.

Guuleed Faarax

KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Waa Aniga

    • 19 May 2021

    Waxaa tahay nin aad iyo aad u cuqdadeysan oo ciiL u dhiman raba lol. Waxkale kuma dhahaaye, Allaha kaa caafiyo wabaayada qabyaalada ee kugu dhex maaxday kuguna gaamurtay.




Falanqeyn 15 June 2021 4:24

Akhriso Qeybta koowaad ee Qormadda | Qormadaan waxaan doonayaa in aan uga hadlo dhacdooyinka soomaalida qaar ka mid ah iyo sida damaaciga qolooyinka qaar u dhibaataayey daganaha guud ee Bulshada ay leedahay oo hadday weydo ay u marayso jidkasta si ay uu ayada u noqoto kuwa kaliya ee jooga meesha ay doonayaan, waa madaxnimada iyo darajada ugu saraysa ee soomaali ka dhaxaysa,