QEYBTA 2aad

Yaa leh Mas’uuliyadda Dilkii Madaxweyne Sharmaarke?

Falanqeyn Keydmedia Online

Akhriso Qeybta koowaad ee Qormadda | Qormadaan waxaan doonayaa in aan uga hadlo dhacdooyinka soomaalida qaar ka mid ah iyo sida damaaciga qolooyinka qaar u dhibaataayey daganaha guud ee Bulshada ay leedahay oo hadday weydo ay u marayso jidkasta si ay uu ayada u noqoto kuwa kaliya ee jooga meesha ay doonayaan, waa madaxnimada iyo darajada ugu saraysa ee soomaali ka dhaxaysa, 

Yaa leh Mas’uuliyadda Dilkii Madaxweyne Sharmaarke?

Baarlamaanka buuqa ka dhex jiray, Beryahaas waxaa lagu eedeynayey dhibka ugu badan inay wadeen kooxo ka socday Puntland oo doonayey in  ay dalka madaxweyne ka noqdaan sida muuqanaysay oo dad badan oo berrigaas joogay ay kuu sheegayaan In Xaaji Muuse Boqor ka mid ahaa,  buuqa ugu badana ay ayagu lahaayeen. Cabduqaadir Oromo buugaagta uu qoray oo inta badan ay ka caroodaan reer puntland, oo aan la garanayn sababta ay u diidan yihiin buugaagtiisa ayaa ku sifeeyey hana qaadkii dowliga ahaa ee soomaaliyeedba inay ahaayeen mushkiladda soomaaliya, oo ayna ka shaqeyn wax wanaag ah marka laga soo tago dhowr qofood oo ka tirsanaa SYL oo wax tarkoodu ummadda ka dhex muuqday kuwaasoo aan qabiil iyo hayb gooni cidna ku raacin sharaf iyo maamuus lahaa.

Taariikh Madow oo Kooban kuna saabsan deegaanka Puntland

Taariikha ugu muhiimsan ee ay Puntland ku leedahay Ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda  maaha kuwa iftiin iyo muuqaalo qurux badan ku leh ummadda dhexdeeda. Inkastoo aysan garowshahaas lahayn oo aysan ogolayn dhacdooyinka khaldan ee ay sameeyeen sheegistooda oo aysan waaqici  ku ahayn inta badan dadka ka soo jeeda dhulkaas, haddana waxaan doonaynaa inaan ka bidhaamino inay  bal dhacdooyinka cajiibka ah ee laga qoray inta laga xusuusan karo.

Puntland taariikha qoran meelna ugama jiraan dhulka soomaalida nidaamyadii soo maray ee Ummadda ay lahayd sida boqotooyooyinkii Soomaaliyeed ee ay ugu dambeeyeen Ajuuraan iyo Awdal oo waxay ahaayeen kuwo ay kala maamulayeen oo labad dhinacba ku kala dhex jiray, waligoodna Puntland may noqon dad nidaam u diyaarsan ee waxay ahaayeen Bulsho soomaaliyeed oo meel dagan oo haddana Jilib Jilib u lahaa Ugaasyo Beel daajiyaal ama Boqoro aan dabka kala qaadanin oo midkastaba Tuulada uu joogo nin oday ah ku ahaa, halka Soomaalida kale ay lahayd Boqotooyo kala duwan oo midna mar soo dhisnayd, taliskeeduna uu gaarayey meelo ka baxsan deegaankooda, sida Ajuuraan oo ka talinayey illaa xeebaha  xeebaha Kenya, tanzaaniya, Muzambiik, iyo Koofur Africa iyo awdal oo gaartay illaa Berriga dalka Suudaan sida Kassalla magaalada la yiraahdo oo kale.

Boqortooyada kala dambaysay ee dhulka soomaalida wali waxba kuma aysan yeelan taariikhda inta laga war hayo, Boqotooyinkuna waxay burbureen horaantii qarnigii 18-aad, markii dowladdi Islaamku burburtay, laakiin puntland nidaam sooyaal ku qoran kama hayno wixii ka horeeyey qarnigii 20-aad, waxayna soo baxday kalimadda la yiraahdo Majeertenya xiligii uu Gumeystaha talyaaniga qabsaday dalka oo ay dagaalo ba’an soomaalidu kula jireen Gumeysiga joogay dalka. Ayadoo lala dagaalamayey Gumeystaha, ayadoo dagaalkaa lagu jira gumesiga, haddana Keenadiid ayaa dagaal kale soomaalida ka dhex waday, waxaa ka mid ahaa dagaalkii HOBYO Mudug illaa Waqooyiga galgaduud uu ku qaaday, ayadoo talyaani Joogay, Taas waxaa kaaga daran Taariikhda laga qoray ee qoraysa in Keenadiid Suldaan ZanZibaar kula dagaalay Warsheekh, waana laba Been oo aan is qaban “” warsheekh uu tagay waa been, Zanzibar suldanate ayaa Talyaani igu Caawiyeyna waa Been”” Ciddaan Soomaali ahayn dhiig kama Galin, waana taariikh la abuuray. Taariikhdaas oo illaa iyo hadda ninka ku Nool Puntland ay sharaf iyo karaamo la tahay. Bal eeg ayadoo Gumeysi caddaan ah taagan yahay in Nin Soomaaliyeed inta is hubeeyo uu nin Soomaaliyeed Hub u qaato, ama uu isu muujiyo inuu dul dago, waxba kama duwan midda soo taagnayd 1978 ilaa 2008, ee Cabdilaahi Yuusuf Xabashi ugu soo hogaaminayey dalka uuna dajiyey wazaaraddii gaashaan dhigga soomaali, uuna duugay dhamaan haykalkii taariikheed ee ay muddo soo haysatay ummadda afka soomaaliga ku hadasha oo dhan meelkastaba ha joogeene.

Maxay ku kala duwan yihiin raggii HOBYO dadka ku layn jiray ayadoo lagu mashquulsan yahay dagaalkii lagula jiray caddaankii Talyaaniga dalka qabsaday, iyo ninkii Keenay xabashi iyo kuwa hadda wali garabka haysta.

In yar aan ku noqdo wakhitii Sayid maxamed uu ka dagaalamayey gobolada hadda laysku yiraahdo Sool, Sanaag, iyo Togdheer ee uu Ingiriis dagaalka kula jiray, waxaa dhacday in mar laga Itaal Roonaaday oo jab ka soo gaaray dagaal ay la galeen gumeysigii Ingiriiska, wuxuuna soo qaatay dhaawicii, wuxuu u qaylo dirsaday suldaankii berrigaas maamulayey magaalada garowe ee gobolka Nugaal, meeshaas waxaa haystay Talyaani, xiligaasina talyaani iyo Sayidku dagaal markaas taagan kama dhaxayn, talyaaniguna khatar uma arkayn, maxaa yeelay talyaani wuxuu doonayey wixii ingiriis dilaya oo waana siyaasadaha ka dhaxeeyey  awoodihii markaa jiray, amaba ilaa hadda waa sidaas oo dowladdaha waaweyni shaqada ay dunida sedexaad ku hayaan oo kale.

Sayid Maxamed qayla dhaantiisa waa uu ka aqbalay wuxuuna u sheegay inuu soo dhaweynayo, markii uu soo aaday ee uu ka soo gudbay dhulkii uu ku dagaalamayey ee uu dhanka talyaaniga soo galay ayaa sida la sheegay fekerkiisu is badalay ninkii Boqorka garawe ahaa, oo markiiba inta ciidan abaabulay ayuu yiri laaya, markiiba ciidamadii dhinacyaday ka galeen halkaasna jab kale oo cusub ayaa ka qabsaday sayid maxamed taasoo keentay inuu u baxsado magaalo xeebeedka Xaafuun, halkaas oo uu dib isaga soo dhisay kuna soo noqday ugu dambeeyn runtiisii gobola Sool, waxaan hubaa inaysan ogolayn oo ay si kale u dhihgayaan taariikhdaas, waase doodaha badan ee aan runta laga sheegayn. Waxaa u bandnayd in uu kaga baqday Kursigiisa Maadaama Sayid Maxamed cabdulle uu ahaa nin Adag oo dagaal badan, sidaa darteed ayey u badan tahay inuu fekerka kale qaatay ee uu dharbaaxada ugu geystay Sayid. Dhaqanka Noocaas ah berihii hore Soomaalida maysan garanayn, maxaa yeelay Nin ku soo magan galay taariikhda soomaalida may dhicin, inaad adigii maganta u ahaa, aad dib ugu noqoto oo aad dhibaato uusan kaa filayn ku sameyso, ficilkaasi oo xitaa diinta islaamka illaahay ku xaaraantanimeeyey.

Dhibkaas ku dhacay Sayid Maxamed uu u geystay Boqorkii Garowe wax la sheegay maaha waa taariikh aan cidna ka waramin oo meesheeda looga tagay, waana mushkilooyinka laga waaqsan la’yahay ee illaa iyo hadda aysan fahamsanayn dadka soomaaliyeed oo ku nool meel ka baxsan Puntland, waana jiraysaa mushkiladaas illaa ay baranayaan khayaaliga ay ku dhex jiraan ummaddaasi soomaaliyeed.

Labada dhaxdo ee aan ka soo sheekeynay labaduba waxay ka dhacday puntland meel koofur ka xigtay iyo meel galbeed ka xigta, labadubana kama aysan garaabin oo dhibkii ay berrigaasi gaysteen xitaa garowsho kama laha, taasi waxaa u raacday dilkii madaxweynaha ee aan manta ka hadlayno Allaha u Naxriistee Mudane Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo lagu sii daray, sirdilyadii uu ka badbaaday Maxamed Siyaad Barre, iyo  Keenistii Cabdilaahi Yuusuf ciidamada Itoobiya dhulkii xorta ahaa 1978 ee balanballe iyo nawaaxigeeda.

Haddaan in yar ku daro keenista Ciidankaas, haddaad la sheekeysato Nin reer Puntland ah oo aad ka sheekeysataan Cabdillaahi Yuusuf ciidankii uu keenay Balanballe waxay ku leeyihiin nin geesi ah buu ahaa, oo markay Calanka ka taagteen Xabashi Balanballe ayuu ka diiday, dhacdadaasi waa run waa aaminsan yihiin. Waxaadan arkayn nin ku dhawaaqaya oo Oranaya ninkaasi dambiile ayuu ahaa, waxaadna dareemeysaa geesinimada ay aaminsan yihiin inuu dambi weyn oo qiyamo qaran ah ka horeeyey oo dambiga ugu weyn uu yahay in dhul soomaaliyeed lagu soo hor kaco cadow soo jireen ahaa, lana dhex keeno ummadda masaakiinta ah ee reer miyiga iyo Tuula Jooga ahaa, haddana ay noqotay in dushooda lagu dagaalamay markii uu General Maxamed faarax caydiid ka saarayey Xabashida dhulkii uu Cabdillaahi Yuusuf soo dejiyey, dagaalkaasoo dhacay inta u dhaxaysay 1980-1982 gobolka Galgaduud xuduudka balanballe, xabashiduna ay qabsatay 1978.

Halkaas waxaad ka daraameysaa in taariikh xumo jirtaa ay keentay in Dowladdii Soomaaliyeed iyo xoriyadii soomaaliyeed iyo midnimadiiba ay ayagu ahaayeen cidda ugu horaysay ee mushkilo dhex dhigta, Markaan qiimeeyeyna waxay iila muuqatay sababtay keenay in Ciidan xabashi la horkacaa, ay tahay aqoon darada iyo taariikhda oo aysan markii hore aad ula socon Collaadda u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya inta ay la ek tahay ama soo jirtay, marka laga reebo dad yar oo wax bartay oo dhulkaas ka soo jeeda.

Haddaba Madaxweyne Cabdirashiid Maxaa lagu dilay yaase wax kala socda dilkiisa?

Dilalka qorshaysan ee qaarkood ay ahaayeen kuwa fashilay sida aan kor ku soo sheegnay isku daygii dilka iyo afgambiga madaxweyne Maxamed Siyaad barre,  dhamaan  uma suurtoobin inuu u dhaco sida loogu tala galay, ama sidii midkii Cabdirashiid.

Laakiin dilka madaxweyne Cabdirashiid lama garanayo sababta iyo cidda ka dambaysay, dhamaan wixii raad ahaa ee laga raaci lahaa waa la baabi’iyey. Goor aan ku qiyaasayo inay tahay 2012 ayaan la sheekeystay nin ka yimid Puntland, wuxuuna ahaa wiil dhalinyaro ah, wuxuuna ii sheegay inuu jiray nin uu isagu malaha garanayey oo ahaa nin og sababta loo dilay Madaxweyne Cabdirashiid kuna noolaa puntland, dagaaladii sokeeye wixii ka dambeeyey, Laakiin uu diidanaa inuu soo bandhigo, waxaana markii dambe la sheegay ninkii diiday inuu ka hadlo arintas uu dhintay asagoon wax macluumaad bixin inta laga war hayo, taasoo ku tusinaysa dilka Madaxweynaha inay ka mid ahaayeen ayna ka war hayeen rag badan oo qaar hadda nool yihiin dadka ka soo jeeda Puntland.

Hadda waxaa lagu riixaa dilka Madaxweyne Cabdirashiid allaha u naxariistee dowladdii Kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaadka hogaanka u qabtay, oo la yiraahdaa ayadaa ka dambaysay, laakiin haddaad cases badan oo dunada ka dhacay oo kale in badan sida loo xaliyey raadiso kuwaasoo la mid ah sida case-ka Cabdirashiid waxaa kuu soo baxaya in dowladda Kacaanku aysan wax badan kala socon barnaamijkaas, maxaa yeelay raggii Afgambiga sameeyey ee Soomaaliyeed wax collaad ah kalama aysan dhaxayn Dowladda Cabdirashiid,  xidaa damac siyaasadeed hadduu hayey inay madaxweynaha dilaan maysan sameyn lahayn ee sitoos ah ayey u inqilaabi kareen dowladda oo dhan.

Haddaad raad raac ku sameyso sooyaalka dhacdada foosha xun ee lagu sameeyey Jamhuuriyadda soomaaliyeed, marnaba inshu kuu qaban mayso cid kale, jidkasta oo aad dib u raacdo waxaa kuusoo baxaya rag reer Puntland ah oo doonaya waxaan la garanayn kuna raadinaya jid khaldan iyo wakhi khaldan oo labaduba aan haboonayn in shaqo noocaas ah la qabto.

Haddii la dilay Cabdirashiid Allaha u naxariistee, haddii laysku dayey Maxamed siyaad in la dilo tiro ka laba jeer ah, labaduna ay qabteen laba ama sedex ama koox dhamaan ka soo jeeda Puntland, miyaanay ahayn Mushkilo taagan oo aysan fahamsanayn Ummadda Soomaaliyeed, miyanay ahayn khalad xoog badan oo ay ka galayaan Ummadda Soomaaliyeed, miyaanay ahayn Qiyaamo qaran oo laga galayo ummadda Soomaaliyeed, Miyaanay mudnayn in talaabo xanuujisa laga qaado Puntland intooda ku fekerka ah kuwa abaabula mushkilladda.

Qarnigan 21-aad oo dunida wax baratay soomaali ku kala yaacday adduunkan oo dhan waxaad dareemaysaa wali inaysan waxba ka duwanaan ama aysan waxba ka fahmin is badalka jira waxaadna moodaysaa inay taagan yihiin halkii keenadiid iyo Boqorkii Garowe joogay sida ay u fekerayeen, Caqliguna Yahay dil Ninka Soomaaliga ah, Gumeysina U kaasho, oo micnaheedu yahay, qaado Mindi loo soo Tumay walaalkaa ee aan Cadowga waxba ka galin.

Ogow dhacdooyinkaas oo dhan, Sheekh, Suldaan, Caalim, Ama Aqoon yahay, cudurdaar ka sameeyey ma Jiro, tusaalahaasina wuxu cadaynayaa in wali uusan jirin dareen garowsho oo laga qabo wixii Tacaddi dhacay. Dhamaan inta aan Soo sheegay kuma Jiraan role-ka dagaalada Soomaalida dhexdeeda.

MAHAD OO DHAN ILLAAHAY AYEY U SUGNAATAY.

Ibrahim Abdi Geele
Jinniishumi@gmail.com




Falanqeyn 6 October 2021 9:00

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono.