Laf jabtay sideedii ma noqota…?

Maxamed Afrika — Waa maalin ku weyn Walaalaha Waqooyi. Waa maalin ay ku illaawayaan waayihii tacaddiga iyo halaaga. Waa Maalin ay ku Rajo weyn yihiin Mustaqbal ifiya iyo madax banaani dhab ah, mar uun mar ay ahaataba. Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dadka Somaliland. Sannadkan iyo sannadaha xigana, waxaa Eebe ugu baryayaa in uu baraaraha iyo barwaaqada ay heystaan u taam yeelo.
Laf jabtay sideedii ma noqota…?

Cidna caad kama saarno nabadda iyo horumarka ay ku talaabsatay Soomaliland marka aad ka eegto dhanka xasiloonida iyo dimiqaraadiyadda, wallow ay jiraan dib u dhac lixaad leh xaga adeega bulshada iyo maamul wanaaga.

Iftiinkaas Hargeysa iyo hareeraheeda ka baxaya, wuxuu nolol u noqday malaayiin Soomaali ah oo xabadda iyo silica kaga badbaaday mudadii dagaalada sukeeye ay aafeeyeen Soomaaliya inteeda kale. Waxaa hubaal ah in ay yareysay dhiig bixii “Hashii Maandeeq” oo wali dhulka ku qubanaya.

Markii dowladii militariga dhacday, Somaliland waxay qaadatay go’aan geesi nimo leh oo waxay dib u soo ceshatay gobanimadeedii si iskeeda ah iyadoo lagu saleenaayo xuduudihii gumeysiga Ingiriisiga ka tagay. Waxa filayaa arrintaas wixii dhaliyey cid walba way ka dharagsan tahay, waa gafafkii taariikhiga ahaa iyo gumaadkii la geeystay oo aan wali laga garaabin.

Ma Shalay mise Maanta 

Dadka Somaaliland markii ay xurnimada ka qaateyn gumeysigii Ingiriiska, iyagoo gardaadinaya ayey Xamar geeyeen. Ma jirin gorgortan awood qeybsi oo qabiil ama degaan ku jaango’an balse ma aheyn gafkooda waayo jiilkaas wuu ka cafimaad badnaa kuwa maanta jooga. Mar uu Max,ed Xaaji Ibrahim Cigaal- Allaha u naxariistee- ka hadlayey sidii lagu midowbay waxa u yidhi, Videogaan ka Daawo.

Shacuurta dadka ka dhex guuxeysay, waxay kaliya aheyd Soomaali oo xur ah misna mid ah, Hase ahaatee, walaalihii reer waqooyi siday u lisayn looguma hambeyn, sidaa darteed, Hashii Maandeeq, waxaa la oran karaa ma godlan ama way gaagaxday, waxaana halkaa ku jabay haraadkii loo qabay “Soomaaliweyn”.

Intii uu xakunka hayey kali taliyihii Siyaad Barre, dadkaa reer waqooyi, waxay dhadhamiyeeyn dhibaatooyin fara badan haba ugu sii darrnaatee gumaatkii iyo duqeyntii baahsaneynd ee laga geeystay Waqooyi Galbeed iyo goboladii ku xeernaa. Dhibtaas xanuunka badan ka dib, wuxuu Rabi ugu badalay dheefta ee maanta u dabaal dagayaan.

Wixii dhacay, reer gaar ah eeda dusha lagama saari karo, waayo dowladdii militariga waa loo dhamaa, sida uu mar kale marqaati kacayo- Allaha u naxariistee- Max,ed Ibraahim Xaji Cigaal. Way jiraan shaqsiyaad ilaa maanta nool oo gumaadkaas si toos ah ugu qeyb galay, ayna waajib tahay in lagu maxkamadeeyo.

Laf jabtay sideedii ma noqoto

Xaalka maanta sidii uu ahaa nus qarni ka hor waa ka duwan yahay. Marka laga soo tago aragtida siyaasiyiinta, waxaa holcaysa laabta da’ yartii ku dhalatay ama ku barbaartay waayihii qaxa iyo xasuuqa oo aan waligood arkin macaanta midnimada, qarraar moyaane; sidaas darteed way adag tahay bukaankaas in la baxnaaniyo, waase suurta gal haddii lala yimaado maan hufan iyo caqli cafimaad qaba ah.

Waxaa ii rajo gelinaya dad badan oo reer Soomaaliland ah oo aan wali u hanqal taagaya midnimadii iyo calankii cirka u ekaa oo aan marna la soo marsiin karin arrinta gooni isutaaga. Dadkaas waxay ku badan yihiin gobalada Sool, Sanaag ilaa Awdal. Ma ahan reero gadoodsan, mana ahan afraad falaagooday, waa rag iyo dumar aan wali laqin kaniiniga gooni-isu-taaga.

Miyaan is daweynaa mise waa isku duceynaa

Dad badan ayaa qaba in midnimada muqadas tahay, laakiin taasi sax ma ahan, waayo midnimadu qasab kuma imaan markii hore, haddana qasab ma ahan. Waxaa loo baahan yahay in si taxadir leh loo dhayo boogtaas.

Aniga wali kama quusan wadajirkii in uu mar uun soo noqon doono, balse hadii taasi suurtagal aheyn, ma haboono in lays jiid jiido waayo ii jiid aan ku jiido waa gacma daalis. Waxaa furan in laysku duceeyo oo si gacaltooyo iyo gobanimo ku dheehan tahay lagu kala tago.

Tusaale: Kaba soo qaad in Somaliland dal madaxbanaan noqday, so kama dhigno seddex Soomali ah (Somalia, Somaliland  & Djibouti) oo awd wadaag ah, awoodna ku yeelan kara guud ahaan geeska Afrika iyo ururka IGAD, haddii ay is garabsadaan.

Aniga aragtideeda taasi wax dhib ah uma arko oo waxaan is leeyahay waa xubin naga mid ah oo waa cusub u baryey, waxaana jeclahay dad badan oo Somaaliyeedna in ay ila qabaan aragtidaas. Cidda ay taasi walwalka gaarka ah ku heysaa waa wadanka aynu dariska nahay oo runtii ka baqaya in ay aqoonsiga Somaliland dhaliso folkaano guudihiisa ka qaraxda.

“Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane
Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye”
                                Qamaan Bulxan

Sida tuduca sare ku cad, waxa jira saaxib aan daacad ka aheyn horumarkaaga, Ethiopia waa tabtaas oo marna ma ogala in Soomaaliland la aqoonsado waayo taasi waxay u gacan haatin kartaa halganka gobanimo doonka ah ee ka jira hadda dhulalka Soomaali Galbeed iyo qoomiyadda walaalaheena Oramada oo runtii caburin iyo gumeysi lagu hayo.

Su’aashaas mid u dhaw ayaa weydiiyey Prof. Axmed Ismaciil Samatar mar u dhawaan booqasho gaaban uu ku yimid magaalada Oslo ee dalka Norway. Ma hubo in uu si fiican u fahmay mise anigaan si faahfaahsan u dhigin, si ay ahaataba, koley sidii aan filayey uguma uusan jawaabin. Waxaase hubaa in uu ka dharagsan yahay hagardaamada dowladda Itoobiya ku heyso Soomaalida guud ahaan.

Shaki kuma jiro, ilma Samatar iyo dad la mid ah in ay jiheyn karan masallada madaxbanaanida, waa haddii la siiyo masraxa go’aan ka gaarista masiirkaas ummadeed, ama talada dalka wax ku yeesheyn. Looma baahno in diyaarado la raaco ama dal shisheeye la aado midna. Xitaa turjubaan baahi looma qabo, oo waxaan isku afgaranaa afkaa hooyo.

Waxaa ku riyoonayaa mar uun in aan arko qof waqooyi ka soo jeeda oo masiirka Soomaalida lagu aminay, maalintaas waxaan hubaa in midnimadii dhidibo adag ku taagan tahay, umaddaa kala irdhowtayna laysku keeni karo. Waxaa ku so af meerayaa Gabaygan aan tuducyada gaaban ka soo qaadan doono:

“Eebbow qarkay maanta taal qadarka soo meeri
 Soomaalida kala quban qoysba dhan u jeedo
 Qaraabada isugu keen allow qaabad nabadaysa
Qarankeenii so celi Allow qaaddir baa tahaye!”
            
           Maxamuud A. Cabdalla (Shiine)

Max’ed Afrika
Mafrica53@yahoo.com




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: