Baarlamaanku Ha Kala Doorto Badbaadinta Kursiga MW-naha & Dowladnimada Qaranka

Dr. Saciid Ciise Maxamuud — Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xilka ku yimid doorasho uu ku guuleystey oo uu ku helay inta badan codka kalsoonida Baarlamaanka. Beesha Caalamka iyo Qabiilada Soomaaliyeed midna kuma imaan kalsoonidooda iyo dadaalkooda.
Baarlamaanku Ha Kala Doorto Badbaadinta Kursiga MW-naha & Dowladnimada Qaranka

Sidoo kale kuma uusan imaan rabitaanka shacabka oo codkooda ku soo doortay. Dibad iyo gudaba waa laga soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha, mana aysan jirin beelo si gaara u caleemo saartay oo uu u dhaartay inuu xilka u haynayo waxqabadkooda iyo inuu magacooda ku joogo xaafiiska.

Madaxweynuhu wuxuu qaaday xil qaran oo waajibaadkiisu yahay gudashada fulinta howlaha lagu socodsiinayo maamulka dowlada. Marka ay timaado in madaxweynuhu uu ku guuleysan waayo kartida lagu gudanayo hogaaminta dowlada, waxaa eeda qaadaya madaxweynaha oo awoodi waayey inuu guto xilka loo doortay. Beelaha Soomaaliyeed, deriska, iyo beesha caalamka midna looma saarin karo kartixumida madaxweynaha iyo qorshexumada uu ku dayacay howsha loo doortay.

Soomaalida waxaa caado u ah in marka xil la gudan waayo oo ay timaado edeyn quseysa cida xilkeeda ka soo bixi weysey in aysan garqaadan cida ku fashilantay howsha laga sugayey, taas bedelkeedna shaqsiga xilka haya uu u tusiyo farta lagu soo godey iney muujineyso meel ka dhac lagu bahdilayo xilka ay heyso beeshiisa. Waxaad arkeysaa durbadiiba dhiilo wada saameysa beesha uu ka soo jeedo howlwadeenka xilka gudan waayey, iyaga oo iska dhaadhiciyey iney ujeedadu tahy in beeshooda wadar ahaan loo dan leeyahay oo loo soo jeedo waxyeeladooda.

Eeda baarlamaanku uu u soo jeediyey madaxweynaha oo ay ku dhaliileen kartixumo keentay inuu ku guuldareysto hogaaminta dalka waxey dhalisay beesha uu ka soo jeedo madaxweynuhu iney la yimadaan xintan lagu difaacayo kursiga madaxweynaha sida iney sharciyan wax ka tarayaan guuldarida lagu heysto. Inkastoo dood badan ay ka taagan tahay sida beeshiisu u maamulatay madaxtooyada, gobolka Banadir, ciidanka, dekedda, garoonka, safiirada, warbaahinta qaranka, qandaraasyada dowlada iyo kuwa shirkadaha shisheeyaha, haddana maanta doodaas ma taagna oo waxaa la doonayaa in la saxo hogaanka sare si ay u fududaato toosinta maamulida dowladaha ka jira gobolada dalka.

Sida muuqata marka la eedeeyey madaxweynaha wuxuu miciin biday inuu beesha uu ka soo jeedo kula dhex galgasho caqabada haysata si kicintooda ay u soo dedejiso xal. Sidoo kale waxaa isi soo taraya olole aan ku dhisneyn maagal oo lagu ceebeynayo masuuliyiinta aan taloxumada ku raacin tolkooda, halka laga soo dhaweynayo kuwa horkacaya naxliga oo adeegsiga magaca beesha dembiyo waaweyn horay ugu soo galay.

Waxaad ka argagaxeysa sida dadka loo rumeysiinayo in ereyo shirib ama guurow ah sida qaswade, nabaddiid, dowladiid, iyo argagixiso ay waxtar ka keeneyso hanjabaada loo soo jeedinayo kuwa diidan iscaburinta ka dhejirta beesha gudaheeda, kuwaas oo aan u fekereyn dhaqan qabiil laakiin ay hogaamineyso aaminsanaanta fikir siyaasadeed oo maslaxad durugsan leh.

Waxaa la yaab dhalisay markii odeyaasha baarlamaanka tala soo jeedintooda la dhinac maray, talowadaagna lala galay beesha si gabaad iyo difaac looga doonay ku tiirsanaanteeda. Haddii aad u fiirsato banaanbaxa uu soo abaabuley gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qiirada ay xambaarsaneed fariinta loo soo abaabuley isku soo baxa wuxuu ka turjumayaa taloxumo weyn iney heysato madaxweynaha iyo lataliyeyaashiisa. Dad masaakiina oo laga soo uruuriyey xaafadaha iyo dad lagu soo kiciyey qaab beeled kama turjumayaan codka shacabka ku nool Muqdisho oo si xora u cabiraya dareenkooda.

Dakhliga Muqdisho ka soo gala dekedda, canshuurta gobolka, iyo garoonka weli lama hayo xisaabteeda iyo sida loo isticmaalo dhab ahaan, haddii cid ku takrifashay cunideeda waxaa dhaliisheeda iska leh cida heyb ahaan u maamulata gobolka. Dadka ku nool Muqdisho waxey faa'iido badan ku qabaan hayadaha dowlada dhexe oo xaruumahoodu ku yaalaan Muqdisho, xaruumaha ay ku leeyiihn ururada caalamiga iyo diblomaasiyiinta shisheeyaha. Waxaa si gaara xusid u mudan joogitaanka xaruumaha UNka oo dhaqaale badan oo caalamka ay ka soo uruuriyaan ay mushaar iyo mashaaric ahaan u geliso ciidanka, xildhibaanada, iyo howlwadeenada dowlada, lacagtaas oo xoogeeda dib ugu soo noqota adeegyada ka jira Muqdisho.

Ma jirto dhaqaale Muqdisho ka soo baxda oo lagu dabiro mushaaraadka shaqaalaha, ciidamada, xildhibaanada iyo holwadeenada dowlada. Armey wanaagsan tahay reer Muqdisho iney gartaan dantooda iyo maslaxada ay ku qabaan hoyga ay u yihiin dowlada dhexe.

Baarlamaanka waxaa horyaala inuu badbaadiyo dowladnimada qaranka Soomaaliyeed oo uu madaxweynuhu gebey hogaankeeda. Ma jirto awood ay leedahay beel gaara oo ka leexin karta baarlamaanka inuu guto waajibaadkiisa iyo la xisaabtanka kala dhexeeya xukuumada. La arki doono haddii roobdoon lagu raadiyo gabgableynta ciyaaro lagu rableynayo garoomada ciyaaraha oo lagu gaarayo curashada roob lagu diirsado.

Hadalada ka soo yeeraya gudoomiyaha gobolka Banaadir waa mid si xiiso leh indhaha ugu soo jiidinaya dhaqankiisa ku saleysan gudoomiye- beelednimada iyo awooda uu isbidayo oo uu doonayo inuu kula xisaabtamo howlwadeenada hayadaha waaweyn ee dowlada dhexe ama uu ku doonayo inuu ku xakameeyo xoriyadooda iyo xaquuqda awoodooda. Waxey horay dabagal uga taagneyd xilkii uu horay uga hayey maxkamada ciidanka oo xukuno dilala si deg dega ugu fulin jirtey iyado dhibanayaasha aysan u furneyn kaalin ay isku difaacaan ama ehelkoodu ay qareeno ugu qabtaan. Waxey sidoo kale wejigabax ka taagneyd sida deg deg ah oo afar sanno gudahood u ku qaatay darajada korneylnimada iyo janannimada isdaba joogta.

Waxaa intaas ka sii xiiso badan qaabka xilka loogu magacaabey gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay ahayd gudoomiyii hore kadib in la sameeyo golaha degaanka gobolka, kadibna la sameeyo doorashada gudoomiyaha gobolka. Sida muuqata xilkiisa hore iyo kan hadda uu hayo waa mid ka turjumaya qaab kelitalisnimo oo aysan jirin cid kula xisaabtameysa awooda uu ku qaadanayo go'aamada.

Shacabka Soomaaliyeed ee jecel iney arkaan dowladooda oo si dhaba uga shaqeyneysa qaranka Soomaaliyeed waxey indhahooda ku arkaan qarka ay ka laalaado madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed oo hogaankeeda uu la mariin habaabay madaxweynaha, waxeyna sidoo kale indhaha ku hayaan baarlamaanka inuu badbaadiyo dowlada qaranka Soomaaliyeed.

Xisbiga Dadka wuxuu u soo jeedinayaa talo walaaltinimo dadka ku nool Muqdisho ineysan siyaasadeyn qabyaalada oo aysan beel ahaan isku dhabarjebin badbaadinta kursiga iyo difaacida shaqada madaxweynaha shaqsi ahaan loogu hiilinayo. Waxaa mudan in loo hiiliyo hogaaminta wanaagsan ee dowldada qaranka Soomaaliyeed. Waxaa baarlamaanka laga sugayaa tilaabooyin wax ku ool ah oo lagu badbaadiyo jiritaanka dowlada iyo mustaqbalka qaranimada Soomaaliyeed.

Xisbiga Dadka wuxuu u soo jeedinayaa xildhibaanada baarlamaanka in madaxbanaanida garashada caqligoodu uu gaarsiiyo oo dareensiiyo ineysan gudashada waajibkooda uga leexan xagxagashada uga imaaneysa laablakaca beelaha isku gudbaya shaqsiyaadka ku guuldareystey xilalkooda iyo ineysan tixgelin siin eedeymaha loogu soo jeedinayo iney u xaglinayaan danaha beelaha ay ka soo jeedaan, taas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in madaxweynaha cidlada ay baarlamaanka ula tegayaan laga xijaabo oo si kale loo dhameeyo xalinta kartixumada madaxweynaha.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga dadka
saciidciise258@aol.com




Maqaallo 15 January 2021 0:02

Sanad baa dhamaaday, mid cusub baa bilawday, maxay kadhigantahay? Maxay nagu dhalin kartaa? Maxaanse ka faaiidaysan karraa? Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.