BOOB CAD DHULKA SOOMAALIYEED!

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Inta la hubo Waddanka Soomaaliya waxa uu leeeyahay ugu yaraan dhul beeris ka badan 8.200.000 Hektar oo ku haboon soo saarista dalag noocyo waliba sida Masagada, Galeyda iyo wixii lamid ah, waxa ay Soomaaliya kaloo leedahay labo wabi, togag dhaadheer.
Maqaallo Keydmedia Online

Intaas waxa raaca Bad Xeeb baaxad weyn oo ay ka buuxaan Kalluun nooc walbo leh, macdan iyo nimcooley kalena u dheertahay ayaa iyadoo intaasuu ILLAAH ugu deeqay ayaa hadana Soomaalidu waxaa looga maara waayey is dil is bara kicin iyo wax aad u fool xun.

Dowladaha galbeedka ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska waxay garwaaqsadeen in Soomaaliya waqti dhow nabad laga xassilin karin, sidaasna uu Waddanka Qatar ku yahay danaha Waddamada deriska iyo kuwa galbeed loona baahan yahay in il gaar ah lagula socdo lana adeegsado weji u muuqdo gargaar. W

axaa hore laga soo taqalussay dowlado sida Ciraaq, Afgaanistaan, kuwa kale sida liibiya qaar kalena is beddel raalli laga yahay lagu sameeyay ayaa waxaa muuqata in la gaaray sidii lugaha la isugu dhufan lahaa Soomaaliya.

Tafasiisha qorshahaas mar hore ayuu billabmay, waxaa Soomaaliya tartiib-tartiib loogu soo daabulay hayado hab Militeri u shaqeeyo oo ay ka mid yihiin Saraceen (Black Water) iyo SKA oo muddo hore si dadban u la wareegay qeyb ka mid ah maamulka Soomaaliya, ujeedadooyinka gurracan waxay si toos ah loo hirgeliyay 17 Oktoobar 2011 keddib markii ciidanka keenya oo gaaraayo 6000 si gabbasho ku jirin uu Dagaal cad (linda nchi ) erayga sawaaxiliga oo la micna ah ( difaaca dalka ), ku soo qaaday geyiga Soomaaliya ayagoo adeegsanaayo dayuurado nooc waliba iyo kuwa loo yaqaan droni (dayuurad bilooto la’aan) oo ay leeyihiin yahuudda iyo mareykanka.

Kenya kuma soo dhiirateen qabshadada Jubbooyinka ee waxaa ku daaban oo hor boodaayo quwado Ajaanib oo adeegsanaayo qubara sahmiyay in Gobollada Jobbooyinka ay hor mud ka yihiin wax soo saarka dalka sidaas na lagu kasbado dhul baaxad weyn oo laga soo saaro mirihii lagu quudin lahaa dadyoowga waddamada hantida badan sida Mareykanka, Shiinaha, Hindiga, Iiraan, Jaabaan iyo kuwa kale.

Isla markiiba si Deg-Deg ku jirto ayaa waxaa la guddoon saday in Waddamada qaar sida Sudaan, Tanzania, Etiopia, Suudaanta Cusub, Gana, Mali, Muzambiko, Senegal, Liberiya, Kenya, Uganda laga ijaarto dhul ku habboon baarista dalagga oo nolosha bani Aadamka looga maarmin.

Ilaa haatan arrinta waxay ku ektahay dhul iyo beer la ijaartay balse waqti aad u dhaw waxa loo gudbi doonaa in xoog la adeegsado sidii Dadka masaakiinta looga fara moroojin lahaa Beeraha yar-yar oo gacan falatada ah.

Dowladaha waaweyn iyo Hay’adaha Dowliga waxay mar hore billaabeen in ay la wareegaan dhul baaxaddiisa ka weyn tahay 200 Malyan Hektar, qaar la gatay iyo mid ijaar 99 Sano si ay ku soo saaraan Cunto qiimo jaban oo looga baahan yahay waddamadooda.

Inta la hubo Dhul Boobka waxa uu soo billawday muddo dheer balse baaxaddiisa waxaa aad loo dareemay Tobankaan Sano dambe. Soomaaliya Dowladahii hore ka jiray inta la og yahay waxaay saaxibti nimo ama ijaar ku wareejiyeen beerta LIBSOMA, bertii Falastiin, beerta Ciraaq, tan Imaaraadka, hadda se xaajada waa ha u fadhinin.

Hunguri weyninka iyo sed buursiga dowladaha waaweyn waxa uu salka ku hayaa in waddamada itaalka daran siiba kuwa Afrika lagu soo rogo Gummeysi cusub, wallow sida runta tahay ay Afrika laga soo billaabo Heshiiskii Berlin 1884 ayan marna ka xoroobin gummeysi mid toos ah ama mid maldahan.

Waddan waliba oo Afrika ah waxaa ka shaqeeyo Dad iyo Shirkado nooc waliba leh oo u xil saarnaa in ay la wareegaan wax soo saarka warshadaha iyo beeraha sida bunka, caleen shaahig, sonkorta, kakawga ayagoo ku doodayo in warshadeeyn geynayaan keddib na dib ugu soo celiyaan Afrika ayadoo qiimaha dambe u affar jibbaar ka sareeyo kii hore ay kula wareegeen.

Dhibaatada Gummeysiga cusub waxa uu si gaar ah u taabanayaa beraleyda yar-yar oo korkooda lagu kala gadanayo dhulkii ay abid ku noolayeen ayadoo loo rarayo meel hor leh oo cid sahan u tagtay ayan jirin, arrintaas waxay haatan ka taagan tahay waddanka Ugaanda oo dadka dan leyda ah qeyla dhaantooda dibadda u soo baxday.

Soomaaliya waxay gacanta ugu jirta ururo badan oo uur kiraalayaal ah una adeego hayado krishtaan ah sida Blackwater, saraceen iyo kuwa la mid ah ururadaas waxay u xilsaaran yihiin abaabulka, diyaarinta iyo taaba gelinta qaabka iyo waddada ku habboon hir gelinta nooca Gummeysiga cusub.

Waddanka Soomaaliya waxa uu hore u soo maray Gummeysi kala geddisan balse midka haatan lala damacsan yahay aad ayuu uga mug weyn yahay kii loo yaqaanay TEENKA iyo kii KELI ASAAYLE waxaase lala yaaban yahay ayadoo ay muuqato dhibaatada baaxaddaas leh in haddana Dadka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba ay Iska indho tirayaan ifafaala xumada waddanka ku soo fool leh.

AVV.Xussein Diiriye Afrax
Edmonton London




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: