Daawo ? | Silsilad Cusub: Mahdi Omar Ismail “Mr. Midgaan” - “Maansooley” - Qaybtii 2aad

DAAWO VIDEO CUSUB (KON) - Mahdi Ismail wuxuu ku dhashay Magaalada Hargaysa, wuxuu Dugsi Qur'aanka ku bartay Magaalada Muqdisho. Dugsiga Hoose wuxuu ku soo qaatay Iskuulkii la oran jiray Raabital Islaamiya. Dugsiga Dhexena wuxuu ku dhamaystay Iskuulkii Allaahuda ee Magaalada Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online

Dugsigii sarre wuxuu kaga baxay Iskuulkii 15 May ee Magaalada Muqdisho. Wuxuu Macalin ka noqday Iskuulkii Janaral Daúd isagoo dhigi jiray maadada Xisaabta. 1982 wuxuu ka mid ahaa ardaydii Jaamacadda ee Kuliyadii Farsamadda Gacanta qaybta Dhaqaalaha.

Barnaamijkan Maansooleey waa figradii, habayntii, iyo soo saaridii Mahdi Ismaciil "Mr. Midgaan", wuxuu Asal ahaan ka soo jeedaa Beelaha la hayb sooco oo ay Soomaalida-Maangaab ah takoorto.

Waxaa jira Soomaalida qaarkeed inay si xun oo bani'aadanimada iyo Diintaba ka fog ay ula dhaqmaan dadkaasi iyaga ah, iyaga oo ku Aflagaadeynaya ama ku liidaya Magacyo ay ka mid yihiin, Midgaan, Tumaal, Yibir, Muuse Dheriyo, Yaxar, Bide iyo Magacyo kale.

Magacyadaasi waa Magacyo la mid ah lana siman sida Qabaaílada kale ee Soomaalida.

Sidaa daraadeed Qabiil, Qabiil ka sareeyo ama ka wanaagsan ma jiro, waxaase jira Dad Xun iyo Dad Wanaagsan, mid Edabta Sabool ka ah iyo mid Asluub leh, mid Soomaaligu Soomaali u yahay iyo mid kala sooca! Mid Islaamnimada fahamsan iyo mid Islaanimada Garab maray. Waxa kaliya ee lagu kala sareeyaa waa cabsida Eebe.

Waa Muwaadiyiin Soomaali oo aan mudnayn in sidaasi loola dhaqmo! Waa arrin aan laga aamusi karin, oo waajib ah, dhamaanteena loo baahan yahay inaan meel uga soo wada jeesano kuwa Isir faquuqa iyo Isla weynanku maandooriyay.

Sidaa daraadeed Keydmedia Online waxay si weyn uga qayb qaadanaysaa sidii looga hortagi lahaa Dhaqankaas.

Keydmedia Online waxey Aqristayaasheeda usoo jeedineysaa in ay isku howliyaan oo ay u tafaxeytaan sidii uu nooga suuli lahaa hadaan Soomaali nahay, Dhaqankaas foosha xun.

Daawasho Wacan Maansooleey iyo Mahdi Ismail "Mr. Midgaan" - 29 Bishaannah ka Daawo Bogga Keydmedia.net Qaybtii Labaad ee Barnaamijka!

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]





Maqaallo 22 January 2021 7:27

Ka dib burburkii ka dhacy dalkeena Hooyo, waxaa adkaatay in bulshoweynta Soomaaliyeed aan la kala garan kan qaba ama uu asiibay Cudurka Macaanka iyo kan kale, maadaama aanan jirin wax daryeel Caafimaad oo ku aaddan bulshada ku dhaqan Dalka. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.