Soomaaliya:

Dameer Malab Ku Raran, Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna

Soomaliya waxay ku taal goob aad iyo aad muhiim ugu ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee caalamka, Waa bar ay ku kulmaan badwaynta Hindiya, badda cas, iyo badda carbeed (Arabian sea).

Maqaallo Keydmedia Online
Dameer Malab Ku Raran, Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna

Waa goob ku haboon in laga hirgaliyo dakad wayn oo nooca taransidka ah (hub port /container terminal). Hadii lagu guulaysto dhismaha dekadan, dhaqaalaha ka soo baxa wuxuu dabooli karaa inta badan baahida dadka soomaaliyeed.

Inta la ogyahay cid soo hadal qaaday lama maqal, isku day warkiisa haba sheegin. Sababaha hortaagan in arintan la daneeyo laguna hamiyo waxaa ugu horeeya:

Masuuliyiinta wadanka soo maray inaysan marna garan faa,iidada badaha marka laga reebo kalluumaysiga.

Sidoo kale, waxaysan garan shaxda ku xeeraaman isku socodka ganacsiga iyo doorka badaha ku leeyihiin.

Wadan walba goobta uu dunida kaga yaal (Juqraafi) iyo shaqsiyada dadkiisa (hogaanka) ayaa hagta siyaasadiisa caalamiga ah. Isku milanka Juqraafiga iyo shaqsiyada ayaa horseedi kara maxsuul siyaasadeed caalami ah iyo jihada uu qaadi lahaa wadanka.  Waxaa tusaale inoogu filan wadanka Singpore oo 1969 kii noqday wadankii ugu horeeyay Koonfur-Bari Asia ee go,aansaday inuu dhisto dekad wayn oo badeecada lagu kala wareejiyo (Hub Port /Container Terminal).

Dekadan waxay noqotay tan ugu mashquulsan dunida, waxay isku xirtaa in ka badan 600 dekadood oo ka jira 120 wadan oo dunida ah, sanadkii waxaa taga in ka badan 130,000 markab. Waxayna noqotay isha dhaqaale ee ugu wayn wadanka Singapore.

Waxaan ogsoonahay in gobolkan ka jiro dagaal ganacsi oo aad u qoto dheer. Waxaa la damcay dekadihii Soomaliya oo idil. Jabuuti ma degana, Yeman iyo Eritrea waxaa la qorsheeyay in lala wareego, Suudaan waa loo socdaa. Intaasi oo dhan maxay ka siman yihiin? Maxaan ka ognahay kana hirgalay heshiisyadii la damcay in lagula wareego dakadaheena?   Maxaase faa,iido ugu jira dadka Soomaaliyeed.?

Danaha shisheeyaha damacsan maal-gashiga dekedaha wadanka ma ah in la horumariyo balse curyaamin sababi karta dib u dhac joogtaa ah.  Burburinta, dhibaataynta, iyo xaalufinta khayraadka wadanka waxay u arkaan shisheeyaha inay aasaas u tahay jiritaankood iyo kobaca dhaqaalahooda. Intaas oo dhan waxaa gacan ku siiya dad soomaaliyeed oo u fududeeyay hawlahooda, ururiyay maleeshiyo loo bixiyay ciidamada Badda (Marine) si ay u ilaaliyaan danaha shisheeyaha.

Damaca dakadaha wadanka waxaa barbar socda dhismaha ciidamada badda ee wadanka Itoobiya oo ay si dadban u maalgalinayaan shisheeyaha dakadaheena lagu wareejiyay.  Sidaa darteed waxaa muuqata in ay ka maarmi doonaan masuuliyiinta Soomaalida iyo maleeshiyada u shaqeeya. Arintaa oo xasuusin doonta oraahdii ahayd “Markaan tabarta hayay talo mahayn, Markaan talada helayna tabar ma hayo”

Dhanka shidaalka, dhul badeedka Soomaliya waxa uu la mid yihiin sida Mozambique iyo Tanzania, halkaa oo laga soo saaro tiro aad u badan oo gaaska dabiiciga ah.  Horumarka ay sameeyeen Tanzania iyo Mosampique kabid ayaa sanadkii 2013, dawlada Soomaaliya waxay masuuliyada shidaal barista dalaal uga dhigtay SOMA Oil & Gas.  Shirkadan waxay sahanka iyo daraasadka wadanka u xilsaartay shirkada Spectrum Geo.

Barlamanka wadanka ayaa dood dheer ka dib ansixiyay Sharciga Shidaalka. Sharciga waxaa maalgaliyay oo qoray qareeno shisheeye degaankoodu yahay Yurub. Sida aan hubno sharcigan waxa ka buuxa dano gaar ah iyo dildilaac ka dhibaato badanaan doona muranbadeedka badda ee u dhaxeeya  Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa si kutalagal ah loogu maaweeliyay shacabka dacwada dhul-badeedka lagu muransanyahay kaa soo u dhigmaa in ka yar 1% guud ahaan badda Somaliya, taladeedu ay hortaalo maxkamada caalamiga. Arintan waxay dabooshay hawlaha ka baaxad wayn sida heshiisyada, sahanka iyo barista ka socda wadanka intiisa kale. Baarlamaanka marna kama hadlin danaha dalaalada sida immisa xirmo (blocks) ayeey qorshaysteen? taasi oo u muuqatay Maroodi dhex fadhiya golaha baarlamaanka xildhibaan walbana iska indhatiray (Elephant in the room).

Dalaalada ma aha kuwa haysta raasumaal badan, waxay ka jeeb yaryihiin shirkadaha Soomalida. Waxay ku bixiyeen hawlaha shidaalka tobaneeyo malyan oo dollar iyagoo ku bedelanaya masuuliyada, iibinta, iyo suuqgaynta shidaalka wadanka taa soo lagu qiyaasay 4 -10 Tiriliyan dollar.

Ugu dambayn, Maxaa la gudboon daka Soomaliyeed mar hadii dadkii iyo dalkiiba la xaraashayo.?

Axmed A Yuusuf, PhD




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.