Danjire daacada yaa Dadku doonayaan

Danjire/Safiir, waa: Diblomaasgi ugu sarreeya shaqeelaha Safaaradda wadankiisu ku leeyahay dal shisheeye. Dhammaan shaqaalaha safaaradduna waa wada danjirayaal, marka laga fiirsho shaqada ay dadka u hayaan.
Maqaallo Keydmedia Online

Waxaa lama huraan ah in Danjire/Safiirku noqdo qof tacliintiisu ay aad u sarrayso, caqli iyo garasha dheerna leh, maamulka iyo maaraynta wax ka garanaya, afaf qalaadka ku hadli kara, qof haybad dawladeed huwan, muuqaalkeedna leh, isaguna garaysan yahay xilka loo dhiibay inuu sidaa yahay.

Haddaba, mudanaha ordaayoow ma xildoon baad tahay? Mise xisaab baad xiraysaa? Xilka aad u hanqal taagayso ma hanan kartaa? Mise leedahay aqoontii looga baahnaa? Ma isu dhigmaan xilka aad qabanayso iyo waayo aragnimadaadu? Xil doonow way fudud dahay sida aad xil ku qabatid kuma sii jirto xilligaan la joogee, xil laguu dhiibye maxaad qaban?!

Waydiimuhu kala joogsan maayaan haddaanan inagu hakin, maxaa yeelay waxay su'aaluhu ka soo maaxanayaan maan taahaya! Qalbi ololaya! Xis daallan! Iyo kas karaya! Kana turjumaya muuqaal jireed qolfoofay oon midab iyo dheeh guud toona lahayn, hab tilmaamtuna ay adag tahay, waana qofka Soomaaliga  ah.

Yuusan ila gudbin dareenka la dananaya murugada maarugtay, guuxa laabta iyo hugunka dareenka, fekerka maanka ee aan ku dabro inaan dib ugu laabto dulucda qormada, sida caadada ah xil loo dhiibaha waa inuu isku jeexaa afar dhaarood, Kitaabna gacan galiyaa, erayo iga dheh ahna uu mariyaa, balse, xil magacabistu ma cusba, dhaarta daba taalna ma cusba, gacan galinta Kitaabkana ma cusba, erayada la aqrinayaan ma cusbee, weydiinta meesha taal yaa ah: himilo intee le eg ayey ku abuuraysa ruuxa aan soo tilmaamnay ee rajo ku noolka ah?!

Xil adag ayaa la ii dhiibay, dar Alle ayaan ku shaqayn ama ku shaqeeyaa iyo Voluntary, ma ahan erayo dhagaheenna ku cusub, balse, waxaa ku cusub in mudane walba oo xil loo dhibo dhaho: “Waxaan hayaa howsha ugu adag adduunka” haddaba qiil ma u noqon inuu ku daboolo hantida qaran ee madaxda dawladda u sarraysa lunsadaan? Qiil ma u noqon qabyaaladda sii laxaadsabaysa? Qiil ma u noqon musuqa aan xadka lahayn? Qiil ma u noqon fashalka maamul ee jira? Qiil ma u noqon horumar la’aanta taagan?.

Dabca, arrin daba dheeraatay, oo xilli soo jiitamaysay way adkaan in dharaar qura lagu saxo, balse, in dib la isu eego miyeysan habboonayn, oo la isku dayo in wax la saxo?.

Midse waa muhim in Danjirayaasha Soomaaliyeed ogaadaan, haddii afar iyo bar lagu keenay, haddii urur diimeed lagugu keenay, haddii laaluush aad bixisay lagugu keenay, haddii galaangalan lagugu keenay, haddii isu dheellitir sheeko aan la garan lagugu keenay, waa inaad ogaataa, maalintii aan safaaradda iridda ka gasho, ee calanka Buluugga aha garabka ama hortaada la suro, inaadan summaddii Geela reerka, astaantii ururka, bidhaaantii beesadii aad bixisay iyo hummaag quwado kuu muuqan kara, inaadan waxba ku goyn, ee dadka xafiiskaaga imaanaya kuu sinnaadaan, oo aadan dadka kala laxawsan, kuna soo kala dhawaysan arriimahan aan soo sheeggnay midkoodna.

Ogsoonoow, inaad danjire ku tahay calankan, haddaba dadka kuu imaanaya, ha eegin gobol, lahjad iyo qabiil, illen iyaguba hadday intaa eegayaan kuuma imaadeen, waxa ay ku soo hirteeni waa magaca Soomaaliyeed, ayna mudan tahay inaad ku qaabisho niyadda ay kuugu yimaadeen.

Ogsoonoow, in dadku yahay waxa aad wax ku tahay, la’aantood aad waxba ahayn, illeen haddii aysan iyagu jireen adba xilkan ma qabateene, si isku mida, haddaadan ugu adeegin, waxaad u xadgudubtay awooddii lagugu aaminay, oo ahayd inaad dadka sinnaan iyo garsoor ugu adoogto, oo adan u kala eexan.

Ugu dambayn, Danjirenimadu kuma koobno kaliya Dadka ka shaqeeya Safaaradaha dibadda, ee ay u matalaan Dawlad iyo Ummad, balse, qof kasta oo masuul ah waa danjire, Madaxweynaha haba ugu sarreeyee illaa shaqaalaha ugu hooseeya ee dawladda.

Madaxwaynuhu waa Danjiraha Umadda oo dhan kana shaqeeyaha Danaha Umadda u dhiibatay xilkaas, Xildhibaanku waa Danjire, wuxuu u yahay shacabka uu matalo ama soo doortay ee codkooda uu ku galay Golaha Shacabka ama Baarlamanka.

Wariyuhu waa Danjire, wuxuu ka yahay Qalinkiisa iyo Carrabkiisa, Macalinku waa Danjire, wuxuu ka yahay Casharka uu bixinayo, ee siinayo Aradada inuu ku qodbo Wadiniyadda, Xorriyadda, Kala duwanaansha. Runta iyo garaadaynta, Wadaadku waa Danjire, wuxuu ka yahay inuu Diinta u gudbiyo si hufan, maankana ku hayo casriga iyo caalamku heerka ay marayaan iyo halka ay dunida gaartay, uusanna kilkilaysan dhaxal duuggii qarniyadii dhexe maankana ka qufilin ubadka iyo dhallanka, uusanna naga loogin.

Danjirayashu way badan yihiin, qormo iyo labana laguma soo kobi karo, maxaa yeelay waxaa Danjire ah qof kasta, illeen waxa la eegayaa waa sida uu u dhaqmayee, oo inta damabyso eeganaysee, haddu Bulshada xil u haya ama xubin ay higsato yahayna kuma sii jirto.

 

Keydmedia.net




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.