Dastuur lagu dhaqmaa, Dowlad lagu dhisaa, Dalna lagu dejaa - by C/raxiin Hilowle Galayr

Cabdiraxiin Hilowle Galayr - Waxaa inta badan aad moodaa in mudooyinkaan Umada Soomaaliyeed ay garwaaqsadeen in aan marnaba Dowlad iyo Midnimo iyo Nidaam Toona imaan karin inaan Nabad la hirgelin karin haba yaraatee wax kala danbayn ahna la helaynin ilaa Dalku ka yeesho Dastuur iyo Sharci iyo garsoor ma'ahee.
Maqaallo Keydmedia Online

Hadaba Dastuurka hadda la Qorayaa ee qabyada muxuu kaga bedelan yahay kan hada noo Qoran ee axdi qarameedka ku meelgaadhka ah 71-ka Qodob iyo lifaaqyada la socda miyaa lagu dhaqay dadkaan Soomaaliyeed mise wax kale ayaa lagu dhaqaa?
 
Dastuurka Umad leedahay waa lagama maarmaan, waxaana laga helayaa wax walba. Tusaale ahaan hadaan  soo qaadano  waqtigii hore Umadeenu waxay lahayd  Dastuur ay ku dhaqmaan waxaana loo yaqaanay (Xeer jajab) xeer jajabkaas Umada Soomaaliyeed haddaan dib ugu noqono wax waliba waxay lahaayeen xad  iyo xeer  xitaa qodob kasta oo ka mida xeer jababkaas.

Ninkii jebiyaa  waxuu la kulmayay (Ciqaab, ganaax , xaal ama xil iwm) iyada oo aan lagu xadgudbayn waxii lagu heshiiyay lagana dhimayn lagaba badinayn  waxaa kaaga sii daran ma ahayn wax qoran oo buug laga eegayo oo qodoba  tirooyin iyo cadadyo ku suntan  kala duwana ee dhamaantood inta geed hoostii lagu sameeyay ayaa nin waliba maskaxda ku haystay lamana jebinayn.

Haddaba iyada  oo bulshada qaarkeed  si qaldan u fahmaan  macnaha  dastuur ama xeer  bulsheedka umadi ku heshiiso  waxaan aaminsanahay in  habdhaqanka bulsho iyo caqiido haddii la waafajiyo laguna saleeyo cadaalad aanu keenayn  xumaan  umada muslinka ah wada tashiga iyo  balanta iyo heshiiska aan diintooda   waxba u dhimayn dantoodana ay ku gaadhaan waa u xalaal.

Sida aan ognahay waxaa  dastuur kasta iyo axdiqarameed walba oo soomaalidu ku heshiiyo qodobka ugu horeeyaa waa inuu shareecada islaamka wax walba saldhig u tahay  hadana waxaaba  u codeeyey  baarlamaanka soomaaliyeed ee ku meelgaadhka ah.

Hadaba waxaa ku xusan  axdi qarameedka dowlada ku meelgaadhka ah  qodobo badan oo aad moodo inaan la hirgelin lana isticmaalin tixgelintoodii iyo awoodoodiina meesha laga saaray.

Hadaan tusaale u soo qaato qaabka maamul goboleedyada hada buuqa badan ka taagan yahay waxaa ku xusan inay laba  gobol iyo ka badan  noqon karaan  maamul goboleed iyada oo afar ama shan ay wadaagi karaan magaca maamul goboleed keliya.
 
Qodobkan waxaad moodaa dowlada ku meelgaadhka ah iyo  maamulgoboleedyada is magacaabayba inaysan tixgelin  ee xaalkodu yahay jaantaa rogan.

Qodobka labaad ayaa ah inay dowladu samayso maamul goboleedyada  oo maamulgoboleedka iyo inta noqonaysa ama qaabka maamul goboleedka loo aqoonsanayo ay noqoto mid hoos imanayaa dowlada ku meelgaadhka ah ama mid jiray ha noqdo ama mid cusub taas lama qiimayn oo maamulgoboleedyadu iskood ayay isku magacaaban iskoodna xuduud iyo magacyo ayay u samaystaan.

Mid wax dhibaato ah malaha haddii la buuxiyo shuruuda laba maamulgoboleed iyo ka badan waa in  bulshada meeshaas degan ay iyagu ku heshiiyaan  qaabka awoodqaybsiga iyada oo tirada deegaanka  laysku qiimaynayo  oo deegaanka laba degmo ama ka badan ku leh gobolka  uu ka saami badnaan doono dhinaca xubnaha baarlamaanka iyo golaha deegaanka maamul goboleedka  qolada deegaanka  hal degmo ku leh.

Ilaa hadda marka laga reebo  arinta somaliland oo ka duwan maamul goboleed oo iyagu ku dhawaaqay magac jamhuuriyadeed taasina ka bedelantahay marxalada maamulgoboleedka waxaa la odhan karaa , Maamulgoboleed rasmiya waxaa ka jira  maamulka  Puntland  deegaan ahaa waa laba gobol iyo badh.

Halka weli muranku ka taaganyahay degmooyinka iyo deegaamada ay sheegtaan qaarkood  balse  tusaale ahaan (Galmudug) ma buuxin  hanaankii iyo habkii maamulgoboleed baaxada dhulka iyo deegaanka awgiis kama hadlayo dhinaca maamulka .

Degmada gaalkacayo waxaa xuduud ku leh labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug
Gobolka mudug waxuu ka kooban yahay intanoo degmo:-
 
Gaalkacayo=Galmudug+ Puntland
Galdogob = Puntland
Xara dheere = Alshabaab
Hobyo = Budhcad badeed  iyo beelo
jariiban= puntland

Haddaba maamulka Galmudug intee ayuu xukumaa baaxad ahaan  dhul maadaama xitaa afartii degmo ee gobolka Mudug aysan hoos iman xitaa badidoodu, taasi waxay cadaynaysaa inuusan buuxin shuruudihii maamulgoboleed looga baahna.

Waxaa kuu soo raaca  maamulada ka jira gobolka galguduud oo iyagu fara badan  kooxo diimeedyada  ay kala xukumaan ayaa iyaguna ahayn maamul dhamaystiran  inkastoo labada maamulba talada dalka wax ku leeyihiin Galmudug iyo kuwa  Galguduud jooga.

Gobolada ka bilowda hiiraan ilaa laga gaadho xadka kenya ma jiro  meel si rasmiya loo odhan karo waa gobol dhamaystiran oo buuxiyay kaalintii  maamulgoboleed ee axdiga ku meelgaadhka ah  ku qeexday ama gobol ay samaysay dowladu midkoodna ma jiro.

Sida ku cad axdi qarameedka Qodobka  11aad

Sida:-

QODOBKA11
1. Dowladda Federaalka ee Ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay
yeelan doontaa xukun qaybsan oo ku salaysan nidaamka federaalka.
2. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay:
a) Xukuumadda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah
b) Dowlad-Goboleedyo (Labo gobol ama in ka badan oo israaca, iyadoo la
dhowraayo rabitaankooda xorta ah)
c) Maamulada Gobolada iyo
d) Maamulo Degmo
Sida ku cad qodobkan ma jiro maamul goboleed buuxiyey ama dowlad ku meelgaadhka oo samaysay siyaasad ku saabsan  hanaanka iyo habaynta maamulgoboleedyada iyo dhismaha dowlad federaal oo dhamaystiran mana jirto ilaa hada cid taabaglisay qodobkan iyo kuwa badan oo kale.
Hadaba sida ku cad  qodobka  11aad  Farqada sadexaad   axdiqarameedka ayaa saldhig u noqonayaa  dastuurka cusub  arintanina waxaad moodaa inaan baalmaray oo aysan shaqaynin maadaama dastuurka cusub  uusan ilaa hada  isaga laftiisu kala xadayn  qaabka maamulgoboleedyada iyo ilaalinta xuquuqda deegaanka  bulshada soomaaliyeed kala degantahay.
Sida ku cad lifaaq koowaad ee axdiqarameedka dowlada ku meelgaadhka   awoodaha dowlada ku meel gaadhka   waa sidan:-
Sid:-
 
LIFAAQ 1AAD
AWOODDAHA XAKUUMADDA FEDERAALXA KU MEEL GAARKA
Dowladda Federaalka ku Meel Gaarka waxay ku lahaanaysaa dalka oo dhan awoodaha
soo socda:
1. Arrimaha Dibadda.
2. Difaaca iyo Nabadgelyada.
3. Lacagta iyo Bangiga Dhexe.
4. Dhisidda Dowlad Goboleedyada.
5. Boostada iyo Isgaarsiinta.
6. Socdaalka iyo Jinsiyad bixinta.
7. Maamulka Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha.
8. Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
9. Khayraadka Dabiiciga ah.
10. Duulista Hawada (Civil Aviation).
11. Ilaalinta Deegaanka.
12. Oggolaanshaha iyo bixinta Ruqsadaha shirkadaha gaarka ah, gaar ahaan kuwa
heerka qaran.
13. Ururinta Canshuuraha, soo dejinta/dhoofinta iyo canshuuraha dadban.

Waxaa   ka muuqda  qodobka afaraad inay awoodaha dowlada ku meelgaadhka ka mid tahay  (Dhisida Maamulgoboleedyada) hadaba ma jiraa  hal maamulgoboleed oo ay dowlada ku meelgaadhka dhistay ama ay ka qaybqaadatay  dhisitaankiisa iyo maareyntiisa toona.

Ma jiraa hal maamulgoboleed oo dowlada ku meelgaadhka ah baarlamaankeeda golaha sharcidejinta  la hor geeyay oo ay cod u qaadeen  aqlabiyadna ku ansixiyeen  jiritaanka maamulgoboleedkaas.

Iyada oo waxaas oo dhan aan la xaalayn ayaa hada waxaa soo baxayaa  isna soo tarayaa  ku talaxtaga  iyo burinta qodobada aan soo sheegnay  iyada oo dastuurka qabyo qoraalka ah muxuu ka qabaa arimahan sidee buuse u maarayn karaaa iyada oo ay jiraan ka badan 50 maamul  goboleed oo magac u yaala kuna wada salaysan beelo, dhibaatooyinka  inagu soo fool leh iyo xuduudaha maamulgoboleedyada  faraha badan oo isu bedeli doonaa  colaad  mar kale  inay ka abuuranto tuulo heblo annagay na  raacaysaa iyo annaga maamulkeena ayay hoos timaadaa, inaan sixitaankeeda iyo jaangooynteeda iyo sarfeey marinteeda labaatan sano oo kale ku lumino..

Waxaa haboon inay bulshada soomaaliyeed iyo Gudiga dastuurka  gebi ahaan golayaasha kala duwan ee dowlada ku meelgaadhaka  ururada bulshada rayidka ah  aqoonyahanada soomaaliyeed  ay ka hortagaan dhibaatada  maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa (Daadku intaanu ku soo gaadhin baa layska moosaa)

Waa in dib loogu noqdaa  1960kii  8 Gobol ee xaqa ahayd , Cadaaladana ku salaysnayd  Lixdii Gobol ee Koonfurta  Bariga iyo Bartamaha ahayd  iyo Labadii Waqooyiga  haddii aan halkaas xal laga dayin waxaa iman doonta  ismaandhaaf  xuduud dhuleed iyo in dadka soomaaliyeed kala fogaado gebi ahaan.

Waxaa lagaga hortagi karaa  dhismaha Goladii hore ee sideeda ahaa  in dib loogu noqdo  si looga badbaado burbur  qolyaha gudiyada  Dastuurkana waxaan kula talin lahaa  wadankan waxuu u burburay cadaalad  daro ee  dib dalka  hawgu celinina waxaad qortaan waxaa ka danbaysa codeyn   (Haa  iyo Maya) afti la qaadi doonee   taariikhda ayaa idin xusi doonta  ama idin xidhi doonta.

Maamulgoboleedyada   jira ee xaqdarada lagu aqoonsaday iyo kuwa leh hanala aqoonsadoba waa inay dowlada ku meelgaadhka ah wax ka bedeshaa oo dastuurka cusubna lagu saleeyaa sida ku xusan  axdiqarameedka. In dastuurka ay garab socoto tirakoob  iyo in afti laga qaado shacabka oo aan la afduubin shaqsi kasta oo soomaaliya dal iyo dibadna loo codeeyo  dastuurkani mana anfacaa  mise nama anfaco qof walibana  rabitaankiisa ku codeeyo .

Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa  dastuur lagu dhaqmaa , dowlad lagu dhisaa!!!
 
Dastuur lagu dhaqmaa
Dowlad lagu dhisaa
Dadna lagu wadaa
Danta lama huraan
Dalka iyo dadkaba
Lagu daadahshaa
Dadkaygoow la soco
 
La soco  Qoraalkan oo yeelan doona  qaybo badan...

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com


QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY MAQAALKAAN.




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: