Dhibaatada ma aha Shariif Sakiin!! Qaybta 2-aad (Ummad kasta Maamulka ay istaahisho ayay heshaa)

Waxaan soo guud marnay qormadayadii hore in aanu dhammateen Haddaynu Soomaali nahay , si garasho la´aan iyo indho la´aan ah u kala Taageerno Awr kiraalayaal shisheeye u adeega oo aan dan iyo heello ka Lahayn dal iyo dad toona...
Maqaallo Keydmedia Online

Balse heshiis ku ah inay kala hortaagnaadaan Soomaali is jecel Dalkoodana jecel si ayan isugu imaan ,iyadoo laga baqayo Inay qaran Awood leh ay dhistaan,oo halis gelin kara Gumaystaha Madow ee Ethiopia.

Baqdintaasina waa wax jira oo ay Soomaaliya hore u muujisay, ka dib Markii Xukuummaddii Militariga ahayd ay siddeed sano gudahood 1969-1977 ku hdistay Quwad militari oo Afrika inteeda kale ay cawriyaan..iyadoo Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu Tababarro iyo Taageeraba siin Jiray Dalalkii Gobanima doonka ahaa, sida :- Angoola ,Mozambiig,Gini Bisaaw,iyo Zimbaabwe...

Waxaa Markhaati ka ah Hoggaamiyayaashii Jabhadihii Gobanimo doonka ahaa Sida : - Samora Machel iyo Chissano ee ururkii Frelimo  ee Xoraynta Mozambiig.

Sam Nujoma ee Ururkii Swapo ee Xoraynta Namiibia. Robert Mugabe ee Ururkii Zapu ee Xoreynta Zimbaabwe. Agostinho Neto ee ururkii Unita ee Xoraynta Angola. Amilcar Cabral ee ururkii Paigc ee Xoraynta gini Bisaaw,, waxaa kale oo aan La ilaawi Karin taageeradii hiil iyo hoo lahayd ee aan u fidinay Jabhaddii ANC Ee la dagaalamaysay Midabtakoorka Koonfur Afrika.

Waxaa aan shaki ku Jirin Soomaaliya inay la soo Noqon karto Haybaddii ay Adduunka ku lahayd Muddo Gaaban gudaheed iyadoo ay ummadda soomaalida caan ku tahay maskax furan Iyo Firfircooni wax qabsi iyo hal abuur, ayaan darro se Cadow baa kala hortaagan oo aan oggolayn inay isu yimaadaan oo ay wax wada qabsadaan…

DAMACA ETHIOPIA

Damaca Ethiopia ee Geeska Afrika ma aha mid hadda Curad ah ee wuxuu soo Jiray muddo dheer oo kolba heer soo marayay laga soo bilaabo Xilligii Minilik.

Waxaa xusid mudan in dib loo eego Taariikhdu Markay ahayd 1884 xilligaas Oo waddamada Reer Galbeedka ay isugu Yimaadeen Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka iyagoo ka tashanayay sidii Afrika loo qaybsan lahaa, Ethiopia Fadhigaasi ka mid bay ahayd iyadoo raadinaysa in qaybteeda la siiyo waliba marin dhuleed oo bad waynta hindiya u furan.

Waxaa xigay 1948 markii lagu wareejiyay Howd iyo Ogaadeen. Waxaa xigay 1967 kolkii uu xayle salase ka dhaadhiciyay Charles De Gaulle Madaxwaynihii Faransiiska in uu magacii ahaa Franch Somaliland ama dhulka
Soomaalida ee Faransiiska Gumaysto, loona bixiyo Dhulka Fransiiska ee Canfar iyo Ciise taasoo ka dib Codbixintii  1958 iyo 1967 ay somalida iyo ciisaha ay u codeeyeen inay Sommali La midoobaan taasoo Ethiopia u Cuntami
Wayday.

Iyadoo ku doodaysa Canfarta waa Ethiopian, Jabuuti Somali kaliya ma laha. Waxayna Adeegsanaysay waqtigaas Cali Caarif oo Canfar ka soo Jeeday.

Damaca Ethiopia Waxaa Hortaagnaa Midnimadii Soomaaliya iyo hal ku dhiggii ahaa Soomaali weyn iyo in shanta Soomaaliya meel la isugu keeno oo Calanka Buluugga ah Ay wada hoos harsadaan.

Ethiopia waxay ku sinneed oo kaliya inay il Gurracan nagu eegto oo ay Lafaheeda naga ilaashato, waxaase damaceedii dabka la saaray 1977 markii ciidamadii Soomaaliya ay dul istaageen Magaalada Harar, oo hubaal ah haddii aan loo soo gurman lahayn in Addis Ababa aan ku gaardin lahayn.

Haddaba cibaarada dhacday waa wax uur ku taallo iyo ciil ku ah nin kastoo waddani ah, Soomaalinimadu ay ku wayntahay oo innaba ha yaraatee wax han ah ay ku danbayso, Raggii Xoogga dalka Soomaaliyeed hoggaanka u ahaa oo Amxaarada lagu seexin jiray.

Raggii kitaabka u maray difaaca dalka hooyo, oo Soomaali inteeda kale ku huruday, Ayaa 9 kii APRIL 1978 markii uu inqilaabku dhicisoobay, waxay u galeen Xabashi, Waxayna isu dhiibeen Dalkii ay shalay la dagaalamayeen iyagoo Saraakiishii Ethiopia oo Ay dagaalka ku jabiyeen ka codsanaya in Saldhig iyo hub la siiyo si ay dalkooda Hooyo.

Weerar ugu qaadaan,waxaana ugu horeeyay Saraakiishaasi Gaashaanle sare C/laahi yuusuf Iyo Jabhaddii  SSDF, Waxaa Xigay Jabhaddii SNM. Waxaa ka daba tegey Jabhaddii USC, Ethiopia oo Rumaysan la´ Ragga hoos Jooga oo diyaarka u ah inay iyada lashaqeeyaan.

Ayaa waxay garwaaqsatay Libaaxii ay waligeed ka baqeysay inuusan libaaxba ahayn Ee uu Goray ahaa, markaa ka dib ayey ku dhiiratay inay fuliso Ajandihii labada qarni Ku qaatay fulintiisa, sababtoo ah waxaa hoos yimid Raggii hortaagnaa hungurigeeda oo dhammaantood ahaa raggii dagaalkii Ethiopia Qiiqa kaga shiday oo Aqoontooda iyo Khibraddooda Ciidannimo ay Cadowga Xushmad kaga Kasbadeen.  

Intaa ka dib Soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay Jabhadihii Ethiopia laga soo hubeeyay SNM, waxay la go´day Somaliland, SSDF, waxay la go´day Puntland USC, Koonfurta.

Qorshaha Ethiopia wuxuu yahay in Soomaaliland iyo Puntland in Nabadooda la ilaaliyo Iyagana la kala ilaaliyo si ayayn isugu iman oo ayan xal ugu raadin Soomaali inteeda kale Waxaana ka marag kacaya, Markii C/laahi yuusuf Puntland looga Kacay.

Ciidamada Ethiopia waqti ma lumin oo markiiba waa soo fara geliyeen, waxaa kaloo taa la mid ah Markii SSC ay Somaliland ku kaceen Taangiyada Ethiopia Waxay soo geleen Buuhoodle Sidaa darted Amaanka ka jira labadaa gobol ma aha mid ay iyagu Samaysteen, ee waa mid Ethiopia ay raalli ka tahay ,waxaana kala jooga Hargeysa iyo Garoowe Laba wakiil oo Melese soo dirsaday …Xamar maadaama ay tahay xaruuntii Midnimada Soomaaliyeed waa inay qasnaataa oo aan Dowlad soomaaliya dib u midayn karta aan laga hirgelin.

Waxaa mas´uul looga dhigay dhowr iyo toban dagaal ooge oo iyaga is hortaaga Dowlad kasta oo wax qaban karta ,Waxay is hortaageen Dowladdi Carta lagu soo dhisay ee C/qaasim,waxay soo doorteen C/laahi Yuusuf,…

Su´aashu waxay tahay Shacabkii Soomaaliyeed maxay ka yeeleen?

Jawaabta xanuunka badan leh waxay tahay Raalli baanu ka nahay Dagaal oogayaasha Iyo cidda ay u adeegaan,sababtuna waxay tahay, Ciidamada Ethiopia markii ay xamar Soo galeen qaarkeen Caleemo qoyan ayay lulayeen iyagoo ku taageeraya C/laahi yuusuf Iyo Geeddi,inteenii ka soo horjeedayna waxaan Taageersannahay kuwii Empageti ku Soo doortay.

GABAGABO

Soomaalidii hore ee Xalaasha ahayd waxay Samayn jireen Ninkii xumaada ee reerka Ceeb u soo jiida ama fitno reerka ka dhex Abuura ,inta la soo qabto ayaa geed quraansho Leh lagu xiri jiray si bulshada inteeda kale ay u badbaado, Soomaaliya Xalkeeda. Wuxuu ku iman karaa oo kaliya reer walba marka uu diido midkiisa qas wadaha ah Maantana ma jirto Odayaal soo qabta midka xun oo geed Quraansho leh ku xiraya, waayo Odayaashu Dhibaatada ayay ka mid Noqdeen, ee waa in dhalinyarada iyo Da´da cusub ay diiaan Oo Mustaqbalkooda iyagu la wareegaan oo aanay ku dayn maskax gabowday.

C/waaxid Saalax - Frankfurt-Germany


QEYBTII KOOWAAD

Cabdiwaaxi Saalax - Waxaad mooddaa beryahan danbe in ay soomaalidu ku baraarugtay Dibindaabyada gumaystaha uu ku hayo dalkooda,iyagoo garawsaday In soomaaliya dibadda laga maamulo oo aan dadkeeda marna laga qayb gelinayn Talada iyo hoggaanka dalka.

Sida caadada u ah gumaystuhu wuxuu darsaa marka hore meesha Daloosha iyo daaqaddii uu ka soo geli lahaa ummadda uu isha ku hayo Oo damaca uga jira sidii uu ku hanan lahaa ama uu  gumaysan lahaa, Meelaha ummadi laga soo galo oo qarannimadeeda laga burburiyo Waxaa ka mid ah dhinaca Qowmiyadda, Diinta,Afka iyo Qabiilka.

Bacdamaa Soomaalidu ay tahay dad ka midaysan xagga qowmiyadda Diinta iyo Afka,waxaa soo baxay daaqadda keliya ee laga soo geli karo inay tahay xagga qabiilka,waana midda suura gelisay qaran jabka iyo Fowdada labaatan jirsatay.

Intaa ka dib gumaystuhu wuxuu sameeyaa xulasho dadkii uu madiidinka  Ka dhigan lahaa ee danihiisa si hagar la´aan ah u fulin lahaa, Shuruudaha xulashada waxaa ka mid ah :-

*Inuu yahay qof aan lahayn waddaninimo.
*Inuu yahay qof aan la hayn Aqoon ku filan.
*Inuu yahay qof wax tabanaya oo dhibaato loo gaystay.

Shuruudaha aan kor ku soo sheegnay waxaa buuxiyay shariif sakiin,oo isagu ka soo jeedo Gobolada bay iyo bakool,miisaanka uu xamar ku yeelan karo la wada ogyahay markaa waa in la helaa Awooddii dabada ka riixi lahayd Ee uu ku tashan lahaa taasina gabaabsi kuma aha xamar oo malese wuu ka warhayaa Awr kiraalayaasha xamar jooga oo jeebkooda u shaqaysta ,waana Kuwa loo yaqaan dagaal Oogayaasha.

Waan ka wada warhaynaa kolkii uu Maxamed dheere Sanbabadiisa muggooda uu dhawaaqay oo uu ku hadlay wax laga yaqyaqsoodo,oo damiirku diido.

Waan ka wada warhaynaa markuu shariif sakiin Garoonka ka soo degay cidda Soo dhawaysay oo soo galbisay ,Awr kiraalayaashii uma kala harin Waa ,Xaabsde,Cabdi qaybdiid,Muuse Suudi Max´ed dheere,Indha cadde...

Waxaa kaloo goobta aan ka maqnayn Barbaarta Caloosooda u gaashaaman, oo iyagu gaada ka ciyaar kuugu imanaya haddii aad qado siisid.

Haddaba ma habboontahay in xaqiida la iska indho tiro haddii aynu nahay Soomaali waxaynu u qaybsanahay oo aan kala taageersan nahay inta Awr kiraale oo aan kor ku soo sheegnay,iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin Raggii soo dhaweeyay casilaaddii Farmaajo,sida Caalin iyo faroole, yaa ii sheegi kara soomaalida maqan ee aan kala taageersanayn  ragga Taageersan shariif sakiin ,suuragal ma tahay inaad inaad dagaal Oogaha Reerkaaga taageertid Shariif Sakiin na aad ka hor jeesato.

Shariif Sakiin isagoo taas ka dheregsan ayuu ku dhiiradaa inuu fuliyo waxa ay Shacbku ay diidanyihiin.Taa ayaana sababtay inaan helno maamulka aan istaahilno Haddaynu shacab u af duuban Awr kiraalayaal Qabiil…  

La soco qaybta 2aad.

Cabdiwaaxi Saalax
Frankfurt-Germany




Maqaallo 20 July 2021 9:59

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Adxda.