Dowladda: Waa inay Qaladaadkeeda Saxdaa!

Maxamed Ibraahim (Keydmedia Online) - Sida aan ka warqabno waxaa waayadan danbe soo badanayey eedeyn iyo cabasho loo jeedinayey Dowladda Kenya gaar ahaan Siyaasadeeda ku wajahan Gobolada Jubooyinka.

Kenya ayaa dabada ka riixeyso kooxo Soomaali ah oo ay ka soo uruurisay Xeryahay Qaxootiga iyo Magaalooyinka Waqooyi Bari ee Kenya si halkaasi looga sameeyo Maamul Goboleed ay Iyadu maamusho, si ay ugu fushato danaheeda Iyadoo ka faa'iideysaneyso Howlgalka Amisom ee ay qeybta ka yihiin Ciidamdeeda Jooga Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa iyadana qaska dhinaceeda ka waddo Dowladda Itoobiya oo isqarineyso iyadoo Kenya ay heshiis ku yihiin in meesha laga sameeyo Maamul Goboleed hoos yimaada labadan Dowladood kaasoo ay horboodayaan Siyaasiyiinta fulisa danahood burburinta Soomaaliya iyo kala qeynteeda.

Burburkii ku dhacay Dowladdii Soomaaliyeed waxaa ka danbeeyey waa kuwa qaska ka wada hadda Wadanka waa hadaanan isdiidsiineynin inkasta oo uu qiray arinkaasi Madaxweynihii hore ee Kenya, waxa ayna ujeedadu ahayn in aan la arag dowlad Soomaaliyeed oo xoogan taas oo qatar gelin karta Iyaga.

Markii la soo dhisay Dowladdi C/qaasin Salaad Xasan 2000 waxa ay isku dayday in la soo celiyo dowladnimadii iyo kala danbeyntii iyadoo aan la looyeeran Ciidamo Shisheeye si aan loogu dhicin mishkilad ka qatar badan middii la xalinaayey, waxa ayna Dowladdaasi ku guuleystay ugu yaraan in magacii Soomaaliya iyo Calankii lagu soo celiyo fagaarayaasha Caalamka inkastoo ay la kulmeysey faragelin ba'an oo kaga imaaneysey Qaswadayaasha Dariska marka laga reebo Jabuuti.

Markii la soo doortay C/laaahi Yuusuf isla markiiba waxa uu dalbaday in la siiyo Ciidamo Shisheeyo si uu ugu qabto Wadanka, wuxuuna Baarlamaankii waqtigaasi jiray hordhigay in la ansaxiyo in Ciidamo Shisheeyo la keeno wadanka laakiin isla markiiba waxaa fahmay qorshaha C/laahi Siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed oo Baarlamaanka ku jiray waxa ayna Isbaaro u dhigteen qorshihii C/laahi iyo Kooxdiisi.

Cabdullahi Yusuf wuxuuna gabaa gabadii Baarlamaanka u codeeyey dagaal dheer ka dib in aan wadanka la keenin Ciidamo ka socda Dowladaha Safka hore sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Ujeedada ka danbeysey in Baarlamaanku diido in Wadanka la keeno Ciidamo ka socda Itoobiya iyo Kenya waxa ay ahayd talaabo wanaagsan oo xikmad ku salaysan, waxa ayna Soomaalidu u arkaayeen in faragelin millitary oo ka timaada Dowladaha Safka hore ay abuureyso xasaasiyad, dhinaca kalena ay khatar ku tahay jiritaanka dowlad Soomaaliyeed maadaama ay horey u burburiyeen Dowladdii Soomaaliyeed iyo in ay adkaandoonta in laga saaro Ciidamooda gudaha Wadanka laakiin dhag jalaq looma siin waxa la soo geliyey  Ciidamadii Itoobiya iyagoo soo taabtay Caasimaddii Dalka iyo Xeryihii Ciidamada Soomaaliya{taariikh madow iga dheh}.

Faa'iidadiina waxa ay noqotay in la laayo kumanaan kun oo Soomaali ah lana burburiyo Caasimadeenii...

Khaladkii ay Shalay galeen C/laahi Yuusuf iyo kooxdiisa ee ay Wadanka ku soo geliyeen Ciidamada Itoobiya isla kii waxaa galay Dowladdii Shariifka oo ogolaatay in Ciidamada Kenya soo galaan Wadanka amar la'aan inkasta oo markii danbe la siiyey magaca Amisom oo ay hadda uga howlagalaan Koonfurta Soomaaliya, waxa ayna Ciidamada Kenya ka geysteen gabood falo badan oo isugu jira jirdil, dil bareer ah iyo waliba bahdil ay ku hayaan Madaxda ka socoto Dowladda Federaalka waxaana intaasi u dheer in ay faragelin Siyaasadeeda ku hayaan gudaha Wadanka halka ay ahayd in ay u dhaqmaan sida ay u dhaqmaan Ciidamada kale ee Amisom.

Hadii Shalay laga digay in Wadanka la keeno Ciidamo ka socda Dowladaha Safka hore gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya iyadoo laga hortagaayey waxa maanta laga cabanayo laakiin ma dhicin Bal waxaa Wadankii la soo geliyey dadkii Shalay laga digaayey waxa ayna ahayd in Soomaalida iska aamusto oo ceebteeda qarsato maadaama aysan lahayn caqli shaqeeyo oo wixii soo socda ka fikiro.



Waan naqaana Itoobiya iyo Kenya waxa ay yihiin iyo waxa ay ka rabaan Wadankan umana malaynayo in Qof Soomaali ah uu kheyr ka filanayo labadn cadow ee maxaa xal ah?

Waxaan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed dhowr qodob.

  1. in Baarlamaanku soo saaro sharci cusub oo ka mamnuucayo Dowladaha Safka hore in ay ka howlgalaan gudaha Wadanka kuwa hadda ku jirana ka baxaan.
  2. In Baarlamaanku soo saaro sharci ka mamnuucayo Urur Goboleedka Igad in ay ka hadlaan Arimaha gudaha Soomaaliya.
  3. In Baarlamaanku soo saaro sharciyo cusub oo xadidayo Ciimadamada Amisom iyo sida ay u howlgalayaan.
  4. In Baarlamaanka soo saaro Sharciyo ka hadlayo Madax banaanida Soomaaliya.
  5. In Dowladda Federaalka si cad ugu sheegto Dowladaha Dariska in faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya. 
  6. in la kala diro dhamaan Maleeshiyoyinka ay soo tababareen Itoobiya iyo Kenya kuwa hadda jirana aan loo aqoonsan Ciidan Qaran.

W/D: Maxamed Ibraahim - Greatman33@hotmail.com
Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.