FARMAAJOW GUULI KUU DHAWEEYDAA…!!

Dr. Ali.A.Hirabe - ”Waxaad la socotaan kubadda marka la ciyaarayo ee uu kabtanka dhaawacmo waa la bedelaa, aniga oo ahaa kabtankii waan dhaawacmay, waana la i bedelay,kabtankii i bedelay oo aan soo wada shaqeynay nasiib wanaag waa la ansixiyay, xildhibaannada aad beey u mahadsan yihiin, balse weli howsha ma dhamaan oo howl baa harsan, taasi oo ah in xukuumadda ay noqoto xukuumaddii tayo oo wixii aan isku ogeyn aniga iyo madaxda dowladda”ayuu yiri Farmaayo oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Soomaalida ku nool UK.

Hadaba Su'aasha qofwalba maskaxdiisa ku soo dhaceeyso waxaa aay tahay Farmaajo yaa dhaawacay ??? xagee lagu dhaawacay ???  dhaawaciisa intee la egyahay ?? ninki dhaawacay warqada gaduuda ma la siiyay, ma kooxdiisa ayaa dhaawacday mise koox kale ??

Akhristow Farmaajo waxaa dhaawacay Mahiga dhaawacuse waxuu ahaa mid fudud balse Farmaajo ayaa si fudud oo aanan ka fiirsi laheeyn u noqday fulayow guuli kuu dhaweeydaa,Mahiga oo adeegsanaya Shariif  xassan iyo gudoomiyaha G.Bari  Faroole ee Puntland ayaa ka danbeeyay in Farmaajo uu isaga cararo xurmadii iyo sharafkii wadanimo oo eey umada u haysay,waxaa mar-kaliya afkiisa ka soo booday dalka Somalia waa la haystaa oo xor maaha si niyad ah balse mardanbe waxuu ku fasiray asaga oo macneeynaya dalka xor maaha in uu ka waday in dalka al shabaab haystaan sidaasi darteedna uusan xor u aheeyn,waxaauu dhahay asaga oo og in uu qayaanay umada Somali.

”Dad badan oo idinka mid ah waxaa laga yaabaa in ay rumeysan yihiin in aan shucuurtiina kiciyay kadibna aan idin qiyaanay oo aan is-casilay, balse caawa waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay” ayuu yiri Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xor  u ahayn in ay aayahooda ka tashadaan.

Dalka, dadka iyo diinta ayuu qayaanay Farmaajo,sabbabta oo ah kacdoonkii umada ee dhiiga u daadiyay sidii dalkaan uu sharafkiisii iyo karaamadiisii mar uun u soo noqon laheeyn ayuu damiyay,aamusiyay,diiday in banaanbaxa uu sii socdo si labada  Shariif  loogu qasbo in heshiiska kampala uusan aheeyn mid la jaan qadi kara dalka,dadka iyo diinta umada Somali balse dhaqangalkiisa uu yahay xaaran iyo gumeeysi cusub.

Banaanbaxii Muqdisho waxaa nafta ku waayay in ka badan 13 qof uu ku jiray Wasiirkii arrimaha gudaha & amniga Qaranka Somalia oo Qarax lala beegsaday xili uu ka soo laabtay banaanbaxa kana soo jeedayay qudbad  xaqiiqdii umada dareen wadanimo ku abuurtay,halka boqolaal shacab ah uu ka so gaaray dhaawayo fudud iyo mid culus,waxaa ku burburay lacag dhan 1 malyan dollar.
   
Waxuu shacabka degen London u sheegay Farmaajo in uu heshiis  la soo galay madaxda dalka.asga oo sheegay in balanku uu ahaa.
    •    In  Cabdiweli lagu bedelo uuna noqdo r/wasaare.walow aanan la ogeeyn sabbabta uu Cabdiweli uga doortay golahii wasiirada 18 ahaa  ??
    •     In golahii wasiirada ee uu asaga madaxda u ahaa sidoodii u wada shaqeeyaan howshana aay sii wadaan.
    •     In heshiiska Kampala laga saaro qodobada qaasatan kuwa Qaranka Somali dhaawacaya.

Waa dhab in heshiiska qaar la fuliyay balse Cabdiweli oo uu aad ugu kalsoonaa ayaa baarlamaanka hortiisa ka qiray in heshiiska Kampala uusan Qaranimada Somali marn wax u dhimeeyn ?? taas oo noqotay mid Farmaajo uusan fileeyn balse halkaasi aay ka cadahay in Farmaajo lagu gidiyay turubkii ,waxaa cad in golahii wasiirada ee la soo shaqeeyay Farmaajo in aayan marna howshii sii wadi doonin bacdamaa inta ugu tunka weeyn laga ceeyriyay xilalkii wasiirnimo sida w/maaliyada w/ Difaaca,lana gaarsiin doono golaha wasiirada ilaa 70 meeyo iwm.

Farmaajo waxuu u muuqday nin dhiiga socdaa wax ku darsaday,jecelne in Qaranimadii Somalia aay soo noqoto,waxaa aay mar-kaliya reerka uu ka dhashay u istaageen dowladnimo waxaana aay la dagaalameen caruurtoodii al shabab duufsatay ,waxaay dhagta dhiiga u dareen dhalintii reer Buulo-xaawo,Garbahaareey,Luuq sow lama dhihi karo reerka uu ka dhashay Farmaajo waxaa aay u istaageen soo celinta qarankii burburay,ilama aha in nin noocaas oo kale eey Somali heleeyso.

Waxaad moodaa intaba in uu tixgelin waayay Farmaajo balsed xilka iska casilay iyada oo aan laga sugeeyn,waxuu Ilaah hortiisa ugu dhaartay in uu dhowridoono sharciga,miyuu dhawray mise daaqada ayuu ka baxay asaga oo irida ka soo galay markii hore,Farmaajo waxuu ku socday sidii Nelson Mandela balse ma noqon,fulayow guuli kuu dhaweeydaa, Nelson Mandela waxaa la xiray On 30 July 1952 waxaana uu xabsiga ka soo baxay on February 11, 1990,Farmaajo la-mood noqnse weeyday,nolosha aad dooratay waxaa dhaanta adiga oo xabsi gala ama u dhinta qaranka Somali taariikhda meel fiicasn ayaad ka geli laheeyd somalina kuma iloobeen abid,xabsi guri ayaad ka dooratay Kampala sabbabta aad u joogto Somali u sheeg ?

ARAGTIDA QORAALKAAN - Dr. Ali.A.Hirabe  - Hirabe_a@hotmail.com




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.