Federaal, Dowlad-Goboleedyo iyo Qabyo-Qoraaloow dantee la idinka lahaa?

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan - Allaah ayaa Mahad oo idil iska leh. nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aqristaha Sharafta badanoow, anigoon gogol-dhig dheer waxba kugu daalin, bal aan si toos ah u galo dulucda Qormada.

Aan ku billaabee, Federalku micna ahaan afka Somaliga marka loo badalo waa “Goboleysi”. Waxaana sidiisaba isticmaala caalamka 20+ Dowladood oo nidaamkaa qaatey. Dhammaantoodna dadka dowladahaasi ku dhaqani waa kuwo kala Diin ah, kala Dhaqan ah, kala Isir ah, kalana Luqad ah, kuwasoo aan isku feker ka noqon karin wada noolaansho iyo xuquuq siman oo si cadli ah ku dhex oolli karta. Waxaana loogu tala galay inay noqdaan dad kala qaybsan oo midkasta goonigiisa u taagan, midka kalena waxba kala dhaxeeyn, waxaa kaliya ee la isku yimaadana ay tahay xukuumadda dhexe ee federaliga ah. Caalamka kama jirto dowlad sideena oo kale ah, oo isku Isir, Diin, Dhaqan, iyo Luqadba ah, haddana, Federalism ayaan ku dhaqmeeynaa leh, ama oggolaadeyba markii qoorta loo surey intaaba.

Ku dhaqanka Federalka ama Gobolaysiga waxaa uu leeyahay xuduud goboleedyo kala soocan, oo qowmiyad kastaba goonigeedu u leedahay, taasoo lagu kala garto midba midkiisa kale, calan ahaan iyo calaamad ay kaga duwan yihiin inta kale dalka guud ahaanna leh. Laakiin, Soomaaliya oo kale ma aha nidaam ku habboon, oo wax kagala markii dhinac kastaba laga fiiriyo, maxaa yeelay, waa dad waxkasta isku mid ka ah, haddana, wada ah Ehel iyo Qaroobo xididkeedu dheer yahayna eey ka dhaxeyso.

Balse, dad ayaa horboodaya oo ummadda hal dhinac wax ugu sharxaya, iyagoo aalaaba ku celceliya, dadku wuu isdiley, wuu kala dagay, si uu isu aaminu Federalka ayaa daawo u ah. Cabsigalin iyo shaki kala galin oo kaliya ayaa la rabaa in ummadda loogu qanciyo nidaamkan, iyadoo albaabyada kale xalka keeni kara horeyba looga sii xirayo ummadda, maadaama dad gaar ahi dano gaar ahaaneed ka dhex arkeen. Gobollo kooban ayaana si waalli ah looga taageeraa federal-ka, sababtase bal adiga is weydii!

Qasaaraha nidaamka federalka uu leeyahay oo uu waliba Soomaalida si gaar ah ugu leeyhay waxaa ugu weyn, inuu yahay haykal dhisan oo u sameysan inuu dadka isku dilo, oo uu waliba ahaado mid dhibaatadiisu aysan dhammaanin boqollaal sano oo hadda soo socota. Markaa Federal ayaan u sameynayaa Soomaalida waxay ka dhigan tahay dhexdeeda ayaan Qabiil ahaan idin kala qaadayaa, markaa dowlad dhexe oo awood badan haddii aysan lahayn sidee loo heshiisiin karaa?

Arrinta Federalism-ka iyo Dowlad-Goboleedyadu waxeey leeyihiin taariikh dheer, oo inta xaqiiqda ogi shirkii Kenya ee Soomalida loogu qabtey Mbagathi ayaa mashruucan Soomaalida qoorta loo soo surey/galiyey oo orodoo qaata la soo yiri. Waxeyse heerkeedii waallida ahaa gaartey xilligii dowladdii ugu dambeysey kumeel-gaarnimada dalka ka arrimineeysey, oo aheyd xilligii Dastuur ku sheegga Qabyo-Qoraal-ka ah la inoo soo dhoodhoobey.

Nidaamkan Federaalka waxaa hindisahiisa lahaa qaar ka mid ah wadamada dariska, gaar ahaan Ethiopia, iyo Kenya. Waxaa ku taageerayey hey’ado caalami ah iyo quwado shisheeye, iyadoo mid kastaahiba dantiisa gaarka ah uu mashruucan cusubi ka dhex arkayey.

Waxaa muhiim ah Soomaalida in ey isla wada fahanto in Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, aaney marnaba oggoleyn in Soomaaliya dibdambe cagaheeda isugu taagto, gaar ahaan iyadoo quwad mug leh oo midna ah leh. Si hadafkaasi u suurtagalana waxeey labadan dowladood muddo markii la joogaba Soomaalida u soo hindisi jireen qorsho Soomaaliya dhulka loogu sii celinayo, si sare u kicidba iska daaye, aaney xitaa u soo Ruuqaansanin ama aaney u sooba Hinqanin.

Qorshahan Federal-ka inta aanan qoorta la inoo soo surin, qorshooyinkii ka horeeyey ummada Soomaaliyeed loo maleegey, dhaganna galey, waxaa ugu caansanaa kuwan:

A- Kii 1aad wuxuu ahaa midkii intii dowladdii dhexe aaney gabi ahaanba hawada ka bixin la maleegay, kaasoo Dowladda Ethiopia ay ugu aabuurtey, hubeeysey, xerooyinna ka siisey dalkeeda gudihiisa Kooxo Jabhado Qabiileed wada ah, oo hadafka eey ka mideysnaayeena uu ahaa oo kaliya in dowladaa la dumiyo.

B- Markii dowladdii dhexe burburtey, Qorshihii 2aad ee ku xigey ee Kenya iyo Ethiopia ka sinnaayeen waloow mar kasta Ethiopia hormuudka ka aheyd, wuxuu ahaa midkii ku dhisnaa wadataageeridda kooxaha magacyada badnaa ee siyaasadda dalka isaga soo horjeedey, iyo in ey sii kala jajabiyaan, iskuna sii hubeeyaan, aadna u sii kala fogeeyaan. Ethiopia-na markii ey doonto Ciidamadeeda ey dalka marba dhinac ka soo galaan, intii ey rabaan kufsadaan, jirdilaan, iska xirtaan, amaba iska xasuuqaan.

C- Qorshihii 3aad ee Kenya iyo Ethiopia dalka ka dhaqangaliyeen wuxuu ahaa kii ey Ethiopia ku dooneysey in ey xeyndaab Ethiopia u sameysato xuduuddeeda, kasoo ey ku abuurtey maamulka ka jira Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo Ethiopia oo cadowga ummada Soomaaliyeed ee soojireenka ah u aragtey in eyba dalka kala goyntiisa u mari karto. Muddo kabacdina waxeey sidoo kale ku taageertey Marxuum C/llaahi Yusuf sameynta maamulka gobollada Bari ka jira. Waana meesha Kenya iyadana uga go’antahay in ey hesho kuwa la mid ah kuwan, oo ey ugu horreyso kan Jubbooyinka ey ka waddo, oo dowladda Soomaaliya ey Sanka uga galineeyso, iyadoo iska soo hormarineysa Tabcaneyaal.

D- Qorshihii 4aad ee Kenya iyo Ethiopia dalka ka dhaqangaliyeen wuxuu ahaa kii hirgaley ee xiligii abuurista hogagamiye kooxeedyada, oo mid kastaa ey waxaanoo gawaari Hub iyo Saanad Milatari ah u soo rari jirtey, iyadoo mid kastaahina uu iyada si toos ah uga amar qaadanjirey, kalana ilaalin jirtey. Hoggaamiye kooxeedyadaa oo aad u naaxey ayaa Garoommo iyo Dakado khaas ah oo ey si gaar ah u leeyihiin sameystey, waxeeyna Ethiopia u tusisey mustaqbalkoodaba in uu ku xiran yahay in Soomaaliya aaney abid dowladba ka dhalan, si waxa ey maanta heystaan aaney u waayin, iyagaa ayeyna kula dagaashey dowladdii Carta ee Madaxweyne C/Qaasim, ugu dambeyna ku burburisey.

E- Waxaa ku sii xigeey qorshihii Quursiga ee (0.5) muwaadiniin Soomaaliyeed loogu shaabbadeeyey, muwaadin xaq dhammeystiran ku leh dalkiisa hooyo ma tihid-na afcad loogu yiri, taasoo aheyd kala fogeyn, kala faquuq iyo niyad-jab tii ugu xumeyd. Waxaase sidoo kale qoorta la inoo surey qorshihii isku milqinta awoodda Madaxweyne iyo tan Ra’isulwazaare, dhibkan oo ka billoowdey Dowladdii Carta, iyadoo mid kastaaba laga dhigey madaxweyne gaar u taagan, (Anaa Amiir, Wa Anta Amiir, Miin yasuuqul Ximaar?), ulajeeddadii laga lahaa waa laga gaarey, oo waxaa la waayey Madaxweyne iyo Ra’isulwazaare wada shaqeeyn karaba, oo inta is fahma ummada si wada jir ah wax ugu qabta oo samatabixiya. Mushkiladdu ragga ma aheyn, oo mudadaa waxaa la heli lahaa labo is fahamta. Nasiib darro! Niman iyagiiba isdagaashan, oo la kala gadayo, midkastana loo muujinayo in weerer lagu yahay, balse, garabkiisa ey taagan yihiin shisheeyuhu, dal iyo dad tabaaleeysan waxba uma qaban karin.

F- Waxaa inoogu xigey xilligii Maxaakimta, oo waloow kooxo isku jira ey ahaayeen oo aanan garaneyn meesha ey isla gaari lahaayeen, haddana, waxeey aheyd waqtigii ugu horreeysey oo koox mideysan dalka intiisa badan la wareegeen, oo nabad dhab ah dadku dhadhamiyeen, Ethiopia oo u arkeeysey in qorshooyinkeedii dhul ku celinta Soomaaliya ey meesha ka baxeen, ayaa duullaan ku burburisey, iyadoo taageero ka heleeysey quwado shisheeye oo Mareykanka ugu Tun weynaa. Qorshayaashaas waxaa ku dhexsocdey qorshooyinka khaarijineed (Targeted Assasinations) ee nin-doorka ummadda sida: Culumaa’udiinka, Saraakiishii ciidamada, Aqoonyahanno, iyo guud ahaan indhaha ummadda, si qarsoodi ah loogu ugaarsanayey, looguna gumaadayey muddo dheer.

G- Ugu damneyn markii ey arkeen in nidaam iyo maamul dhinaciisa loo jeestey ayaa hindise kale loo soo maleegey ummadda Soomaaliyeed, waana midkan federaalka. Dowladaha darisku danaha ey ka lahaayeen nidaamkan federalka waxaa ka mid ahaa in Soomaali Qabaa’il xuduudo kala leh, haddana kheyraad, dhul, iyo awoodba isugu miliqsanyihiin leh qoorta loo galiyo nidaamkan federal, si ey madaxa isula galaan, u kala qeybsamaan, dagaal iyo khilaafaad joogta ahna aaney waligood uga bixin, oo marna aaney u helin Dowlad-Dhexe oo awood leh oo wadamada dariskana la xisaabtami karta, si faragalin joogta ah aaney uga deyn dalka Soomaaliya.

Nidaamka Federaalka waxaa ula jeedadiisu tahay in la dhiso Dowlad-Gobolleedyo Xeyn-Daab u ah dowladaha dariska, oo si toos ahna uga wada amarqaata iyaga, oo xiriirka ey la leeyihiin dowlada dhexena uu aad u liito.

Waxaa sidoo kale laga leeyahay in dowlada dhexeba magac-uyaal noqoto, oo wax aan jirinba laga soo qaado, awoodaheedana aad inta loo yareeyo, si xeeldheer Maamul-Goboleeyada lagu gacmo xiro, dastuurkii qabyo-Qoraalka ayaa si aad ah arintaa loogu dabaqey, oo waliba [Laba nin] ayaana arrintaa garba-duubka Dowlada dhexe iyo naaxinta Maamul-Goboleedyada si hoose isaga kaashadey, in badanna ku guuleeystey. Haddii aan in badan laga badallin Dastuur ku sheegana, waxweyn ayuu caqabad ku noqondoonaa helitaanka dowlad dhab ah oo Soomaaliyeed oo shaqeynkartaba, awood buuxdana u leh hoggaaminta iyo difaacidda dalka iyo dadka oo mideysan.

Waxaa qorshahan federal iyo Qabyo-Qoraalkaba sidoo kale wax ka wadey, hey’ado dano dhaqaale ka lahaa arimahan, oo Burburka Dowladnimada Soomaaliyeed wax ku cuna, oo intooda badan Nairobi fadhiya, oo dhaqaale lagu qiyaasey $1Billion/year (Hal Bilyan oo doolarka Mareykanka ah sanadkiiba) magaca Ummadda Soomaaliyeed ku cuna, iyadoo hantidaasi oo loogu talagalay Ummaddeena tabaaleeysan iyo dib u dhiska dalkeena hooyo, aaney marnaba soo gaarin ummadda, macluul iyo gaajana ugu dhammaadaan duruufo nololeed iyo darxumo adduun darteed.

Waxaase ugu halis badan marka laga soo tago dowladaha dariska oo federaalkan qoorta inoo soo surey, Qabyo-Qoraalkana ku darsadey arrimaha xuduuda aan cayimneyn, iyo jinsiyaddan shuruudaheeda la sahley qaadasahadeeda, iyo kuwo [labada nin] ey ku darsadeen oo casimadda shaki lagu galinayey, iyo ammuuro fara badan oo maamul goboleedyada awood loogu dhoodhoobayey, dowlada dhexana loogu jeenaduubayey, ayaa Federal-kan iyo Qabyo-qoraalkaba waxaa hormuud ka ahaa, Hey’ado iyo dowlad ka mid ah quwadaha aduunka oo hadaf intaa ka fog ka lahaa arrimahan, kuwaasoo aad ey u dhibtey dadkan wada Muslimiinta ah, wada Sunni-ga ah, waliba halka Mad-Hab ee Imaamu Shaafici isla sii wada heysta. Waa hey’ado dagaal qoto dheer iyo gulfis xooggan ugu jira wax ka badalidda arrintan ah in ummadani waxkasta ka mideeysanyihiin.

Si arrimahan waxweyn looga baddalana waxeey howlgallo waaweyn ka aloogeen Xeryaha Qaxootiga ee Soomaalidu ku balanbashey, haba ugu darnaatee Xerada Qaxooti ee Dhadhaab ee ah tan ugu weyn Adduunkoo idil. Waxeey ka howl-galiyeen mashruucii “Diintaada ku badalo dhaqaalo iyo Dibad” oo TV-ga caalamiga ah ee Aljazeera uu warbixintii xanuunka badneyd ka diyaariyey. Hey’adahan waa kuwo hagardaamadooda iyo halisahoodaba ey si xoowli ah ku socdaan oo xitaa gudaha dalka ayey ka wadaan, oo waan daawadey kuwo Bible-ka heysta oo dalka meelo ka mid ah jooga, oo waa gaalo la leeyahay, oo guryo lagu qarinayo, si mustaqbalka dhow loo helo ummad inta aan ka mideysannahay maanta, ku kala duwanaata beri!

Ogoow waa kuwii intii shirkii Embagathi socdey dabada ka riixayey kooxihii la baxay “Golaha Gaalada Soomaaliyeed” ee waliba ey rabeen in ey Baarlamaanka Soomaaliyeed ku daraan. Nasiib darana! Dastuurkan qabyo-qoraalka ah waxbadan oo Diinta ummaddeena lid ku ah ayey ku darsadeen, sida in aaney shardi aheyn in uu madaxweynuhu muslim yahay. In aaney shardi aheyn in Diinta qura ee Dalka uu leeyahay, laguna faafin karo tahay tan Islaamka. In dumarka qaban karaan jagooyinka ugu sareeya dalka, oo uu madaxweyne ku jiro, iyo kuwo kaloo fara badan.

MAXAA XAL AH?

Waxaa loo baahan yahay in Soomaaliya dowladda dhexe oo awood leh loo sameeyo, kuna dhaqda ummada xeerka Ilaahay raaliga ka yahay iyo dhaqanka wanaagsan ee ay Soomaalida ku dhaaftay dunida inteeda kale. Waa in ey iska diiddaa nidaam ku sheeggan Goboleeysiga oo iyadii waxkasta ka mideeysneyd lagu sii kala fogeynayo, kuna dadaashaa sidii ey u yeelanlaheyd dowlad  dhexe oo awood leh, balse, cadaalad ku dhisan oo danta dadka iyo dalka waxkasta ka hormarisa, gobol kastana sida loo dego ummadda si cadaalad ah ey isaga doortaan qofka ey iyaga rabaan, oo aan qof aan gobolkaaba dagin dusha looga keenin, sidii dhici jirtey.

Haddii aan nahay Soomaali kala qaadis iyo xuduud gobol oo la inoo sameeyo uma baahnin. Waa inaan og nahay in qaran Soomaali awooddiisa aysan ku imaan karin in la adegsado nidaamka gobolaysiga, dhaqaalaheenana uusan ku habboonayn oo uu waliba ku dhismayn.

Dastuur ku sheeg ey isla soo dhisteen dhowrjiho, oo qaar la dagaashan yahay qarannimadeena, qaar diinteena, qaar wada jirkeena, qaarna danaha guud ee ummaddeena, ina wada anfici maayee, waa in waxban laga badalaa, “Iyadoo wadada saxda ah ee sharciyeed loo marayo”, oo aan loo aabo yeelin kuwa qashinka kasoo buuxsadey, ee diiddan in wax laga badalo, ama afka labadii yeeraya, oo leh dastuurkii baa wax laga bedeley. Soomaaliya cadaalad oo kaliya ayaa deeqada, cidkastana meesheeda ku dharjineeysa.

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor” - abdulkadirphd@hotmail.com
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.