GAARANOW WAAN KU SALAAMAY!

Dr. Ismail Malaas - Axmed J.Gaaranow waan qaatay dhaliishaada, hase yeeshee annaga hadaan nahay dadka mehradoodu ama xirfadooda ay tahay saxaafadda, markaan dhaliil qaadaneyno ma aha inaan qaadaneynno in qofka na dhaliila uu sax ku yahay dhaliishaas, haa haddey sax tahay waa qaadaneynaa, haddeynna nagu habooneyn qaadan meyn oo howsheenna ayaa ah inaan dhaliilno saxnana wixii qalad ah, qawaaniinti lagu xadgudbo, wixii anshax xumo ah ee bulshada lagu dhex hayo, sidoo kalana waan aqbalnaa wixii dhaliil ah saxna ah.
Maqaallo Keydmedia Online

Qoraaladda aan ku guubaabinayo qurbaawiyiinta Soomaaliyeed ee aqoonyahanadda ah iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed ee dibad ku noolka ah in ay ka murugoodaan waxa wadankooda ka dhacaya ayna ka qeyb qaadan karaan toosinta qaladaadka ka dhacaya ashkhaasta awooda dalka gacanta ku heysa waa waajib na saaran.

Maanta inta badan aqoonyahanadii Soomaaliyeed waa qurbo ku nool, haddii ay gacmaha ka laabtaan oo ay yiraahdaan mar hadaan dhibkan ka fogahay waxba iigama gadhiish aha wuxuu dhex dabaalanayaan qiyaano qaran

Qofka caamada ah ee aqoonta aan laheyn isaga nolasha dhaldhalaalka beenta ah ayaa khiyaami karta, waana qof dhimman, waxaase xittaa kuwaa ku dhex jira kuwo aan innaba aqoon u helin fursad laakiin ilaahey siiyay caqli, waddankooda jecel ogna in xil ka saaranyahay in wax allaale wixii uu u tari karo uu sameeyo haba noqdo hal doolar oo uu tabaruc ahaan ugu soo diro dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah kuwa buka,kuwa naafada ah, kuwa curyaamiinta ah iyo xittaa laba eray oo gubaabo ah oo uu “webseetyada” Soomaaliyeed Radiyow FM-yada IWM uu ka yiraahdo.

Gaaranow aad baad u dhaliishay aqoonyahanadda Soomaaliyeed gaar ahaan Dr Max’ed Cabdi Gaandi oo dhisay ciidan ogaadeen u badan oo uu yiri Xamar looga talin mayo ee talada halkan Kenya aan joogo iyo Salaadiinta ayaa siinaya oo waa wiilasheydi.

Qalad weyn ayuu professor Max’ed Cabdi  ku dhacay oo berri  waxaa dhici karta in gobal kasta haddii fikradda federaalka hirgasho waxaa dhici karta in qabiil kasta ee Soomaaliyeed uu yiraahdo dhalinyaradayadu  waxay ciidan u noqonayaan maamul gobaleedkayaga.

Waa fikrad aad u qaldan oo uu profasoorku bilaabay, laakiin qaanuunka federaalka ama dastuurku haddii ay aqoonyahanada gaar ahaan kuwa ku takhasusay qaanuunka ay u midoobaan in ay dastuurka qabyada ah ka qayb qaataan saxaanna ciidan fikrado qabyaaladeed ku dhisan Soomaaliya kama hirgali karo.

Ciidamadu waa ciidamo ay tahay in dalka oo dhan ay ciidan u yihiin waa in ay isku dhafan yihiin oo askari kastaa meeshii wadanka laga aadiyo uu jooga haba u bataan xuduudaha oo in  muwaadiniina kuntarbaan iyo balaayo kale abaabulaya ka ilaaliyaan, haddii ay dal aan jaar nahay xukuumado dal ballaarsi ka fakara ay ka ilaaliyaan.

Dalalka nala jaarka ah waxaa ku jira kuwo doonaya in ay dadka dhulalkii gumeysiga Soomaaliya uu ku daray dhulalkooda dejiyay inay qabaa’ilka dhulkaasi nalaga heysto deggan ka soo ururiyaan iyagoo ciidamo u sameynaya ay ku qabsadaan dhulalka deriska ah damacsanyihiin in qabaa’iilka yar yar oo ay dhibeen qabaa’ilka waaweyn oo ay dhalinyarada askarta ah ka qoreen kana xoreynaya Kooxda Godane sidey leeyihiin Soomaaliya ayeey u sii diyaarinayaan qabiilooyinka dhulalka barwaaqada ah, ayna ka rararaan dhulalkii Soomaaliyeed ee gumeysigu siiyeen.

Dhulalka ay gaaranow naga heysaan dowladaha nala deriska ahi waxaa ka buuxa macaadin, waanan dhulal haddii ceelasha riigaga ah loo qodo barwaaqo ah sidoo kale xoolaha way ku badanyihiin .

Mu’aamaradaas waxaad  Axmed J.Gaaranow ka garaneysaa in dagaal lagu hoobto uu ka dhaco qabaa’ilka deggan dhulalka ciidamadaas qabiil la geynayo, midda kale ogow dhibaatada ay Soomaaliya ku jirto 20ka Sano way sii jireysaa.

Waxaan u maleynayaa in aad mid dhaliilsantahay oo aadan ogeyn in inta badan qabiilka Ogaadeen in aanay aqoon tacasub isirnimo ee daroodiisam oo haddii aad tagto dhulalka Soomaalida Itoobiya xukunto dad aad u fara badan oo Hawiye ah ayaa ku nool, ganacsi, xoola nool iyo guryaba ku leh, sida Qabri daharre,Feerfeer , dhagaxbuur IWM oo aan aheyn Hawiyaha kallinka Shanaad dega balse ah Hawiye ka tegay Soomaaliya mudda fog, oo wiil iyo abtigi, seedigii, Soddagii IWM

Xamar iyo meelaha xukuumadaha Soomaaliyeed ka jiraan waa jireen kuwa madaxda ugu dhawaada daarood baan ahay, kuwaasuna waa afmihsaaro aan dhaqan ogaadeen laheyn.

Hadalkaagi walaal Gaaranow waxaa ku jiray in korneel C/llaahi Yuusuf uu isagoo madaxweyne ah uu si cad qabiilnimo u sheegan jiray oo dhacdooyin ayaad xustay mase ogtahay in markii Boqor C/llaahi kin kong loo boqray boqorkii daarood in C/llaahi isagoo innab xurmeynin mansabka uu hayay oo ahaa Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya uu ka qeyb galay, welibana yiri beesha waa balaarantahay oo kuma eka halkaan Qardho oon joogno ee koonfurta Soomaaliya ee fog ayeey joogaan deggan yihiinna.

Gaarane Walaal  iyo dhammaan Soomaalida akhrineysa markan waxaa ogaataan in waxaan taariikheyneyno qoreynana aan ula jeedno in dadka Soomaaliyeed iska jiraan ashkhaas, Hawiye, kuwa daarood IWM oo ku beer laxawsada in ay “isirkooda” u halgamayaan, waxaasu waa been, jago ayeey kugu raadsanayaan.

Sidaa awgeed dhalinyarada Soomaaliyeed qurba ha joogaan ama yeey joogine waa in ay soo celiyaan ruuxii Soomaalinimo ee ahaa:

“kani waa ugaas, kani waa addoon, waa inaan ilawnaaye .Waagii horoon kala soocneyn silic baan ku nooleyn, Soomaaliyeey sara joogsada sisin baan heleynaaye”.

Gaaranow Soomaalida gobal kastoo dalkeeda ka mid ah iyo haday qurbo joogtaba waa mid, waa isku isir waana isku aayatiin, Gaarne ma ku soo gaaray warka ay Xog-ogaal qortay maalintii bishan October ay 6-da ahayd oo sheegayay in ay Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Korneel C/llaahi Yuusuf horeyna u ahaa madmaxweynaha Maamul gobaleedka bari iyo Nugaal, Genaraal Cadde Muuse oo isna xili soo noqday Madxweynaha maamulka Bari iyo Nugaal iyo C/raxmaan Faroole oo xiligan ah madaxweynaha gobaladaas ay kulan qarsoodi ah ku yeesheen Magaalada Sanca ee dalka Yamen iyagoo ku dadaalaya in qof ka mid ah seddexdooda jufo uu R/wasaaraha Soomaaliya noqdo, arinkaasoo uu ayidayo una shaqeynayo Shariif baangad oo horey u ahaa Shariif Sakiin, halkaa waxaa kaaga cadaanaya in ashkhaasta siyaasiyiinta ahi ee maamul gobaleedka Bari iyo Nugaal  aanay naceyb qabaa’il ama jufooyin aanay isku isir aheyn siday jecel yihiin in ay dadka ku beer laxawsadaan in aanay nacbeyn, ashkhaastaas wixii ka baxsan seddexdooda jufo waa adaris  ama wax dhiman oo aan waxba lala wadaagi Karin.

Dadka dega gobalada bari iyo Nugaal oo kaliya ma ahan balse daarood oo dhan iyaga mooyee way ka hooseeyaan, waa ashkhaas Soomaalinimadu ka dhimantahay oo sheeganaya in ay Yamen ama carab yihiin, jufooyinka kalena waa dad u adeega.

Sidaa lamayna qabin lamina qabaan awoowayaashoodii hore ee Soomaalida ashkhaas waa hore Tacasub qabiil u furay axsaab la dagaalameysa SYL ,markii marxuum C/llaahi Ciise uu noqday R/wasaarihii ugu horeeyay ee xukuumadii daakhiliga aheyd ee Soomaaliya, wadanigaasna ula dagaalameysay inuu Hawiye yahay, furayna xisbigi howl iyo hanti wadaag  ayaa maanta laga dhigay “Others” inkastoo “Others” sida qoraalo hore aan ugu soo sheegnay ay tahay wax khiyaali ah oo dad qabyaalad dilootay abuureen.

C/casiis Nuur Xirsi oo Carab Max’ud Saalax ahaa maanta jufadiisa waa “Others” sida ku qoran axdiga KMG ah ee wixii qabiilooyinka “waaweyn” liidana la liido waxaana sidaa go’aamiyey C/llaahi Yuusuf.

Gaaranow, aniga, adiga iyo Soomaalida oo idil qurbaawi ha noqdaan qabiilkastana ha loogu yeero, qaarkood hala xaqiro kuwa kalana waa isir sareeya oo Soomaalida kale ka sareeya hala yiraahdo waa in aan fikradda C/llaahi Yuusuf IWM dhamaan la dagaalanaa, dagaalku qori maaha ee waa sixid hana ka bilowdo gobal kasta oo ay Soomaali degto.

Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada ee Hadba kina taag daraney Taageera weligiinee

Waa in aan fikradihii SYL Soo nooleynnaa iyo 13kii aasaaseyna, Axmed J.Gaaranow xittaa Adis-ababa SYL ayaa dhalinyro ogaadeen ah oo SYL la dhacsanaa ay si qarsoodi ah uga fureen.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: