KON Analysis: “Hadii aad Toban dishaan Kun baa dhalanaysa!”

Salma Abdikarim Ayuub (Keydmedia Online) - Yee dan ugu jirtaa Dilka Waxgaradka iyo Wariyaalka Soomaaliyeed? - Tobonkaan Sano dambe Koofurta Soomaaliya waxaa ku socda Qorshayaal kahor imaanaya Xuquuqda Insaanka, Horumarka Dalka iyo Nabad ka aslaxda Soomaaliya siiba Magaalo Madaxda Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online

Waxaa si isdaba joog ah loo fuliyaa Qaraxyo lala beegsanayo Bulshada Taagta daran oo aan waxba galabsan cidnana Dambi ka galin: Dib u milicsada Qaraxii Isbitaal Madina iyo Isbitaal Banaadir, Qaraxii Hotel Shaamoow iyo Hotel Muna, Qaraxii lagu Xasuuqay Ardaydii Dowlada Turkigu u fidisay Deeqda Waxbarasho. Xasuuqii Ardayda iyo Waalidiintoodii wuxuu kor u dhaafay 140 Ruux, intii Goobta iyo intii Isbitaalka ku dhimatay.

Qodobka Labaad waa Dilka Qorsheysan ee lagu fuliyo Wariyaalka naftooda u huray in ey Ummada Soomaaliyeed usoo tabiyaan Xaalada Dalkoodu ku suganyahay. 

Marwalba Saxaafadu waxey Qortaa "Qarax ayaa ka dhacay Meel Hebal, oo waxaa ku dhintay intaas iyo intaas" "Xalay ama Saakay baa waxaa la toogtay Wariye Hebel oo u shaqeynayay Idaacad Hebel, waxaana toogtay DAD AAN LA GARANEYN OO BASTOOLADO KU HUBEYSNAA!!"

Durbadiiba waxaa lala soo boodaa iney Falalkaas waxashtinimada ah (Dilalkaas / Qaraxyadaas) oo Bini'aadniga lidka ku ah ka dambeeyaan KOOXDA SHABAAB!

"Idaacad Hebel baa waxey sheegtay Qaraxii iney ka dambeyeen Kooxda Shabaab" "Wariyihii la dilay waxaa ka dambeeyay Kooxda Shabaab"

Hadaba ma isweydiinay oo dhab ma tahay in ay Falalkaas Aadamiga lidka ku ah ey ka dambeeyn karaan Dad Bini'aadni ah oo u dagaalameya Mabda'a Islaamka una dagaalameya Dadka Islaamka? Su'aashaas Jawaabteedu waa Maya oo Diinta Islaamku ma baneyn in Dad Islaam ah la laayo!

Maxaase Durbadiiba loo yiraahdaa Shabaab baa ka dambeeyay? Xagee laga keenay Macluumaadkaas!

Aan Dib u Xasuusano, Xasuuqii Hotel Shaamoow Shabaab waa ka gaabsaday inuu sheegto Qaraxaas lagu Xasuuqay indheergaradkii Soomaaliyeed.

Waxaa la yiri: "Meyd maxaa u Dambeeyay?" Markaas ayaa la yiri "Waa midkaa la sii wado"

Qaraxii Shalaay ka dhacay Village Restaurant

Qaraxii Shalay ey ku geeriyoodeen 20 Shaqsi oo waxgarad Soomaaliyeed ah, Kooxda Shabaab wey iska fogeeyeen iney ka dambeeyeen Falkaas. 

"Afhayeenka Kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Wakaalada wararka AFP ayaa sheegay in qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen ay fuliyeen Rag taageersan Kooxda Shabaab balse eysan laheyn Kooxda Shabaab Amarka fulinta Weerarkaas!"

Aqriste, fadlan u fiirso Hadalka Cali Dheere! "Dadkaas waa Dad ka xumaaday Siyaasada Cusub ee haatan Dalka Soomaaliya uu guda galay" ayuu yiri Cali Dheere.

Meshaas waxaa kugu cad iney jiraan Kooxo Hubeysan oo u faltama sida Shaabaabka laakiin ka amar qaata Dad kale. 

Guddoomiyaha Odayasha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa hada kahor marar badan ka sharqamiyay in ay jiraan Dad ka shaqeynaya Xasilooni darada Magaala Madaxda Muqdisho lagana soo amro Gobollo kale.

Shiekh Ciise Dalabey oo ah Gudoomiyaha Guurtada Hawiye ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Xasiloonidarada Muqdisho lagu waheliyo Shabaab oo Hoteelada Muqdisho qaarkood laga soo abaabulo Dilalka Qorsheysan oo lagu wiiqanayo Labeenta Aqooneed ee reer Koofur.

Shiekh Ciise Dalabey oo lasoo xariiray Keydmedia Online ayaa wuxuu ka codsaday in Baaqiisa loo gudbiyo Waxgaradka iyo Wariyaalka Soomaaliyeed.

"Waxaa la doonayaa in la idiin bajiyo oo Qabka la idinka dilo. Waxaa la doonayaa in aad Argagaxdaan oo Dalka ka carartaan. Waxaa la doonayaa in Runta Afka laga daboolo oo la helo mid Beenta macmilka ah baafiya. Waxaa la doonayaa in eysan Dadkiinu Macluumaad ey ku ilbaxaan helin oo aan loo soo gudbin. Waxaanse ku rajaweynahay inaad intaas fahamteen oo aad Dadaalkiini meshaas kasii wadi doontaan" ayuu yiri Shiekh Ciise Dalabey.

Shiekh Ciise Dalabey oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Waxaan Dowlada ugu baaqayaa iney Dabagal dhab ah ku sameeso Arintaas soona qabato kuwii lahaa Abaabulka falalka Xasuuqa Bulshada Soomaaliyeed! Waxaan kaloo ugu baaqayaa Wariyaalka iyo Aqoonyahanka iney sameeyaan dabagal oo ey u kuurgalaan arintaan meesha ey kasoo jeedo, fartana ku fiiqaan"

Wuxuuna hadalkiisa ku gunaanaday: Kuwa Falkaan fulinayooow oo is mooday in aad Dilkaan Waxashnimada oo fuleynimada ah ku guuleysateen ogaada in la idiin ogyahay lana ogaan doono Astaantiina oo rasmi ah. Ogaada: Hadii aad Toban dishaan KUN baa dhalanaysa!"

Keydmedia Online ayaa hada kahor soo qortay Qoroolo ku saabsan Dililka Qorsheysan cida ka dambeesa.


Yaa ka Dambeeya Dilka Qorsheysan ee Suxufiyiinta!? 188 Wariye - 6 Sano Gudahood

DILKA QORSHEYSAN - YAA KA DAMBEEYA?

DILKA QORSHEYSAN - QEYBTA 2-AAD


Keydmedia Online waxey fursadaan Maqaalkaan siiyay uga faa'ideysaneysaa iney u Tacsiyeeso intii ku Geeriyootay Qaraxyadii iyo Dilalkii loo geestay ayaga oo aan waxba galabsan.

Illahey waxaan uga baryeenaa inuu Janadii ka Waraabiyo, Ehaladii ey ka tageenah Samir iyo Imaan Alle ka siiyo. Aamiin, Aamiin.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Salma Abdikarim – Keydmedia Political Analyst - Columbus, OH - Salma.a.ayuub@keydmedia.net

Yusuf Abdi Lali - Keydmedia Political Analyst - Nairobi, Kenya - Yusuf.a.lali@keydmedia.net




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.