Howraarsankii Hanti-Wadag & Hammigii Hanti-Goosad Halkebay ku Danbeeyeen?

Faarax C/xashi Cisman - ALLAH ayaa xummaan oo dhan ka nasahan, waxaana ku sallinayaa RASUULKA (CSW). Intaa kadib Aqriste Maqaalkaan waxan ku eegaya haddu rabbi idmo Taariikhdii Dal iyo Dad ay soomartay Ummadan aynu ku Abtirsanno ee Soomaaliyeed, gaar ahaan heerarkii Ganacsi ee ay soo mareen, waqtigii dowlad li’ida nahaysay ilaa markaan yeelanayba.
Maqaallo Keydmedia Online

Anigoo kusheegi doona  waa sidaan aaminsanahaye sababta dhabta ah oo loo bur-burshay qarankii Somaaliyeed, waloow ay jiraan laguna sheego waxyaalo badan inay sababeen burburkii dalka, anigoo ka milicsan doona dhanka dhaqaalle ladirirkii soomaray ugu dambayntiina sababtay kuf aan ka kicid laheeyn.

Sida aanu wada ognahahyba dalka Somaaliya waa dad ku caanbaxay Taarikh  ahaan ganacsiga badda, sababtoo ah waa dhul xeebeed aad u balaaran, taasani waxay suuro galisay in ay taariikhdu ku tilmaamto magacyo badan oo ay kamid yihiin DHULKII UDUGGA(fooxa),DHULKII AWOOWAYAASHA,oo ay tarikhyahanadu dhahaan waxa looyaqanaay waqtigii FARAaCIINTA.

Sababaha keenay in magacyadasa loogu yeerona ay ahayd  xiriirkii qotada dheeraa, taariikhigana ahaa oo ay ummada Somaliyeed lalahaayeen dunida dacaladeeda dhulalka carbeed haba  oogu badnaadaane.

Bartamihii qarnigii 17-aad ilaa 18-aad, aduunka waxa ka dhacay wax layirahdo kacdoonkii warshadaha (Industrial Revolution) oo ay horrmuud u ahaayeen Reer Galbeed ,   isla waayahaas dunida sadexaad(Third world ) waxa so wajahday boob ay kala boobayan gumaysigi Reer  Yurub mood iyo nool, ama dad iyo duunyoba.

Dalka Somaliya nasiib darro waxuu kamid noqday dhulalkii boobkaas  galay oo laqaatay waxkasta uulahaa ay qaadan kareen gumaystayashii gaar ahaan kuwoodii oogu tunka  weynaa sida Ingiriiska , Talyaaniga iyo Faransiiska  oo in muddo ahba ku hayay boob iyo dhac aan loo meel dayin sababayna dhimasho kumanaan inay ku dhintaan halka kumaankalle ku waxyeelooban  naf iyo maalba.

Waxay soo jiitantoba biloowgii iyo bartamihii qarnigii 20 aad waxa addunka kabiloowday Dagaal fikradeed u dhexeeya  labo caqiido(Two ideologies) oo kala ahaa Reer Bari(Socialism) waa  hanti wadaage iyo reer galbeed (Capitalism) oo ah hanta  goosad.

Dagaal caqiideedkaas oo midba kan kale kula kaltamahayay qabsashada dunida inteeda kale ayaan misana  dhexda u galnay.Haddan tusaale u soo qaato Reer Bari(Socialism) ayagoo ka faaiidaysanahaya  qabsashadeey dunida qabsadeen reer galbeed ayay waxay kafidiyeen dacaayadoyin badan buugaagna ka qoreen waxay oogu yeereen  ( FIKIRKA DABAQIGA  AH),ayagoo kusoo halqabsanaayay dhibaatooyinkii iyo waxyeeladii ay ku hayyeen reer  galbeed duniday qabsadeen ee ahaa kaligi noolaansho waa marka loo fiirsho fikirkay ka qabeen kan Shuuciyadda.

Halgan iyo dagaal dheer kadib umadihii lahaystay aanu kamid aheyn way iska qaadeen reeryadii gumaysiga,gaar ahaan dowladihii Afrikanka ahaa badankood waxay xornimadooda dib uhelaan ama u qaateen 60-da meeyadii .

Somaliya markay heshay xornimadeedii gaar ahaan dhulkii looyaqaanay Soomaliyada faransiis (Jabuuti),Soomaliyada Ingiriis(G.waqooyi) iyo soomaliyada talyaani(G.koonfureed) ayaa waxaa unkmay Jamhuuriyadii Soomaliyeed,halka qaarkii kale illaa iyo hadda aysan gacan ku jirin lakiin gooray noqotoba riyada ummada Soomaaliyeed aysan waligood hilmaamaynin , maskaxdoodana ka go’I doonin  helidoodii INSHA ALLAH oo waqtiyadan dambe noloshii ummada Somaliyeed waxay u wareegtay halgen iyo JIHAAD ay lagaleen gumaystihii baneeystay dad iyo duunyo waxay lahayeen,ganacsina daa hadalkiise.

1960kii, wakhtigaan qaadannay xorriyadii dalka waxa dowlad ka noqday dowlad shacab ah tii oogu horeeysayn oo  uu madaxweyne ka noqday  Aadan Cabdille Cismaan,tii xigtayna uu madax ka noqday Cabdirashiid Cali Sharmaake ALLAHA uwada naxariistee ,dowladahaas shacabka waxaa lasheegaa inuu dalka soo maray mar xalado ad adag oo kamid ahaayeen hogaanka oo ku salaysnaa hab dhaqan,musuq-maasuq adag oo jiray oo aqoonyahanada qaarkood ku tilmameen boobka iyo kala kiish buuxsiga hadda jira oo kale mid lamid ahaa  horumar iyo ganacsigii.

Muddo 9 sano ah kadib waxa dalka ka dhacay afgambi ay hor kacayeen Ciidamadii qalabka siday Madaxweynana ka noqday Jalle Maxamed Siyad Barre ALLAH u naxariistee.Markay lawada wareegeen Jamhuurayadii Somaliyeed ciidankii  waxay u fariisteen bad baadada iyo barrin fiican kufurida bulshadooda, sida uu qoraayo buuga (HANTI WADAAGA ) markay isku yimadeen indheer garadkii hogganka lawaregay waxyalahay fiirsheen waxa  kamid ahaa cadawga koowaad ee ummada Somaliyeed  oo madaxiisu  yaal ADIS-ABABA  minjihiisana yaalo Maraykanka iyo  Yurub inaysan marnaba ogolaan doonin luga ku istaagida ay lugaheeda ku istaagto ummadan, xalka kaliya ay ku bad badi karaana tahay inay salka lagalaan safafkaas waaweyn oo dunida ku loolamahayo ,waa SIDEE XEEGO LO XAGTAA ILKONA  KU NABADGALAANE.

Sababtaasaa keentay qaadashadii risaaladii hanti-wadaga. Markaan qaadanay  hanti wadaagga (Socialism)  waxa dhexmaray Soomaliya iyo Odaygii Midowga Soofiyeeti  waa Ruushkee xirrir siyaasi,ganacsi,military,iyo maaliyadeedba,taasoo mabaa dii-dii  ay ku dhisneyd  ganacsigii ummada Somaliyeed noqday habka looyaqaano Hanti Wadaag (Socialism)   oo macnaheedu yahay waxkastaayi waxaa gacanta kuhaynaya dowlada ha ahaado  ganacsiga, warshadaha,shirkadaha, ilaha dhaqaalaha dadkana  ay yihiin dhamaantood wax dowli ah ,dadkuna yahay shaqaale dowladeed iyo xoogsatooyin aysana jiridoonin tar tan gacasi.

Bal aan milicsanno horumarkii dhaqaale ee uu dalku mar qura la hinqaday gaar ahaan kor ukicii wax soosaarkii gudaha (GDP) qiimihii lacagta (currency)dalkana gaartay heerkii oogu sarreeyay ay abid gaarto, maadama ay Somalida ku tiirsanyihiin xoolaha nool,beeraha,iyo kallumaysiga kobicii dhaqaale ee dalku lahaa  ayaa  waqti yar dabadii waxuu gaaray heer kii ugu sarreeyay  lana dhihi karo  heer isku fillaansho.

TUSAALLE –ahaan ninka layirahdo Michel Chossudovsky waxuu  kuyiri buugiisa (The Globalization of Poverty and the New World Order) “1970 ilaa 1983dii dakhligii  kasoo galay dalka dhoofinta xoolaha nool waxuu  gaaray 80% (sideetan boqolkiiba),beeraha iyo kallumaysigana daa hadalkoode” halka dhanka ciidankana xoogga dalka Soomaaliyeed uu noqday ciidanka 4 aad ee Afrika ugu awoodda badnaa.Waxana ku caddeynaya isla waayahas dowdaladii jiratay waxay kutalo jirtay qorshe looga gol lahaa in kor looqaado warshadaha dalka,dadka Soomaliyeedna ay ooga maarmaan ku xirnaanshaha  xilli roobeedka ay ku xirnayen waa dhanka ganacsiga ,halka dhanka ciidankana gaarnay heer aan xaquuqda Afrika iyo kan carbeedba u doodno,waxan tusaalle noogu filan heesihii kala duwanaa oo lagu kicinayay umadaha afrikanka ah ayna  kamid ahayen AFRIKAY  HURUDOOY…iyo….WAA BAHAL GUMAYSTUHU…..lakiin intaas oo hor u mar ah waxaa ka dhiidhiyay madaxana ka ruxay  mayana ku dhawaqay reer galbeed ujeedo kastaba haka lahaadeene haba oogu weynto mid caqiideede(ideology) waxaayna geed dheer iyo mid gaabanba ufuuleen siday ooga ciideyn lahayeen ummada Somaliyeed awoodaas dhaqaale iyo  mid ciidanba oo markaaa ay ku tilabsadeen.

Waa markalle iyo Hanti gosaad(capitalism )oo udbihiisii wata.  Aqriste sida aan wada ognahayba  aduunkaan waxaa lagu haystaa xarfo ay dad gaar ah soo gaabsadeen  kana wada dhawaaqayso ereyada (World,UN,IMF, IWM).  World bank waxaa haysta lalana wadaagin Maraykanka,UN,ha ka tagin halkan IMF (International Monetary  Fund)ay u taabsantahay Yurub.Halgankii oogu dheeree ee wax looga qabanayay  dalka Soomaliya  waxa galay ,albaab walbana u garaacay sida caadada u aheeydba  cadawgii ummada mid dhow iyo mid dheerba,waxyaabahii oogu horreyay ay nagala  dagalameen ayaa ahaa  ayagoo ka eegaayay soo if bixii Geeska Afrika ay kasoo ifbaxdo ummad isku dhaqan,luuqad, diin iyo jinsiyadeedba isku mid ah dhaqaalahooda sidaas u adagyahay  melitarina daa hadalkiise marnaba inaysan karaali noqonayna,gaar ahaan ilmahooda ay madaxa u salaaxdaan (Itoobiya) aysan dan oogu jirin hanaqaadkaas kasoo biriirifyiri qorrax kasoobaxa qaarada Afrika.

Waxyaalihii ay nagula dagalameena waxaa kamid ahaa ilihii dhaqaale oo halbowlaha u ahaa dalka,sida beeraha,xoolaha,warshadihii,iwm waxaana kamid ahaa:


1-Horraantii 1980-kii  ayaa IMF oo cadaadis saartay qiima dhacna ku riday  lacagtii dalka saameyn weyna kuyeelatay dhoofitankii badeecada iyo xoolaha noolba,sababtoo ah sicirka lacagta dalka wax dhoofsha haddu aad ooga hooseeyo  dalka loo dhoofsho waxa  dhacaya in waxsoosarka ladhoofsho   bato  faa iidada soolaabatanay ay kayaraato dhoofkodii  waa meeshay dhahaan qolooyinka qaada dhiga arrimaha ganacsiga  markay kahadlayaan  trade balance: (if  the  export  less then  import=negative  trade) oo macnaheedu yahay haddi waxad dhoofisid ay kayaradaan waxad soo dhoofsatid waxa dhacaya inaad ku tiirsanaatid wadamo shisheeye dhaqaalahaagan bananku  ubaxayaa oo ogu danbeyntiina wadankaas waxu joojinayaa wax dhoofiska dhulkuuna galayaa.

2-IMF i n ay dayn siiso dowladii wagaas jirtay..garo oo dayn siinta hay adaas magacas lehi markay dal dayn siiso waxa daba socda shuruudo ay ku curyamiso dhaqaalaha dalkaas,ayadoo ay kamid tahay in dayntaas logu soo celiyo waqti dheer,inay lacagtaas ay kasoo xarooto meelaha bulshadaasi  ku tiirsantahay ,in la kordhiyo  canshuuraadka  dadka laga qaado, dhamaan dhagarahaas wadanka kabadbaaday waxa lagu shegaa inuu yahay wadanka Malaysiya oo waagaas Madaxweyne ka ahaa HALGAMAA Mahathir Mohammed markii  1997 dii uu dhacay  Dhaqaale bur burkii Aasia (ASIAN FINANCIAL CRISIS) mar ay isla hay adaas usoo bandhigtay  inay dayn siiyaan balse uu si cad ganafka ugu dhuftay..

3-Ujeedooyin kastaa hakalahadaane dalka Sucuudiga oo xoolaha nool u dhoofinjirnay gaar ahaan waqtiyada Ciidda Carrafo oo ay ku shukamisay waa IMF-e kana yelay inay joojiso kasoo dhoofsiga xoolaha nool dalkaas Soomaliya ayagoo ku mar mar siyooday “xoolaha Somaliya waa xanuunsanyihiin”ilaa iyo hadda hadad aragto sayladaha xoolaha  ama aad wareeysatid xoolo dhaqatada Somaliyeed ay ku leeyihiin xoolahaanaga waxa lagu sheegay cudur (BURISEELLE)oo aanan luqaduu yahay iga dhadhicin ereygaas lakin  gobolada  dhexe aad looga yaqaano ereygaas.

4-Haddadan lajoogo  kama lug bixin ujeedooyinkay kalahayeen dalka Somaliyeed waxana ku cadddeynaya shirkadaha tirada badan oo aanan horay Somaalida  umaqli jirin inay ku baxshaan balaayiin siday u boobi lahaayeen hantidaas beylahda ah,una taabsanlahayeen dalkaas  dihin,waxana  kamid ah shirkadaha boobka ku haya dalka:

(B) SKAY oo ayroboorka haysata.
(T) SHELL oon ognahay inay wakiilo kuleedahay gobolada Jubooyinka Malayiina ku bixiso.
(J) HALLIDAY  FICH-oo hadda la wareegtay   Badda iyo dhulxeebedkaba.
(X) LUNDIN PETROLEUM- oo  Puntland kawada baaritan shidaal.

Dhamaan shirkadahaas  majirin wax hab sharci ah soomaray ama baarlaman la horgeeyay markalaga reebo nin ama labo heshiis lagalay danaha ay kaleeyihiina la ogeyn.Shirkadahaasi  waxay ukala tar tamayan bililiqeysiga iyo boobka hantida  umma Soomaaliyeed ,waddo iyo heshiiskastaba haku yimadaane ujeedkoodu waa meel.

Waa siday rabeene intaaso dhan markay iskaa shadeen ayaa waxa dalka ka dilaacay shaqo la,aan,mushaar li I,iyo in ay xirmaan illihii dhaqaale ee dalku lahaa sababtayna in waxii dalka kabixi karay iskaga huleelaan,,waxi ku harayna ay qoryaha qaatan.

GUNAANAD:

Wax yeelooyinkii Ugu darnaana laga xusi karo  waqtigii Soomalida gaar ahaan Muqdisho looga yaqaanay 4 biloodkii(caga bararkii) oo dadka gareen heer ay isku dilan qubka mooska,iyo haraga xoolaha mooskii laftigiisa iyo hilibkana daa hadalkoode waa haraggii,iyo qubkii waxa laysku haystee garo,waxa xigay macaluushii  ka dhacday maglada Baydhabo,waxa intaas garab socday qaxii iyo qolo qoleyn iyo in qaarad ka qaarad lookala hayaamay, waxaase ladhahaa meyd kee u danbeeyay?

Kii lasii waday ,waxa oogu danbeeyay walina raadadkediii noo muuqdaan abaartii hadda sanadki na dhaafay 2011 ku dhufatay gobolada koonfureed oo kumanaan horay usoo maratay halka kumanaan kale wali ku dayacanyihiin banaanada iyo dhaxanta ILAAHAY mooyee aadane kanaxaana wali uusan jirin marka laga reebo waxyaalo nafta yaysan ka dhicin ah is tusna ubatay waayahan danboo camerooyinka aduunka loo sheego hebel oo lacag sadaqeestay!!

Ugu danbayntii dadkaas iyo dalkaas aan kasoo hadlay aaway dadkii  u dhashay?aaway dadkii u fakiri lahaa?. Dadkii dhammaayaye dalka inta soo hartayse maxa laga rabaa?badda maxay galabsatay?mise duco qabe danqadaan la,nahay wali ? mise danaha shisheeya wali nala dagay?

                               ....WABILLAHI TOWFIIQ….

TIXRAAC: BOOK - The Globalization of Poverty and the New World Order)
Buuga: Hanti wadaaga

W/Q: Faarax C/xashi Cisman - Arday barta: Maamulka Ganacsiga (Business Administration)
Email: faaraxcismaan@gmil.com  - Karachi - Pakistan




Maqaallo 30 July 2021 17:35

Koriimada sideedaba waa mid asal ahaan looga qiyaas qaato marxalad markaa la joogo oo mid kale looga gudbayo. Hadaba tani  waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.