Jen. Dhagabadan: C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!

Muqdisho (Keydmedia) - Ra'isal Wasaraha Dowladda KMG C/wali M. Cali Gaas oo waayahaan danbe labistay Jubadda Kaaba Qabiilka, Khilaafkiisanah Qabiiliga ah si bareer ah banaanka ula yimid ayaa faragalin ku sameeyay Oday dhaqameedyada Soomaaliyeed oo uu kuwana xushay si ay ugu codeyaan kuwana Liiska ka saaray.

Janaraal Cabdikarim Yusuf Dhagabadan iyo Ciidan uu wato ayaa Maanta Garoonka Muqdisho isku-hortaagay Ciidamo ka tirsan kuwa uu abaanduulka u yahay oo tiradooda lagu sheegay 30 iyo afar nin oo damacsanaa inay ciidankaas u dhoofiyaan Dalka Jabuuti si ay tababar gaar ah ugu soo qaataan halkaas.

Afarta Nin ee damacsanaa inay dhoofiyaan ciidanka ayaa kala ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, nin Tarjumaan ah iyo Laba Nin oo Maraykan ah, kuwaasoo u sheegay Janaraalka inay fasax ka heystaan Ra'isal Wasaare C/wali Max'ed Cali Gaas. 

Jan. Dhagabadan ayaa Saraakiisha Maraykanka ah u sheegay inay aheyd in isaga lasoo marsiiyo Ciidan walba oo tababar loo qaadayo, laakin uusan waxba kala socon ciidankaan 30ka ah oo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwo difaac uga jiray aaga Dayniile oo lagu soo bixiyay amar la'aan.

Lama garanayo halka ay kasoo jeedaan Ciidankan 30-ka ah ee la damacsanaa in tababar loogu qaado Jabuuti, waxaase muuqaneysa inay ahaayeen Ciidamo uu si gooni ah usoo xushay Ra'isal Wasaare Gaas oo doonayay in loogu soo tababaro Dalka Jabuuti. 

Janaraal Dhagabadan oo beryahan ay xurguf weyn kala dhaxeyso Ra'isal Wasaare Gaas, kadib markii Ra'isal Wasaaruhu isku dayay inuu soo faragaliyo qaabka lagu xulayo ergooyinka odayaasha beesha Direed, ayaa u muuqda inuu talaabadan u qaaday si uu u muujiyo awoodiisa abaanduul iyo in Ra'isal Wasaaruhu uusan awood u laheyn inuu meel walba faragalin ku sameeyo.

"Ma waxaad tahay kaaba-Qabiil Soomaliyed, mise Ra'isal Wasaare Soomaaliyeed" ayuu yiri Jenaraalku.

Janaral Dhagabadan ayaa ciidankii uu ka celiyay garoonka usoo qaaday xarunta dambi-baarista ee CID oo su'aalo lagu weydiinayo hada, isagoo labadii nin ee Maraykanka ahaana u sheegay inay howlahooda kale qabsadaan oo faraha kala baxaan arimaha Ciidanka Soomaaliyeed. 

Afartaan Bilood waxaa ifbaxaayay weerar uu R/wasaaruhu ku qaaday Qabaa'ilada daga Koofurta Soomaaliya, wuxuu ka qeybqaatay Ansixinta Dastuur aan Dadka lagala tashan. Dhoor jeer waxey is xagxagteen Madaxweynaha Dowlada uu R/wasaaraha C/weli ka yahay.

Wuxuu is horistaagay Mudaharaadyo looga soo horjeeday waxa lagu sheegay "Dastuurka" ey soo sameesteen Faroole, Mahiga iyo Cabdiweli. Waxey si bareer ah iskaga horimaadeen oo Xaqiraad ku sameeyay Odayaalka Dhaqanka Hawiye. Wuxuu is horistaaagay kana horyimid rabitaanka Baarlamaanka KMG ah. Wuxuu ka tirtiray sidaan horey usoo sheegnay Odayaalka Dhaqanka Dir.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho


Keydmedia // Wadanka




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.