LIVE Blogging: Khudbadaha Musharixiinta

Muqdisho (KON) - Keydmedia Online ayaa Daqiidaq Walba Aqritayaal idiin soo gudbineyso Khudbadaha ey jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweyninimo ee Dalka Soomaaliya oo Goordhaw ka biloowdeen Xarunta Golaha Shacabka ee Caasimada Qaranka.
Maqaallo Keydmedia Online

Muqdisho (KON)- Ilaa 9 Xildhibaan oo horay loogu diiday inay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow loo ogalaaday inay gudaha u soo galaan guriga Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay hadda si toos ah uga socoto khudbadaha ay Baarlamaanka ka hor jeedinayaan khudbadaha ku aadan wax qabadkooda.

Xildhibaanadaan oo ahaa kuwii ay guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaan ay ka saareen inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub, waxaana ay isugu jiraan 7 ragg ah iyo 2 dumar ah.

Xubnahaasi hadda ayay si rasmi ah gudaha ugu galeen xarunta uu shirka ka socda ee Golaha shacabka.

Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho wali waxaa ka socda khudbadaha ay jeedinayaan 15 musharax oo ka haray 10-kii musharax ee shalay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


Muqdisho (KON)- Waxaa goordhow xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay qeybtii labaad ee khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiiinta u taagana qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya kaasoo ay maanta khudbadaha jeedin doonaan ilaa 15 musharax.

Waxbo kama duwana khudbadaha kuwii shalay oo kale,w axaana musharax kasta ay khudbadiisa ay socon doontaa ilaa 20 daqiiqo.

Waa maalintii labaad ee ay khudbaduhu socdaa, waana maalintii ugu dambeysay

1-C/raxmaan Macalin Baadiyow
2-C/waaxid Cilmi Goonjeex
3--Xasan Sheekh Maxamuud
4-Yuusuf Garaad Cumar Axmed
5-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
6-Bashiir Nuur Xasan Bidaar
7-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
8-C/qaadir Cosoble Cali
9-C/raxmaan C/shakuur Warsame
10-Ibraahim Cali Xuseen
11-Saciid Ciise Maxamuud
12-Cismaan Maxamed Gacal
13-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf
14-Maslax Maxamed Siyaad Barre
15-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


Qeybtii Labaad Ee Khudbadaha Musharixiinta oo Goordhow Bilaabatay


Maanta oo Taariikhdu tahay 08.09.2012


*Khudbadii 10-kii Musharaxiin ayaa dhamaatay*


Cumar Salaad Cilmi: Meel Qabyaalad ka jirto, qaran kama dhismaayo

Hadalka waxaa la wareegay Musharax Cumar Salaad Cilmi - 20:33


Salaad Cali Jeele ma wuxuu u tartamayaa Xilka Madaxweyninimada Dalka ama "Stand up Comedian"? - Raxma M - Keydmedia.net


Waxey u egtahay in Dadku ey ku Qoslayaan Salaad Jeele iyo siduu u hadlaayo...


Salaad Jeele: "Furdada Lacagteeda waa Malaayiin badan weeye, malaayiintaas oo dhan ayaan aniga maamulayaa" "Waxaan ahay Hogaamiyaha kaliyah oo dhibaatada Soomaaliya ka sari kara"


Salaad C. Jeele: "Maadaama si la rabay eysan yeeli Aniga i doorta" "Waxaa i gashay Cabsi oyo Walwal oo ah amaa la waayaa Madax daacad ah sidaas baan anigu idinkaga codsanayaa in aad i doorataan...

Dadkoo dhan ayaa Qosolneen...


Salaad C. Jeele: "Madaama aad lumuseen Sharaftii Karaamadii iyo Ummada Soomaaliyeed i doorta anigaa soo celinayee"


"Aniga Magaceyga waxaa la yiraahdaa Salaad Cali Jeele waxaana rabaa inaan Madaxweyne Noqdo!" ayuu ku bilaabay Salaad C. Jeele.

Waxaa bilaabatay Khudbadii Salaad Cali Jeele - 20:16


Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ka balanqaaday in uu Shaqo geliyo.


Farmajo: Waxaan Dib u Biloownay in aan Howl galino TV Qaranka!


Faramaajo ayaa ka sheekeeyay in Markii R/waasare loo doortay ey Argagixisadu Madaxtioooyada u jirtay wax Nus Kiilomitir ka yar. Xabada ey Kooxda Shabaab soo tuuraanah ey Madaxtooyada Dad ku dili jirtay.

Wuxuu yiri:

1 - CIIDANKII ayaan Mushaar siiyay!

2 - Shabaab baan jabinay oo aan Magaalada ka saarnay!

3 - Waxaan Magacaabay Dowlad Tayo leh!


"Waxaan idinka codsanayaa in si serious ah u dhageysataan Khudbadeyda" ayuu ku bilaabay Maxamed Cabdullahi "Farmaajo".


Khudbadii Cabdiweli Gaas ayaa hada dhamaatay, waxaana hadalka qaatay Farmaajo - 19:53


Goobjooga Qaarkood ayaa iska seexdax!


Gaas: "Waxaan balanqaaadayay in aan faraha galinin Arimaha Baarlamaanka..."


Cabdiweli Gaas: "Waxaan dhisnay Hey'ada ladagaalanka Musuq Maasuqa" Su'aasha taagan ayaa ah: Maxey tartay oo ey sameesay Hey'adaas?

Fadeexadii ugu dambeesay Keydmedia Online ayaa Saakay soo Qortay: Halkaan ka Aqriso


Khudbadii Sharif Axmed ayaa dhamaatay Daqiiqadaan... 19:38

Hadalkiinah waxaa la gudbay Cabdiweli Gaas...


Sheikh Sharif: Waxaan Balanqaadayaa In la dhooro Sharciga!


Sharif Axmed: Wadanku wuxuu u furanyahy Maalgelinta Dadka Soomaaliyeed iyo Maalgelinta Dadka Shisheeye!


Sheikh Sharif ayaa Marmarka Qaarkood u eg Qof ka ey maqanyihiin Hadaladii uu sheegi lahaa...


Sheikh Sharif "Waa in la raadiyaa siduu loo soo celin lahaa Soomaalida ku nool Qurbada si ey wadanka dib u dhisaan"


"Waxaan balanqaadayaa in, Ciidamada Qalabka Labo sano kadib waxey la wareegi doonaan Howlahooda" ayuu yiri Sheikh Sharif


*LIVE* Khudbadii Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa haatan bilaabatay... 19:21


Khudbadii Cabdullaahi Axmed Caddow oo Dhamaatay - 18:02

Muqdisho (KON)- Waxaa hadda soo dilaatay khudbadii musharax Cabdullaahi Axmed Caddow oo kamid ah musharixiinta maanta khudbadaha ka hor jeedinaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Cabdulaahi Axmed Caddow waxa uu sheegay in uu la imaan doono waxqabad lamid ah kii uu dalka ka qabtay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde.

Prof. Cabdulaahi Axmed Caddow ayaa soo hadal qaaday da’diisa maadaama uu yahay kamid musharaxiinta ugu da’da weyn, waxa uu si kaftan ah u yiri aniga mana yari mana weyni, waxa uu sheegay in uu ku jiro da’dii 70-ka balse uu leeyahay caafimaadka uu leeyahay wiil 20-jir ah.

Dhanka waxqabadka Proff. Cabdulaahi Axmed Caddow waxa uu sheegay in uu wax ka qaban doono, dhaqaalaha, in uu dhisi doono Ciidamo cudud leh si dalka looga saaro AMISOM, in uu la dagaalami doono musuq maasuqa, in uu soo magcaabi doono Raysal wasaare karti leh, in uu maarayn doono dhaqaalaha dalka, in uu ilaalin doono xuquuda shaqaalaha Dowladda iyo Baarlamaanka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Salaada kadib waxaa xigi doona oo khudbadiisa jeedin doona Max’ed Cabdullaahi Ow-maar oo horay u ahaan jiray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Khudbadaha wali way sii socon doonaa, waxaana dhiman 6 musharax oo ay ku jiraan Sheekh Shariif, Maxamed Farmaajo, Iyo C/wali Gaas.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


Musharax Maxameed Axmed Saalax oo Hadlay Sheegayna Qofka uu Raysal Wasaare ka Dhigi Doono - 16:55

Muqdisho (KON) - Waxaa iminka bilaabatay khubaddii musharaxa saddexaad ee kamidka ah xubnaha u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Khudbadda iminka socota oo ah tii saddexaad ayaa waxaa jeedinaaya musharaxa Max’ed Axmed Saalax oo kamid ah musharaxiinta.

Musharax Max’ed Axmed Saalax waxa uu sheegay in uu la dagaalami doono musuq maasuqa, in uu dalka ka hirgalin doono nidaam dimuqraadiyad ah iyo qodobo kale.

Qodobada kale ee uu ka hadlay musharaxa Max’ed Axmed Saalax ayaa waxaa kamid ah in uu dalka ka hirgalin doono wershado badan oo wax soo saara.

Sidoo kale musharaxa Max’ed Axmed Saalax ayaa halmar waxa uu si lama filaan ah ula soo booday in uu Raysal wasaare ka dhigi doono Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka cusub.

Wax yar kadib markii uu musharaxa Max’ed Axmed Saalax sheegay in uu Raysal wasaare ka dhigi doono Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre ayaa waxaa hoolka laga dareemay wax yar oo fowdo walow markii dambe la dejiyey.

La soco musharixiinta kale


Musharixii Labaad oo Khudbadiisa Ay Bilaabatay Iyo Dastuurkii Dalka oo Lagu Wareejiyay Prof Jawaari

Muqdisho (KON) - Waxaa hadda soo gabagaboowday Khudbadii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, waxaana hadda Makarafoonka qaatay oo khudbad jeedinaya musharaxa labaad oo ah - Xuseen Khaliif Jaamac.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, hadii aan dib ugu yara laabano waxaa uu sheegay inuu wax badan ka qaban doono dhanka waxbarashada,hor marinta ganacsiga, Ciidamada xoogga dalka iyo arrimo badan oo dalku uu u baahanyahay.

Kulanka khudbadabaha looga dhageysanaya musharixiinta waxaa soo xaadiray oo fadhiya 145-mudane, waxaana kulanka Guddoominaaya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, sidoo kale kulanka waxaa soo xaadiray 8-kamid ah musharaxiinta, iyadoo labada kalena la sugaayo in ay soo gaaraan hoolka shirku ka socdo.

C/raxmaan Xoosh Jibriil wasiirkii dastuurka iyo arrimaha fedraalka oo isagona dastuurka dalka ku wareejiyay Gudoomikyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya Prif. Maxamed Cusmaan Jawaari.


Ilaa 10 musharax oo loo qorsheeyay inay maanta khudbadahooda ku aadan wax qabadkooda marka ay ku guuleystaan xilka madaxweynaha ayaa hadda xaadir ku ah Guriga Golaha shacanbka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda ay khudbadiisa si toos ah u socotaa Axmed Ismaaciil Samatar oo ahaa musharixii ugu horeeyay liiskii shalay uu shaaciyay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayadoona uu ku xigi doono Xuseen Khaliif Jaamac, sida hoos ku qoran ayayna isugu xigi doonaa.

Maanta marka khudbadaha laga dhageysto 10 musharax waxaa ku xigi doona 15-ka kale ee haray, ayadoona maalinta sagaalaad la nasan doona halka 10 bishaana loo madalsanyahay inay dhacdo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

1-Axmed Ismaaciil Samatar
2- Xuseen Khaliif Jaamac
3- Max’ed Axmed Saalax
4- Cabdullaahi Axmed Caddow
5- Max’ed Cabdullaahi Ow-maar
6- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
7- C/wali Max’ed Cali Gaas
8-Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo
9- Salaad Cali Jeelle
10- Cumar Salaad Cilmi

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.