Maamulka Faroole oo Riyadii USA Run Mooday “Jufa Walboy Dowlad”

Dr. Ali. A. Hirabe - Sweden - Magacaabida R/wasaaraha dowlada midnimada qaran waxaa aay qaadatay mudo aad u dheer xaqiiqdiine waxaa taasi sabbab u ahaa iyada oo runtii baadigoob dheer loogu jiray sidii looga hortagi lahaa qorshaha USA ee ku wajahan taageerida jufa walba oo Somali ah sidii aay u sameeysan laheeyd dowlad goboleed, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Africa Johnnie Carson ayaa kulamo ka dhacay xaruunta diraasaadka caalamiga ah ee Magaaladan Washington ku soo bandhigay qaabka ay yeelanayso siyaasadda Maraykanka ee Somalia.
Maqaallo Keydmedia Online

Go'aankaas oo aha mid aad u guracan balse dad faro badan oo qurba joog ah eey u sacaba tumeen soona dhaweeyay riydii guracneed ee USA waxaase diiday Madaxweeynah dowlada midnimada qaran mudane Sh.Shariif Sheekh Axmed markii uu magacaabay ruug cadaa wadani ah oo xogogaal u ah  sharafta iyo qiimaha taariikhda Somalida aay soo marta xornimadii ka dib,waxaa durbadii afka qeeyla dhaan ku dhuftay aqoon yahayno u shaqeeya USA kuna naaxay dhiiga siyaasada Somalia ka faaleenteeda sida Prof Axmed Samater oo aanan ka xishoon R/wasaaraha cusub iyo kaalinta wadanimo ee kaga aadan badbaadada iyo soo celinta qarankii burburay ee dalkiisa dadkiisa iyo diintiisa.

Waxaa markiiba buraash wasaqeeysan lagu dhayay R/wasaare Farmaajo iyo Buugii uu qoray laguna tilmaamay in uu aad ugu aflagadeeyay beelaha ku abtirsada Ururkii USC iyo Jabhadii SSDF ee Reer Puntland, waxaa akhristow kuu sheegayaa haddii aayba jirto xaqiidaa in qaab dhaqameedkii USC iyo SSDF in la caayaa aay mudan tahay  ama aay waajib aheeyd sabbabta oo ah waxaa aay umada ku reebeen xanuun aanan marna laga soo kabsan karin,Prof Axmed waxaan dhihi lahaa dib u aqri buugii uu qorqay Mesfin's book, Somalia: The Problem Child of Africa,adaa dib u ogaan dhibka Somali in uusan aheeyn qabiilo la caayo balse dhibka uu ka yimid Ethiopia.

Waxii xiligaa ka danbeeyay waxaa soo ifbaxday in jufa walbaa aay ku dhawaaqdo riyada siyaasada dhismaha dowlad goboleed, G.Hiiraan waxaa ka dhismay ilaa seddex dowlad goboleed, sida oo kale gobolada dhexe waxaa lagaga dhawaaqay ilaa seddex dowlad goboleed, gobolada jubooyinka seddex dowlad goboleed ayaa laga dhawaaqay, hadaba iyada oo la dhaqan gelinayaayo riyada USA waxaa uu Sheekh Shariif qaatay in wallaalha SSC aay noqon karaan kuwa kaliya ee fashili kara qorshaha guracan ee Mareeykanka, waxaa durbadiiba qaatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo taageero dhismaha SSC ee gobolada Sol,Sanaag iyo Ceeyn iyada oo laga amba qaadayo habdhaqanka siyaasadeed ee foosha xumaa ee lagula dhaqmay qabaaiilda ku abtirsada SSC.

Dhismaha golaha wasiirada oo iyana qaadatay waqti aad u dheer ayaa waxaa lagu macneeyn karaa in xulushada cida dowlada cusubi wasiirka ka noqoneeysa in aay ahaato cid jecel wadajirka umada Somali iyo ka badbaadinta qorshaha guracan ee USA,waxaa la magacaabay tiro 18 wasiir oo xaqiiqdii u badan aqoon yahayno dibada ka joogay burburkii dalka balse leh taariikh wadananimo aadna xogogaal uga ah siyaasada Mareeykanka ee ku wajahan kala qeeybinta umada Somalia ,akhristow waxaa meesha laga saaray wasiiro magac ku lahaa dowladihii ugu danbeyay ee laga dhisay cariga Somalia sabbabaha ugu weeyn ee meesha looga saaray wasiiradaa ayaa waxaa ka mid ah.


1) Waligood wax wanaag ah kuma aayan soo kordhin siyaasada Somali.
2) Waxaa aay ahaayeen kuwa masuqmaasuq iyo laaluush nolol ka dhigtay
3) Waxeey aad ugu fogaadeen wadaniyada iyada oo eey ogyihiin marxakada uu wadanka maraayo.
4) Qaarkood waxeey iibsan jireen hubka ama qalabka dalka la keeno.
5) Qandaraasyo fog fog ayeey la lahaayeen ururada mucaaradka ah.
6) Qaarkood waxeey ku shaqeeynayeen double moral,beerka jecli xeedha jecli,waxeey fulinaayeen qorshaha dowlad goboleedyada sida tan Puntland & Somaliland,waxaa cadeeynaya Faroole qeeylodhaantiisii ugu danbeeysay iyo xildhiban Maareeye oo ka soo jeeda Somaliland balse aanan tagi Karin dhulki awoowyadii.  

Waxaa si xowli ah u socda in kuwa diiday midnimada,in la burburiyo laguna qasbo midnimada Somalia,sida inta badan daawatay siyaasada Punland iyo mida Somaliland dhawaan waxaa ku wajahan isbedel dhab ah,SSC waxaa eey taabo gelisay in aay ka xor yihiin kuwa dabindaabyada ku wada umada Somali waxaana eey u istaageen midnimo iyo cadaalo,garaad Jaamac iyo wafdigii uu hogaaminayay ee Xamar soo gaaray waxaa aay ku noqotay Puntland & Somaliland dhabarjab, sabbabta oo ah Puntland waxaa aay isku beshay Majeerteen land halka Somaliland isku beshay Isaaqland,alow sahal umuuraha.

Dr. Ali. A. Hirabe -Sweden - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 30 July 2021 17:35

Koriimada sideedaba waa mid asal ahaan looga qiyaas qaato marxalad markaa la joogo oo mid kale looga gudbayo. Hadaba tani  waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.