Madaxweyne Qurac-Joog ah iyo Raisul-Wasaare Qurba-Jiif ah yaa inoo qorsheeyay??

Axmed Cabdi Faarax — Qoraalkeygaan ayaan jecleystey inaan ku Qayaxo Hadal Kooban oo xikmadi ku dheehantahay iyadoo aan ugu tala galay ineey fahanto Maskaxda Caafimaadka qabto ee Soomaaliyeed, waayo Qoraalkeyga waxaa ka nasahan aflagaado Shaqsiyadeed iyo weliba mid Qowmiyadeed, haddaan u soo dhaa-dhaco dulucda maqaalkeygaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Madaxweyne Qurac-Joog ah iyo Raisul-Wasaare Qurba-Jiif ah yaa inoo qorsheeyay??

Waxaa maalmahan soo if baxayay ififaalo Qurux badan taasoo aan marnaba laga Rajo dhigi karin, ififaaladaas ayaan u soo muuqan sidii loogu Rajo weynaa waloow aan marnaba laga tanaasuli karin ififaalo Qurux badan oo u soo bidhaanto Ummada Soomaaliyeed ee daallan.

Soomaaliya ka soo biloow illaa 2000 kii, waxaa isu badalayay dowlado kala geddisan oo KMG ahaa haba wadato mid weliba kherkeeda ee Dowladdii Madaxweyne C/qaasim Salaad ayaa soo caga dhigatay dalka isagoo markaasi ahaa nin Qurac joog ah, Qurac joog oo aan kala jeedo Dal joog, ayaa waxa uu Reysa-wasaare u magacaabay Qurba Jiif, oo aan kala jeedo Qurba Joog qaboow ku noole ah, waayo Qaboow iyo Qurbe aan dalkaagii eheyn waa Dareen ku jooge kaas oo noqday Mudane Cali Khaliif Galeydh, haddaba meeshaas wixii ka dhacay Sheeko uma baahna iyo halka ay ku danbeysay Dowladaas ay liinjaha u hayeen labadaasi hogaamiye waa Cabdi Qaasim Salad Xasan iyo Cali Khaliif Galeydh.

Khilaaf dheer ka dib ayaa meeshaas lagu kala tagay iyadoo ay ka baxday meesha Dowladaas oo ay badashay Dowladii Madaxweyne C/laahi Yusuf, isagoo ahaa Qurac joog kale oo uu hogaamiye ka ahaa Dowlad goboleedka Puntland.

Haddaba C/laahi Yusuf ayaa isu bad-badalay Laba Qurba Jiif oo kala ahaa Cali Geeddi iyo Nuur Cadde.  Sheekadu intaas kuma aysan ekaanin ee waxaa baxay C/laahi waxaa yimid Shiikh Shariif isagoo isna isu bad badalay Sadex Qurba Jiif oo kala ahaa Cumar C/rashiid, Maxamed Farmaaji iyo C/weli Gaas.

Haddana Shariif hadduu tagay oo fashilkaas lagu soo jiray mudo ka badan 10 Sano maxaa cashar looga qaadan waayay, maya ee lagama qaadane weey sii socotey Shariifkii waa tagay waxaa yimid Madaxweyne Xasan Shiikh oo markaan is xariifinaya oo leh sheekadaas dhamaatay oo haddii Madaxweyne iyo Reysal-wasaare is qaban jireen arki meysaan Soomaaliyeey taas iska hilmaama!!

Xasan Shiiqoow Nin balan dhigay oo balantii furay ciqaab intee la'eg ayuu muteysan karaa? Xitaa diiniyan markii loo fiiriyo, waa Su’aal meesha ku jirta.

Haddaba Dulucda Qoraalka ayaa wuxuu ku soo idlaanayaa, Soomaaliya waxaa u degsan xeer lagu sheegay Dastuur, oo Dastuurka yaa inoo dhigay ama inoo Qorey, Akhristoow ma aaminee Dastuurka Soomaaliya 90% waxaa ka shaqeeyay oo Qorey Quburo lagu sheegay Shisheeye halka 10% ay yihiin Soomaali waloow aanan jecleyn inaan aflagaadeeyo kuwaasi oo isu magaabay Professor o.
Dadoow tusaale haddaan idin siiyo Soomaaliya waa Masjid oo kale wadan kastana waa sidaas oo kale waxaa ku jirra jameeco, jameecadaasna waa Shicibka, waana ineey raacaan halka imaam ee Salaada tujinaya, Soomaaliya waa Masjid la yiri Laba Imaam ayaa idin tujineysa Jameecada, dadka saas yirina waa cadowga aysan Ummada Soomaaliyeed ka daalin hagar daamadooda iyo lug gooyadooda.

Soomaaliya haloo daayo Soomaali, Cadowga ugu weyn ee Ummada Soomaaliyeed waa Argagxiyaha ugu weyn ee Amerikaa iyo xulufadiisa sida tooska ah iyo sida dadban ugu shaqeeya, Jameecada wareersan ee ku jira halka Masjid waa Ummada Soomaaliyeed waayo laba dhinac ayey hal mar ka wada maqleen imaamkii Masjidka oo leh (WALADHAALIIN), haddana imaamkii kale ayaa yiri (Samica ALLAAH), marka Jameecadaas ayaa go’aanka ugu danbeeyo iska leh oo loo baahan yahay ineey yeeshaan hal imaam, tusaalayaasha waa badan yihiin.

Tusaale Amerika hadduu Madaxweyne iyo Raisul Wasaare fiican yahay waa 52 State maxay u yeelan waayeen? Ethiopia sidoo kale, Britain waxaa ugu danbeeyay Dalka Kenya oo lagu kala maslaxayay Kibaki iyo Odinga iyadoo markii laga soo gudbay xiligaas adag ay Kenya dib ugu laabatay qorshaheedii caadiga ahaa oo uu ka talinyay hal Madaxweyne booska Madaxweyne ku xigeenku waa sharaf, halka Soomaaliya ay ka taliyaan Laba Imaam iyadoo hadda xitaa la leeyahay wey soo bateen imaamyadii oo Gudoomiyayaasha Baarlamaanka ayaaba Awood buuxdo la siiyay, waa arrin dhibkeeda leh.


Waxaan ku soo gunaanadayaa Laba arrimood, mida Koowaad ayaa ah, Dalalka Shisheeyaha ee wadamada reer Galbeedka caruurtiisa Ninkii dhibaateeya waa laga qaataa ama canaanta ama garaacaa, sababta looga qaato ayaa ah caruurta oo lagula biisho oo lagula leeyahay marka sidaas darteed ha is moodin kaligaa inaad dhashay oo taladooda gacantaada ku jirto, marka taas waxaa la mid ah dowladahii Soomaaliya soo marey badankood ayaa waxaa la siiyaa Biil xun oo looga yeesho sidii la doono.

Mida Labaad ayaa ah waxaan xusuustaa is daba yaaca Madaxweyne iyo Raisul-wasaare fadeexada ka dhalato 3 Mas'uul ayaa waxay tartan Madaxnimoku galeen hal qorshe oo ahaa ka saarrida Al Shabaab magaalada Muqdisho 2011 kii sadexdaas mMsuul oo kala ahaa Shariif, Farmaajo iyo Gaas, haddaba maxaa inoo diiday inaan Hal Immaam yeelano intaan dhagaha ka fureysano hargardaamada Reer Galbeed.

Diidnay Dastuur beenaalaha oo diidnay Laba imaam oo diidnay Shabaab oo diidnay Dib u dhac.

Axmed Cabdi Faarax


Qoraalkaan kooban waxaa Qoray Mudane Axmed Cabdi Faarax, oo kunool Magaalada London ee Dalka Britain. Axmed Cabdi waxaad kala xiriiri kartaa E-Mailkaan: Heegantv60@hotmail.com - Qoraalkaan waxaa dib u eegay Xafiiska Keydmedia Online ee London.




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: