Maxaa Hortaagan Maamul Gobeleedka GOBOLADA DHEXE? - By C/rashiid Soomaali

Cabdirashiid Soomaali - Gobalada dhexe waxa ay ka mid tahay gobalada ugu xasrada badan ee Soomaaliya in kastoo mudooyinkii dambe eey soo yaraadeen isku dhacyadii Beelaha deegaanka hadana taa bedelkeeda waxaa bedelay maamulo beelo iyo jufooyin ku dhisan wax xiriira iyo is kaashi midna aan wadaagin.
Maqaallo Keydmedia Online

In kastoo dadka gobaladaas wada dega ay yihiin dad wada walaala ah mana jirta sabab ay maamulka ugu kala tagaan in badan waxaa la oran jiray mar hadii dadka gobaladaas wada dega ay heshiiyaan muqdisho iyo somalia inteeda kale way nabadoo beysaa laakiin taa bedelkeed waxaa dhacday in muqdisho ay nabad tahay gobalada kale ee dalkana ay ku socdaan dhabihii nabada lakiin waxaa weli la garan la.ayahay sababta uu maamul goboleed rasmiya uu uga curan la,ayahay gobalada dhex.

Dad badan oo siyaasada faaqida waxa ay saadaaliyeen in mar hadii muqdisho nabad ka dhacdo ay qasab noqon doonto in gobalada dhexe uu ka curto maamul gobaleed loo wada dhanyahay lakiin taa weli ma dhicin waxana isweydiin mudan ayadoo aan gobalada dhexe al shabaab hortaagneyn waxa ay maamul weli u sameysan la,ayihiin jawaabta su,aashaas waxay tahay in gobalada dhexe ay hortaagan yihiin maamulada ka jira gobalka
bal aan wada aragno awoodaha iyo maamulada ka jira gobalka

GALMUDUG:

Galmudug waxa ay ahayd maamulkii ugu horeeyay ee laga aas aaso gobalda dhexe waxaana sida magacaba ka muuqata loogu talagay gobalda galgaduud iyo mudug tilaabadaas oo ay dadbadan khilaaf ka muujiyeen sababta loo ga tagay gobalka hiiraan waxayna khubarada istaraajiga ay sheegeen in gobalka hiiraan siyaasad ahaan iyo jugaraafi ahaanba uu ka tirsan yahay gobalada dhexe aaydoo ay sinaba u kala maarmin hiiraan iyo gobalada dhexe intiisa kale hadana ay muuqata in hiiraan ay taagan tahay meeldhexe ka dib markii dawlda dhexe eey diiday kala qeybinta hiiraan.

Mida labaad ee galmudug mugdiga gelisay ayaa waxay ahayd xilgii lagu dhawaaqay galmudug oo ahayd xiligii maxakamadaha oo kaabiga ku hayay gaalkacyo dadkuna u wada jilbeysnaa maxaakimtii dadka intiisa badane ma fahansaneyn u jeedka maamul gobeleedyada taas oo keentay in galmudug ay wada gaari weysay deegaanada ay ku magacabneed.

Waxaa taa sii dheer beelaha wada dega gobalka oo kuwada qancin una wada dhameyn dhismihii galmudug in kastoo ay beelkasta dad magc uyaala ay ka joogeen taasina waxay keenta in galmudug loo arko maamul beel kaliya ay samey satay.

GAALKACYO markii dhismihii galmudug la dhameystiray waxay ahayd in laga wada tashto halka laga dhigayo caasimada maaulka balse taa ma dhicin ee gaalkacyo ayaa durbadiiba looga dhigay caasimad waxana la oran karaa waa tan keentay fashilka ku yimid galmudug sababtoo ah gaalkacyo waa magaalo xadeed marka loo eego labada maamul ee ay u dhexeyso waa tan labaade mar hadii beelaha gobalka wada dega ay ku kala qeybsanyihiin maamulka gobalka waxay ahayd in caasimada gobalka laga dhigo maagaaloyin ay wada degaan laba beel ama ka badan halka laga dhigi lahaa magaalalo ay wada degaan laba beelood oo kala maamula kalana abtir sada
Gaalkacyo ma ahan magaalo u qalanta in ay galmudug u noqoto caasimad sababtoo ah mar aan tagay sanadii 2010 gaalkacyo waxaa iiga baxay sawir aan layaabay waxana durbadiiba iga masaxmay sawirkii aan ka heystay gaalkacyo waxaana arin fila waa igu noqotay in ay tahay caasimada gobalda dhexe ee baaxada weyn Markaasaan waxaan is weydiiyay aaway hobyo iyo guriceel iyo caabudwaaq iyo ceelbuur marka ay koofurta gaalkacyo caasimad u noqotay gobalda dhexe waxaan shaki ku jirin in galmud oo la dhisay todobo sano ka hor aan maanta weli laga helin sababihii loo unkay oo ahayd inay wada gaarto gobalda dhexe oo dhan ayadoo aan dhiig daadan

XIMAN IYO XEEB:

Waa maamul la maqlay sanadadii ugu dambeysay in kastoo markii hore loo haystay inuu ka mid yahay riwaayada ku dhawaaqida maamul gobaledyada hadana waxaa uu muujiyay wax qabad xaga hormarinta ka dib markii ay burcad badeeda ka caawiyeen xaga maaliyada iyo difaaca intaba dad badana waxa ay u arkaan inuu ga baad u yahay burcad badeeda sida maamulka faroole oo kale.

Ximan iyo xeeb marka loo fiiriyo intaas oo dhan iyo awooda burcad badeeda ee taala xeebaha xardheere waxaa ay ka dhigeysaa ximan iyo xeeb awood muuqata oo gobalka saameyn ku le laakiin waa sidee qaabka ay wax u rabaan ximan iyo xeeb.

Dhab ahan ma cadda sida ay wax u doonanay ximan iyo xeeb laakiin waxay ani ahaan iila muuqataa in qorshohooda uu yahay halugu jira sida ay hada tahay ee kala qeybsanaanta sidaas oo dan u ah kooxaha burcad badeedka oo aan dooneyn wax maamula oo ka dhasha gobalka mar hadii uusan u xalaalay neynin boolida ay ka wadaan badda ee lacagaha fara badan ay ka helaan ayadoo ay sidaa u muuqato ayaa waxaa akhristuhu is weydiinayaa qorshaha CENTERAL STETE ee ay soo bandhigtay ximan iyo xeeb qorshahaasi waxa uu la macnayahay ( waan soco weynee ee aan orodno) waxaan  ula jeedaa gobalda dhexe oo intiisa badan ay wada degto hal beel ayaa maamul wada samaysan waayay sidee ay ku suurta galeysaa min balcad ilaa gaalkacyo inay yiraahdaan hal maamul ayaan u sameyneynaa taasi waxay u muuqataa mashruuc lagu carqaladeynaayo maamul gobaleed rasmiya oo loo sameeyo gobalada dhexe

AHLU SUNAH:

ururka ahulu sunah oo marar badan ku dhawaaqay inuu maamul u sameynayo gobalda dhexe hadana kuma guuleysan sababtoo ah wax taageero ah kama haysataan beelaha gobalada dhexe taana waxaa ugu wacan wadaada suufida oo ku daaban xabashida!!

Ayadoo lawada ogyahay dagaalkii faraha looga gudbay ee dhex maray xabashida iyo beelaha dega gobalada dhexe.

Waxaa ayadana caqabad kale ah ahlu-sunah oo aanan diyaar u ahayn sida muuqata in lala wadaago maamulka gobalada dhexe iyo hiiraan

ETHOBIA:

dawlada itoobiya oo faragelin qaawan ku haysa soomaaliya heer qaran iyo mid gobol ilaa heer degmo iyo tuulo ayadoo aysan kamarneyn gobalada dhexe faragelintaas hadana ay itoobiya si buuxda usoo faragelisay  oo ciidankeeda ayaa maantabada ku sugan gobalada dhexe iyo hiiraan.

faragelinta itoobiya waxa ay ku salaysan tahay in ay maamul u sameyso gobalada dhexe oo ay ADISS ABABA ka maamusho kaasoo maqaar saar ay u noqon doonaan ururka ahlu-sunah  taa mid la mid ah waxay ku heysaa gobalka hiiraan waxana ay dabada ka wadaa maleyshiyada dooxada shabeele mashuur intaaba kasii balaadhana waxa ay kenya ka wadaa jubooyinka

Waa su,aale dawlada soomaaliya maxaa u haray oo ay maamushaa mar hadii dhulucdii dalka laka qeybshay oo lakala qob qobay?

ALSHABAB:

Maamul laga helaa gobalada dhexe sidoo kale waxaa hortaagan kooxda al shabaab iyo beelaha ku hoos jira gacanta alshabaab inkastoo lawada ogyahay in aysan jirin beelo raali ku ah alshabab hadana diyaar uma ahan in laga kor qaado heeryada alshabab oo waxayba u arkaan weerar beelo kale ah.

GUNAANAD:

Ugu dambeyntii waxaa la joogaa heer soomaaliya ay kasii baxeyso dagaalada iyo qalalaasaha waxana loo baahanyahay in maamulada ka jira gobalada dhexe ay ogaadaan arintaas kuwa hada ka hurinaya dagaalada gobalada dhexe waxaa tusaale ugu filan iney dib u eegaan taariikhda somalia 21 sano ee la soo dhaafay.

Dhamaadkii waxaan leeyahay dadka gobalada dhexe waa iney isku taliyaan oo ay gogol dhigtaan kadibna ay ku heshiiyaan maamul gobaleed ay u wada dhanyihiin oo hoos yimaado dowalada dhexe waana inay ka fogaadaan faragelinta cadawga xabashida hadii kale arinka gobalada dhexe waxa uu ku dhamaan doonaa sida jubooyinka oo uu hareeyay is qab qabsi iyo faragelin shisheeye.

Haday dadka gobalada dhexe inay is maamulaan ay dhegaha ka fureestaan taa bedelkeeda waxa uu noqon doonaa maamul la,aan daba dheeraata iyo isku dhacyo beelaha oo soo noq noqda sababtoo ah dawlada guuguurte lama oga xiliga ay soo gaari doonta gobalada dhexe.

Waxana muuqata in ay ku qasbanaan doonaan iney ku hoos noolaadaan kaaraha ciidamada Africa ee AMISOM .

Intaaba waxaa ka sii daran (Allah ma qadaree) in ay xabashidu maamaamul u sameynta gabalda dhexe ay ku guuletstaan oo hadafkoodi guracnaa ay suurta geliyaan maamul talada adiss ka qaarana ay ka hirgeliyaan halkaas dawlada dhexena aan waxba la waydiin sidii kismaayo oo kale.

WQ:c/rashiid soomaali




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: