Nina Hooskiisa Ma Harsado

Dr. Saciid Ciise Maxamud (KON) - Dadka halabuurka curiya intooda badan waxtarkooda ma helaan, waxaana suurtowda iyagoo ka saboolsan iney ka Geeriyoodaan, dad kalena ay ka hodontoobaan fikirkooda.

Halabuurayaasha curiya fikradaha Siyaasada waxtar la,aanta waxaa u wehlisa eedeymo loo soo jeediyo iyo dhaliilo shaqsiyadiisa lagu dhaawacayo amaba naftiisa ay ka soo gaarto waxyeelo.

Waxaa sida badan adag in fikir lagu sameynayo isbedel bulsho aysan si dhaqso ah uga hirgelin bulshada dhexdeeda waayo xaqiiqda jirta oo shaqeyneysa lama dhexgeliyo aragtida cusub, waxaana ka dhasha in dadku ay iska caabiyaan aragtida cusub oo soo geleysa, si mitidana ay ugu adkeystaan ku dheganaanta wixii ay hore ugu dhaqmayeen in kasta oo ay arkaan wax badan oo gaboobey iney ku dhex jiraan. Bulshooyinka qaarna waa isbedel-diid, qaarna waa isbdel-doon. Isbedelka la baadi-goobayo waa inuu ka gadmo dadweynaha, ayna ka dhex arkaan mid u muuqda in uu soo kordhinayo nuxur leh mirodhal.

Soomaalida waxey ku jirtaa bulshooyinka jecel isbedelka iyo iney dhexdeeda ka hirgasho wax kasta oo caalamka ku cusub laakiin aysan lahayn aqoontii iyo farsamadii ay kula jaan-qaadi lahayd afkaarta cusub. Ma jirto fikir siyaasadeed oo ay Soomaalidu qaadatay haddana ay ku liibaantey. Mabda' kasta xiiso ayuu dalka ku soo galaa si qaraar oo xamaasadeysana waa lagu tuura.

Soomaalidu waxey ku soo dhaqantay nadiim isgu jira qabiil iyo diin, waxeyna ku dhex-wadatey dulmi iyo horukac la'aan ay ka dhaxashay saboolnimo, dagaal sokeeye iyo abaar joogto ah. Gumeystihii reer Yurub ayaa dhulka Soomaaliyeed soo geliyey maamulka dowladnimo, waxeyna saldhig uga dhigeen nidaamka isticmaarka oo ahaa cunsurinimo ku dhisan kalasareyn midab. Waxaa xoriyadii ka dib dhashay dowladnimo Soomaaliyeed oo salka ku haysey hanaanka dimoqaraadiyada hantigoosadka oo ay hogaaminayeen madax rayida. Shacabka soomaaliyeed waa ku diirsadeen neecawda isbedelka looga guurey nidaamka gumeysiga looguna tilaabsaday gobonimada.

Wadamadii gumeysanayey Soomaaliya ma aysan daneyn horumarka Soomaalida mana aysan u dhisin nidaam dowladnimo oo fikir sal adaga leh iyo howlwadeeno loo tababaray ismaamulka dowladnimo madaxbanaan.

Aqoonyahanka ugu weyn ee Soomaliya ay lahayd wuxuu ahaa rag dugsiga hoose lagu baray afka gumeestaha kadibna laba sanno dibeda loogu qaaday si ay u soo arkaan maamulka dadweynaha ee adeega guud. Gobonimada ka dib waxaa guuldareystay hanaankii dowladnimada, waxaana la waayey cid taqaana wax ku maamulida dimoqaraadiyada, taasna waxaa ka dhalatay nidaam magacuyaal ah in wax lagu maamulo.

Dhaqanxumada laga dhaxlay dimoqaraadiyada beenabuurka ahayd waxaa ka mida musuqmaasuq, codka dadka oo la boobo, iyo baarlamaanka oo noqday suuq codka lagu kala gato. Intaas waxaa wehlisey wadankii oo si dadban ay u maamulayeen wadamadii horay u gumeysan jirey oo khubaro lataliyeyaal ah oo ay soo direen u adeegsanayey iney wadanka ku maamushaan.

Laguma harsan heykalkii dowladii ay horkacayeen madaxdii rayidka oo musuqmaasuq wax ku maamulaysey.

Dowladii milateriga hogaamiyeyaashoodii waxey garwaaqsadeen in wadanku u baahan yahay isbedel siyaasadeed, waxeyna Soomaalida geliyeen geedi looga guurayo nidaamkii dowladnimada oo mabda' ahaan ku tiirsanaa reer galbeedka, waxeyna u horseedeen dalka nidaam ku cusub Soomaalida oo ah hantiwadaag, aragtidiisuna ay ka soo jeedo reer bariga.

Shacabka Soomaaliyeed mar kale ayey ku diirsadeen neecawda isbedelka siyaasadeed oo looga guurayey hogaanka rayidka looguna guureyey hogaanka milateriga iyo weliba mabda' shuuciyada. Madaxda Soviet-ka waxaa u qorsheysneyd in Soomaalida ay u adeegsadaan codbahiye danahooda ku fidiya wadamada Afrika iyo kuwa bariga dhexe, fagaareyaasha caalamkana ku ceebeeya hunguriweynida iyo dulmiga reer galbeedka.

Ma jirin aqoonyahan Soomaaaliyeed oo khibrad durugsan u lahaa mabda' hantiwadaaga, mana jirin dhaqan Soomaaliyeed oo taageerayey shuuciyada maxaa yeelay Soomaaliya kama aysan jirin dabaqad maalqabeena oo farsamooyinka waxsoosara leh iyo dabaqad shaqaale oo xuquuqda shaqadooda lagu dulmiyo, waxeyna ku biyo shubatay in khubaro Soviet ah ay wadanka si dadban ugu maamulaan nidaamka hantiwadaaga, Soomaaliyana ay noqoto gelgelin ay ku herdamaan Danaha Ruushka iyo Mareykanka.

Waxyeelada Soomaalidu ka dhaxashay ku dhaqanka nidaamka hantiwadaaga waxaa ka mid ahaa kelitalisnimo, gaboodfal, guuldarro dagaal, qaran-dumin. Soomaalidu kuma aysan naaloon hididiiladii ay u qabeen hantiwadaaga iyo hogaaminta milateriga oo cadaadis iyo caburin wax ku xukumayey.

Dowladii milateriga kadib dalka waxaa ka curtay isbedel siyaasadeed, waxaan lagu diirsaday neecawda looga xoroobey nidaamkii kelitalisnimada, nasiibdarro ma guuleysan halgankii lagu ridey dowlada milateriga. Waxaa dalka burbur geliyey hogaamiyeyaal horkacayey kooxo u abaabulan qaab aan lahyn nidaam dowladnimo, kuwaas oo horkacayey ciidan beeleedyo, koox diimeedyo, burcad falal dembiyeed u abaabulan, iyo ganacsato tujaara oo ku midoobey diidmo maamul dowladeed iyo xaalufinta dalka.

Intaas waxaa u dheeraa hogaamiyeyaashaas ineysan lahayn aragti ka fog danahooda shaqsiga ah iyo tan kooxdooda, mana aysan jirin nidaam iyo mabda' ay doonayeen iney hanaan dowladnimo wax ku maamulaan.

Isbedelkaas ma noqon mid mira dhalay oo Soomaalidu ay ku intifaacday, waxaana dowlad la,aanta iyo kmg-nimadaba ka soo gaarey Soomaalida kalsoonixumo loo qaaday hogaamiyeyaasha dhaqanka, boob baaxad weyn oo loo geystey hantida gaar ahaneed iyo tan guud ee dadweynaha, qax iyo barakicin baaxad weyn, dowladnimada oo gacanta u gashay wadamada deriska, iyo dalka oo degaanadiisa midba midka kale uu ka xarig-furtay.

Shacabku ma uusan mahdin hogaamiye-kooxeedyadii dalka geliyey dagaalka sokeeye iyo arxan-daridii ay dadka Soomaalida ku kala qixiyeen. Sidoo kale shacabku wuxuu soo dhaweeyey maamulkii wadaadada oo ay u arkayeen iney xoojinayaan ku dhaqanka diinta islaamka, waxeyse waxyeelo weyn ka soo gaartey habdhaqankii koox-diimeedyada dibeda laga hogaaminayey oo dadka ugu muuqatay dhaqan cusub oo islaanimo, kaas oo ka soo horjeeda Soomaalinimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo leh dowlad dalka ku maamusha Soomaalinimo.

Waxeyna dhaxalsiisy dadka argagax iney ka qaadaan xukunka wadaadada iyo kalsoonida ay ku qabeen culimada diinta, kuwaas oo xukun islaamiya cabsigelin ku maquuniyey shacabka.

Maanta waxaa dalka ka curtay dowlad rasmiya, isbedelkaas siyaasadeed wuxuu aad rajo weyn iyo rayn rayn u geliyey dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan. Waxey wadamada deriska iyo kalkaaliyeyaashooda shisheeye ay soo alifeen in nidaamka federaalka lagu dhaqo dowladnimada Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed oo horay ugu soo hungoobey ku dhaqanka humaaga aragtiyo isweydaarsan, waayoaragnimo waxyeelo badan lehna ka dhaxlay ayaan hadda u muuqan kuwo si sahalan aan ugu riyaaqsaneyn ku dhaqanka nidaamka federaalka.

Dadka aaminsan ku dhaqanka federaalka ma aysan ka fekerin dhaqangelinta hanaankaas in uu u baahan yahay hanti aad u badan iyo xeerar dhisid sharci oo aad u dhib badan oo dowlad saboola aysan hirgelin karin, iskaba daa Soomaaliya oo ay burburtay dowladnimadeedii. Wadamada Afrikaanka ee qaatay nidaamkan si qaldan ayey ugu beenabuurtaan ku daqanka hanaankan. Isticmaalka magaca federaalka waa u sahlan tahay Soomaalida laakiin ku dhaqanka fikrada federaalka waxey la mid tahay nin doonaya inuu hooskiisa harsado.

Qaadashada nidaamka federaalka siyaasiyiinta doonaya ku dhaqankiisa waxey hanaankaas u adeegsanayaan aalad ay ku muujinayaan mucaaradnimada xoogan oo ay ku diidan yihiin habdhaqanka hogaamiyihii milateriga ee xukunka dhexe dalka ku maamulayey. Fahmiddarida nidaamkaas ka sokow, waxaan qarsooneyn siyaasiyiinta u ololeyneysa meelmarinta hanaankaas in ay ka muuqato habdhaqan qabqabnimo iyo mid qowleysatanimo oo dalka u horseedi karta in dadweynaha Soomaaliyeed ukala soocmaan degaano kala madaxbanaan oo u xuubsiibta maamulo aan lahyn dowlad dhexe oo xoogan oo dalka isku haysa.

Inkasto Soomaalidu jeceshahay isbedel siyaasadeed oo xiriira inu dalkeeda ka curto haddana fikrad aadan dhaqangelin karin dhibkeeda ayey leedahay oo waxey ku gelineysa geedi aan lahayn degaan uu saldhigto iyo inaad dhex-heehaabtid dano shisheeye oo marba aad maciin bidid mid.

Soomaalida waxaa siyaasadeeda maanta salka u qotomin kara xisbiyo qaran oo fikirka ay wax ku maamulayaan ay dadku codkooda si xora ugu soo xulan karaan madaxda ay dooranayaan, waxeyna xisbiyadu ay leeyihiin kaadiriin aqoon u leh fikirka siyaasadeed oo maamulka dowlada lagu hogaaminayo.

Xisbiga ku guuleysta talada dalka ayaa mabda' siyaasadiisa dalka ku maamulaya, waxaana xukunka uga adkaanaya xisbi kale oo fikradooda ay raacaan inta badan rabitaanka shacabka. Aqoonyahan badan oo Soomaaliyeed ayuu wadanku leeyahay oo cilmi-baaris qotodheer ku sameyn kara nidaamka dowladnimo ee ka hirgeli kara shacabka Soomaaliyeed, marka waa inaan xiiso dad gaara ay u qabaan iney dano gaara uga gaaraan federaalnimada aan wakhtiga dhow lagu mariin-habaabin aayaha mustaqbalka Soomaaliyeed.

Soomaliya ayaa ku dhaqmeysa nidaamka federaalka waa dhalanteed iyo dhaan-dabagaale. Dowlad dhexe oo xoogan oo leh maamul-goboleedyo waaweyn oo madaxbanaanidoodu xadidan tahay, aaminsana ku dhaqanka ismaamul Soomaaliyeed oo dimoqaraadiya, ayaa saldhig adag u noqon kara dowladnimo Soomaaliyeed oo xisbiyadu ay aragtidooda siyaasadeed ku hormarin karaan iyaga oo tixgelinaya dastuurka uu wadanku ku qaatay afti dadweyne.

Nidaam loo adeegsanayo in lagu mucaarado oo keliya habdhaqan hogaamiye, dowladnimada Soomaaliyeed kuma soo kordhinayo maamul wanaagsan oo horumar leh. Federaalku waa tijaabo siyaasadeed oo Soomaalidu aysan ka dheefi doonin waxtar.

Dr. Saciid Ciise Maxamud - Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: