Qorshaha Gaandi Ee Amuume & Haragdaamooyinka Horyaala

(wadanka.com) Tan intii Ciidamada lagu uruuriyay degaanka Amuume, ay dhameysteen tababaradii loogu talo galay isla markaasna la diyaariyay saadkoodii & sahaydii ay ku dagaal geli lahaayeen, iyadoo sidoo kale la dhisay maamuladii degaanada Jubooyinka hagi lahaa, sida Gudoomiyeyaashii degmooyinka, Taliyeyaal ciidan, aqoonyahano, ururo bulsho rayid iyo waliba xubno ka kooban gole gurti odayaal oo tiradoodu tahay 69 xubnood.
Maqaallo Keydmedia Online

Qorshayaashani ayaa la sheegay inuu khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Dowladaha Kenya, Faransiiska oo dhinac ah, Ethiopia iyo DKMG ah ee labada Shariif oo dhinaca kale ah, halka beelaha degaanka qaarkood ay shaki xoogan ka muujiyeen in qorshahani uu sad buursi siinaayo beel gaar ah, waxaana la sheegay in qorshahaani muddo uu a shaqeynaayay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi,  isla makraasna saraakiil ka tirsan Dowlada Faransiiska & Kenya ay wakhti badan & dhaqaale badan ku bixiyeen sidii uu u hirgeli lahaa Qorshahaani, inkastoo ay mucaarado xoogan ka hor keeneen Dowladaha Soomaliya & Ethiopia.

Maxey Qoonsadeen?


Saraakiisha Dowlada Ethiopia ayaa aad u saluugsan qorshahani waxey u arkaan iney dhibaato uga imaan karto, maxaa yeelay sirdoonkeeda ayaa ku warbixiyay in qeybo ka mid ahi Ciidamada lagu tababaray Degaanka Amuume ay ku jiraan xubno ka tirsan Jabhada ONFL, halka kuwo kale ay xarumo laga abaabulo dagaalo lid ku ah maamulkooda ku leeyihiin xadka u dhaxeeya Kneya & Soomaalida gaar ahaan Jubooyinka,  waxeyna sidoo kale si hoose u sheegeen iney Dowlada KMG ah ku cadadiyeen in xilka wasiirka Gaashandhiga laga qaado Prof.Gaandi si qorshahaasi uu halkaasi ugu dhamaado inkastoo uu halkii uu ka sii socda isla markaasna maamulka Ciidamadaasi ay hoos tagaan abaabule Prof.gaandi.

Dowlada labada Shariif ayaa la sheegay iney ka ciil qabaan dhaqaalaha badan ee Dowlada Faransiiska ay ku bixiso qoshahaani uusan soo marin gacanta Madaxda Dowlada KMG ah, waxeyna si taasi ay u daboolaan faafiyeen warar la xiriira in Ciidamada Amuume lagu hayo loo wareejiyo Caasimada Muqdisho, iyagoo culeysyo siyaasadeed saaray Xukuumada Kenya inkastoo lagu fashilmay inuu qorshahooda fulo.

Khubarada u dhuun daloola arrimaha Ciidamadaani ayaa sheegay in wakhti dheer ay ka soo wareegatay tan iyo intii ciidamadani la diyaariyey, islamarkaasina ay tababarkooda dhamaysteen, ilaa hadane wali xerooyinkii lagu tababaray ay ku sugan yihiin, waxaana ugu wacan ayaa la leeyahay jiritaan la’aan, barnaamij cad & jawigii ay ku talaabo qaadi lahaayeen ee dhanka Soomaaliya, iyadoo uu jiro guux xoogan & khilaafyo u dhaxeeya Hogaanka ciidamadani, qaarkood ayaa waxey doonayaan in weerarkooda ay ku ekeeyaan xili furumo kale oo badan ay Alshabaab kaga furmaan gobolo kale iyo aagag kale, halka kuwo kale ay rabaan in si deg deg ah loo howl galo, sidoo kale Beelaha qaarkod ayaa ka caga jiidaya iney taageeraan qorshahaani una arka iney dhibaato ka weyn mid ay hadda shababka ku hayaan ka soo gaarsiiyaan Kooxda Gaandi & Ciidamadiisa.

Dad badan oo degaanka ah ayaa ka shaki qaba qorshaha Prof. Gaandi, inuu salka ku haya inuu beel ka mid ahi kuwa degaanka uu ku hubeeyo deeqo loo fidiyay dadka Soomaaliyeed, isla markaasna waxyeelo ku geysto si uusan u suulin damaciisa ah inuu ciidamadani kula wareego Magaca Jubbaland oo uu maamul goboleed awood badan oo siaga hoos taga ka yagleelo, inkastoo ay u muuqato riyadaasi ay dhedo roobeed tahay. Prof.Gandi, ayaa wuxuu heystaa taageerada beeshiisa inkastoo ay ku heysaan Horjoogayaasha Shababka, kuwa raskambooni & ONLF-ee dhanka Jubooyinka iyo odayaashaba, laakiin shaki weyn ku jira taageerada uu ka heli karo Beesha ka soo jeeda Gobolka Gedo oo xiligaan magaalada Kismaayo aad ugu badan iyo beelaha kale ee degaanka,  talabaadani waxay horseedi kartaa isku dhac labada dhinac ah haddiiba lagu guuleysto in Alshabaab iyo Raskambooni laga saaro degaanada Jubooyinka.   

Waxaa xusid mudan in ciidamada Gandi uu ku uruurshay degaanka Amuume uu ka dhex taagan yahay qalalaase dhanka hogaanka ah, ayna ka dambeeyaan kuwa diidan qorshahani, dhowaan ayaa dowlada labada Shariif waxey ay Xamar ugu yeerteen Col. Cabdi Mahdi oo ay mar soo yeertey in taliyenimadii ciidamada uu Gaandi ka qaaday, markii uu Xamar kasoo laabtey iyana waxaa soo yeertey in wali uu xilkiisii hayo.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in qorshaha Gaandi uu horseedka ka yahay ay dadka qaarkiis ula muuqdaan dhaan dabgaale oo Geedi ah uu ah iney marka hore Kismaayo Qabsadaan kadibna Maamul loogu magac daray Jubaland laga yagyeelo, si hankiisa siyaasadeed uu ugu hirgalo, halka ay kuwa kalana usoo afar-adinleeynayaan sidii loo fashilin laha qorshayaasha Gaandi koodii horgaara ayaa dhiisha malabka farta gashanaaya. 

Source: Wadanka.com




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.