Qoto Daarood - QEYBII 2-AAD (TOP SECRET)

Ayuub A. Aden - Sana‘a (Keydmedia) - Fadlan Aqriso Qeytii Kowaad - Curashadii USC. Loollankii dahsoonaa ee xukun-doonka Qoto Daarood. Xeeladihii Manifesto iyo Sulux. Dawladdii Cali Mahdi.
Maqaallo Keydmedia Online

USC oo hormuud ka ahaayeen maqaawiir Hawiye oo ay kamid ahaayeen Ismaaciil Jamcaale, Cali Wardhiigley, Xuseen Cali shiddo iyo rag kale oo badan ayaa urur siyaasadeed ku dhisay Roma, Italia sannadkii 1989, markaasoo xukunkii Maxamad Siyaadna liiqliiqad uu ahaa.

Dhismada USC oo aan Qoto Daarood maskaxdooda iyo himiladooda midna ka muuqan  walwal bay ku keentay indheer-garadkii Maxamuud Saleebaan, sidaas darteedna waa laga dabaaqtamay oo si deg deg ah ayaa loo dhisay ururu siyaasadeed oo Manifesto lagu magacaabay,  Hawiye kamid ahna tirade xubnaha laga muujiyey, hase yeeshee aan culaab weyn oo siyaasadeed lahayn, Cali Shiddo Cabdi baana guddoomiye looga dhigay. Titada xubnaha Manifesto waxaa la gaarsiiyey 114 oo u dhigma tirada aayadaha quraanka kariimka ah, sidaas darteedna dad badan oo Xamar deggenaa baa arrintaas abshir u arkay.

Hordhaca xubnaha Manifesto waxaa kamid ahaa: Baynax Barre, Ismaaciil Jamcaale Cossoble, Maxamad Abshir Muuse, Geentelmaan, Muuse Boqor, Xaashi Weheliye, iyo rag badan oo qubane ah. Manifesto waxaa seegtay inay jabhadihii soo dagaallamay laysku daro, xukunkana iyaga loogu gogolxaaro si aan dawladnimada laysugu qabsan, dagaal sokeeyana u dhicin.

Dhiillo cusub bay taasu Maxamad Siyaad ku dhalisay wuxuuna u arkay in Manifesto huwan tahay shaal Maxamuud Saleebaan oo xukunkiisa duullaan ku tahay. Maxamad Siyaad ma awoodi karin inuu Manifesto dhabarka u duwo, oo heshiis buu Mingistu Hayle Mariam kula soo galay Djibouti bishii Maarso 17dii 1988 in Dhafoor-qiiq Itoobia laga soo saaro isaguna uu meeleeyo. 

Arrinta Manifestana labo arrimood bay ku keentay: Midda hore Dhafoor-qiiq buu la heshiiyey, Jeneraal Maxamad Siciid Moorgan baana la hoos keenay inuu kala meeleeyo; qaar kamid ahaana wuxuu ka dhigtay ciidan ku hawlgala rabitaanka Qoto Daarood, in kalena jagooyin dawladda bixisay baa lagu meeleeyey.

Jen.Moorgan oo wata Ciidankii Dhafoor-qiiq oo aad u carbiyaysan, dagaal duur-joognimo ahna ku gaamuray baa ku qaaday reer waqooyi-galbeed guluf colaadeed oo isugu jira dhac, xasuuq iyo barakicin bulsho rayad ah, wuxuuna  cagta soo mariyey Hargheysa, Barbara, Burco iyo deegaanno kale oo beelaha Isaaq ku sugnaayeen, bililiqadiina waxaa la keenay Gaalkacyo.

Sannadihii 89-90, Dawladdu ciidankii jabhadda Dhafoor-qiiq  way soo dhaweysey waxaana Muqdisho laga siiyey dhul deegaan iyo gunno ay guryo ku dhistaan,intii baxsatayna xaqoodii baa dib loo siiyo. Dib ayaa loo sii abaabulay, Saraakiishi iyo madaxdii wadatana waa la hawlgeliey, ciidankii harayna waa la meeleeyey waxaana loo xilsaaray nabadgelyada Muqdisho oo uu gacanta ku ahyey Jen. Aadan Xirsi, hase yeeshee taasu labo waji bay lahayd: In Dhafoor-qiiq ay ciidan dahsoon dawladda u ahaato oo xukunka Maxamad Siyaad dheellitiro, iyo inay ahaato ciidan kayd ah oo difaaca dawladda dhalan doonta ee Sulux la wareegi doono.

Manifesto waxay Maxamad Siyaad ku boorisay inuu xukunka isaga dago iyadoon dhiig ku daadan; taasuna waxay ku noqotay dhiillo xukun-doon ah, indho adayg iyo wadaxaajood aan weli hore usoo marin. Shirkii waa laysku afgaran waayey oo Manifesto xubno kamid ayaa ayaamo la xirxiray.

Manifesto waxay beerdulucsi ka heshay safaaradaha dawladaha Italia, Masar, iyo Maraykanka, waxaana Maxamad Siyaad lagu xakameeeyey inuu soo daayo xubnaha Manifesto is-afgarad siyaasadeedna wax lagu wada qabsado. Maalmo kadib, raggi la xiray waa lasoo daayey, dib ayaana loola shiray, waxaana layku afgartay in Maxamad Siyaad dhiniciisa keensado oo loogu daro 25 xubnoond rag dhan oo uu si gaar ah ugu kalsoonaa  oo ay kamid ahaayeen: Cabdullaahi M. Siyaad Barre, Jen. Maxamad Siciid Moorgan, Mahad Dirir, Shiikh Cabdulle Maxamuud, iyo rag kale. Nasiibdarro, wada-xaajoodka Maxamad Siyaad iyo intii xukunkiisa u hanqaltaageysey waxay kusoo abbarmeen bishii Dishembar iyo bilowgii Jannaayo 1990 oo ay caaradkii ciidamada USC Xamar kusoo qulqulayeen iyagoo labbisan drayskii koofiyad-casta iyo kii ciidammada qarankaba.  

Sulux baa deg-deg loo dhisay iyadoo la taabbagelinayo heshiiskii lala galay Maxamad Siyaad, tiradii xubnaha Suluxna waxaa la gaarsiiyey 100 nin iyadoo layska hufay intii laga maarmi karay. Si Qoto Daarood muuqaal cusub u yeelato, waxaa la abaabulay in isirkii Jabarti Ismaaciil Xamar lagu xuso-taasoo ahayd dhacdo cusub- hase yeeshee xiisihii colaadda ee Muqdisho ka taagnaa iyo dulucda uu xambaarsanaa isir-xuska Qoto Daarood xiiso cusub bay dhalisay, waqtiguna uma saamixin in xuskaas la dhigo, hase yeeshee waxaa laysku afgartay in gogoldhig looga dhigo casuumadaha dawladda Sulux dhisi doono.

USC waxay isu qaybisay ciidan labo madax ah oo midu qabsaday saldhigyadii ciidamada qalabka sida ay ku lahaayeen Gobollada Dhexe, halkaas oo ay ka heleen qalab dagaal, saanad fara badan iyo ciidan u caleemo ruxaya Jeneraal Caydiid. Fallaarta kale ee USCna waxay soo gashay Muqdisho, taasoo dawladda argaggax iyo qalalaaso ku riddo; dhammaadkii Dishembarna waxay la wada wareegtay xeryaha ciidammada qalabka sida iyo saldhigyada boliiska Xamar iyo inta ku hareeraysan, isla markaana waxay kuurka u gashay Villa Soomaaliya oo Maxamad Siyaad go’doon ku noqday.

Bishu waxay ahayd caaradkii Jan.91, caydiidna Xamar buu soo galay, xaalad dagaal baana Muqdisho ka bilaabatay. Jannadii dawladuu ma dagaallamin oo nin walba wixii lacag uu gacanta ku hayey iyo carruurtiisii buu la baxsaday, lacagtii banuukta taalleyna intii maamulkaas gacanta ku haysey baa hore usii  bililiqaysatay.

Intii Sade Daarood ku abtirsatay waxy afka saartay waddada Baydhabo, intii kalena waddada kisimaanyo ayaa la qaaday. Iyadoon weli Maxamad Siyaad laga helin oggolaansho xukun ka deign ayaa Sulux dhisatay dawlad ku meel-gaar ah, Cumar Carte Qaalib baana loo doortay wasiirka 1aad. Maxamad Siyaad iyo Caydiid midna oggolaansho ma siin xukun la wareegga Sulux, waxayna arrintii u muuqatay baqalyo la duulaysa cad hilib ah gogor badan oo kalena hareeraha ka raaceen si ay uga dhigtaan.

Kadibna Villa Soomaaliya waxay noqtay go’doon is-gaarsiin la’aan ah darted, Maxamad Siyaad difaac buu galay, wax qaybsigii Sulux iyo Maxamad Siyaadna halkaasuu ku banjaray.

Arrimaha rahman oo Manifesto iyo Maxamad Siyaad ay isla geli lahaayeen waxaa kamid ahaa in Qaahira labada dhinac isugu tagaan oo shir labo-geesood ah lagu dhedhexaadiyo, xukunkana  lagu heshiiyo, dawlaadda jirtana la caymiyo; waxaana arrintaas daadihinayey safaaradaha dawladaha: Talyaaniga, Maraykanka iyo Masar, hase yeeshee taas Caydiid baan waqti u siin.

Maxaa ka khaldamay manifesto & Sulux? Maxaa Qoto Daarood Caydiid u cadawsatay? Yaa ka faa’iiday isku dhaca Caydiid iyo Cali Mahdi iyo isku dhaca Hiraab? Maxaa Caydiid dagaal sokeeye ku seegay? Maxaa ka khaldamay UNISOM,UN-ka, Talyaaniga & Masar? Maxaa midnimadii qaran xal laga gaaray?

AQRISO QEYBTII 3-AAD - RIIX MESHAAN: [url=http://alturl.com/soenq]http://alturl.com/soenq[/url]

Ayuub A. Aden - Sana‘a - Keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.