Raad Suuban ku reebo Taariikhda

Sayidomar Yasin Sheikh — Qoraalkaan waa Maqaal taxane ah, tanina waa Qeybtii Koowaad | Waa goor fiid ah, oo ay dhamaan xubnihii qoysku iskugu soo urureen daaradda Guriga, mid shaqo ka yimid ama mid Tacliin iyo goob waxbarasho kasoo gadoomayba (laabtay).

Maqaallo Keydmedia Online
Raad Suuban ku reebo Taariikhda

Aabe Geedi oo ka nasanaya Daalkii shaqo-maalmeedka, waxa uu ku sintaacsanayaa (tiirsanayaa) barkin ku dherersaneyd darbiga guriga, isla markaana ka heensanayaa (cabaya) inyar oo ku dhimanaa koobkii shaaaha ahaa ee uu cabayay.  “Hooyo/Aabe saakay waxaa iskuulka inoogu yimid dhaqtar aan aad ula dhacay qudbadiisii! aniga markii aan weynaado waxaan Jeclahay in aan noqdo dhaqtar caan ah oo dadka oo idil jecelyihiin isla markaana lagu kalsoonyahay xirfadiisa!!”  waxaa sidaas ku hadaaqay Guuleed oo ahaa Caruurta Aabe Geedi midka ugu da’da weyn.

Hadalkii waxaa ka daba qaatay Aasiyo oo iyadu ah da’ ahaaan caruurta mida ugu yar balse markan dhiganeeysa fasalka 8aad ee dugsiga Dhexe “Aabe Geediyoow, aniga waad ogtahay sida aan u jeclahay Ganacsiga, hadabba waxaan ku dadaali doonaa sidii aan ku noqon lahaa Ganacsadde leh karti iyo tacliin uu ku yeesho ama dhisto Shirkaddo u gooni ah, lagana yaqaano dhamaan daafaha dunidda kana dhaliya macaash/faa’iido badan”.

Liibaan oo isagu markaas ka yara fogaa halka reerku sheekadda ku waadaagayay, balse duul-duulka hadalku soo gaarayay ayeey la noqon weysay in uu ka maqnaado halka lagu qeybsanayo hadalka, asaga oo madaxa kasoo baxsanaya daaqad si toos ah ugu aadan golaha reerku fadhiyay ayuu si kalsooni leh ku yiri “ Aabe iyo Hooyo anigu waxaan rabaa in aan kusoo baxo hogaamiye badbaadiya Dalkiisa iyo Dadkiisa isla markaana ku hogaamiya waddo horumar  iyo barwaaqo leh , waxaan rabaa in aan ku sawirnaado Maanka (xusuusta) ruux waliba oo Soomaliyeed xitaa markii aan ka galbaddo (dhinto) dunida.

Bal maleey aqristoow, hadii eey kasoo wareegtay ku dhawaad 40 sano waqtigii  Aasiyo, Liibaan iyo Guuleed ku hadleen oraahdan ka tarjumeeysa hiigsi iyo himilo mustaqbalka ah, ma kula tahay in Aasiyo, Liibaan ama Guuleed midkood ama dhamaantoodba eey xaqiijiyeen himiladdii ama yoolki eey hiigsanayeen?

Aqristoow ayadda oo wax walibaahi qoraal iyo Qoondo/Qorsheyn Eebe (SWT) eey ku xiranyihiin, ma is weydiisay maxaa sababa Shaqsiyaad kooban oo kali ah in eey ka dhex muuqdaan taariikhda ama sooyaalka  dunidda halka fac ama jiil walibaahi uu ka koobanyahay Maalyuummaad ama kummanaan Qof oo intooda badan ku noolyihiin duruufo nololeed oo isku mid ah ama isku dhow?!! Tusaale, bal qiyaas tiradda dadweeynihii ku noolaa Qaarad weynta Afrika xiligii gumeystuhu soo caga dhigtay dhulkan! iyo shaqsiyaadka kooban ee ka diiwaanka gashan taariikhdii Gumeysi-la-dirirka ee Afrika!, shaqsiyaadkaasi waa geesiyaal ilaa hada laga xuso wadan walba oo ka tirsan qaaraddan aanu ku noolnahay ee Afrika.  sidaasi si la mid ah, duniddan waxaa soo mara Balaayiin qof oo dhasha misana dhinta iyaga oo eey ugu dambeeyso Xuska (Sheegidda) magacooda ama waxqabadkoodaba daqiiqadda la dhigo Xabaasha/Qabriga! Isla markaana aanan ka tagin DHAXAL ama SUMCAD eey ku hirsadaan intii la nooleed waqtigaas ama gadaashoodba kusoo biirtay rakaabka nolosha.

Ruux waliba oo nool waxaa jirtay goor ama xili uu ahaa magac-laawe (magac la’aan) isla markaana uusan ku filneyn iskaba daa wax kale’e as-aaska nolosha sida is quudin ama is nadiifin. Wuxuu kusoo biiray\kordhay halganka nolosha. Waalidkii dhalay ama xigto kale, oo markaa gacanta ku heysa ayaa ku bilaawda in eey u bixiyaaan magac loogu yeero kaasoo u noqda sumad looga sooco dhamaan inta kale ee horey u joogtay.

Daqiiqadda xigta markii uu kasoo baxo ilmo-galeenka hooyadda, caruurtan yari wuxuu bilaabaa halgan culus sidii uu ula qabsan lahaa noloshan cusub, waxa ugu horeeya ee uu barto waa Neefsashadda maxaa yeelay cunagan yari, waligiis kama neefsanin Sambabadda inti uu ku jiray ilmo-galeenka hooyo. Sidaas ayuu ula kufaa – dhacaa qaabkan cusub ee Neefsiga. waxa koowaad ee uu ku bilaabo nolosha waxa eey noqdaan oohin (ooyin) asaga oo ka naxa qaabkan ku cusub, halka eey farxad galiso dadkii ku dhawaa xiligaas, maxaa yeelay oohinta (ooyin) oo astaan u ah nolosha cunugan yar ee hadda soo dhashay.

Halka dhanka kale, asaga eey u noqoto cashir culus oo uu ku bartay xirfadan ku cusub ee qaabka ka neefsiga sanka iyo sambabadda. Sidaas ayuu ku bilaabaa safarkii nolosha, Inta u dhaxeeysaa dhalashadiisii iyo dhimashadiisii ayuu ku diiwaan geliyaa wax walba oo lagu ammaani lahaa iyo wax walba oo lagu dhaleecayn (durrid) lahaa. ilaa marka ugu dambeeysa eey ku timaado Geeridda aan marnaba laga fakan kareynin.

Aqristoow, ruux waliba oo ku nool dunidan wuu jeclaan lahaa in uu noqdo shaqsi ka dhex muuqda bulshadda uu ku dhex noolyahay xiligaas, hadii eey ahaan laheyd dhanka tacliinta, xirfadda, Magaca ama hantidda. Waa wax ku beeran Ilmo-Aadan dhamaantood jaceylka sharafta iyo wax qabsiga. Hadabba, maxaad ku macneeyn laheed in labo ruux oo isku waqti, tacliin iyo heer nololeed ahaa in eey ku kala tagaan/duwanaadaan dhamaan heerarka qiimo ee nolosha!. Waa maxay waxa sida goonidda ah u duway ruuxan ka soo dhex baxay facii/Jiilkii iyo asxaabtii la waqtiga ahaa. Halka intii badneed ee ku xiliga aheyd eey ku dhex lumeen nolosha isla markaana eeysan jirin raad ama xusuus gooni ah oo lagu soo xasuusto.

Hadabba, aqristoow/dhageeystoow, qoraalkan oo ka kooban qeybo badan oo is xig xiga waxaanu ku qaadaa dhigi doonaa astaamaha ama arrimaha sida mucjisadda oo kale u badala dadka ama shaqsiyadda (Personality) qofka,  isla markaana ka dhiga ruux kasoo dhex baxa kumanaan ama malaayiin ruux oo la heer ama duruufo ah  xiliga noloshiisa.

Qeybaha aanu ku falanqeyn doono qoraalada soo socda waxeey iskugu jiri doonaan dhanka ablo-ableynta (Classification) kuwo si toos ula xiriira sedex qeybood oo waa weyn oo kala ah la dhaqanka ruuxa ee (1) Eebe-hii abuurtay, (2) la dhaqanka naftiisa (Qudhiisa) iyo (3)la dhaqanka dadka kale ee la nool ama ku xeyndaaban.

Aqriste/Dhageyste,  Cinwaanadda inagu soo maqan xiliyadda soo socda waxeey noqon doonaan:

  • Horta barro Allaha ku uuntay (abuuray)!
  • Yeelashadda himilo iyo hiigsi mustaqbalka dhaw iyo midka fog labaddaba.
  • Dhisidda kalsoonaanidda Naftaadda “Self-confidence”!
  • Wal-wal ka iyo wallaaca: sababaha keena iyo Xakameeyntooda “Stress and Depression”.
  • Edbinta iyo Anshaxa nafta “Self-discipline”.
  • Maareeynta waqtiga “Time Management”. 
  • Xirfaddaha la dhaqanka dadka “Interpersonal skills”.
  • Qaab fekerka wax-dhiska ah “Positive thinking”.

Qoraagu wuxuu ku dadaali doonaa in uu sameeyo buuug kaashi (Literature review) iyo asal bixin (reference) dhamaan Xogta kusoo bixi doonta qoraaladdan, ayada oo aqristaha/dhageystaha fursad u siin doonta in uu tixraaco Qoraalo kale si uu aqrin dheeri ah ugu sameeyo Qeyb waliba oo ka mid ah qoraaladdan is xig xiga.

Sidoo kale, qoraagu wuxuu ku dadaaali doonaa in cinwaan waliba uu ku iftiimiyo sida ugu haboon uguna fudud ee ruux walibaahi u dhaqin galin karo (application) isla markaana uga faa’ideysan karo xirfaddahan kala duwan, isaga oo si fudud usoo koobi doona qaababka loo maro hanashadda xirfadahan. Aqristaha/Dhageystaha shatafta lahoow, Barashadda xirfadahan kala duwan waxeey kugu yeelan doonaan raad suuban. Iyaga oo kugu caawin doona sidii aad ku noqon laheyd Shaqsi dhisan isla markaana u diyaar ah in uu si haboon uga talaabsado caqabaddaha nolosha kusoo wajahi kara.

Ugu dambeyntii, Aqriste inala soo fuul (raac) Markabkan dheereeya ee inoo kaxeyndoona Xeebahha horumarka ee la hiigsado, isla markaana aanu kaga baxsan doono gudcurka (madoowga) iyo horumar la’aanta dib u dhaca!.

Sayidomar Yasin Sheikh


Qoraalkaan waxaa Qoray: Sayidomar Yasin Sheikh, BSc, PGCPPM, MPH oo ku sugan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda, waxaana kala xiriiri kartaa E-Mailkaan: Sayidcumar2@hotmail.com




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.