Waajibnimada soomidda Soonka

Maqaallo Keydmedia Online

“Allaah” (سبحانه وتعالى) waxaa uu qur’aanka ku yiri: “Kuwa xaqa rumeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan, xumahana uga joogtaan. (Suuradda al-Baqrah:Aayadda 183.)

Waajibnimada soomidda Soonka

“SOON SUUBBAN” 

Waxaa kale oo “Allaah”(سبحانه وتعالى) yiri: “Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ahaaday ayaamo kale soonkood kuwa uu dhibana, macnaha awoodin sida xanuun hayaa ama da’ waxay bixinayaan ama quudinayaan, Masaakiinta. ruuxii badsada, Khayrkana saasaa u fiican, una ajar badan, inaad Soontaan ayaana idiin kheyr badan haddaad tihiin kuwo wax og.” (Suurada al-Baqrah:Aayadda184.)

“Soonku waa bisha la soo dajiyey dhexdiisa Qur’aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddeyn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga, oo nagi ah ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla doonayaa “Eebbe” (سبحانه وتعالى) fudeyd ee idin lama doonayo culeys, waana inaad dhameystirtaan tirada waynaysaanna “Allaah” wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan” Allaah.” (Suuradda al-Baqrah:Aayadda 185)

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Haddii uu qof la diriro ama caayana ha yiraahdo anigu waan soomanahay. ‘Waana igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agtii waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah) (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Bukhaari ah waxay intaa ku dareysaa: Eebbe wuxuu yiri: ‘qofka soommani wuxuu uga tagaa cunid, cabbid iyo hawaddiisaba “Aniga Allaah ah dartey” marka anigaa soonka iska leh aniga ayaana ka abaal gudi doona. Camallada kale ee wanaagsan ee la falo bisha Rammadaan ama bilaha kale halkii ajar waa la toban laabaa.

“Werinta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaaba wax badan oo halkii sammaan waa toban lab ilaa toddoba boqol laab. (Alle سبحانه وتعالى) wuxuu yiri: ‘Laakiinse kuma jiro soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii barax tiran oo loo falo, dartey, macnaha waa ma lahan xad abaal gudka iyo ajarka soonka Aniga, Keliya, ayaana ka abaal gudi doona, Qofka soomman” wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawaddiisaba dartey Aniga (Allaah,ah). Qofka soommani waxaa u sugnaaday laba farxadood, midda hore waa farxad markii uu afurayo midda labaadna waa farxad kale markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). Neefta afkiisuna ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga.’  
(Muslim)

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeeri doonaa irdaha Jannada: Addonkii Alloow, albaab kaan baa kuu roon. Qofkii reero salaadeed ahaa waxaa looga yeeri doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heegana. Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irridka Jihaadka, qofkii reera soon ahaana waxaa looga yeeri doonaa irridka “Rayaan harraad baxa.” qofkii reero saddaqo ahaana waxaa looga yeeri doonaa inuu ka galo Jannada irridka Sadaqada. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Alloow, kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye, qofkii irridahaas looga yeeraayo ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irridahaas oo dhan looga wada yeerayo ma jiraa? Nebigu(S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Waa jiraa, waxaana rajeynayaa inaad adiga, Abuubakarihi ahaan doonto mid ka mida. ‘(Bukhaari iyo Muslim).

Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Waxaa jira Jannada gudaheeda irrid la yiraahdo Ar-Rayaan oo ehlu soonkii oo kaliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka geleynin; waxaa la dhihi doonaa: ‘ Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga mooyaane. Markii ay galaan, irridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood. (Bukhaari iyo Muslim)

Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo. (Bukhaari iyo Muslim)

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Nabigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay intaan ka aheyn ka baa’irta waaweyn sida dilka IWM. (Bukhaari iyo Muslim)

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Nabigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Markii ay bisha Ramadaan soo gasho iridaha Jannada waa la furaa, iridaha Naartana waa la xiraa, Shayddaammadana waa la xiraa. Bukhaari iyo Muslim)

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Ku sooma aragtida bil dhalatay ee Ramadaan oo ku afura aragtida bisha Shawaal “Soon fur” haddii bila qaris ay noqotana buuxiya soddonka Shacbaan “Soon dheere” (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Imaam Muslim werinaayo waxay intaa ku dareysaa: Sidaa si la mid ah, haddii bil qaris ay noqoto, oo loo jeedi waayo daruuro awgeed, dhamaadka bisha Ramadaan, markaa buuxiya soonka oo sooma “Soddon maalmood” (30 maalin!”)

Intaas ayaan kusoo koobayaa ee Eebbe hanaga dhigo kuwii “Soonka nabad ku dhameysta” aanna is Cafinno Si Eebbe weyne noo cafiyo. Insha’Allaah berri oo Sabti ah la iskuma khilaafsana inay soontahay oo waddamada qaar waxaaba la sheegay in la arkay Ee soon wanaagsan, aniga xaggeyga cafis ayaad ka tihiin waxaa jira asaxaab badan oo aan kaftan wadaag aheyn, waxaana ka codsanayaa inay i cafiso qoftii aan iri: hadal ay dhibsato!’ 

W/D: Xasan Kaamil Cuute Shirib-maal




Maqaallo 30 July 2021 17:35

Koriimada sideedaba waa mid asal ahaan looga qiyaas qaato marxalad markaa la joogo oo mid kale looga gudbayo. Hadaba tani  waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.