Xerta Ahlusunno: Xigaalada Xabashida ee Xilligan

Dr. Bashiir M. Xersi (Italy) - Sanadkii tagay waxaan qoray laba qormo oon u kala baxshay: “Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna”, qormadii xigtana waxay ahayd: “Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!”, sida ka muuqata kana hadlayey Ahlusunna, iyo dhaqdhaqaaqyada cusub ee ay billaabeen, ha ahaado kan ciidan ama kan siyaasadeed, waxaa ka soo wareegtay muddo sanad ah.
Maqaallo Keydmedia Online

Qormadanna waxaan dib ugu eegaynnaa waxa qabsoomay waxa aan qabsoomin caqabadaha taagan, iyo heerka la joogo maanta, Annagoo isku dayeyna inaan hareeraha ka istaagno, hoosna u eegno arimo badan oo dahsoon, daliilkana dulsaarno si aan dood iyo muran u galin.

Sida aan ku caddeeyey qormooyinkii hore ayaan taanna ku xusayaa, in Ahlusunna aysan qayb ka ahayn ururro diimeedka hubaysan, sida Itoxaadka hooyada Alshabaab iyo argagixisada diiniga ah, kama mid noqon dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, lug kuma yeelan hardankii hoggaanka dalka loogu jiray, dhiigga badanna ku daatay, wadadii lagu yaqaannay ayey sii joogteeyeen, wardigii, tusbixii, siyaaradii, xadradii iyo xuskii, iyadoon la illoobayn xerta, xalqada iyo xersi goynta, xigmadda tasawufkana aysan ka maqnayn duruusta diniga ah.

Maahmaah ayaa dhahaysa: “Nin Addun joogoow maxaa Aragti kuu laaban”, si xaalku sidaa u ahaado, mar qura ayaa Ahlusunna ku biirtay saaxada siyaasadda iyo silica Soomaalida, dad badan waxay rumaysan yihiin in Ahlusunna ka fursan wayday inay qoriga qaadato, ka dib markii qabuuro faagid aan loogu simine, loogu daray in Masaajidda lagu ugaarsado, middan oo ka caraysiisay Ahlusunna, kuna kaliftay inay kalkooda qoriga degta saartaan.

Abaabulkii hore, wuxuu ku billawday iskaashi dhexmaray  beelaha degaanka iyo xerta Ahlusunna, ka dib waxay gaashaan buursi la galeen Xabashi, oo ugu deeqday hub iyo saanad ciidan, intaa kaliya ma ehee waxay u tababaraan maleeshiyaad, dabcan ibahaysigu wuxuu ku salaysnaa: “Cadawgaaga Cadawgiisu waa Saaxiibkaa”, oo Ahlusunna iyo Xabashi waxaa mideeyey oo cadaw u wada ah Alshabaab, hubaal in wax walba aad u kaashanayso cadawgaaga shaydaan shaydaanba Allaha ka dhigee, balse taageerada Xabashida fattuuro ayaa wehlisee, yaa bixinaya fattuuradaa?

Isbahaysigaa dhexmaray Ahlusunna iyo Xabashida, wuxuu gaaray meel fiican, waxaa ka dhashay is aaminaad iyo kalsooni ballaran, gaar ahaan dhanka Ahlusunna, waxaadba mooddaa “xala dhalay”, aan tagtada war u hayn, taaganta warkeedba daa, laba gu’ ka hor Xabashi waxay Soomaali ka fashay umaba qorna, inay ku xisaabtamaan ama maanka ku hayaan warkeed daa!, taa oo taagan ayey shir u aadeen Addis Ababa, ay kala qayb galayeen dawladda Shariif, noqotaynna filan waa, iyo dhacdooyinka xanuunka reebay, dadnima xumadana muujisayey.

Awood qaybsiga siyaasadeed ee dhexmaray dawladda iyo Ahlusunna kana dhacay Addis Ababa, wuxuu ahaa albaabka Ahlusunna ka soo galeen xarigjiidka Soomaaliya, iyagoo ka soo galay dibka Xabashida iyo xad u yeelidda Alshabaab, haddana laguma dhaleecayn kumana mudan ceebayn, waaba iga su’aale: maxaa qabqablayaasha wax looga sheegi jiray? Loogana dhigi jiray shayaadiin geeso leh, tilmaamtaa oo kale wadaada Ahlusunna maxaa loo siin waayey?

Ahlusunna dagaalada xooggan ee ay la galeen Alshabaab inta badan waxay ka dheceen gobolada dhexe, inta badan ayaga ayaa ku gacan sarrayey dagaaladaa, kana soo hoyn jiray guulo waaweyn, haddana gulufkooda colaadeed wuxuu noqday natiijo la’aan, maxaa yeelay, waxay garab mareen hannaanka maamulaynta, micnaha gulufka colaadeed lama socon qorshe maamul, oo deegana hoos yimaada nidaam iyo kala dambayni kama jirto, waa jaantaa rogan iyo fawdo baahsan, dhankan waxaa uga fiican Alshabaab, haba qaldanaadaan, haba qalloocnaadaan, haba xumaadaan, haba qallafsanaadaan, haddana waxaa jira maamul degmo, malleeeshiyo ammaanka sugta iyo guddi maxkameed, ujeedka ma ahan taageero Alshabaab, ee waa isbarbardhigid Ahlusunna iyo Alshabab dhanka maamulka ah.

Dhanka kale, gulufka Ahlusunna muxuu ku kooban yahay degmooyinka: Dhuusa mareeb, Guri ceel, Matabaan, Cadaado, Cabud waaq IWM, marka aad dhanka xeebta aaddo isla deegaanka gobalkaas ma muuqato sifaynta ka dhacday deegaanadaa, gobolada koofureed iyaga warkoodba iska daa, haddaba su’aal aan halkaan dhigo: maxaa ku koobay deeganada laga sifeeyey Alshabaab dhawr degmo oo ka mid ah gobolada dhexe? Maxaa looga sifayn waayey deegaanada kale ee ka tirsan isla gobolada dhexe ama dalkoo dhan?

Su’aashaas waxaan uga dan leeyahay inaan arin yar ku muujiyo, aanse ku hormaro: Ahlusunna miyey joogin gobolada kale ee dalka? Miyeysan joogin caasimadda Muqdisha? Maxaa looga waayey wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ka sameeyaan gobolada kale? Maxay wax uga qaban la’yihiin meelaha duminta joogtada ah lagu hayo? Maxay uga hortagi la’yihiin meelaha qubuuro faagiddu ka noqotay shaqo maalmeedka? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa maanka ku soo dhacaya, marka aad si qoto leh u eegto waxa ka dhacaya deegaanadaa.

Waxaa lagu doodi karaa deegaanadaa dadka deggan lama dhihi karo hal qabiil, waa beelo isku milan ood-wadaagna ah, markuu dagaal ka dhex dhaco mooyee inta kale isku mawqif ah, markase dagaal ka dhex dhoco waa isku shiilmaan ama isku gamaaraan!, sheekado sidaa ma ahan, runta aan ka abbaarno arinta, Dhuusamareebna waa laga sifiiyey Xamarna waa u fasaxan yihiin Alshabaab farbaa ku godan, mid ahaan waa tallaabo geesinimo iyo raganimo leh, waa midda ah inaan laga helayn Alshabaab Dhuusamareeb, balse Ahlusunnada Dhuusamreeb maxay uga duwan yihiin kuwa Xamar? Bal taas ii jilciya Soomaalaay!, meesha kala duwaanaansho ma taalle waxaa yaal garabgal beeleed iyo gaabsi beeleed oo ka kala jira labada degmo!.

Maamul la’aanta ka jirta deegaana hoosta Ahlusunna, waxaa u dheer kala qaybsanaan iyo khilaaf, heshiiskii awood qaybsiga ee Addis ka dib waxay noqdeen laba garab, dabcan way jiri karaan garab kaloon dagaalka iyo waxa socdaba raalli ka ahayn, kala jabkii hore ee ka dhashay heshiiska awood qaubsiga, waxaa xigay mid kaloo ka soo ifbaxay garabkii heshiiska saxiixay, khilaafku wuxuu ku qotamaa in lala shaqeeyo dawladda iyo qaabka loola shaqaynayo, iyagoo ku doodaya in dawladdu ka baaqsatay fulinta heshiiskii Addis, diidmadan waxay ku soo beegantay xilli la filayo in xubo dawladda ah booqsho hawleed ku tagaan deeganadaa.

La yaab!, norwegianka iyo ururada kale way ku soo dhawaynayeene, maxay xubnaha dawladda ugu diidayaan imaatinka deeganadaa? Mise wafdiyadaa kaash ayey wataan oo lagu soo dhawaynayaa? Dawladduse waa jeeb tarraq oo iyada ayaa u baahan martigalin iyo maamuus intaba, hadday sidaa tahay waxay kuu caddayn sida loo wada noqday Cabdi diinaar, teeda kale wax la’aanta miyaa la isku nacayaa? Walaalkaase intaad iska fogayso miyaad soo dhawaysanee shisheeye? Dhaqan ahaan iyo diin ahaan martigalinta iyo sooriddu wanaagsani saw ma ahayn tilmaam aan muran ku jirin? Wadaada maxaa qaaday?

Si loo xalliyo khilaafka soo kala dhexgalayAhlusunna, waxaa isu taagtay Xabashi oo markii horaba soo sartay, horayna u martigalisay shirkii awood qaybsiga ee dawladda iyo Ahlusunna, dabcan xilna ka saarnaa inay isha ku hayso dhaqangalintiisa, ka sokow waxayba ka dhex tolatay raggay ilaashanayeen, shir ayaa si deg deg ah loogu yeeray ka dhacay gudaha Ethiopia, nasiib darrase waa lagu kala dareeray, ujeedka Xabashidu wuxuu ahaa inaysan kala dhantaalmin xertooda xillagan ee Ahlusunna.

Sida markii hore Ahlusunna u seegtay subta suuban, markay Addis Ababa shirka awood qaybsi uga qaybgaleen, ayey mar kale dawgii u seegeen, si ay u xalliyaan khilaaf dhexdooda ah ayey Xabashi marti u noqdeen, tii hore haddii qiil loo yeelo, oo la yiraa goobjoogayaal ayey u baahnayd, tan maxaa lagu macnayn, qiil nooce ah ayaase loo yeelayaa? Laga yaabee in khilaafka Xabashidu abuurtay, iyadoo dhaqangalinaysa: “Qaybi oo Xukun”, marba qayb si ay dhagta wax ugu sheegto, Ahlusunnase si khilaafka loo xalliyo, ma raacin hannaanka Diineed ee Shuurada, mana raacin hannaan demoqraadiga , oo labaduba ku wada arooraya in khilaafka gudaha ururka lagu xalliyo, u tanaasulidda danta guudna furaha xalka ahaato.

Mawliidku sanadkan wuxuu ku soo beegmay xilli khilaaf xun u dhexeeyo Ahlusunna, taas aad u haraysay qabanqaabada loogu jiro mawliidka, waxaana la dareemayaa hoos u dhac weyn oo ku yimid abaabulka mawliidka, maxaa yeelay, iyaga ayaaba iska dhammaan la’, maxay ku hawlanaadaan inay xus Nabi xasuustaan, arintan oo dad badan u arkeen dhacdu ugub ku ah dhaqanka culimada dariiqada, taa kaliya ma ehee waxay ku tilmaameen  wadadii qallooca iyo qaabxumida, iyagoo is weydinaya: maxay ku kala duwan yihiin Alshabab iyo Ahlusunna markaa?

Ahlusunna waxaa looga fadhaa inay wax badan kala caddeeyaan waa hadday xertii hore yihiin, haddiise ay ku biireen isrogrogga iyo qaalmorogadka waxba loogama fadhiyo, waxay sameeyaan dadkaa fasiranaya, illeen iyagabu waa awoodi waayeen inay sharaxaad ka baxshaane, taas waxaan uga jeedaa inay dadka ka qanciyaan, waxa ku kalifay shirkii Addis Ababa, jawaabta waynse waxaa u baahan kan dambee ka dhacay isna Ethiopia, ee lagu dhexdhexaadinayey isla xubanaha Ahlusunna, isku maandhafay dawladda aan la shaqaynno iyo la shaqayn maynno, Soomaalaay ma ila yaabteen?

Ugu dambayn Ahlusunna haddii ay xal u aragtay qori ayaad sidataaye ku gorgortan waa ayaan darroo, haddii ay xal u aragtay maanta ayaad ku duljoogtaaye ka mira dhali iyana waa ayaan darro, in xiriirkooda dibadda ay ka billaabaan Ethiopia-na waa ayaan darro kale, waxaase Soomaalay la yaab ah sida xaal isu badalay, ninkii awood leh kaliya wax loogu ogol yahay, culimo iyo caamaba looga siman yahay sidii awoodda wax loogu muquunin lahaa, shrika Addis ilama ahan inuu ka duwanaa wixii shir dhacay, waqtigiisa ha qaato ragga joogaynna waxooda ha qaataan, marka waqtiguse dhammado wixii la kala qaatayna dhammaadaan ayaan arki doonna waxa xiyaga!.

W/Q: Bashiir M. Xersi - Italy - brdiraac@hotmail.com 




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: