Qoraa sare Siciid Cabdisalaam

Codka taallada saxaafadda xorta ah

Qoraa sare Siciid Cabdisalaam oo ahaa astaanta Saxaafadda ayaa labo bilood kahor ku geeriyoody Magaalada Muqdisho, Keydmedia iyo Yusuf Garaad ayaa xusahaya taariikh nololeedkiisi.

Faallo Keydmedia Online
Codka taallada saxaafadda xorta ah

Saciid Cabdisalaam waxaa la oran karaa asagaa ahaa taallada saxaafadda xorta ah, wuxuu ahaa dhaliile si cilmiyesan u toosiya una tusaaleeya aqristayaashiisa.

Saciid hada oo uu geeriyooday, wariyaasha wuxuu u noqon doonaa saciim ay ku daydaan oo ay raadkiisa raacaan. Saciid, allaha u naxariiste, wuxuu ku hadli jiray kuna qori jira Afka Carabiga, Afka Talyaaniga, Afka Jarmalka iyo Afka Ruushka.

Saciid wuxuu wax ku qori jiray Joornaalka Al-Ahram, Deutsche Welle (DW), Pravda oo kasoo baxa dalka Ruushka, Corriere della Somali, Xidigta Oktore iyo Joornaalkii caanka ahaa ee Maandeeq. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa tifaftirayaasha Keydmedia Online wuxuuna maqaalo u qori jiray KON asigoo ku saxiixi jiray magaca Ismaaciil Malaas, si uu argagixisadda uga gaashaanto.

Inna Lillahi wa inna ilayhi raji'un. Samir iyo Imaan ilalhey ha naga siiyo.

Qoraalkii ugu dambeeyay oo uu Keydmedia Online u qoray wuxuu uga hadlaayay danaha Mareykanku ka leeyahay Soomaaliya.

Wariye Yusuf Garaad ayaa qoraalkaan uga hadlaya taariikhda Siciid:

Allaah ha u naxariisto Siciid Cabdisalaan oo ku geeriyooday Muqdisho. Wuxuu ahaa suxufi sare oo aqoon yahan ah. Muddo dheer dalka u soo shaqeeyay. Wuxuu wax ku qori jiray Soomaali, Carabi iyo Talyaani. Wuxuu ka tirsanaa Wargeysyada wuxuuna mudiic ka ahaa Laanta Carabiga ee Radio Muqdisho.

Dugsiga sare markii aan ahaa ayaan annaga oon is arag hawada iska barannay. Waxaa iskeen baray qoraalladiisa. Ardaynimada iyo ka dib ma dhicin in aan wargeyska ku arko cinwaan uu qoray Siciid Cabdisalaan oo aan ka gudbo aniga oo aan akhrin. Haddii markaa aanan akhrin karin, waxaan ku ridan jiray boorsadeyda, mana seexan jirin habeenkaas aniga oo aan akhrin qormada Siciid.

Waxa ugu yar oo aan ka faa’iidaa waxay ahayd in aan ku raaxeysto akhrinteeda, waxna ka kororsado curinta iyo fanka iyo farshaxanka qoraalka.

Markii aan Warfaafinta ku biiray, inkasta oo aynaan isku sheeko ahayn, haddana si shakhsi ah ayaan isu barannay. Nin aad caato u ah, habeen iyo maalin mar kasta iyo meel kasta ay dhexdu u dhuuqsan tahay, oo aad u lebbis qurxoon, timo weyn oo afro ah oo caddaan ah leh ayuu ahaa. Nin ixtiraam badan, akhris badan, sheekoole ah, faraxsan oo xikmad iyo qosol badan ayuu ahaa.

Allah ha u naxariisto Siciid.

Sheekooyinka Siciid

Waxaan xusuustaa waraaq uu ku daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar oo uu kula hadlayo askariga dagaallamaya ee dalka daafacaya.

Hadal guubaabo ah oo qurux badan oo uu qoray wuxuu ku gunaanaday in aanuu sii wadi karin qoraalka. In ay qalinka ka qabatay hooyadii ( ayaan u maleynayaa in ay ahayd) oo isaga ku careysan.

Waxay igu leedahay, ayuu yiri, wax-ma-tareyahow, hadalka badan ka jooji oo ha iga mashquulin geesiga i daafacaya

Waxaa kale oo aan in yar ka xusuustaa sheeko iyaduna qiiro lahayd oo uu ka qoray mar uu bas ka raacay Muqdisho isaga oo u socda Baraawe.

Nin rakaabka ka mid ah oo ka soo laabtay dagaalkii 1977 ayaa ka sheekeynayay. Dadkii baska la saarnaa ayuu si xamaasad leh ugu warramay. Qiirada ninka ka muuqatay iyo sida uu u dareensiiyay dadka baska saaran ilaa uu baska gudihiisa ka dhigay sida goobtii dagaalka, oo dadka aad mooddo in qaarkood ay difaac ku jiraan, halka qaar kalena ay weerar yihiin oo hub kala duwan ay ridayaan iyo sida Siciid qalinkiisu u muujiyay dareenka dadweynaha baska saarnaa, waxay ahaayeen kuwo ka go’i waayay xusuusteyda

Sheekada Siciid Cabdisalaan ee aan doonayo in inta aan ka xusuusto iyo sida aan u xusuusto aan kula wadaago wuxuu cinwaan uga dhigay:

Adeer ma Eey baa loo naxariistaa?

Haddii ay haba yaraatee in yar aan ka weeciyo waddadii uu marsiiyay, ma ahan ula kac ee waa xusuus xumo.

Wuxuu ku billaabay tilmaan isagu iska bixiyay. In uu yahay nin madaxu caddaaday. Ay timihiisa inta yar ee weli uu midabkoodu madow yahay ay marti u yihiin caddaanka ka tirada badan ee hareereeyay.

In uu ka shaqeeyo Wasaaradda Warfaafinta. In aanuu gaari lahayn. Shaqada marka uu ka rawaxo uu lugeeyo. In iyada oo ay qorraxdu kulushahay marka uu albaabka Wasaaradda ka baxo uu waddada gooyo oo uu midig ula leexdo hooska billowga ah ee galabnimo ee derbiga Taliska iyo guryaha booliiska. In uu halkaa ka billaabo in uu ku lugeeyo isaga oo gidaarka isku nabaya si uu hooska uga faa’iideysto. In sida uu hoosba hoos ugu dhiibayo asaga oo marba wax ka fekeraya uu aakhirka tago gurigiisa oo uu ku yaalla Buurta Wardhiigleey.

Wuxuu sheegay in isaga waddadaas ku jira oo fekeraya kuna dhow meel ay laba waddo isku goyso uu arkay dhagxaan duuleysa oo waddada ay ku soo tuurayaan cid aan markaa isaga u muuqan. In markii uu dhagxaantii ka gambaday uu arkay eey dhegaha taagaya oo ka soo cararaya dhanka dhagxaanta laga soo tuurayo. Eeyga marka ay is dhaafeen, ayaa waxaa igu soo baxay, ayuu yiri,  wiilal ceyrsanaya oo tuuryeynaya eeyga.

Ciyaalkii ayaan joojiyay ayuu yiri, weydiiyayna waxa ay ka rabaan eeyga.  Midkii ugu madax fiiqnaa ayaa ku jawaabay su’aal kale.

Adeer waa eey! Ma eey baa loo naxariistaa?

Waxay taasi igu kalliftay ayuu yiri in aan ciyaalkii dib u celiyo, geeeyo beerta Daraawiishta. Aan geed hooskiis la fariisto. Uga sheekeeyo faa’iidada eeyga, iyo in uu yahay saaxiibka Aaadanaha.

Qoraalkaas waxay dadka qaar ay u fasirteen in Siciid uu ku dan sheeganayay. In uu sheegayo muddada dheer uu shaqeynay iyo sida loola dhaqmayay.

Anigu ma arkin Siciid oo fasiraya sheekadaas iyo cid fairaddaas isaga ka xaqiijisay.

Siciid waxaan xusuustaa in dhowr jeer la xiray. Wax uu qoray ama uu yiri, ayaan u qabaa in ay ahaayd sababtu, laakiin ma hubo.

Aan u wada duceyno. Allah Jannada ha ugu bishaareeyo. Qoyskiisa, ehelkiisa iyo inta qoraalladiisa ku xirnayd sabir Allah ha ka siiyo.

Yusuf Garaad