Awood maroorsiga Farmaajo waa burburka Soomaaliya

Shaki kuma jiro in warka Wasiirka cir ka yeerka ah ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Mudane Cusman Abukar Dubbe ee ah “inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay DFS iyo DG kana socday Tendhada Afisiyoni,” uu qalbi jab ku yahay shacabka Soomaaliyeed.

Faallo Keydmedia Online
Awood maroorsiga Farmaajo waa burburka Soomaaliya

Xaqiiqadu waxay tahay in dadka intooda ban ay horey u saadaaliyeen in Farmajo marna oggolaan doonin doorasho heshiis lagu yahay, xeerkeedu cad yahay, daahfuran, xor iyo xalaal ah, ka hufan boobkii iyo musuqmaasuqa ka dhacay doorashooyinka dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle oo DF mas’uulka ka aheyd. Doorashada federaalka waa mid saameyn xoog leh ku leh aayaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan arrimaha hoos ku qoran:

1. 100% waa been in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Farmajo ka shaqeeyay, soo jeediyay doorasho hal qof iyo cod (HQHC) oo waafaqsan dastuurka kmg iyo mabaadi’da iyo habraaca u degsan doorashada HQHC oo adduunka looga dhaqmo. Farmajo wuxuu taageray xeer doorasho jacbur ah oo isugu jira awood qaybsiga beelaha 4.5, xisbiyo sharcigooda iyo dhismahooda sannado qaadanayo, Madaxweyne shacabka dooranayo, taaso khilaafsan dastuurka kmg. Waa mas’uuliyad darro iyo munaafaqnimo in lagu celceliyo In farmajo calan wade ka ahaa sharci doorasho HQHC. Sharciga uu saxiixay ee lagu summaday doorashada HQHC waa sharci aan la fulin karin xitaa haddii 3 sano laga shaqeeyo.

2. Heshiiska doorashada dadban ee lagu heshiiyay 17ka Setember 2020 iyo talo jeedinta farsamo ee shirka Baydhabo 16 Febraayo 2021 oo dhusamareb-4 laga soo xigtay, ay dhammaan ku suura galeen cadaadiska beesha caalamka iyo dadaalka Madaxweyne Sicid Cabdullahi Deni sida marar badan Farmajo sheegay. Farmajo kuma laha gacan.

3. Heshiiska doorashada 17ka Setember kuma jirin qodob dhigaya in Madaxweynaha iyo Barlamaanka federaalka jirayaan ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne iyo barlamaan cusub. Qodobkaas oo khilaafsan dastuurka kmg, siyaasadda xasilinta dalka, iyo heshiiska doorashada dhexmaray DF iyo DG, waxaa ku kordhiyay Barlamaanka Federaalka oo aan tixgelin in qoddobada ku saabsan muddo xileedka Barlamaanka iyo Madaxweynaha ay yihiin kuwo xasaasi ah oo aan marna si degdeg ah loo beddeli karin, isla markaana lama raacin qodobka 132 ee wax ka beddelka dastuurka kmg. Ma waafaqsana sharciga iyo hab maamulka in qodobka muddo kordhinta lagu lifaaqo heshiis siyaasadeed ee ku saabsan doorashada dadban 2020/2021. Ma jiro qiil lagu celiyo qalad shalay laga dooday inuusan dib dambe u dhicin.

4. 100% waa been aan raad laheyn in la yiraahdo firaaqo dastuur ayaa dhaceysa haddii Madaxweynaha iyo Barlamaanka federaalka laga joojiyo adeegsiga, ku dhaqanka awoodaha ku qoran qodobbada 56, 57, 61, 63, 66, 69, 71, 74, 80, 81, iyo 90. Qodobbadaas waxay ku saabsan yihiin xilalka iyo awoodaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha federaalka. Inaysan firaaqo dhaceyn waxaa caddeynaya qodobbada kala ah 67 ee ku saabsan kala diridda Golaha Shacbiga marka ay dhammaato muddo xileedkiisa iyo 103 ee ku saabsan in Xukuumadda xilgaarsiinta hayneyso xilka oo ay ku jirto ilaalinta howlgalka 4 ciidaan ee dastuurka oggol yahay: booliska, Nabadsugidda, Mileteriga, iyo Asluubta iyo hirgelinta doorashada dadban. Sidaa awgeed, ma jirto wax yiraahdo firaaqo dastuur marka Madaxweynaha iyo Barlamaanka Federaalka ka dhammaato muddo xileedkiisa, kana waantoobaan inay u dhaqmaan sida barlamaan iyo Madaxweyne sharciyad haysta.

5. DF waxay musuqmaasuqday fulinta heshiiska 17 Setember 2020, waxayna soo saartay habraac khilaafsan hadafka iyo nuxurka heshiiska iyo doorasho hufan, waxayna ka caga jiiday inay wax ka qabto cabashooyinka mucaaradka iyo waxgaradka ka soo jeediyeen musuqmaasuqa habraaca fulinta ilaa dhusamareb-4 oo farmajo cagta ku dhuftay. Halkaas waxaa ku lumay 4 bilood iyo maalmo ilaa laga gaarayo 8da Febraayo oo ku ekaa xilka Madaxweyne ee Farmajo. Waxaa kaloo rasmi ah in farmajo ka baxay fulinta is afgarad laga gaaray Gobolka Gedo oo asaga lagu sharfay inuu si hoose wax uga qabto qaska uu ka abuuray Gobolkaas oo ka tirsan DG Jubbaland. Nasiib darro, waxaa mucjiso ah inuu qaskaas marayo heer dagaal sokeeye dhawaan u bilowdo halkii la sugayay isu soo dhowaansho iyo dib u heshiisiin.

6. Wuxuu dagaal ku qaaday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, kana horkeenay Guddoomiye ku xigeenka 2aad oo ay isku beel yihiin iyo qayb ka mid ah Xildhibannada Aqalka Sare oo naasnuujin iyo qabiilnimo lagu kasbaday, taaso keentay in farmajo curyaamiyo shaqadii Aqalka Sare. Waa dambi qaran ee farmajo ka galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

7. Farmajo ma aqoonsana xaqa iyo xorriyada mucaaradka leeyihiin, ku cad dastuurka kmg, ku dhisan nidaamka dimoqradiga ah. Ma jiro nidaam garsoor oo ilaalinaya xuquuqda mucaaradka, isla markaana xakameynaya xadgudubyada DF, gaar ahaan Farmajo. Sidaa awgeed, mucaaradka waxay ku khasban yihiin inay adeegsadaan xeelad kasta re xuquuqdooda iyo xorriyadahooda ku difaacan karaan.

8. Farmajo ma aqoonsana go’annada Golaha Ammaanka sida go’annada 2568(2021), 2520(2020), 2472(2019), kuwaaso xusaya ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada, gobannimada, iyo dhammida dhulka soomaaliya, adeegsiga qodobka VII ee Axdiga QM, iyo iska kaabidda iyo wada sgaqeynta DF iyo DG. Sidaas oo kale farmajo ma aqoonsana kaalinta dhexdhexaadin iyo wada shaqeyn xafiiska QM (UNSOM) oo faracyo ku leh dhammaan magaalo madaxyada DG, Ciidammada AMISOM, iyo beesha caalamka ee bixisa dhaqaalaha ku baxa dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed. Afartii sano ee soo dhaafay waxaa qashinka lagu riday heshiisyadii nabadgelyada iyo Isbaheysiga ( security pact and partnership agreement) ee lagu gaaray shirkii London May 11, 2017. Aqoonsi la’aantaas waxaa dhaxlay dib u dhac ay adag tahay in 10ka sano ee soo socda laga soo kabto.

Arrimaha sababta u ah fashilka Shirka Tendhada Afisiyoni waxaa ka mid ah:

1. Farmajo oo Barlamaanka Federaalka ka qaaday gudashada xilkiisa sharci dejinta, mataaladda dadweynaha, iyo kor joogteynta Xukuumadda. Waxaa xoog xilkii looga qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Maxamed Sheikh Cosman Jawaari, waxaana guddoonka iyo Xildhibaannada badankooda noqdeen taagerayaasha Farmajo kaddib markii la siiyay xilal Golaha Wasiirrada iyo dhaqaale ka baxsan midka sharciga oggol yahay.

2. Farmajo oo aan akhrin, fahmin, ama aaminsaneyn dastuurka kmg uu ku dhaartay ilaalintiisa, una qaatay in DG hoos imaanayaan (subordinate), ka amar qaadanayaan DF halka DG yihiin saamiley ( stakeholders) miiska DF dhinacyada ka fadhiya. Afar sano wuxuu ku lumiyay doorasho musuqmaasuqa ah ee Madaxda DG lagu beddelayo si ay u noqdaan hoos joogayaasha DF, ugana amar qaataan farmajo waqtiga doorashada federaalka.

3. Madaama Farmajo Ku lumiyay waqti dheer la dagaalanka DG iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca, wuxuu go’aansaday inuu helo waqti kororsi khilaafsan dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah. Wuxuu ku dadaalay inuu qaso dadaalka heshiis doorasho ku dhacda waqtigeeda. Wuxuu hor istaagay dhexdhexaadin caalamiga ah si dhaqso loo xalliyo khilaafaadka doorashada, isla markaana ma muujin dadaal iyo niyadsami xal lagu gaarayo.

4. Farmajo oo aaminsan inuu xoog ku muquunin karo mucaaradka iyo cid kasta ee aan la safan. Wuxuu abaabul ka wada Gedo si qas siyaasadeed iyo guluf dagaal loogu qaado DG Jubbaland. Sidaas oo kale, farmajo wuxuu DG Puntland ka wada abaabul kacdoon ka soo horjeeda Madaxweyne Sicid Deni. Waa adag tahay in doorasho nabadgelyo ah, heshiis lagu yahay ka dhacdo DFS inta farmajo sheeganayo xil Madaxweyne.

Dadweynaha Muqdisho waxay u diyaar garoobayaan kacdoon hubeysan madaama aysan muuqan rajo wada hadal lagu kalsoon yahay, daacadnimo ku jirto ee doorasho daahfuran ku dhacayso.

Ugu dambeyn, Puntland iyo Jubbaland ma soo jeedin shuruudo cusub. Waxay soo jeediyeen qodobbo asaas u ah fulinta heshiiska mabaadi’da doorashada dadban ee la gaaray 17 Setember 2020.

Golaha Ammaanka ee QM wuxuu soo jeediyay wada hadallo furan shuruud lagu xirin, loo dhan yahay (inclusive) - mucaarad, muxaafid, iyo bulsho ra’yid- dhaqsana loo hirgeliyo. Farmajo waxaa u cad waqti kororsi.

Doorashada waa tiir dhexaadka dowlad dimoqradi ah, nabad ah, haysata kalsoonida shacabka. Wadka Soomaaliya waa doorasho musuqmaasuqa ah.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 11 October 2021 21:53

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.