12/07/1993 "Restore Hope"

Duqowdii lagu dilay duqeynta diyaarado!

Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.

Faallo Keydmedia Online
Duqowdii lagu dilay duqeynta diyaarado!

Saameynta coronavirus (Covid19) inta badan waxaa la hadal-hayaa tan dhaqaale, oo shaqo, mushaar iwm ku xeeran, oo faca cusub raad adag ku reebidoonta, balse, waxa aan sidaa loo falanqayn, tan uu is la facan uga tagayo, oo xusuus la'aan ah, illeyn dadka cudurdkani uu dilay waxaa u badan da'da ka weyn konton, oo duqow lagu tirin karo.

Waxaan uga soconnaa, in bulsho dhibaato ku dhacda ay ugu weyn tahay, midda xusuusta soo jireen uga dhacda ama looga tuuro, taana anagu Soomaali ahaan burburkii iyo ka horba waxyeello ayuu nagu reebay, dhacdooyinkaa xanuunka badanna waxaa ka mid ah middan aan ka faalloonayno.

Waa horraantii sagaashamaadkii, ee boqolleydii tagtay, burburkii dawladdii dhexe iyo abaarihii ku dhuftay koofur, siiba Baay iyo Bakool, ka dib markii bakaarihii ugu keydsaneed cunnadu laga boobay. Dalku wuxuu la ciirciirayaa ciidamo shisheeye, oo Maraykan hormuud u ahaa, kuna joogay qorshe loo baxshay: 'Rajo soo celin', balse, noqday; 'rajul raacdaysi!'.

Damicii uu Maraykanku ku doonayey, in xeel iyo xoogba uu ku qabto Gen. Maxamad Faarax 'Caydiid' wuxuu sii cakiray isdiidkii Soomaali dhexyaallay, wuxuuna abuuray qilaaf sii murjiyey heerkii lagu sugnaa, oo ciidamadii huwanta ee Mareykanku u atooraynayey iyo isbahaysigii USC/SNA, oo dagaalkii u horreeyey uu ka dhexqarxay 5tii juun 1993, oo degmada Howlwadaag ay ku dhinteen 25 askari oo Pakistan u dhashay.

Dhacdadan ay ku dhinteen askarta Pakistan, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku oggolaaday, go'aan tirsigiisu ahaa '837' soo qaadashada Gen. Caydiid, dawladaha xubnaha ka ah QM lagu weydiistay, in ay diyaariyaan ciidamo dheeraad ah iyo qalab lagu soo qabto Ceydiid nolol ama geeri.

Is faham waagii jiray, dirirtii xigtay, ogeysiinta soo qabashada Gen. Caydiid waxay dhalisay, in xaalad dagaal toos ah la galo, oo isbahaysigii SNA iyo huwantii Maraynkanku wadatay dhexmaray, maxaa yeelay, waagaa Gen. Caydiid wuxuu ahaa qofka koowaad ee dunida loogu raadis badan yahay, dabagal iyo doollarna lagu baadigoobayey.

Marka, maanta oo kale, 27 gu' ka hor, barqanimo isniinaad, 12 July 1993, ayaa ciidamada Maraykanku waxay duqeyn u geysteen guri dhabarka danbe uga yaalla xaruntii hoggaanka SNA (Somali National Alliance), ayna ku shirsanaayeen madax, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, odoyaal dhaqan, waxgarad iyo waxgal Soomaaliyeed oo ka tirsanaa hoggaankii USC/SNA, una badnaa Hawiye, gaar ahaan Habar Gidir. Maraykanku waxaa dhici karta, in ay ka war hayeen, in shirka uu ka soo qeybgelidoono Gen. Caydiid, oo ay huwantu raadinayeen.

Xogaha qaar ayaa tilmaamaya, in Gen. Bruno Loi, oo ahaa taliyihii ciidanka Talyaaniga, uu Gen. Caydiid ku wargeliyey, in uusan tegin shirkaas, halkan Gen. Caydiidna uu dadkii faray, in la banneeyo goobta, laguna ka la tago shirka, hadana, daqiiqado ka dib waxaa billaabatay musiibadii loo bixiyey 'ISNIINTII DHIIGGA’; (BLOODY MONDAY).

Is la markiiba 2 diyaarad qummaati u kac ah iyo AC130, Black Hawk Down ayaa gantaalkii u horreyey la beegsadey Jaranjarada guriga laga fuulo, waxayna muddo 30 daqiiqa ahayd duqeyn cirka aheyd la dhacayeen guriga, iyagoo dhinacyada is ku wareegiyey, qofkii soo badbaadana ay tooganayeen ciidkanka Copra, ayna dheereed shiishka askar kale, oo saarnaa heli kobtarro ay ku xirnaayeen qoryaha mishigaanka. Waxaa lagu shirbay:

"Afar saac isniin eheey Indha beeshay Es En Ee 'SNA'”

Waxa loogu bixiyey isniinta dhiigga waxay tahay, in dhiigga qulqulkiisu uu sidii daad oo kale ahaa, oo dadkii u horreeyey, ee gurigaa galay, xinjir, xibno go'an iyo xabbado ma ahan wax kale indhahoodu uusan qaban, maxaa yeelay, waxay eheed duqeyn lagu gaaday, gantaal fulaynimo iyo gumaad loo bareeray!

Inta la hubo, isniintii dhiigga waxaa ku dhintay 75 qofood, oo isugu jiray labeentii bulshada iyo luddii beelaha, oo sida aan soo xusnay ahaa indhihii dadka Soomaaliyeed, oo aan ka xusi karno: Maxamad Xasan Qooje (Gud. Maxkamadda Gobolka Banaadir aabbihiis) SH. Maxamed Iimaan, C/qaadir Xaashi Dholodholo, Dr. C/kariin Sh. Yusuf Direed (Gud. SSNM), Col. Abshir Kaahiye Faarax, Suldaan Faarax Xasan, Maxamad Xaashi Cilmi Digool, Aadan Cartan, wariye Maxamad Yuusuf Cabdi 'Afgooye', Daahir Salaad Qaareey (mulaxamiiste C/kariin Jiir walaalkiis) IQKB.

Cambaarayn xooggan iyo canaan ayaa caalamku ka muujiyey dhacdadii 12 luulyo, ee lagu laayey indheergaradkii Soomaaliyeed, haddana, Robert Oakley iyo admiral Jonathan Howe oo ahaa hoggaankii howlgalladii fashilmey, waxay sheegeen, in ay rumaysan yihiin inay dileen cadowgii Maraykanka ee Soomaaliya joogey.

Waxgaradkii bulshada Soomaaliyeed, ee duqeynta fulaynimo lagu dilay, ayaa maalintii xigtay xabaal wadareed loogu aasay xabaalaha C/rashiid ee Tiribuunka Muqdisha. Waa uur-ku-taallo ummadeed oo ilaa maanta halkaas qotonta, marnana aan maankeenna ka go'ayn, maskaxdeennuna aysan sina ku illoobayn. Marka, baro sooyaalkaagii, qoro tagtadaadii, dhigo waayahaagii, keydso dhaxalkaagii, xusuuso halgankaagii. Ogow wixii aad soo martay, si aad u aqoonsato waxa aad ku sugan tahay.

Duqeynta Gen. Caydiid ka sokow, waxaa kale oo badbaaday dad ay ka mid yihiin; Cabdi Xasan Cawaale 'Qeybdiid', (Gud. guddiga 2 aqal ee Dastuurka), Nuur Taqsiin, Xasan Anteeno, oo saraakiil ciidan wada ahaa, sidoo kale, Prof Saalax Carab oo ka mid ahaa barayaashii Jaamcadda Ummadda. Dhanka kale, waxgaradka ka badbaaday qaarkood, barta kulanka waxay u heysteen guriga MW C/qaasim Salaad Xasan oo aan goobtaa ka fogeyn.

Gurigaa iyo gawaaridii wargaradku wadatayba waxay ku baabbe'een gantaalaha ay ridayeen diyaaradaha ay ka dhaceeyn hubkii ugu casrigaa xilligaa, oo ay ugu halis badneed Yuuraaniyoomka la qafiifay, oo dhimir iyo dhogorba waxyeellaynaya.

Dhanka kale, dadweyne caraysan ayaa dilay afar wariye oo Routers u shaqaynayey, una ka la dhashay Ingiriis iyo 3 Keenyaan ah, oo hotel Saxafina uga soo baxay, in ay tebiyaan dhacdada duqeynta lagu dilay duqeyda Soomaaliyeed.

Maalintaa wixii ka danbeeyey waxaa joogtoobay iska hor imaadyada iyo dagaallada lagula jiray huwanta, iyaguna ay duqeymo daa'imeed, balse markii uu dhacay dagaalkii 3-4 oktoobar ee lagu dilay askar u badan Maraykan, ayna ku geeriyoodeen boqollaal Soomaali ah, Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ka laabtey go'aankii tirsigiisu ahaa 837 ee farayey, in la soo qabto ama la dilo Gen. Caydiid. Ka labaashada soo qabashada Gen. Caydiid ayaa abuurtay xasillooni horseedday ka bixidda ciidamadii shisiheeyuhu uga guureen dalka, iyadoo askarigii ugu danbeeyey ka dhoofey dekedda magaalada Muqdisha 5tii March 1995, dhalisayna dhismihii dawladdii Salballaar, ee Gen. Caydiid madaxweyne ka noqday.

F.G: dagaalkii oktoobar mar baan si gooni ah uga faalloon doonnnaa..

Waxaa soo saaray: xarunta dhaqanka iyo suugaanta Shuuriye

W/D: Ina CUBTAN




Faallo 24 November 2020 1:08

Shan Mas’uul ee Dowladda N&N ee Madaxweyne Farmaajo tiir dhexaad u ah ma aqoonsana ama ma akhrininin ama ma fahmin tilmaamaha iyo nuxurka Dastuurka KMG ee hoggaaminaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.