Halmar ayuu iga wada dilay Aabahey, ahaana Saaxiibkeeygii

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Waxaa 12-ka bishan diseembar 2020 Aabaheey Maxamed Cismaan Cosoble (Muxumad Bidaar), askari boolis ah, oo  lagu magacaabo “Caana-Nuug” kana tirsan Saldhigga Wadajir, madaxna uu u yahay Taliye Siciid, taliyaha Saldhigga Wadajir, dhalayna nin sarkaal ah, ayaa ku dilay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Seey-Biyaano agteeda.

Halmar ayuu iga wada dilay Aabahey, ahaana Saaxiibkeeygii

Askartii la socotay ma eeysan qaban gacan-ku dhiiglaha!

Waxaan baaritaan hordhac ah ku ogaannay, in la rabay, in qofka dhintay lagu sheego inuu bajaajle ahaa, oo eey si “Kama’a ahna” ugu dhacday xabad “Al-Shabaab” loo waday, (Illeen Bajaajleeyda waa leeyska dilayey ayaamahan, lagana gudbayey), sidaana kiiskaba Isla maanta loo tirtiro, balse markii saraakiisha qaar, xaalka dhabta ah ogaadeen, Aabana aqoonsadeen, ayey askarigii baxsadka ahaa, gadaal baadi-goobkiisa ka galeen.Waloow macluumaadkiisa oo dhameeystiran hadaba la haayo, isagiina lagu raad-joogo.

Sida la ii sheegay Aabe wuxuu damcay inuu askarigaa, oo qoray la waalanayay/maahsanayey, oo rabay inuu dilo bajaajle laga gardarnaa, oo bajaajtiisa uu ku dhacay bajaajle kale, balse askarigan uu dharbaaxay, miskiinkii laga gardarraa, ayuu Aabe isku dayey, inuu badbaadiyo Bajaajlaha, isagoo ku kala dhex jiroo leh “Walaaloow maxaad ku dharbaaxday, isagaaba laga gardarnaaye, bal walaaloow ha dilin, walaaloow maxaad ku dileeysaa!?”, ayuu Nasiibdarro! Aabaheey xabad ku dhuftay, isla xabadaasoo Bajaajlihiina dhaawac halis ah galisay. Aabe nafba dhulka lama dhicin, Bajaajlihiina waa sakaraat, Allaha ka badbaadiyee.

Aabe wuxuu aad u necbaa dulmiga, ismana celin karin, markuu arko bini’aadam la dulminayo, ama loo xoog-sheeganayo, ma maleynkareeysid inta aan gacanta soo qabtay, isagoo qof la dulminayo darteed, naftiisa halis weyn u galinaya.

Aabe aad ayaan isugu dhaweyn. Wuxuu ahaa waalid  waxkasta ila jecel, waxkastana u huray inaan waxnoqdo. Wuxuu waxkasta u horay waxbarashadeena. Wuxuu aad u aaminsanaa waxbarida caruurtiisa, waxkastoo awoodiisa ahna ku bixin jiray. Waxaan kala tashan jiray waxkasta, waxaan ku qarsan jiray waxkasta, waxaana wada hadli jirnay maalin kasta (Everyday literally). Waxaan isla wadnay mashaariic dhowr ah, oo Aabe iyo anigaba aan aad ula wada dhacdaneyn, Allaahse ma qadarin, inaan isla wada dhameeyno.

Sifada ugu muhiimsane aabe lagu yaqaannay, waxeey aheyd inuu ahaa Xalaal-Quute (Warac). Xoolaha islaameed, wuxuu uga taxadari jiray, si aan caadi aheyn, geeri ayuu ka xigay xoolo bini’aadam, waa sababta ummad badanoo ammaanadiisa la dhacay, waxbadan ugu aamintay.

Wuxuu  Aabe ahaa qof  dalkiisa jecel, dhowr mar ayuu iga diiday, inaan Mareeykan keeno, waloow aanan ka quusan. Laba isbuuc ka hor, ayuu waxyar iisoo dabcay, bal inuu bil ama bilo, ilasoo joogo, green card-kana sooqaato, si caafimaad ahaan uu uga faa’ideeysto, lacalla haduu u baahdo.

Shalaydan ayaan qoyskeeyga baasaboorada uwada sameeynayey, maadaama aan maleeynayey,  ineeysan ii fududeyn in Aabe Mareeykan yimaado, oo eey halkan isku arkaan qoyska, sidaa daraadeed ayaan go’aansaday, inaan xagga ugu geeyo. Nasiibdarro! Waxaa qorneyd ineeysan si live ah isu aragnba. Qaddarallaah, wamaa shaa’a facal.

Aabe wuxuu usoo joogay waxkastoo dalka ka dhacay, meelna ugama qixin. Xilliyadii Xamar ugu xumeyd wuu joogay, sida: Dagaalkii 4ta bilood, Caga-Barartii, iyo waliba xilligii Itoobiyaanka xasuuqa ba’an Xamar iyo agagaarkeeda ka geeysanayeen. Halis aad ufarabadan wuu galay, illaa mar darbigii lagu dili lahaa la istaajiyey, Allaah ayaa ka badbaadiyey, balse maanta ayaa tiisii gashay. Gacan ka xaq-daranna ku baxay. Wallee qofna maalintiisa ma dhaafayo.

Aabe wuxuu ahaa qof Alle ka cabsi badan. Diinta ku dhaqankeeda aan gorgortan ka galin, kutubada ku tixma, salaada masaajidka ku tukada, xitaa markuu xanuun la ildaran yahay. Markii iigu horeeysey oo anoo aad u da’yar qurbe waxbarasho leeygu dirayey, waxa kaliya ee uu igala dardaarmey waxeey aheyd, inaan diinteeyda ku dhaganaado, oon salaada Allaah xifdiyo, dabcan si dhab ahna wax usoo barto.

Wuxuu aad baarri ugu ahaa labadiisa waalid iyo adeerkiisii soo koriyey, oo uu aad u jeclaa (Awoowe Axmed Cosoble-AUN). Waalidkiis duco ayey faraqa uga buuxiyeen, siduu innagaba inoogu wada duceeyey.

Aabe aad iyo aad ayuu u sadaqo badnaa. Wuxuu jeclaa qofkii dhibaateeysan inuu wax siiyo, isagaba haka aradnaadee, anigana wuxuu igu dhiira-galin jiray, inaan in badan riximka xiriiriyo, in badanna wax diro. Waligeey ma arkin gurigeennii aan kusoo koray, oo inta uu Aabe dhalay oo kaliya ku nooshahay. Guriga waligiis wuxuu ahaa illaa iyo maantana yahay, kaam/xero rixim badan kuwada nool yihiin, lagu dhaqaaleeyo, waxna lagu baro. Wuxuu waligiis igu dhihi jiray, “Aabo hadaan heeysto wacaan cuno, iyo waxaan sadaqeeysto, intaas ayaa iga badan!”. Shalay 10-kii subaxnimo, xilliga Mareeykanka, oo aan wada hadalnay, wuxuu igala hadlay masaajid weyn, oo laga dhisayo, dhul uu waqfay Adeer Ismaaciil gooni. Wuxuu qorsheeynayey, inuu shamiido iyo carro labadiisii waalid ugu daro. Allaahu Akbar.

Askarigaa haduu ogaan lahaa, culeyska uu hayyo, ummada kor uwada fiirineeysa, iyo sida naftiisa waxkasta inagala qiima badan tahay, nagama dileen.Nasiibdarro! Ka weeyni ma jirto, in fudeyd iyo kibir dadka qiimaha leh la isaga dilo.Waloow aan ogaa meesha uu ku noolyahay dhibkeeda, hadana Waxaan rajo ka qabay in cimri dheer Allaah iisiiyo. Laakiin Al-Acmaaru biyadillaah.

Waxaa xanuun qofka ugu filan, waalidkaa oo aan qof sababsan, markuu xanuun ama mowtul faja’a kaaga dhinto, kawaran hadii meel dheer adigoo ku maqan, marka laguusoo sheego in la dilay, waliba kibir iyo badraannimo xabad la isaga dhuftay?

Aabe wuxuu ka tagay bahdeena weyn oo 5 ah (3-Wiil iyo 2 gabar), iyo bah yaryar, oo iyana 4 ah ( 2 wiil iyo 2 gabar), iyo labadeena hooyooyin, oo wada nool.

Qoyska, qaraabada, xigtada iyo xigaalada, asxaabta, ardeydeeyda, iyo dhamaan inta magaca Aabe iyo muuqaalkiisa taqaannay, ee iisoo tacsiyeysey waxaan idin leeyahay Jazakumullahu khaira.

Ugu dambeyn, Aabe Allaha unaxariisto, kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo, dambigiisa iyo dambi waalidkiisb Allaha dhaafo, Janmatul Firdoowsa Allaha ku abaal mariyo, anagana gadaashiis Allaah nama fidneeyo.Allahuma Aamiin.

C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)




Faallo 27 November 2021 11:12

Afartii sano ee u dambeysay waxaa na soo maray dhaqan xumo siyaasadeed tii ugu darneed; waxaa la hirgeliyey qorshe ku dhisan it’s our turn to eat-waa markeenii ee aan cuno.