Shariif Sheekh Axmed

Mabda’ la’aan iyo muufeysi siyaasadeed

Editorial Keydmedia Online

Firfircoonaantiisii dhallinyaranimo iyo ku soo beeganka xilli adag oo xal rasmi ah loo baahnaa, ayaa Shariif Sheekh Axmed, ka dhigtay shaqsi muuqda oo ka soo dhex dhalaalay siyaasadda Soomaaliya, 15 sano ka hor, taas  oo u suuragalisay inuu majaraha u  qabto [Dowlad Midnimo Qaran] sanadkii 2009.

Mabda’ la’aan iyo muufeysi siyaasadeed

Inkastoo lagu amaano inuu dib u soo nooleeyay qeyb ka mid ah hay’adaha dowliga ah, soona celiyay kala danbeyn dowladeed oo aan qudheedu buurneyn, inta badan degmooyinka caasimaddana ka saaray Al-Shabaab, hadana waxaa la rumeysan yahay in uusan fulin filashooyinkii mihiimka ahaa ee umaddu sugeysay.

Wax-qabadkiisi iyo qaladaadkii uu galay intii uu xilka hayay, qoraallo badan ayaa laga sameeyay, waana tagto bogag togan iyo bayjaj tabanba leh, hayeeshee, qoraalkaan Keydmedia Online waxa ay ku dul istaageysaa gabidhacleynta iyo is-gadgaddinta mowqifkiisa siyaasadeed ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay.

Labadii kal doorasho ee la soo dhaafay [2012 & 2017] Shariif, waxaa looga adkaaday tartmanta kursiga ugu sarreeya dalka, waxaana muddo xileedka danbe majaraha qabtay Maxamed Cabdullhi Farmaajo, oo uu isagu soo galiyay siyaasadda, dabayaaqasii 2010-kii.

Mar kale, Shariif, wuxuu hormuud u ahaa, siyaasiyiin diiddanaa soo laabashada MW Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo wareeggii u danbeeyay ee doorashadii 2017, codad badan siiyay Farmaajo, si uu u noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Ninka dila abeesee, ubadkeeda deystee, daajiyee rabbaystaa dib u qoomameeyee”. Runtii labadaas go’aan ee Shariif ku garab istaagay Farmaajo, waa la eeday, oo gaar ahaan dadkiisa iyo degaankiisa ayaa ka qoomameeyay.

Yeelkeede, Shariif, kama mid noqon siyaasiyiin si deg deg ah ugu baraarugay fidnada uu la soo hig lahaa Farmaajo, ee kali-talisnimada iyo kursi isku dhajintu ugu horreyso, wuxuuna muddo labo sano ah, si aan qarsoodi ahayn taageero ugu ahaa kooxda Farmaajo.

Kadib, beegsi gooni ah iyo bartilmaameedsi gaar ah oo ka dhan ahaa, isaga iyo siyaasiyiin kale, Shariif, wuxuu ku dhaartay in haddii kooxda Farmaajo joojin waayaan gabood-fallada iyo shiddada ay dalka ku hayaan la marsiin doono, jidkii hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray.

“Magaaladaan mooryaan ayaa heysan jirtay waa lala dagaallamay waa la bixiyay, Itoobiyaan ayaa soo galay waa la bixiyay, Al-Shabaab ayaa qabsaday waana laga saara, maka xoog badan yihiin?, "Wallahi Thuma Wallaahi [3X] haddeysan joojin waa bixineynaa”. Ayuu yiri dhamaadkii 2019, kadib markii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u diideen inuu u safro Hiiraan.

Dhaartaas oo hami iyo hiddidiilo galisay dadka dhibban ee reer Muqdisho, waxuu Shariif ka soo qaaday wax kama jiraan, wuxuuna xilliyo kala duwan hor istaagay go’aanno ay xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta oo uu guddoomiye u yahay qorsheeyeen in ay ku hor istaagaan sharci ku tumashada Farmaajo.

Maadaama uu hore u maray kitaabbo badan, isagoo dano siyaasadeed leh, wuxuu rumeysan yahay in ku dhaarashada magaca alle, iyadoo aan la fulin doonin u jeedka laga leeyahay in lagu gaaro mansab, waase riyo maalmeed aan maan-gal ahayn.

Sheekh Shariif, wuxuu billowgii sanadkaan, dhowr kulan oo qarsoodi ah la qaatay Fahad Yaasiin, kaas oo ka xaal-mariyay gabood-fallo uu hore ugu geystay, halka ay khadka taleefanka ku wadahadleen Farmaajo, taas oo keentay inuu dalka ka baxo xilligii uu socday abaabulkii Badbaado Qaran.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxa ay Shariif weydiisteen in uusan qeyb ka noqon xubnaha mucaaradka ee awoodda ciidan kala hor imaanaya muddo kordhinta, maadaama ciidanka XDS, intoodana la qoray intii uu xilka hayay, una badan yihiin beesha uu ka dhashay ee deggan Shabeelha hoose iyo gobolka banaadir.

Heshiis-kaas, wuu galay, wuxuuna dadaal xooggan ku bixiyay in saraakiisha Muddullood, aysan qeyb ka noqon abuubulkii Badbaado Qaran, hayeeshee, waxaa ka awood batay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, oo door dahabi ah ka cayaaray in dalka laga badbaadiyo muddo kordhintii sharci darrada ahayd.

Sida Keydmedia Online ay ka soo xigatay mid ka mid ah taliyayaashii hore ee NISA, xilligaas Sheekh Shariif, wuxuu dacwo ka dhan ah MW Xasan Sheekh, RW Xasan Cali iyo Hoggaamiye CC Warsame u gudbiyay wakiillada beesha calamka ee Xalane jooga isagoo ku eedeeyay in ay yihiin dagaal ooge-yaal, soona jeediyay in loo aqoonsado qas-wadayaal.

Warbixinno hoose oo xilligaas soo baxay waxa ay caddeynayeen inuu doonayay hirgalinta muddo kordhintii April, hayeeshee, uu dalka ku soo laabtay dabayaaqadii bishaas, kadib markii caasimaddu marti-galisay kacdoonkii badbaadada qaranka, wuxuuna Shariif, mar kale qeyb ka noqday shaqsiyaadkii gaagixiyay kifaaxii soo if-baxay. 

24 November 2021, wuxuu iska bari yeelay go’aannada Murashixiinta kale, wuxuuna taageeray bilowga doorashada Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad JFS, xilli inta badan xubnaha mucaaradka ay muujinayeen walaac ku aaddan hannaanka boobka ah ee  lagu daah-furay doorashada.

Billowgii bishii October, Sheekh Shariif, waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay barasha bulshada, kadib markii uu bannaanka u soo baxay war sheegaya inuu Mucaaradka ka codsaday in ay doortaan hoggaan kale, isla-markaana uu isagu iska casilayo xilka Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixinta.

Shariif, wuxuu ka mid yahay dhowr siyaasi, oo aan ka hadlin shaqo ka raacdeynii eedeysane, Fahad Yaasiin, wuxuuna si aan looga baran oo si weyn kaga duwan shirarkiisii jaraa’id ee hore uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacanta Fahad Yaasiin.

Xisbiga Himilo Qaran, ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore , ayaa dhawan si buuxda u caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan hannaanka boobka ah, waxayna sheegen in ay Rooble kala hadleen dardargalinta doorashada, taas oo ka dhigan in ay ka madax bannaan yihiin go’aanka ka soo baxay Musharixiinta ee ku aaddan hakinta doorashada.

Sheekh Shariif Shiikh Axmed, ayaa la xasuustaa xilligii uu ahaa, Guddoomiyihii Guddiga Fulinta Golahii Maxaakiimta, inuu billawgii 2007 isku dhiibey Kenya, taas oo lagu tilmaamay khiyaano uu ku sameeyay Golahii Maxaakiimta.

Habdhaqanka Sheekh Shariif, wuxuu ka turjumayaa in uusan lahayn siyaasad sal-fadhisa, iyo mabda’ adag, waxaana muddo kadib lagu baraarugay midibbada badan ee uu kula dhex jiro siyaasadda.

KEYDMEDIA ONLINE




Editorial 29 April 2022 13:51

Somalia is on the move. It is pushing for foreign investment, and large infrastructure projects are changing the face of its scarred capital city, Mogadishu. These developments could promise better fortunes for Somalis as the country emerges from the Covid-19 pandemic