Rooble daacad uma ahan dastuurka

Rooble iyo Dastuurka

Faallo Mohamud M Uluso

Mushkiladda ugu weyn ee maanta ka taagan Soomaaliya waa dib u dhaca qabashada doorashada Xildhibannada Barlamaanka Federaalka iyo doorashada Madaxweynaha JFS, doorashooyinkaaso sharci ahaan la sugayay inay dhammaadaan 7 Febraayo 2021 ka hor, 4 bilood ayaa la dhaafay.

Rooble iyo Dastuurka

Sababta mushkiladdaas waxay tahay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday 4 bilood ka hor ayaa ah mas’uulka laga sugayay hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah, haseyeeshe aaminsan inuusan jirin muddo xileed ka dhammaaday iyo inaysan jirin cid wax ka qaban karta sharcidarrada uu xilka Madaxweynaha ku haysto. Doorashada uu oggol yahay inay dhacdo waa mid xaqiijineysa xukun haysashadiisa. Waa musiibo ummadda Soomaaliyeed la soo gudboonaatay.

Dadaal badan kaddib, hoggaaminta xalka Mushkiladdaas oo ah qabashada degdegga ah ee doorasho xor iyo xalaal ah waxaa Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ku aaminen RW Xussein M Roble oo ay la garab istaageen hiil iyo ammaan haseyeeshe bannaanka la taagan in aammanta iyo taagerada asaga lala garab istaagay uu leeyahay ama mudan yahay Maxamed Cabdullaahi farmajo, taaso macnaheedu yahay inuu ku shaqeynayo talada, tusaalaha, iyo awaamirta farmajo oo boqolkiiba boqol ka soo horjeeda qabashada doorasho hufan.

Ma muuqato in RW Roble daacad u yahay dastuurka kmg ama ka go’an tahay in dadka iyo dalka Soomaaliya ka badbaadiyo halista uu qarka u saaran yahay. Shacabka Soomaaliyeed ma oggola in sharcidarro lagu xukumo. 

Waxaa marar badan hoosta laga xariiqay in inta Farmajo sheeganayo xilka iyo awoodaha Madaxweyne aan sharciga aheyn kaddib markii muddo xileedkiisii dhammaaday, RW Roblena uu ka amar qaadanayo ee uusan daacad u aheyn dastuurka qaranka, suura gal ma noqoneyso in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hufan, nabad ah, daahfuran. 

Halkii la sugayay dardargelinta dhammeystirka howlaha doorashada, waxaa socda qalalaase siyaasadeed iyo kuwa maamul oo lagu hakinayo hirgelinta heshiiska doorashada la gaaray 27 Maajo 2021. Waxaa la bilaabay xil qaadista saraakil maamulka iyo Ciidammada iyo dhibaatooyin cusub oo abuuraya xasarado, waxaana curyaansan dhammaan howlaha dowladda Soomaaliya xagga nabadgelyada, dhaqaalaha, adeegga bulshada. 

Waxaa fidnooyin laga dhex hurinaya beelaha wada deggan Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, iyo Benadir. Arrimahaas waxay saameyn xun ku yeelanayaan maamulka iyo nabadda deegannada lagu qabanayo doorashada. 

RW Roble ilaa maanta sooma saarin wareegtadii laga sugay ee lagu dhaqangelinayay heshiiskii 10ka qodob ka koobnaa ee Ciidammada Badbaadada Qaranka ku dhaliyeen ka noqoshada muddo kororsiga 2da sano, looguna caleema saaray inuu hoggaamiyo si madax bannaan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Nasiib darro, RW Roble wuxuu abuuray shaki weyn inuu daacad ka yahay gudashada mas’uuliyaddaas loo caleema saaray, lagu aaminay. 

Waxaa lama huraan noqday in mar kale lagu dhaqmo doorashada dadban kaddib markii ay xaqiiqo biyo kama dhib caan ah noqotay inaysan suura gal aheyn qabashada doorashada toosan (halka qof iyo halka cod), inkastoo Madaxweyne hore farmajo iyo kooxda taagerta ay faafiyaan beenta ah inay doonayeen hirgelinta doorashada toosan. 

Heshiiskii 27 Maajo 2021 kaddib, muddo 13 maalmood ah waxaa lagu mashquulsan yahay magacaabista guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlado goboleedyada, guddiyada doorashada somaliland, iyo gobolka Benadir. Laga bilaabo bishii Setember 2020, mucaaradka waxay ka cabanayeen dhexdhexaadnimada guddiyada doorashada RW Roble magacaabay sababo xaq ahaa, haseyeeshe aan dheg jalaq loo siin. Ugu dambeyn, guddiyadii doorashada waxaa la kala diray kaddib markii Golaha Shacbiga Barlamaanka Federaalka iyo farmajo ku dhawaaqeen muddo kororsiga 2da sano ee sharcidarrada aheyd.  

Nasiib xumo, heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, iyo Gobolka Benadir 27kii Maajo 2021 waxaa lagu qoray in mucaaradka soo gudbiyaan xubnaha guddiyada doorashada ay cabashada ka qabaan, taaso aheyd gef weyn saddex sababood. Kow, guddiyadaas waa la kala diray, loomana baahneyn in dib loo soo celiyo. Labo, xafiiska RW waa hayay xogta dhabta ah ee xubnaha ay magacaabeen iyo sababaha looga cabanayay 11 bilood ka hor. Looma baahneyn dacwo oogid, madaama ay aheyd arrin maamul. Saddex, waxaa ku filnaa in Golaha Wadatashiga Qaranka magacaabo guddiyo doorasho cusub. 

Waxaa la yaab ah in markii mucaaradka gudbiyeen Xubnaha aan buuxin karin shuruudaha ka mid noqoshada guddiyada doorashada, Xafiiska RW wuxuu ku dhaqaaqay labo tallaabo oo ka soo horjeeda nidaamka doorashada iyo maamul wanaagga, kuwaaso ah faafinta magacyada Xubnaha laga shakiyay dhexdhexaadnimadooda iyo magacaabidda guddi Golaha Wasiirrada ka kooban oo baaraya, kaddibna go’aanka ka gaaraya. Labada tallaabo waxay ahaayeen maamulxumo dhaawaceysa daacadnimada RW Roble. Kalsooni ku qabid la’aanta qof garsoore doorasho uma baahna baaris. Guddiga Golaha Wasiirrada waxaa ka maqnaa shardiga dan ka la’aan ( lack of conflict of interest). 

Guddiga Wasiirrada waxay soo jeediyay beddelka 34 xubnood keli ah, halka 33 xubnood kale oo la soo eedeeyay inaysan dhexdhexaad aheyn la yiri waxay ka mid ahaanayaan guddiyada doorashada, taaso fashilineysa ujeedada guddiyada doorasho xalaal ah. 

Ku kalsoonaanta daacadnimada iyo dhexdhexaadnimada Xubnaha doorashada ma ahaan arrin go’aankeeda leedahay guddi wasiirro ama Xukuumadda. Haddii mucaaradka aysan kalsooni ku qabin xubin ka mid ah Guddiga doorashada, waxaa habboon in la raadiyo xubin kale ee lagu wada kalsoon yahay. Xubnaha loo xulo garsoorka dacwadaha Maxkamadaha, xubinta xeer ilaaliyaha ama garyaqaanka eedeysanaha diido sabab kasta laguma daro xeer beegta dhegeysaneysa, ka garnaqeysa dacwada, taaso abuureysa kalsooni lagu qabo go’aanka dacwada. 

Sidaa awged, waxaa qalad ah in RW Roble ku adkeysto in xubin la shaaciyay in mucaaradka ku kalsooneyn inay ka mid ahaato guddiyada doorashada oo mudda dheer murankooda socday, horeyna u muujiyay inay daacad u yihiin Farmajo oo lagu eedeynayo inuu boobay doorashada dowlad goboleedyada ka dhacay, haddana ka go’an tahay boobka doorashada Xildhibannada federaalka si uu ugu guuleysto doorashada xilka Madaxweynaha. 

Toddabada caqabadood ee horyaal qabashada doorasho hufan waxay yihiin: 

1. In RW Xussein Roble danwadaag la yahay kooxda Farmajo, Fahad, Mursal, Mudey, Mahdi iyo Xubnaha Golaha Wasiirrada oo raba inay haystaan xilalkooda ilaa ay ka hubsanayaan inay ku guuleysanayaan doorashada sida ay meel kasta ka sheegayaan. Ilaa hadda ma muuqato in RW Roble madax bannaan yahay, hirgelin karo doorasho xor iyo xalaal ah. Wuxuu aad u jilaya dhaqanka N&N caanka ku tahay. 

2. In RW Roble aqbalin inuu xilka ka qaado taliyayaasha Nabadsugidda, Booliska, Asluubta, iyo militeriga oo lagu soo eedeeyay inay horseed ka ahaayeen taagerada muddo kororsiga sharcidarrada ahaa ee beesha caalamka, ummaada Soomaaliyeed, iyo Ciidammada Badbaadada Qaranka hor istaageen. Xil ka qaadistaas waxay shardi u tahay qabashada doorasho hufan. Waxaa intaa dheer in taliyayaasha Nabadsugidda iyo militeriga lagu tuhunsan yahay inay lug lahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea, lana sheegay inay ka qayb galeen dagaalka dhexmaray Ciidammada Ethiopia iyo Eritrea oo wada jira iyo Ciidammada qowmiyadda Tigrea kana socda Gobolka Tigrega ee dalka Ethiopia. 

3. In la ballaarinayo qaska laga wado Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo oo ah deegaanka beesha farmajo u badan tahay;

4. In madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Koofur Galbed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir daacad u yihiin farmajo kana soo horjeedaan mucaaradka, taaso dhaawaceysa hufnaanta doorashada. 

5. In si ula kaca qalalaase siyaasadeed looga abuuray dowlad Goboleedka Hirshabelle qalalaasaaho maraya heer aad halis u ah. 

6. In qalalaase laga dhex abuuray siyaasiinta Soomaliland, isla markaana Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi dagaal joogta ah lagu hayo, taaso ah xadgudub aad u weyn.

7. In qalalaase cusub laga abuurayo dowlad goboleedka Puntland. 

Xalka degdegga ah wuxuu yahay in Maxamed  Farmaajo joojiyo qalalaasaha uu ka wada dalka oo dhan, isla markaana RW Roble ka soo dhalaalo gudashada xilka loo wakiishay ee ah hirgelinta doorashada dadban ee hufan, hufan, hufan. Haddii kale waxan shaki ku jirin ah in mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Muqdisho ee sharciyada haysan madaama muddo xileedkeedii dhammaaday ay isku dhacayaan mar kale si loo difaaco dastuurka kmg iyo xuquuqda siyaasadeed ee Mucaaradka. 

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 17 June 2021 9:53

Bashiir Cali Barre — Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid: "Qabyaalad, siyaasad iyo Diin gartaye dhaqanku waa midba?". Sidoo kale waxaa dhici karta inay ku cuntami waydo Qaabka ay Afartaasi isugu milmi [Qasmi] karaan, haddana, aa dhilee ila dhugo.