Saddexdaan Sheeko & Xalka Siyaasadeed ee Maanta Sidee Isu Qabtaan?

Wax la is jiidjiidaba, si loo maareeyo khilaafyada beryahan taagnaa, waxaa aakhirkii la isugu yimid Caasimadda Muqdisho oo gogol wada-hadal u taallaa Madaxda Soomaaliya ugu saraysa oo aan cid ka maqnayn si loogu gorfeeyo xalna looga gaadho arrimaha siyaasadeed ee ku gedaaman doorashooyinka soo socda.

Faallo Keydmedia Online
Saddexdaan Sheeko & Xalka Siyaasadeed ee Maanta Sidee Isu Qabtaan?

Ku: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

Ku: Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Puntland
Ku: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland
Ku: Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Ku: Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabeele
Ku: Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug
Ku: Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

SALAAN
Kolka hore salaan sharaf, milge iyo maamuus gobannimo baan idinku salaamay, ASCW.

Ma is weydiisay?
Haddiiba ay dhacdo inaad isweydiinayso waxa kalifay soo-jeedinta taladan, ama aad ka shaki qabtid talo madaxda loo jeediyaa waxay tari karto, waxaad ila eegtaa sheekadan kooban.

Ninkii Wiilashiisa Uga Tagay Dardaaranka

Waxaa la sheegay in uu nin 3 wiil oo uu dhalay uga tagay hanti badan. Waxaa uu si gaara uga tagay dardaaran qoraal ah isaga oo ka codsaday inay warqadda furaan goortii uu dhinto. Markuu dhintay bay wiilashii warqaddii dardaaranka fureen. Waxaa ku qoran in uu si gaara ugu qaybiyey 17 geela oo hantidiisa badan kamida waxaana uu ku dardaarmay in wiilka ugu weyn la siiyo kala bar 17ka geela ah (1/2), wiilka xigana la siiyo saddex-meelood meel (1/3) wiilka ugu yarna sagaal-meelood meel (1/9).
Haddaba, xisaab ahaan way suurtoobi wayday inay wiilashii 17 geela kala bar u qaybiyaan, ama saddex-meelood u kala qaybiyaan, ama sagaal-meelood u kala qaybiyaan. Muran iyo khilaaf xoogan baa soo dhex galay wiilashii waxaana ay ka gaadhay meel daran. Ka bacdi waxay ku heshiiyeen inay isula tagaan cid kala saarta waxaanay isula tageen nin xikmad badan.
Ninkii si fiican buu u dhagaystay wiilashii waxaana ay isla xisaabiyeen qaybtii geela iyo dardaarankii oo noqday sidan:
• Markii 17 geela 2 meelood loo qaybiyey waxay wiilka weyn qaybtiisii noqotay 8.5
• Markii 17 geela 3 meelood loo qaybiyey waxay wiilkii labaad qaybtiisii noqotay 5.66
• 17 geela 9 meelood loo qaybiyey wiilkii ugu yaraa waxay qaybtiisii noqotay 1.88
Kolkii xisaabtii sidaa u adkaatay baa waxgaradkii fekeray oo arrintii rog-rogay, xisaabtiina caqli ku daray. Waxaa uu xoogga saaray in uu keeno xal wada-ogol ah, waqtina waa galiyey. Ka bacdi waxa uu yeelay sidan:
• 17kii geela ahaa waxa uu kusoo daray neef geela oo uu isagu leeyahay waxayna isku noqdeen 18 geela
• Ka bacdi 18kii geela ahaa waxa uu u qabyiyey 2 qaybood oo middiiba noqotay 9. Markaasbuu wiilkii weynaa siiyey 9 neef oo geela
• Haddana 18kii buu u qaybiyey saddex meelood meel oo noqotay 6. Markaasbuu wiilkii labaadna siiyey 6 neef oo geela
• Haddana 18kii buu u qaybiyey sagaal-meelood oo meeshiiba noqotay 2. Markaasbuu wiilkii saddexaadna siiyey 2
• Marka intaa laysu geeyo waxay noqdeen 17 geela (9+6+2)
• Isna neefkiisii oo u soo hadhay buu kaxaysay halkaasna waxaa uu ku xalliyey khilaafkii loo maaro la’aa. Waxaa weliba xusid mudan, in wiilashii mid kastaa helay intii markii hore xisaab ahaan ugu muuqatay in ka badan.
Sidaa darteed, inkastoo ay madaxdu yihiin kuwa shiraya ee mushkiladaha xallinaya, haddana waxa muuqata in haddii talo lagu daro ay wax weyn u tarayso, iyadoo weliba aan talada lagala waraygaynin laguna qasbaynin ayna dhici karto intii ay danta u arkayeen wax ka badan inay ka faa’iidaan.

Hordhac

Wax la is jiidjiidaba, si loo maareeyo khilaafyada beryahan taagnaa, waxaa aakhirkii la isugu yimid Caasimadda Muqdisho oo gogol wada-hadal u taallaa Madaxda Soomaaliya ugu saraysa oo aan cid ka maqnayn si loogu gorfeeyo xalna looga gaadho arrimaha siyaasadeed ee ku gedaaman doorashooyinka soo socda. Waxa aan meesha ka madhnayn turxaan bixin tabashooyin siyaabo kala duwan loo kala tirsanayo.
Waxaa indhaha iyo dhegaha in ka badan 20 milyan oo Soomaali ah oo Geeska Afrika iyo daafaha dunida, iyo weliba dhammaan beesha caalamka inta arrimaha Soomaalida danaysaa kusoo maqan yihiin Muqdisho, iyadoo la filayo in aad shan (5) xaaladood ama maxsuul midkood kusoo dhammaysaan arrimaha idin hor yaalla.
Shantaas oo kala ah:

1aad: In qaarkiin la muquuniyo, la cadaadiyo oo la jiidhsiiyo xal aanay iyaga iyo inta la jirtaa raalli ku ahayn
2aad: In qaarkiin tanaasulaan oo gebi ahaanba ka laabtaan mawqifyadii ay ka taagnaayeen arrimaha idin horyaalla
3aad: In aad wax xal ah isla gaari waydaan, xaqiiqda ka warwareegtaan oo indhaha ka qarsataan qodobada masiiriga ah oo aad wax qabyo ah iyo af-gobaadsi ku kala tagtaan
4aad: In aad isu-tanaasul samaysaan, meel dhexe isugu timaadaan oo mid kastaa kasoo kaco halkii uu taagnaa
5aad: Iyo in aad gaartaan xal isla-ogol ah, danihii aad matalayseen ka wada muuqdaan, wada guulaysataan isla markaana raalli ku wada tihiin idinka iyo inta idin kala taageersaniba

Shantaas maxsuul midkastaa cawaaqibkiisa ayuu leeyahay. Cidhibtiisa dambena waxaa u aayidoona ummadda Soomaaliyeed ee aad waqti xaadirkan wakiilka uga tihiin masiirkooda. Shantaa xal mid kastaa wuxuu ku haboon yahay waqti iyo xaalad gaara. Waqti xaadirkan midka ku haboon iyo saddexda sheekoo ee hoos ku qoran is qabadsiintooda ayaa idiin taalla. Allah ha idinku garab galo.

Iyadoo ay sidaa tahay oo intaa midkood la idinka sugayo, waxaa isla hadda la saadaalin karaa shantaa xal midka aad dhankiisa u jarjeedhaan. Tusaale ahaan, haddii la idinka arko idinka oo doodaya, xaaladda qiimaynaya, isku miisaamaya mawqifyada aad kala taagan tihiin, u diyaara in aad wax ka tanaasushaan, markaa waxaa la odhan karaa maxsuulka 4aad baa ifafaalihiisu idinka muuqdaan. Haddiise la arko idinka oo afeef-dhigashadu idinku badan tahay, kolba qodob aan meesha qaban la imanaya, carqalaad abuuraya, tiinu idiin caddahay markaasna in aydaan xal la gaaro diyaar u ahayn baa muuqanaysa oo maxsuulka 1aad ah. Dhanka kale haddii la arko idinka oo is-dhagaysanaya, degdeg aanuu idinka muuqan, ku dedaalaya in aad fahamtaan dhinac qofka kale ka fiirinayo, garawshiiyo muujinaya oo hadallado xanaf-tiran ku hadlaaya, markaasna in aad maxsuulka 5aad xagiisa u socotaan baa muuqanaysa.

Dabcan waxaa intiinaba saamayn idinku leh arrimaha ay kamid yihiin dabeecadihiina, rabitaannadiina shaqsiga ah ama wadareed, dadka idinku xeeran iyo heerta saamayntooda, masuuliyadda iyo xisaabtanka aad ka filaysaan dadka.

Dhanka kale, dadka idin dhowryada laftoodu waxay u qaybsamaan dhawr qaybood. Kuwo mid-mid idiin taageersan oo aaminsan in aad marwalba dantooda matalaysaan. Kuwo mid-mid idiinka soo horjeeda oo aaminsan in aad liddi ku tihiin danahooda. Iyo kuwo meel dhexe taagan oo idinku qiimaynaya hadba sida ay danta guud idiin ku weyn tahay ee ay idiin ku yar tahay danta deegaan gaara, koox gaara ama tiinuba. Sababta oo ah, si kastoo aad maanta uga soo kala jeedaan deegaammo, beelo ama xisbiyo, ajandaha idin horyaallaa waa mid Qaran, waa mid Guud, waa mid aan dan u noqon karin kaliya inta aad markii hore matalayseen. Xalka aad gaartaan waa mid fulintiisa la wada leeyahay oo qof kastaa idinla leeyahay. Xaalku waa xikmaddii Soomaaliyeed ee ”wixii hooyada u dana baa ilamahana u dana”(ilmaha uurka ku jira).

HADDABA, sideee saddexdan (3) sheeko u iftiiminayaan xalka maanta loo baahan yahay?

Sheekada 1aad

Labadii Qoys ee Geedka Isku Qabtay

Sheekadan oo kamida kuwa xallinta khilaafaadka ugu xikmadda badan baa ku saabsan laba qoys oo guryahoodu isku xigeen oo isku qabsaday geed dhexdooda ka baxay, ka bacdi markuu weynaaday. Markii muddo khilaafkoodu jiitamay baa la dhex galay oo la wada-hadalsiiyey. Waxaa la ogaaday in aan midna midka kale ka adkaan karin oo muquunin karin oo tiisa marsiin karin (sida aan maxsuulka 1aad kusoo sheegnay). Waxaa kale oo laga codsaday in uu labada qoys mid ka tanaasulo oo midka kale u daayo geedka, xalkaasna waa diideen (fiiri maxsuulka 2aad). Waxaa laga codsaday inay geedkaba iska ilaawaan oo labadooduba kasoo qaadaan in aan dhibba jirin, taasna waa diideen oo waxay ku adkaysteen in geedka xal laga gaaro haddii kale aanay nabad helaynin (maxsuulka 3aad). Waxbaa meesha ka salaglehe, waxaa haddana laga codsaday in geedka laba loo kala jaro oo midba qaybtiisa siduu doono ka yeelo, kaasna waa diideen oo waxay ku doodeen in geed la kala jaray waxba ugu filnayn oo qalalidoono (maxsuul 4).

Waxaa laysku dayey in la helo ama iyagu islaa helaan xal isla-ogol ah oo danahooda is waafajiyaan laakiin caloolxumada iyo iyaga oo isu fiirsanayey oo is dhaliilaayey awgoodd, may u suurtogelin inay isku dayaan inay danahooda is-waafajiyaan (maxsuulka 5aad).

Intaas markii midna lagu xallin waayey baa la go’aamiyey oo loo soo jeediyey in geedka dhan la jaro si khilaafkoodu meesha uga baxo. Iyagiina waa aqbaleen. Ka bacdi sidii baa geedkii lagu jaray! Dullinimo waa midda dambaysee, labadii oday ee labada qoys u talinayey baa maalin dambe is waraystay oo isweydiiyey waxa uu mid kastaa geedka u rabay iyo danta uu ka lahaa. Mid kamida baa yidhi, ”anigu caleenta geedba baa daawo ii ahayd oo aan ku caafimaadi jiray maalintii la jaraybaana daawo iigu dambaysay”. Kii kale oo yaaban baa isla yidhi, ”wallahi anigu caleentiisa weligay uma baahan, laakiin gelinka dambe baan hooskiisa harsan jiray”. Kii kale baa intuu soo booday isna yidhi, ”wallahi anna weligay uma baahan hooskiisa”. NASIIB-DARRO, waa goor ay geedkii ku jareen TALO-XUMO! Bal maxaa ka xumaan lahaa haddii ay danahooda iska waraysan lahaayeen oo is waafajin lahaayeen iyagoo raadinaya xal isla-ogol ah (sida maxsuulka 5aad dhigayo). Idinka ayaan idiin dhaafay xikmadda sheekadan iyo waxa ay inooga iftiiminayso xalka maanta loo baahan yahay.

Sheekada 2aad

Saddexdii Caruur Ahayd ee Liinta ku Dagaalamay

Waxaa la sheegay in saddex wiil ahi habeen ku dirireen xabbad liin ah oo kalideed guriga taallay. Mid kastaa waxa uu rabay in uu liinta isagu qaato. Iyagoo xoog u dagaalamaya baa waxaa u timid hooyadood oo weydiisay sababta ay u dirirayaan waxayna u sheegeen xabbad liina oo kaligeed guriga taalla in uu midkastaa rabo. Hooyadii waxa u muuqatay in aanay kala adkaan karin oo midna kalidiis liinta xoog ku qaadan karin. Markaas waxay qaaday liintii oo ay ka codsatay inay iska iloobaan inta waagu baryayo waana ay diideen oo waxay ku adkaysteen in habeenkaa lagu kala baxo. Hooyadii waxay ka codsatay inay isu-daystaan oo mid looga hadho taasna waa diideen. Kabacdi waxay ka codsatay inay wada-hadal galaan oo xal ay iyagu keeneen ku dhammeeyaan khilaafka liinta, taasna xaalkooda oo xumaaday, cadho iyo ciil ay kala tirsanayaan baa u suurtogalin wayday inay si degan u wada hadlaan oo danahooda is waafajiyaan.

Intaas ka bacdi, hooyadii inta ay mindi soo qaadatay bay liintii u kala qaybisay 3 qaybood oo is le’eg. Kolkaas bay midkiiba siisay qayb. Iyagoo aan qanacsanayn laakiin xal kooban helay oo midkastaa intii uu rabay saddex marka loo qaybiyo hal qayb kaliya helay bay la kala dhaqaaqeen. Hase ahaatee, saddexda wiil mid waxa uu rabay midhaha (miraha) oo intuu 2 midho kaliya helay buu intii kale tuuray. Wiilkii kalena waxa uu rabay liinta diirkeeda oo inta uu diirkiii la baxay buu intii kale tuuray. Midkii kalena waxa uu rabay in uu liinta cuno markaa jeexii uu helay buu cunay mirihii iyo diirkiina waa uu tuuray.

Bal doqonniimadooda, haddii ay isweydiin lahaayeen midkastaa waxa uu liinta u rabo, mid kastaa waxa uu heli lahaa qaybtii uu rabay oo dhammaystiran. Waxaa seegtay inay danahooda is waafajiyaan oo xal isla-ogol ah isla gaaraan, taasna waxaa u fududayn lahayn in midkastaa waqti geliyo in uu dantiisa iyo danta kuwa kale is-waafajiyo. Haddii ay isweydiin lahaayeen ”maxaad ku falaysaa” ama ”ii sheeg danta aad ka leeedahay liinta”, dagaalna ma dhex mareen qof kastaana waxa uu helilahaa wax dhammaystiran. Haddii ay isweydiin lahaayeen ”maxaad ku falaysaa” ama ”ii sheeg danta aad ka leedahay liinta”, dagaalna ma dhex mareen qof kastaana waxa uu helilahaa wax dhammaystiran (sida maxsuulka 5aad dhigayo). Xikmadda sheekada iyo sida ay u tilmaamayso xalka maanta madaxda laga rabo idinka ayaan idiin dhaafay!

Sheekada 3aad

Xalkii Dhismaha Kacbada iyo Nabi Maxamed (scw)

Sida aan Siirada Rasuulkeenna ku dhiganay, markii Kacbada la dhisaayey waxaa Nabi Maxamed (scw) ku soo baxay iyada oo qabiilooyinkii Quraysh khilaaf ba’ani soo dhex galay ka bacdi markii ay isku khilaafeen qabiilkii Xajar-aswadka dhigi lahaa meesha loogu talo galay ee Kacbada. Jufo kasta oo meesha joogtay waxay ku dooday inay iyadu xaq u leedahay inay dhagaxa madow dhigto meesha loogu talo galay. Qabiil kastaa waxa uu rabay in uu qaato sharafta iyo maamuuska dhagax-dhigga. Waxa meesha ka muuqday 5 qaab inay u xalliyaan mushkiladda. Waa ta koowaade, inay qolo xoog ku muquuniso kuwa kale oo iyadu dhagaxa xoog ku saarto meesha (sida maxsuulka 1aad tilmaamayo). Waxa kale oo muuqatay inay isu-daystaan oo hal qolo looga tanaasulo (sida maxsuulka 2aad). Waxaa dhici karaysay inay yidhaahdaan halkaa inoogu joojiya oo ay baajiyaan inay xal ka gaaraan (sida maxsuulka 3aad). Waxaa kale oo iyana adkaatay inay meel dhexe isugu yimaadaan sababta oo ah dhagaxuna waa hal xabo oo ma qaybsamayo meesha la saarayaana waa hal meel (sida maxsuulka 4aad). Sidoo kale, xiisadda dhalatay, damaca, qabka, cabsida iyo shakiga ay jufooyinka Qurayshi kala qabeen, waxaa u suurtogali wayday inay danahooda is waafajiyaan oo xal isla-ogol ah isla raadiyaan (sida maxsuulka 5aad tilmaamayo).


Iyadoo isku-dhac weyn laga baqayo baa waxaa kusoo baxay Nabi Maxamed (scw) oo markaa ahaa nin dhalinyaro ah laakiin run-sheegnimo iyo amaano lagu yaqaanay. Ka bacdi waxa ay u sheegeen khilaafkii jiray iyaga oo ka codsaday in uu dhexdhexaadiyo. Xabiibku (scw) taariikhdooda muu ku mashquulay, yaa laandheere ah, yaa dhigi jiray hadda kahor, yaan hore u dhigin oo markan xaq u leh, yaa xoog badan iwm. waxaas kuma mashquulin waqtiga ma iska gelinin. Waxa uu toos u abbaaray sidii uu danahooda isu waafajin lahaa. Waxa uu falanqeeyey isku dayey inuu fahmo waxa la isku hayey waxay yihiin. Mawqifyadooda muu eegine danahooda buu fiiriyey. Wuxuu ogaaday inay dhammaantood raadinayaan SHARAF, MAAMUUS, BARAKO iyo MAGAC u gala taariikhda. Ka bacdina waxa uu keenay xal ay dhammaantood sharafta, maamuuska, barakada iyo magaca ku wada helaan. Waxa uu usoo jeediyey inay go’ ku dhex ridaan dhagaxa iyagoo dhammaantood hareeraha isla qabanaya sidaana iyaga oo isu dhan xajar-aswadka meesha loogu talogalay u wada saaraan. Waxa uu Udgoonuhu (scw) keenay xal isla-ogol ah oo danahooda is waafajiyey sida maxsuulka 5aad dhigayo. Xikmadda sheekada iyo sida ay ula xiriirto xalka madaxda looga fadhiyo idinka ayaan idiin dhaafayaa.

Maxay Wadaagaan Saddexda Sheeko?

Saddexda sheekaba waxaa ka dhexeeya muhiimadda ay leedahay in mushkiladaha lagu xalliyo maxsuulka 5aad ee ah ”in lays waafajiyo danaha kala duwan xooggana la saaro helidda xal isla-ogol ah” – waa waxa afka qalaad ”win-win” lagu yiraahdo. In xalkaa la gaadho waxaa fure u ah tallaabooyinkan iyo sifooyinkan:
1. In waqti la galiyo in la fahmo danaha hoose (ma aha mawqifyada afka laga sheego) ee dadka wax idinka dhexeeyaa ka leeyihiin arrimaha laga wadahadlayo
2. In aan maanta iyo waxa la goosan karo la fiirin ee la fiirsho mustaqbalka iyo saamaynta taban iyo midda togan ee mustaqbalka fog
3. In la kala saaro caadifadda, jacaylka iyo nacaybka shaqsiyaadka oo dhinac ah iyo qaddiyadda iyo mushkiladaha xalka u baahan oo dhanka kale ah
4. In arrin iyo qaddiyad laga hadlo oo aan ashkhaas, kooxo iyo marxalad gaara laga hadal
5. In mustaqbalka la fiirsho oo aan wax badan gadaal la eegin. Mustaqbalka oo la toosiyaa wixii hore u dhacay ku saxmayaan. Haddii tagtadii lagu mashruulo looma tabaabushaysan karo mustaqbalka xawliga kusoo socda
6. In mabdi’iyan, dhammaan wixii siyaasad ku tacaluqa loo arko ”sax” iyo ”qalad” ee aan loo arkin ”xaq” iyo ”baadil”. NASIIB-DARRO, Soomaalida waa iskaga qaldan yihin labadaasi. Arrin qof u arko ”xal” marna ma noqon karto midda ”xaqqa” ah! Arrin aad ”qalad” u aragtaana sina kuma noqon karto ”baadil”. Hadaad adigu ”xaq” isu aragtid waxa kuu fududaanaysa inaad dhib gaysatid adigoo maqiiqan. ”Xaq” waxaa ah wixii Waxyi kusoo degay. Fahamka uu qof xaalad si u fahmo oo xal u arkaa kama dhigayso ”xaq”.  Imaam Shaafici baa laga hayaa, ”ra’yigaygu waa sax waana qaldanaan karaa, ra’yiga dadka kalena waa qalad waana saxsanaan karaa”, isagoo weliba Aayado iyo Axaadiis Waxyi ah fasiraha! Haddii qofku is aaminsiiyo in uu ”xaq” ku taagan yahay dadka kalena ”baadil” wadaan waxaa ka dhalanaysa in uu qofku tallaabooyin xadgudub ah qaado.

Ifafaalaha Muuqda

Runtii marka sida wax u socdaan la qiimeeyo wax dhibaato weyn oo laga wabiyaa ma jiraan. Haddana siyaasaddu saadaal maleh. Waxaase ilaa hadda muuqda yididiilo, bisayl iyo tallaabooyin hore loo qaaday iyada oo dhinacyadu isu-tanaasul muujiyeen marar kala duwan. Xikmad Soomaaliyeed baa tilmaanta in mar haddii qofka Soomaaliga ahi ogolaado inuu qofka kale la kulmo, in waxa la sugaaba yahay heshiis ”aan wadahadalno waa aan heshiino”. Waxaa la tilmaamaa, in qofka Soomaaliga ahi heshiis qaatay markuu ogolaaday inuu gogosha yimaaddo. Taasi waa ifafaalaha fiican. Hase ahaatee, si fudud bay hawluhu u xumaan karaan haddaan markasta la xasuusan masuuliyadda masiirka ummadeed iyo cawaaqibka fog ee saamaynta ku leh samaanta iyo hiigsiga himilo mustaqbal la wada leeyahay.

Wa Billaahi Tawfiiq
Nabadoone Jaamac Cigaal
taloi.jama@gmail.com




    Faallo 20 September 2020 15:58

    Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin. Dow ma aha in xukun ku saleysan mala awaal aan ku rido, ama aan canaan kala dul dhaco mid ka mid ah dhinacyada faraha badan, ee toos ama si dadban u yeelan kara mas’uuliyadda mar-fashilka.